Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana
Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka
Soomaaliyeed"
Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo iigu
warameysey Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti oo aan wax ka weydiiyey
tilaabada ugu horeysa ee ay qaadeyso, cabashooyinka ka soo yeeraya Haweenka
Soomaaliyeed ee aan helin kootadii ay ku lahaayeen iyo dadaal yaridiina Haweenka
Baarlamaanka in ay ugu wacan tahay ayaa iyadoo arimahaasi ka hadleysa waxay tiri
" tilaabada ugu horeysa ee aan qaadayo waa inaan ka shaqeyno dhinaca nabada
hadii aanu nahay Haweenka Soomaaliyeed, hadaanu nabad helin nololl ma heleyno,
haweenka Soomaaliyeedna waxaan ka codsanayaa iney noqdaan kuwii nabada ka
shaqeeya, waxaana ilaahay ka baryaa inuu xilkaan ii fududeeyo "
Mar ay ka hadleysey xubnihii ay ku lahaayeen Haweenka Baarlamaanka in aysan wax
ka helin oo ay cabashooyin ka soo yeerayaan xubnahaas maqan sida ay ugu
hawlgaleyso ayaa waxay tiri
" arimaas hawshooda waa ku jiraa waanu ku dadaaleynaa, maantana waxaa farxad
inoo ah dowladii ugu horeysey oo 3 Wasiir ay ku yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed,
taasi waa tilaabo horumar ah oo cusub, inta dhimana waxaan rajeyneynaa inaan
dhameystirno oo uu ilaahay nala garab galo ".

Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh
" runtii waxay ila tahay inaan dadaalney, dadaalkuna waa socdaa wali, waana ku
dadaaleynaa xubnaha Haweenka ee Baarlamaanka laga rabey inaan helno, waxaa
dhiman xukuumada Wiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, kuwaas in qayb fiican
nalaga siiyo ayaan rajeynayaa, " ayey hadalkeeda kusoo gebagebeysey Mar ay ka
jawaabeysey Wasiiradda su’aal aan weydiiyey oo ahayd Qaabka loo soo xuley
Baarlamaanka Haweenka, waxaad moodaa in halkii ugu hooseysey ay ka sii hoos
mareen, Baarlamaankuna waxay ku lahaayeen boqolkiiba 12, dadaal yaridiina ayaa
ugu wacan.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009
Xildhibaan
Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana
Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow
"Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig
u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27

Xildhibaan
Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada
Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka
uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah"..
Akhri... Feb 25
Waraysi:
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15
Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub
magacaabo.. Akhri
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi
Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo
Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux
Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18