SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… "

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada TFG, islamarkaana ah Xildhibaan ka soo jeeda beelaha Direen oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka jabuuti intii uusan ka tegin Jabuuti, waxna ka weydiiyey is-bedelada guuda ee uu luga la sii galayo dalka Soomaaliya,sida uu u arko qaab dhismeedka Xukuumada cusub, sida ay ugu guuleysan karto dowlada hawlaha hor yaala, cida u maqan hadii TFG-dii hore lagu eedeeyey in ay soo dhisteen Hogaamiye kooxeedyadii, tana lagu eedeynayo TFG iyo ARS ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri

" is-bedelka guud waa wax aan u wada fadhino, waxbaa soo socdey dowlad baa dhisneyd, iyadiina waa la bedeley, hada Xukuumad cusub baa la dhisey, waxaana ka fileynaa xaaladii hore iney wax ka bedelaan dhinac kasta, waxaase aniga iiga qiimo badan is-bedelkaas, Baarlamaankii hore u jirey ee TFG 275-ta ahaa oo la ildarnaa hogaamin xumo oo ahayd dhibaatada ugu xun ee haysatey Baarlamaanka oo 275 kale lagu darey, isla hogaankii hore oo maamulaya sida uu u maareyn doona ayaan wal wal badan ka qabaa, taas ayaan rajo xumo ka qabaa, in shaqo Baarlamaan aysan jiridoonin, una maleyn maayo inuu maareyn karo Baarlamaan 550 xubnood ka kooban gudoonka hada jira, hadii aan is-bedel lagu samayn Baarlamaanka, xukuumada waxaa sixi lahaa Baarlamaanka, hadii Baarlamaankii uu khalad ku jiro xukuumada ma saxmeyso, wax badana waa qaldamidoonaa ".

Mar uu ka hadlaayey sababta uu wal walallka kaga qabo Baarlamaanka ayaa wuxuu yiri " Baarlamaanku in uu bur buro waxaa ka xun inuusan shaqeyn waayo, gudoonka Baarlamaanku daacad ma ahan, lagumana dhaqmo sharcigii Baarlamaanka u yiiley, marka Baarlamaanku inuu bur buro waa roonaan lahayd ee inuu shaqeyn waayo ayaa ka xun bur burka ".

" Xukuumada cusub Is-bedel weyn iiga ma muuqdo aniga, sida aan filaayey, sababtoo ah marka laga reebo madaxweynaha iyo xubnaha cusub ee dhinaca ARS-ta maahee, xukuumada cusub hadba tilaabada ay qaadaan ayey ku xirnaandoontaa, wax aan ka sii sheegayo ma jiraan, laakiiin wanaag baan ka rajeynayaa, waana u duceyneynaa in wax wanaagsan ay qabato " ayuu yiri Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey sida uu u arko Xukuumada cusub sida loo dhisey.

Xildhibaanku mar uu ka jawaabayey su’aal aan weydiiyey oo ahayd markaad eegto Dowlada iyo qaab dhismeedkeeda sida xukuumada, Baarlamaanka iyo madaxweynaha sidee loogu guuleysan karaa hawlaha hor yaala ayaa wuxuu yiri " kooxaha dowlada ka soo horjeeda waxaa dhaley, qaabka loo wadey heshiiska ay dowladaan ku dhisantey, sababtoo ah heshiisku ma ahayn mid ka qaybgalkiisa uu cad cad yahay, heshiisku wuxuu ahaa mid koox isku fikir ay wadey, taasi waxay dhashey in kooxdii ARS laga soo tago xubno muhiim ah, TFG-na lagu sameeyo Af-gambi, hogaanka cusub ayaa looga baahan yahay inuu la yimaado tlibaabooyin fiican oo wax ku ool ah, sidii loo qancin lahaa siyaasiyan kooxaha ka soo horjeeda dowlada ".

Sidoo kale Xildhibaan Ismaaciil mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd Xukuumadii hore ee TFG waxaa lagu eedeynayey iney soo dhisteen hogaamiye kooxeedyo, tanina waxaa lagu eedeynbayaa hogaamiye kooxeedyadii iyo nimankii ARS-ta ahaa oo midoobey i ay soo dhisteen, marka xili kasta hadii la yiraahdo koox gaar ah ayaa wax soo dhisatey yaa u maqan dalka iyo dadkii Soomaaliyeed


Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur

" dalka Soomaaliyeed cid gaara ah uma maqna, anagii iyo rag la mid ah ayaa u maqan, anaguna shacabka Soomaaliyeed ayaan ka nimid ee meel kale kama imaan, hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira, dhibaatada waxaa keenaya, mar walba arimaha Soomaaliya hadii la yiraahdo wax halaga qabto, nin Hulaabasho xun inuu wax la dhuumanaayo ayaa la moodaa, marka hore ayaa waxaa loo mareeyaa qaab wax la dhiimasho ah, dadkiina laguma simo iney cid kasta ra’yigeeda ka dhiibato, marka hawlaha waxay u socdeen sidii wax lala cararaayo oo kale, in badana waan sheegney oo cid naga hoos qaadey ma jirin, Xukuumadii Nuur Cadde ayaa maamuleysey wixii talo ahaa, iyaduna wey ka dhego adeygtey, ee shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ha raacaan cid alla cidii nabadgelyadooda ka shaqeyneysa dowladana ha raacaan ". ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka Soomaaliyeed" Akhri March 1

carabXildhibaan Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28

nunowWasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow "Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27

keynaancaashoXildhibaan Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah".. Akhri... Feb 25

yusufWaraysi: Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15 Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub magacaabo.. Akhri

oomaarWasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23

xasan iyo shariifWaraysi: Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa" Akhri.. - Feb 18

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS