SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka.

  • Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdullaahi OmaarWasiirka Arimaha Dibadda ee DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo wareysi gaar ah aan kula yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti waxna ka weydiiyey tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo, sida ugu guuleysan kartaa mas'uuliyadaas miisaankeeda leh, tilaabada uu ka qaadanayo faragelinta shisheeye, sida uu ugu hawlgalayo shaqeyn la'aanta Baasaboorka, kulankoodii ugu horeeyey ee Golaha Wasiirada waxa layskula soo qaadey in ay ku jireen arimaha dibadda, isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri:

Tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo ayaa wuxuu yiri " waxaan qaadeynaa Ururin macluumaad iyo xaqiijin waxa runtu tahay ee xaalada dalka , dadka Soomaaliyeed iyo dowlada wixii u diyaar ah, waxaana dooneynaa iney waqti yar nagu qaadato arimahaasi, tilaabada xigta ee aan qaadeyno waa inaan ku dadaalno aduun-weynaha, Dowlada cusub iyo dalka xiriirkooda, safarkii ugu horeeyey ayaan bilaabayaa 26/02/2009-ka oo aan ku tagayo Brussels, waxaana filayaa inaan ka qayb galo shir looga hadlaayo mucaawinooyinka iyo hab wada shaqeynta dowladan cusub ee ka wada dhexeeya Beesha caalamka oo ay ka soo qayb galayaan UN-ka, EU-da, dad ka socda dowlada Mareykanka, African UNION iyo IGAD, waana qodob anaga fursad inoo noqonaya."

Mar uu ka jawaabayey Wasiirku su'aal ahayd sida uu ugu guuleysan karo mas'uuliyadaas miisaankeeda leh ayaa wuxuu yiri " waxaa loogu guuleysan karaa marka hore daacadnimo iyo iimaan Alle ku xiraasho, hadii aysan taasi jirin sal maleh, waxaa xiga in farsamo lala yimaado oo hawsha lagu qaban karo oo aan ahayn mid aniga igu kooban, dadka, dhalinyarada Soomaaliyeed ee ficilka iyo dareenku ku jiro, inaan ka faa'iideysano awoodooda iyo tamartooda, Aduunkuna aan u bandhigno inaan u hadleyno dadka Soomaaliyeed ee aan wakiilka ka nahay, dowladda iyo madaxweynaha dadka hogaaminaya in ay yihiin dadkii fursada u furey in dadka Soomaaliyeed iney joogaan meel ay waayo cusub ugu dhalan karaya " .

"Waa jirtaa in dad badani yiraahdaan faragelin dibadeed oo noocyo fara badan leh, waqtigan hada lagu jiro aniga waxaa ii muuqda, ma ahan qodobkaas, sababtoo ah qodobkaas waxaad ka hadli kartaa marka aad adigu awood u hayso, laakiin waxaa ka soo horeeya daruufo, inkastoo ay muhiim tahay xiriirka dibadda waxaa inooga horeeya in aan helno awood iyo taageero aan nabad ku dhalino oo aan ku dejino dalka iyo dadka, cid kasta oo aan u kaashano ka waaban meyno, dareen ama ficil la yiri wax bay ku faragelinayaana ugu joogsan meyno, hadii nabadgelyada waqti la siiyo oo aad dadkaadii dhisto, waxani waa wax iska fur furmaya ee ma ahan waxani wax meel weyn jira, waxaana haboon inaan jaanis siino dadkii Soomaaliyeed ee barakacay si ay uga soo kabtaan dhibaatadii gaartey oo ay guryahooda ku soo noqdaan caruutii iyo haweenkii ay helaan caafimaad iyo wax-barashadii ee ay xaqa u lahaayeen " ayuu ku jawaabey mar aan weydiieyey Soomaaliya 19-kii sano ee dowlad la'aanta ka jirtey waxaa la sheegaa in faragelin badan lagu hayo, sida kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya, kuwa deriksa ah iyo kuwo kale oo dahsoon, maxay tahay tilaabada aad ka qaadeysaa arintaas .

Wasiirka Arimaha dibadda mar aan weydiiyey Baasaboorkii Soomaaliya ay lahayd waxaad moodaa in uusan ka shaqeyn guud ahaan caalamka, marka laga reebo dowlado yar, kii hore iyo kan cusub ee dhowaan la sameeyeyna shacabka Soomaaliyeedna Baasaboorku muhiim ayuu u yahay sidee baad u hirgelindoontaa arintaas ayaa wuxuu yiri "wey jirtaa arintaas waana waxyaabaha aan dooneyno inaan safaaradaha Soomaalida dibadaha jooga, warbixinadoodii baan sugeynaa iney ka soo waramaan, mowduucyada aan ka codsaney, laakiin tan muhiimka ah waxaa weeyaan, Baasaboorku dadkeena wey u baahan yihiin in ay helaan loogana dhigo wax ay ka qaadan karaan dalkooda iyo safaaradaha dibadda, inkastoo waqtigan xaadirka ah dhibaatooyinka Baasaboorada ka yimid, waxay ku yimaadeen waxyaabihii hore iyo qaladaadkii dhacay, marka laguma sixi karo maalin, todobaad ama bill, waxayna u baahan tahay in si fiican loo derso mush-kiladaha ka taagan, aragnana dowladaha diidan iyo sababaha ay u diidayaan oo xalkoodiina lala yimaado marka dambe, waana dhib taagan oo dadka Soomaaliyeed ay ku dhib qabaan, waana qodob aan aad iyo aad ula socono, waxayna u baahan tahay in jidkeedii la mariyo ".

Maxamed Cabadullaahi Omaar mar uu ka hadlaayey tirada safaaradaha Soomaaliya ay aduunka ku leedahay, dalku in uu awoodo dalka safaaradahaas maalgelitooda iyo wax qorshe ah inuu ugu jiro in la xoojiyo safaaradahaas ama in la dhimoba ayaa wuxuu yiri:

"Safaaraduhu waxaa loo furaa marka ay baahi jirto oo la taabankaro, waana mid aduunka oo dhan ku camal fala, laakiin wey jiraan wadamo safaarado Soomaali ay ka furan yihiin oo safaaradahaasi ay ka mas'uul yihiin wadamo badan, sida safaarada Iiraan waxaa hoos yimaada oo ay maamushaa 4 wadan, sidoo kale safaaradihii Jabaan iyo Maleessiya aan ku lahayn waxay maamuli jireen dhowr wadan mid kasta, laakiin sidaad u kufto ayaa loo dhutiyaa, marka awoodeena iyo ficilkeena waa iney noqdaan wax is leh, waana qodob aad iyo aad u ogsoonahay, baahida dalku wey badan tahay, marka diyaar uma nihin wax aan loo baahneyn la geliyo xoolo ama maal badan, koleyba waqti baa imaandoona oo safaaradaha lagu sameyn doono in dib loo fiiriyo baahideena guud, halka ku haboon in aynu safaarad ku yeelano iyo shaqooyinka ay qabtaan, baahida guud ee dowlada xiligan waa arimaha nabadgelyada iyo gargaarka, waxayna ku cadahay Ajendaha uu soo gudbiyey Ra'iisul Wasaaraha Dowlada, Madaxweynuhuna meel kasta ayuu ka sheegey arintaas ".

Maxamed Cabdullaahi mar aan weydiiyey waxyaabihii ay iskula soo qaadeen kulankii ugu horeeyey ee ay ku yeesheen 22/02/2009-ka Hoteel Kempinski, arimaha dibadda maadaama isagu uu yahay Wasiirkii Arimaha dibadda ayaa wuxuu yiri " waa lasyku soo qaadey sababtoo ah, socdaalkii ugu horeeyey ayaan gelayaa todobaadkan, waxaana isaaran guud ahaan xilkii dowlada ee arimaha dibadda, si wanaagsana waa looga doodey, safarka aan gelayo iyo waxa isaaran, waxaana loo saarey gudi soo uruuriya arimaha jira ".

Ugu dambeyn Wasiirka arimaha dibadda DFKMG Maxamed Cabdullaahi Omaar ayaa shacabka soomaaliyeed wuxuu u soo jeediyey "dowladu ma ahan mid shakhsiyeed ee waa in ay fahmaan shacabka Soomaliyeed, inaan u hawl galayo oo aan u hiilineyno, waxaana ka codsanayaa iney kaga dhabeeyaan, raadinta iyo u hiilinta nabadeynta, marka xiga waxaan ugu hambalyeynayaa soo dhaweynta ay aad ugu dhaweeyeen dowlada, Madaxweyneheeda iyo Ra'iisul Wasaaruhuba ".

Baarlamaanka oo ka Doodaya Halka ay Noqoneyso Xaruntiisa KMG

Kulan looga hadlayo dhaarinta xubanaha Baarlamaanka cusub oo isugu jira kuwo Ururada Bulshada, Xildhibaanadii kale oo ka harey Is-bahaysiga iyo halka ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka DFKMG ayaa lagu wadaa iney ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, 23/02/2009-da.

Baarlamaanka KMG oo xaruntiisa ay ahayd Magaalada Baydhabo, tan iyo wixii ka dambeeyey 26/02/2006-ka ayaa waxaa gacan ku haynteeda la wareegey Xoogaga Al-shabaab, kadib markii xilka Madaxweyne uu ka degey Col/Cabdullaahi Yuusuf, islamarkaana uu Baarlamaanku ku qasbanaadey in uu doorto madaxweyne, lana helo goob amaan ah oo ay kasoo qayb galikaraan goob joogayaasha caalamka iyadoo lagu kordhinayo 275 kale xildhibaanadii hore.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2009


Waraaqo Lagu Daadiyey Hoolka Baarlamaanka Dhexdiisa oo Looga Soo Horjeedo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan
iyo Khudbad madaxweynaha Dawladda FKMG u jeediyey baarlamaanka.. Akhri... Feb 22

cumarBaarlamaanka oo ka doodaya Qorshe Hawleedka Xukuumada cusub, tirada Golaha Wasiirada magacyadooda oo dhameystiran iyo Qorshe Hawleedka xukuumada oo dhameystiran... Akhri...

xasan iyo shariifWaraysi: Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
waxaana u maleynayaa in Wasiirada lagu dhawaaqi doono Jimcaha/Sebti
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa" Akhri.. - Feb 18

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS