SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow “Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig u ah Diinta Islaamka”

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo aan kula kulmey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti 25/02/2009-ka, islamarkaana wareysi kooban aan la yeeshey ayaa ka Hadley tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo, sida uu u arko baaqii ay soo jeediyeen culumaa’udiinka hawlaha nabadeynta ku jira ee dhinaca dastuurka iyo sida uu ugu guulaysanayo mas’uuliyada loo dhiibey.

“Tilaabada ugu horeysa ee aan qaadayo, waxay ku qeexan tahay qorshe hawleedka Xukuumada uu u soo bandhigey Ra’iisul Waasaraha Baarlamaanka, taasoo ay ka mid tahay in si deg deg ah loogu hawl galo diyaarinta Dastuurka cusub ee Federaalka, dibu-habeynta qaab dhismeedka iyo mideynta gudiyada madaxa banaann ee dastuurka, Gudiga Dastuurka iyo arimaha federaalka Baarlamaanka iyo hawlaha Wasaaradda sidii loo mideyn lahaa, waxaa keloo jira gudi wasiiro ah oo dhawaan la magacaabey oo loo xilsaarey iney talo bixin ka soo sameeyaan, qaabka ugu haboon ee loo wajahayo shaqada Xukuumada loona habeyn lahaa shaqaalaha Dowlada, xubnaha loo xilsaarey waxaa ka mid ah Wasiirka arimaha dastuurka iyo Federaalka, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Wax-barashada, waxaana la doonayaa sida ugu dhakhsaha badan in loogu soo gudbiyo shirka ugu horeeya ee Golaha Wasiiradda oo ka dhicidoona Magaalada Muqdisho” Ayuu yiri Madoobe Nuunoow Maxamed.

“arinta Federaalku waa arin dastuuri ah xukuumada waajibkeeda ugu horeeya waxaa ka mid ah iney u bandhigto, shacabka Soomaaliyeed, isaga ayeyna ka go’adaa qaadasho iyo qaadasho la’aan, wuxuuna ku hirgeli karaa baahida shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri mar uu ka jawaabayey isku waafaqsanaan la’aanta dadka Soomaaliyeed arimaha Dastuurka iyo federaalka sida lagu hirgelinayo.

Mar uu ka jawaabayey Xildhibaanku sida uu u arko baaqii ay soo jeediyeen culumaa’udiinka Soomaliyeed ee hawlaha nabadeynta ku jira dhinaca dastuurka ee ay soo jeediyeen ayaa wuxuu yiri “sideedaba dowlada Federaalka waa dowlad Islaami ah, shuruucdeeda waxaa saldhig u ah Diinta Islaamka, Dastuurka cusubna wuxuu noqondoonaa mid waafaqsan rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee 100%-ka muslimka ah, waxaana ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo xalkan cusub, aniguna waxaan ku dadaalidoonaa inaan wada tashi la yeesho Hay’adaha ku shaqada leh, Qaybaha Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, shacabka Soomaaliyeedna waxaan ka codsanayaa iney gacan nagu siiyaan hawshan cusub, si loo so oaf-jaro is faham la’aanta guud iyo habaca ka shaci darida ee ka jira dalka mudada dheer” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka Dastuurka Arimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS