SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

  • Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf “Wasaaradani Waa Wasaarad aad u facweyn, waxaana la aas aasey markii daakhiliga la qaatey 1956-dii…” Wareysi
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Sheekh Aadan Madoobe oo baarlamaanka ku wargeliyey “kulankan Midka Xiga Wuxuu Ka Dhicidoonaa Magaalada Muqdisho 15 Maalmood Kadib”
  • Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la filayo inuu Magacaabo Wasaarad Cusub

Waxaa isku soo dubaridey: Maxamed Macallin Cismaan(All-man) SomaliTalk Jabuuti.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi Yuusuf “Wasaaradani Waa Wasaarad aad u facweyn, waxaana la aas aasey markii daakhiliga la qaatey 1956-dii…” Wareysi

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Maxamed Cabdi YuusufWasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti waxna ka weydiiney tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo, sida uu u arko xilka loo dhiibey iyo sida uu ugu guuleysan karo, iyo arimo kale isagoo arimahasi ka hadlaya ayaa wasiirku wuxuu ugu horeyn yiri

“sidaan la socono Soomaaliya wasaarado dhisan oo baaxadii Wasaaraduhu ay lahaayeen oo jirtaa ma jirto, waa dal dhamaantiis baaba’ay Hay’adihii dowladuna ay baaba’een oo wax garadkeedii iyo aqoonyahanadeedii kala tageen weeye, waana xil aad u dhib badan oo mucjiso ah oo aad moodid, qofku in loo dhiibo waxaan jirin mararka qaarkood, waxayna la mid tahay wax hada la aas aasayo oo shaqo abuuris ah, waxayna ku xiran tahay imkaaniyaadka iyo dalka gudihiisa waxa ka jira, wasaaradani waa Wasaarad aad u facweyn, waxaana la aas aasey markii daakhiliga la qaatey 1956-dii, waxaana la dhihi jirey wasaarada Hawlaha Guud iyo Boostada iyo Is-gaarsiinta, hada Boostadii ayaa laga gooyey waxayna noqotey Wasaarad kale oo jirta, Wasaarada hawlaha Guud intii Qaranku jirey way jirtey shaqooyin fara badana wey soo qabatey, awood iyo baaxad ay ku shaqeyso ayey la hayd, waxaana ku dadaalidoonaa inaan wax isu uruurino, inagoo aan la kaashaneyno hay’adaha kale ee dowlada iyo Soomaalida daneyneysa dalka in wax laga qabto, lana raadiyo dadkii hore uga soo shaqeyn jirey Wasaarada si wax loo bilaabo, sababtoo ah dalku miizaaniyad dhaqaale ma leh, waxa wax lagu bilaabo bajadka ayaa ugu horeeya isaguna ma leh dalka, dowlada oo dhana waa abuur ee marka duruufahaas ayaa lagu shaqeynayaa”. Ayuu yiri isagoo ka hadlaya tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo Wasiirku.

Md, Wasiir mar aan weydiiyey sidey ugu guuleysaneysaa dowlada xilka ay la wareegtey ayaa wuxuu ku jawaabey “xilka waa mid dadka oo dhan ka dhexeeyo oo Golayaasha Dowlada iyo wax qabadka guud ee dalka saameynaya weeye, kaas ayaa saldhig u ah hadii dalku hagaago oo ay soo laabmaan adeegyadii Bulshada oo dhan, wasaarad waliba si hagaagsan bey u shaqeyneysaa, laakiin xaalada sida ay hada tahay marka loo eego dalka, ma sahlana in Wasaaraduhu ay shaqeeyaan, laakiin wax gaar ah oo ay wasaaradu qaban karto ma jirto oo ay xukuumadu guud ahaan aysan qaban”

Maxamed Cabadi Yuusuf mar uu ka hadlaayey xilka loo dhiibey sida uu u arko ayaa wuxuu yiri “markaan ka hadlo xilka la ii dhiibey koley nin walba xilka loo dhiibey si buu u arkayaa, qof inuu shaqeeyo oo uu wax qabto ayuu doonayaa, qofna xil uun hala ii dhiibo ayuu leeyahay, aniga waxaan isku dayayaa, waxaan qaban karo inaan qabto oo si daacadnimo ah dalka ugu shaqeeyo”


Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf

Ugu dambeyn mar uu ka hadlaayey sida uu ugu guuleysan karo shaqada loo dhiibey ayaa wuxuu yiri “ Wasaaradanina 1980-kii ayaan Wasiir ku xigeen ka soo noqdey, Shan sano ayaan ka soo shaqeeyey, waan aqaan waxay u baahan tahay guud ahaan, xiriirka aduunka ay la leedahay waan aqaanaa, marka hadii aan helno duruufaha aan sheegey dalka guud ahaan, miithaal Wasaarada shaqadeeda waxay tahay Dekedaha, Wadooyinka, Garoomada diyaaradaha, dhismaha Guryaha dowlada iyo xafiisyada weeye shaqadeedu, dhamaan goobahaas oo dhan wey baaba’asan yihiin, Gobolo badan gacanta dowlada kuma jiraan, duruufahaas daraadood sidii la rabey looguma shaqeyn karo oo waa xaalada dalka ka oogan, waxaani waa wax guud oo isku xiran, marka Wasaarad si gaar ah keligeed uma shaqeyn karto, garan maayo in wax macluumaad oo diyaarsan iney naga horeeyaan oo dalka ka jira, laakiin koleeyba waan tegidoonaa wixii jirana waan ogaandoonaa, Wasaaradani Xafiisyo badan bey lahayd ma filayo in wax ka nool yihiin sababtoo ah waxaa laga yaabaa in xafiisyada qaarkood ay degan yihiin dadd shacab ah ama qaarkoodba la boobey oo la dhistey, dadkii ka shaqeyn jireyna qaar wey dhinteen, qaar dalka wey ka carareen markaa wax fudud ma ahan waxa iga horeeya”.

Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Sheekh Aadan Madoobe oo baarlamaanka ku wargeliyey “kulankan Midka Xiga Wuxuu Ka Dhicidoonaa Magaalada Muqdisho 15 Maalmood Kadib”

Kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu shir gudoomiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Sheekh Aadan Madoobe iyo ku xigeenkiisa labaad ayaa si rasmi ah u sheegey maalmihii Xildhibaanda Baarlamaanka 4.5-ka ay dib ugu laaban lahaayeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada qaarkood ay si weyn uga biyo diidsan yihiin in Baarlamaanku uu kulan ku yeesho Magaalada Muqdisho, sababo amaan dartood.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aaadan Madoobe ayaa wuxuu yiri “Xildhibaanada waa iney isu diyaariyaan sidii dalka dib loogu noqon lahaa laga bilaabo 24/02/2009, xildhibaanka ugu dambeeya waa inuu ka baxaa 27/02/2009-ka, wixii xiligaas ka dambeeya Xildhibaankii sii jooga isaga ayaa qaba kharashkiisa, Xildhibaanadu waxay fasaxan yihiin mudo laba todobaad laga bilaabo maalinta Talaadada oo ay taariikh-du tahay 24/02/2009-ka, inta halka Baarlamaanka uu ku shiraayo oo ay ka socoto dibu-habeyn, kulankanina waa kulankii ugu dambeeyey oo Baarlamaanku uu ku yeesho dalka Jabuuti, kulankan midka xiga wuxuu ka dhicidoonaa Magaalada Muqdisho 15 maalmood kadib”

Kulankan uu Baarlamaanku uu ku yeelayano magaalada Muqdisho ayaa ah kulankii ugu horeeyey oo Baarlamaanka Soomaaliya uu ku shiro Gurigii Ummada ee Caasimada dalka Soomaaliya, balse Xildhibaanada ku shiridoona ayaa waxay ka badan yihiin Xildhibaanadii ku shiri jirey beri samaadkii, waxayna kusoo shan jibaar mayaan dhowr goor marka loo eego kuwan hada u heelan dhaarta aan dhabka ahayn, taasina waxay muujineysaa in arimaha Soomaaliya ay mudo 19 Sano maalinba maalinta ka dambeysa mas’uuliyiinteeda ay sii balaaraneysey iyadoo aan la ogeyn waxa ay soo kordhinayaan, waxaana soo baxay mas’uuliyiin saaxiibo la ah Dowlado shisheeye iyagoo shekh-si ah, halkii ka dowlad ahaan loola saaxiibi lahaa.

walaalloow areysiyadii ayaa igu batey waan soo kala farsameyaa ee kuwan sii daabac, waxaana kaa codsanayaa inaan wax igu soo tuurto xoogaa waxaan ka baqayaa in dhexda ay iiga go'aan wareysida diyaarintooda, mahadsanid

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la filayo inuu Magacaabo Wasaarad Cusub

Warar hoose oo aan ka helney qaar ka tirsan Xildhibaanada Beelaha oo maalamhaan kulamo uga socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay sheegeyaan in dhowaan lamagaacidoono Wasiiro kale oo aan tiradooda la shaacin, balse mid ka mid ah Xildhibaanada beelahaas ayaa wuxuu ii sheegey in ugu yaraan hal Wasiir lagu daridoono Wasiiradii hore loo magacaabey, ma cadeyn Wasaarada la magacaabidoono iyo ninka loo magacaabidoono, balse waxaa la sugayaa waxa ka soo baxa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha maalmaha soo socda.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) SomaliTalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com


Bahda Isboortiga Soomaalida UK oo hambalyo u direysa ''Wasiirka cusub ee Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xildhibaan Salebaan Colaad Rooble''

Bahda Isboortiga Soomaalida UK oo hambalyo u direysa ''Wasiirka cusub ee Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xildhibaan Salebaan Colaad Rooble''.
London 23.02.2009. Anagoo ah bahda Isboortiga jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaan hambalyo kal iyo laab ah u direynaa Wasiirka cusub ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga dowlada midnimo Qaran ee dalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Salebaan Colaad Rooble.

Waxaan Wasiirka cusub u rajaynaynaa inuu Allah( Eebe)la garab galo xilka Qaran ee loo dhaariyay isla markaana uu ka soo dhalaalo gudashada waajibkaada Qaran insha Allah.
Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed Ingiriiska waxay ku balan qaadayaan in ay gacan ka siiyaan wax alle iyo wixii aad uga baahato oo awoodooda ah si sharaftii Isboortiga dalkeena iyo maamulkii Isboortiga gacanta Dowlada loogu soo celin lahaa.

Bahda Isboortiga Soomaaliyeed mudane Wasiir waxay kaa filanaysaa inaad isbadal cusub ku samayn doonto qaabka loo maamulo Isboortiga dalka maanta iyo inaad xiriir wanaagsan oo horseedi kara in dadkii aqoonta isboorti iyo mida maamul lahaa aad isku soo xirto gudaha iyo dibadaba, si Wasaarada Isboortiga u noqoto mid shaqaysa oo hormuud ka noqota soo celintii nidaamkii sharciga iyo sharaftii Isboortiga dalkeena Soomaaliya iyo mustaqbalkii dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa hambalyadaan si wadajir ah u diraya mudanayaasha kala ah :
Mudane C/qaadir Xuseen Bootaan ''Isoomareey''
Mudane Mohamed Farah ''Dabdamis''
Mudane Ahmed Nur Mohamed Xaashi ''Sayga''
Mudane Mohamed Ali Bilaal
Mudane C/qaadir Biriq
Mudane Mohamed Buuwe
Mudane C/qaadir Caddaay
Mudane C/qaadir Biindhe
Mudane Bile Ali ''Madbaco''
Mudane Dahir Gacamay
Mudane Baana Cali
Mudane Mohamed Khaliif
Mudane C/risaaq Seef
Mudane Xassan Dhuudhi
Mudane Mohamed Ali Weeroow
Mudane Mubaarak Yusuf Bidhe
Mudane Lagii Dheere
Mudane Boob Nabadda
Mudane C/qaadir Nabadda
Mudane Ahmed Bile
Mudane C/naasir Sola
Mudane Jabriil Jabriil
Mudane Khadar Somali-Eye
Mudane Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
Mudane Omar Hassan
Mudane Suni Siciid Salah
mudane C/qaadir Uus
Mudane Cilmi Daqare
Mudane Shiine Liecester United
Mudane Daa'uud Liecester United
Mudane Hashim Liecester
Mudane Faysal Sicid Yusuf
Mudane Zakariye Abdi oogle
Mudane Zakariye Muzahim
Mahadsanid

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS