SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xildhibaan Shariif Maxamed Siciid “Wixii Nadiif Ah oo aan Dalka Dhibaato u Geysan, Waxay Ka Mid Noqonayaan Golaha Wasiirada, Laakiin Dembiilayaasha Dembigooda Meel Buu u Yaalaa…” wareysi xiiso leh
  • Xildhibaan Xasan Abshir Faarax “Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa” wareysi culus

Xasan Abshir Faarax: “ anigu Baarlamaanka talo ayaan ka dhiibtey, Baarlamaanku aad iyo aad buu u fara badan yahay, beeluhuna wey badan yihiin, wax aad tirada uga batey ma hagaagsana, Baarlamaanka laba aqal halaga dhigo, mid hoose iyo mid sare, labaduba wey wada shaqeynkaraan, laakiin Baarlamaan 550 xubnood ah meel ma wada fariisankarto, hadii talo la qaadanayo hadii labadaa loo qaybiyo, shaqadooda waa gudan karaan,”

Shariif Maxamed Siciid: “ka beesha shanaad ahaan Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ayaan wada kulaney, waxaana ka wada hadalney tirada Golaha Wasiirada, maantana Madaxweynaha ayaan wada hadalney, wuxuuna Madaxweynaha balan qaadey Wasiir muhiim ah in la siiyo, waxaana u maleynayaa aniga shariif ahaan shekhsiyan in lagu dhawaaqidoono Golaha Wasiirada, maalinta Jimcaha ama Sebti”.

Waxaa waraysiyada qaaday: Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.


Xildhibaan Shariif Maxamed Siciid “Wixii Nadiif Ah oo aan Dalka Dhibaato u Geysan, Waxay Ka Mid Noqonayaan Golaha Wasiirada, Laakiin Dembiilayaasha Dembigooda Meel Buu u Yaalaa…” wareysi xiiso leh

Xildhibaan Shariif Maxamed Siciid oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ARS, islamarkaana ka soo jeeda Beelaha banaadiriga oo aan kula kulmey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti 17/02/2009-ka waxna ka weydiiyey tirada Golaha Wasiirada cusub, Goorta lagu dhawaaqidoona, halka laga soo xulanayo Golaha Wasiirada cusub, tirada Baarlamaanka ee 550-ka, hadii 32 Wasiir iyo 32 Wasiir ku xigeen lagu daro halka laga keenayo dhaqaalahaas ayaa isagoo arimahaasi iyo kuwo kale ka hadlayo wuxuu yiri

“Golaha wasiirada waxaa laga yaabaa iney noqdaan 32, waxaa keloo jira dad qaba 36 in laga dhigo, kuwo kalena waxay qabaan 28, ilaa iyo hada wax go’aan ah oo laga gaarey ma jiraan, waxaa keloo la leeyahay marka laga hadlo qaabka loo qaybsanayo qaabka shanta Beelood ama 4.5-ka haloo qaybsado walina laguma heshiinin, markaan waxaa la doonayaa Wasiirada waaweyn si siman in loo qaybsado, waxaana lagu talo jiraa Beesha shanaad in hal Wasiir oo muhiim ah la siiyo” ayuu yiri Xildhibaanku isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey:

“ka beesha shanaad ahaan Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ayaan wada kulaney, waxaana ka wada hadalney tirada Golaha Wasiirada, maantana Madaxweynaha ayaan wada hadalney, wuxuuna Madaxweynaha balan qaadey Wasiir muhiim ah in la siiyo, waxaana u maleynayaa aniga shariif ahaan shekhsiyan in lagu dhawaaqidoono Golaha Wasiirada, maalinta Jimcaha ama Sebti”.

Mar uu ka hadlaayey Xildhibaan Shariif halka laga soo xulanayo Golaha Wasiirada cusub gudaha iyo banaanka ayaa wuxuu ku jawaabey “Gudaha iyo banaanka sida sharciga uu qabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaqo ku leh isagaana awood u leh meesha uu ka keenayo, dowladuna sida barnaamijka uu yahay, hadii lagu daaho 22/02/2009-ka ayaa dalka dib loogu noqonayaa, mucaaradkuna waanu la heshiineynaa, dibu-heshiisiinta ma dhamaanin wey socotaa, khasab waaye inaan la hadalno mucaaradka”.

“dagaal Ummada Soomaaliyeed wey ka daaleen, dagaal dambe ruuxii qaada waxaa loo aqoonsanayaa dembiile dagaal” ayuu ku jawaabey mar aan weydiiyey Malaga yaabaa in hawshiina ay noqonto dagaal sidii wadadii hore ee TFG.

Xildhibaanku mar uu ka Hadley tirada Baarlamaanka ee 550-ka, hadii 32 Wasiir iyo 32 Wasiir ku xigeen lagu daro halka laga keenayo dhaqaalahaas ayaa wuxuu yiri “ dhaqaalihii hore ee 275-ta ayaa laba loo qaybinayaa ee wax kale oo Ziyaado ah ma jiraan, dhaqaaluhuna wuxuu ka imaanayaa Qaramada midoobey iyo beesha caalamka, Soomaaliya hadii si cadaalad ah loo maamulo dhaqaalo ku filan wey leedahay, dekadaha, Garoonada Diyaaradaha, Ganacsatada oo canshuur laga qaado iyo IWM ah ayaa dhaqaalaha ka soo geli karo, balse six un ayaa loo maamulaa dhaqaalaha Soomaaliya”.

Marka si guud loo eego Xildhibaane xukuumada cusub waxaad moodaa in ay ku socoto wadii hore ee Xukuumadii TFG, marka arinkaasi sow caqabad kuma noqonkarto Xukuumada cusub “markaan runta kuu sheego TFG wey fashilantey, laakiin dowlada magaceeda waa TFG, dowladanina waa dowlad cusub, waxaana u badnaandoona Is-bahaysiga iyo Ururada Bulshada, waxayna ku soconeysaa siyaasad cusub, nidaam cusub iyo caqli cusub”.

Xildhibaan Shariif Maxamed Siciid wuxuu si weyn uga fogeeyey xubno uu ku tilmaamey kuwo dalka dembi ka galey ineysan ka mid noqondoonin Golaha Xukuumada cusub wuxuuna yiri “wixii nadiif ah oo aan dalka dhibaato u geysan, waxay ka mid noqonayaan Golaha Wasiirada, laakiin Dembiilayaasha dembigooda meel buu u yaalaa, anigoo aan magacooda sheegeyn, weyn is og-yihiin, shacabka Soomaaliyeedna waxaan u soo jeedinayaa iney nabada taageeraan”.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax “Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa” wareysi culus

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa Musharixiintii Xilka madaxweynenimada, islamarkaana ah nin xilal kala duwan ka soo qabtey dowladihii kala duwanaa ee soomarey dalka Somaaliya oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti 18/02/2009-ka ayaa mar labaad ku celieyey hadal uu hore uga jeediyey Baarlamaanka xiligii tartanka doorashada uu ku jirey aniga hore ayaan baarlamaanka uga sheegey, madaxweynahana waan u sheegey, Gudoomiyaha Baarlamaankuna waan u sheegey, hadana waan ku celinayaa waxaana leeyahay

“ anigu Baarlamaanka talo ayaan ka dhiibtey, Baarlamaanku aad iyo aad buu u fara badan yahay, beeluhuna wey badan yihiin, wax aad tirada uga batey ma hagaagsana, Baarlamaanka laba aqal halaga dhigo, mid hoose iyo mid sare, labaduba wey wada shaqeynkaraan, laakiin Baarlamaan 550 xubnood ah meel ma wada fariisankarto, hadii talo la qaadanayo hadii labadaa loo qaybiyo, shaqadooda waa gudan karaan,”

Xildhibaan Xasabn Abshir wuxuu kaloo wareysigiisa ku sheegey “Golaha wasiirada cusub iney ka bataan aniga ma qabo, 23 ilaa 31 inta u dhexeysa marna inaan laga badin, waxaana ku talin lahaa 27 iney noqdaan, sidaas in lagu qanco ayaan qabaa, maxaa yeeley meesha lama wada joogi karo, rag badan baa tartamaayey, madaxweynaha ninka uu u magacaabey Ra’iisul Wasaaraha aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa, gacan halasiiyo ayaan dhihi lahaa Soomaali oo dhan sidaas ayaa dani ugu jirtaa”.

Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey sababta uu ugu doortey in 27 ama 31 wasiir in laga dhigo Golaha Xukuumada cusub, hadalo kale oo ka soo yeeraya in UN-ku ay soo jeediyeen tirada Wasiirada cusub aysan ka badnaan 18 ayaa wuxuu yiri “UN-ku wey iska hadlayaan, go’aanka Soomaali baa leh, talo wey dhiiban karaan, laakiin inay amar bixiyaan ma ahan, iyaguna ceeb bay ku tahay anugana ceeb bay nagu tahay, UN-ku hana caawiyeen gacana hana siiyeen, laakiin Umuuraheena yeysan faragelin, runtii UN-ka nimanka jooga sidii Dowlad iney u dhaqmaan oo iyaga amarka bixiyaan, taasi waan ka xunahay, hadii aan ogaano oo ay inoo dhabowdo, waanu ka hadlidoonaa iyadoo sidaan ka faah faahsan, sababtoo ah Taranshib kuma jirno anagu, faragelinta badan ee nalagu hayo UN-ka dhinaciisa iyo kuwo Beesha caalamka ka mid ahba, hanagala daayo, waxaan u leeyahay 27 ama 31 xitaa Baarlamaanka tiradiisa dhib kuma jirtee, laakiin waxa hadii ay faraha ka bataan taladu faraha ayey ka baxeysaa, hawshu intii la koobi karo hala kobo, hadii UN-ku 18 yiraahdaan oo inagu aynu dhahno 20 cirka soo dumi mayo, 32 sidoo kale, laakiin wixii kooban ayaa talada isla heli kara ee yaan laga dhigin Tusbax go’ay”.

Wuxuu keloo Xildhibaan Xasan Abshir ka Hadley halka laga keenayo Golaha Wasiirada cusub wuxuu yiri “anigu ma qabo in Golaha Wasiirada cusub laga keeno Baarlamaanka oo keliya, Baarlamaanka halaga qaato dibadana hadii laga qaadanayo waa wax aad iyo aad u wanaagsan, Baarlamaanku kuraastii Baarlamaanka ayuu ku fadhiyaa, maxaa Wasiirada looga dhigayaan Baarlamaanka oo keliya, hadii dibada laga wada keenayo aad iyo aad bey u fiican tahay, Ragii iyo Gabdhihii aqoonta lahaa dibada ayey jiraan, hadayba iyagu yeelayaan dibada halaga keeno ayaan qabaa”.

Xildhibaanka mar aan weydiiyey in uu wax rajo ah ka qabo in Golaha wasiirada cusub uu ka mid noqdo isaga iyo kuwa kale hadii ay ka mid noqdaan sida uu u arko ayaa wuxuu ku jawaabey “ yaa u diidaya, in loo diido ma ahan, waxaan kuu sheegayaa anigu ka mid noqon mayo, Madaxweynaha waan u sheegey, Ra’iisul Wasaaraha waan u sheegey, waxaan ahaanayaa Odey Baarlamaanka ku jira,w wixii talo la iiga baahan yahayna waan dhiibayaa, xumaana uma diidin, runtii aniga in badan baan soo shaqeeyey, laakiin TFG waa iney ka qayb-gashaa, Maxkamaduhu waa iney ka qayb galaan , Baarlamaankii hore waa inuu ka qaybgalaa, meeshu xaq baa loo leeyahay, qofkii loo arko meeshaa inuu qaban karo waa inuu ka qayb-galaa, Jagooyinka la magacaabidoono dad ku haboon ha loo magacaabo ayaan leenahay, Baarlamaanku aad iyo aad ayuu uga wal walsan yahay, culeysyo fara badan baa jira ayaa la leeyahay hebel meel halageeyo, taasina soconmeyso, ruux aan aqoonteeda lahayn, hadii la geeyo waanu ka soo horjeesaneynaa”.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Tirada Golaha Wasiirada cusub oo lagu sheegey 31 iyo Mas’uuliyiinta Muqaawamada oo Golaha Wasiirada ka Mid Noqondoonta.-  Feb 17

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS