SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Al-Shabaab oo deegaanada uu ka taliyo ka joojiyey Xuska maalinta dhalashada Nabiga (N.N.K.H)

Sheekh C/risaaq Al-Ashcari "Dadka diidan in la xuso dhalashada nabiga waa dad aan lahayn Iimaan"

Sheekh Xasan Yacquub "Nabiga haddaad jeceshahay waxay ahayd inaad mar kasta xusto ee aadan sanadkii mar xusin"

Maalmahan waxaa warbaahinta Magaalada Muqdisho hadalo isku waydaarsanayay dariiqada Ahlu-Sunna Waljameeca iyo Urur Diimeedka Al-Shabaab, hadaladaas oo ku wajahan dhalashada bisha Mowliid ee Rabiicul Al-Awal oo 12-ka bishan ku aaday markii uu dhashay nabigeena (N.N.K.H). Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa qoraal ka soo saaray dhalashada bisha Mowliid waxayna shacabka u soo jeediyeen in ay wayneeyaan oo ay fantisiyo u sameeyaan dhalashada nabiga.

Sheekh C/risaaq Al-Ashcari ayaa isaga oo ka hadlaya dhalashada bisha Mowliid waxa uu sheegay in ay tahay maalin ku weyn Caalamka Islaamka, marka ma ahan ayuu yiri in la yiraahdo lagama xusi karo dhalashada Nabiga deegaano ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya .
"Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhaqan u ahayd weligood in ay wayneeyaan oo ay xaflado u sameeyaan dhalashada Nabi Muxamad (N.N.K.H) waayo waa maalin uu adduunka ka baxay mugdi una baxay iftiin, waa maaliln Dunida Islaamka si weyn looga qiimeeyo, marka qolooyinka diidan waa kuwo aanan iimaan lahayn kuna xadgudbay diinta Islaamka" ayuu yiri Sheekh Al-Ashcari oo intaa sii raaciyey "Shacabka Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay ka hortagaan qolooyinkaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo mar kasta dibin daabyo ku haya diinta Islaamka".

Sheekh Xasan Yacquub oo ah madaxa warfaafinta ee Gobolka J/hoose ayaa waxa uu sheegay in aysan banaanayn in xus loo dhigo Nabiga, isla markaana aysan jirin meel ay Diinta uga taal in Fantasiyo loo sameeyo Maalinta Dhalashada Nabigeena (N.N.K.H) waxa uuna intaa sii raaciyey "Nabiga haddaad jeceshahay waxay ahayd inaad mar kasta xusto ee aadan sanadkii mar xusin". Sheekh Axan Yacquub waxa uu sheegay in mar kasta loo baahan yahay in laga sheekeeyo nabiga taariikhdiisa ee aan lagu koobin maalin qura, waxa uuna maamulkoodu uga diga deegaanada ay ka taliyaan in aan wax xus ah ama fantasiyo ah loo sameyn Karin maalinta Dhalashada Nabigeena Muxamad (N.N.K.H).

Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa iyagu isku khilaafsan xuska dhalashada Nabiga, qaarkood waxay qabaan in aysan banaanayn xus loo sameeyo Nabigeena Muxamad (N.N.K.H) iyagoo arrintaa ku tilmaamay mid aan diinta meel ka haysan, hase yeeshee qaar kale oo culimadda ka mid ah ayaa iyagu qaba arrin taa ka duwan oo ah in maalintii nabigu dhashay ay tahay maalin ka duwan maalmaha kale loona baahan yahay in la xuso lagana sheekeeyo taariikhdiisii.

Gobolada qaarkood ayaa waxaa laga soo sheegayaa in Masaajido lagu xusayay dhalshada Nabada ay ka dhaceen buuq, qaarkoodna lagu tuuray Bambooyin. Taas oo ay waxyeelo ka soo gaartay waxayna dadka qaarkood ku tilmaameen arrin ku cusub dhulka Soomaaliya.
Maalintii khamiista ahayd ayaa waxaa dhalatay bisha Rabiicul Awal waxayna 12-ka bishan ku beegan tahay markii uu dhalashay Nabiga (N.N.K.H).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS