SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah". iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" wareysi

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) SomaliTalk Jabuuti.

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" wareysi

Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan oo ka mid ah xubnihii ARS-ta ee lagu dhaariyey Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, kana mid ahaa xubnaha ka socdey Jaaliyadaha Dibadda ee dalka Mareykanka oo aan kula kulmey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti 24/02/2009-ka, waxna ka weydiiyey sida uu u arko xilka uu qaadey, sababaha ku kalifey qaadista xilkan, sida uu u arko qaabka loo dhisey xukuumada cusub, farqiga u dhexeeya inta uusan ku biirin Baarlamaanka iyo marka uu ka mid noqdey iyo su’aalo kale oo muhiim ah ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri

"xilka aan qaadey waxaan u arkaa mas’uuliyad aad u culus oo aan qaadey, mudana waajibaadkeeda in laga soo baxo,hadii la helo dowlada la dhisey dadd daacad y ah, dowlada la dhisey ma ahan Dowlad xaq raadin ee waa dowlada xal raadin ah, sababtoo ah waxaa jira qaybo badan oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed oo dolman". Ayuu yiri mar uu ka hadlaayey sida uu u arko xilka uu qaadey.

Mar uu ka hadlaayey sababaha ku kalifey inuu xildhibaan noqdo ayaa wuxuu yiri "waxaa igu kalifey soo celinta mustaqbalka Soomaaliya inaan ka qayb qaato, maadaama aan ahay aqoonyahanahada Soomaaliyeed, waajib ayeyna igu tahay arintaas, inaan qayb weyn ka qaato".

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey sida loo dhisey Xukuumada cusub ayaa wuxuu yiri "Xukuumada hada la dhisey waxaan u arkaa in la taageero, inkastoo dal daloolo ay leedahay oo aad u fara badan, waxaana aad u badan tirada Wasaaradaha iyo Xafiisyo ku filan oo aan la heleyn, Miisaaniyad ku filan oo ay ku shaqeyso oo aan lahayn, sidaas ay tahayna wax kasta oo la bilaabayo khalad lagama waayo, waqtiga dowlada ay haysato khaladaadka la galo waxay noqoneysaa, khibarad waayo aragnimo, in la saxo tan ka dambeysa, hadiise aan xooga sii iftiimiyo dhaliilaha dowalada Beelaha Soomaaliyeed sidey u dhan waxaa ka soo yeeraya cabashooyin, marka laga reebo kuwa kusoo baxay jagooyinka muuqda".

"hadii aan Isbarbar dhig ku sameeyo inta aan ku biirin Baarlamaanka iyo marka aan ku biirey, markii hore waxaan ahaa maamulaha Ganacsatada Suuqa Al-karaama Mall (SOMALI MALL) oo ku yaala Minneapolis,ilaa Minnesota iyo mudo 8 Sano, waxaan keloo ahaa Ardey dhigta Jaamacada Minnesota, waxaan keloo ka mid ahaa Hogaamiyeyaasha Jaaliyada Soomaalida dalka Mareykanka, markii la ii dhaariyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaan dareemey inaan Xildhibaan u ahay Ummada Soomaaliyeed meel kasat oo ay joogto, taasoo tiradeeda lagu qiyaaso 10 Milyan, waxaana maankeyga ka guuxaya soocelinta sharaftii Ummada Soomaaliyeed" ayuu yiri isagoo is barbar dhig ku sameynaya intii uusan baarlamaanka ku biirin iyo markii uu ku biireyba.


Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan

Ugu dambeyn Xildhibaanku mar aan weydiiyey markaad si guud u eegto u eegto Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumada , sida ay isula jaan qaadayaan, sidey dowlada ugu guuleysan kartaa hawlaha loo xilsaarey ayaa isagoo su’aashaasi ka jawaabaya wuxuu yiri.

"hada hawshu waa arin bilow ah, laakiin waxaan qabaa, in Golayaasha Dowlada iyo Madaxweynaha ay si guud iyo si gaar gaar ah isaga war qabaan, si xubin kasta oo dowlada ka tirsan, ay u ahaadaan kuwo iska warqaba, loogana gudbo khaladaadka yar yare e mararka qaar soo bixi kara". Ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan.

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla "Markii uu Jihaadka Iclaaminayey Madaxweynuhu, ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah".

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo u warameysey Somalitalk ayaa waxay tiri "qaabka loo dhisey Xukuumada wuxuu ahaa qaab Indho la’aan ah, lamina sheegi karo waxa ay tahay, dadka qorey Xukuumada khibrad Uma laha sida ay dadka wax u kala qaybsadeen ama aqoon kale, waxayna ku tusineysaa Xukuumada la soo dhisey in aysan ahayn kuwo u qalma Wasiir-nimada, taasina waxaa ka daran waxay u badan yihiin dadd hore uga soo noqdey dowladii Cabdullaahi Yuusuf Wasiiro oo dembiyadii dhacay lug ku lahaa, qaarkood waxay ahaayeen ragii dadka laayey sida Qaraxii Cabdullaahi Yuusuf ama wadaado ha u adeegsadaan ama iyagaba ha fuliyaane, tusaale Fadeexadii Xukuumadii Nuur Cadde lagu ridey ama ay isaga horymaadeen isaga iyo Cabdullaahi Yuusuf, dadkii ka dambeeyey ayaa lagu soo darey Xukuumada cusub, inta kale waa dad cusub oo ka soo jeeda Is-bahaysiga iyo Taageerayaashooda oo aan lahayn khibrad siyaasadeed" ayey tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla

"waxaana la dhihi karaa waa dowlad Indho la’aan ah oo aan laga fiirsan, magaca ay xambaarsan tahay iyo dadka loo xuley isma laha sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuba, ma leh khibrad siyaasadeed, marka intaas laysu geeyo, Soomaalidu waxay tiraahdaa ninkaad Kabo ka tolaneyso Kabihiisa ayaa la eegaa, Madaxweynuhu waa nin cadaalada ka fog, 275 Xildhibaan buu gacantiisa kusoo xuley, Jaatarkuna waa ku dhaartey, kuraastii Dumarka waa ka tegey, Bulshadii rayidka Kuraastooda waa ka tegey, waxaan u tagney inagoo Dumar badan ah isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaan u sheegney Kuraasta naga maqan, Gudoomiyaha Baarlamaanka isaguna wuu ogyahay, wixii dulun ku bilowdaa dulun bey ku dhamaadaan, waxaan ka codsanayaa Haweenka walaalaheyga Soomaaliyeed ineysan Kalsoonida siinin, Hay’adaha Xuquuqul Insaanka waxaan u sheegayenaa in Haweenka Soomaaliyeed duudsi lagu sameeyey, wixii dhibaato ka soo gaartey Haweenka iyo Caruurta Soomaaliyeed markii uu Jihaadka Iclaaminayey Madaxweynuhu, ma ahayn Jihaad ee waxay ahayd Jihaad Kursi doon ah ".

Mar ay ka hadleysey Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla Baarlamaanka ayaa waxay tiri Baarlamaanka xaalkiisa ma ahan wax culus, hadii uu helo hogaan toosan, waxaana loo qaybin karaa Gudiyo shaqeeya, dadd badan oo wax bartey ayaa ku jira, kuwa cusub iyo kuwii horeba, inkastoo 550 Xildhibaan awood dhaqaale haysan waxay u badan yihiin Qurbo jog, taasina waxay ku tusineysaa diiwaan gelintooda iney dhib tahay, laakiin waa sahlanaaneysaa hadii la helo dad aqoon leh".


Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla

Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti 23/02/2009-ka waxay hadalkeeda kusoo gebagebeysey "waxaa xalka Soomaaliyeed ku jiraa in dhabta loo noqdo oo ay soo baxaan dad wadaniyiin Soomaaliyeed ah oo gudaha iyo gibadda iska kaashada, sidii xal loogu heli lahaa, 550-ka dhibka ka jira Soomaaliya waxba kama qaban karaan, waxayna u baahan tahay Gacmo wada jir ah, faragelinta gacmaha shisheeye iyo kuwa ay ku shaqeystaan, waxaan u arkaa Soomaaliya oo Maabka aduunka laga sii weynayo oo qoloba qolo lagu dirayo,shacabka Soomaaliyeed waa iney arkaan khatarta aan ku socono iyo kheyraadka aynu leenahay oo dadkeenu ay u dhimanayaan".

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) SomaliTalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 25, 2009

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

 

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS