Waftigii Dr. Faroole oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyey Minnesota

Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo
beryahanba booqasho ku joogay Maraykanka aya xalay (June 30, 2009 oo ay soo
galaysay July 1) Minneapolis kaga qayb galay xaflad lagu qabtay Minneapolis
Convension Center oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan. Xafladdaas
oo soo qaban qaabiyeeen Ururka Puntland Diaspora Forum.
Dastuurka Cusub ee Puntland
(June 2009)
Akhri (Word)
ama (PDF) |
Waftiga Madaxweynaha DGPL waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha DGPL
Gen. Cabdullaahi Axmed Ilkajiir iyo Wasiirka Qorshaynta iyo
xiriirka caalamiga ah Faarax Dhalac iyo xubno ka tirsan xafiiska
madaxweynaha.
Khudbaddii uu Dr. C/raxmaan Faroole u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee
reer Minnesota waxaa lagu beegay ayadoo ay daqiiqado ka dhiman tahay 1da Luulyo
oo ah maalinta xornimada iyo Midnimadii Soomaaliya.
Khudbadii Faroole u jeediyey reer Minnesota (Minneapolis Convension Center)
Sidoo kale khudbadii Dr. Faroole u jeediyey jaaliyada Minneapolis (Hilton
Hotel)
VIDEO Khudbadii Faroole HALKAN KA DAAWO
Reer Minnesota waxay Madaxweynaha DGPL u dhiibeen ubax loogu magac daray
ubaxii Nabadda, waxaana ubaxaas Dr. Faroole guddoonsiiyay Sheikh Sacad.
Madaxweynaha DGPL oo Casho Sharaf loogu sameeyey Minneapolis....
Habeenimadii Xalay (June 29, 2009) ayaa magaalada Minneapolis waxaa casho
sharaf ballaaran magaalada Minneapolis loogu sameeyey madaxweynaha DGPL iyo
wafti uu hoggaaminayey oo booqasho ku yimid Gobolka Minnesota. Xafladdaas oo ay
ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan. Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa
dadweynihii xafladda isugu yimid u jeediyay warbixin ku saabsan dalka Soomaaliya
guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland. (hoos ka dhegeyso)

Sawirada Xafladda Halkan ka daawo...
Ayaado Quraan ah oo lagu furay xafladda kaddib waxaa magarafoonka lagu soo
dhaweeyey Xaawo Ayeeyo oo buraan bur tirisay.


Kaddib waxaa hadalka lagu wareejiyay Maxamed Cumar Dhigic Dhigic oo hadal
kooban jeediyay


Waftiga Madaxweynaha la socdey waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo
xiriirka caalamiga ah Faarax Dhalac iyo wasiirka arrimaha gudaha DGPL Gen.
Cabdullaahi Axmed Ilkajiir oo hadal kooban ka soo jeediyey xafladdii.

Guddoomiyaha ururka Puntland Diaspora Forum, Abdulkadir Hashi, ayaa markaas
soo jeediyey warbixin uu kaga hadlay jaaliyadda ku nool qurbaha iyo wax la
gudboon Dawlad Goboleedka Puntland si ay dadkaas u soo dhaweeyaan marka ay
dalkii ku laabtaa,

CabdulQaadir waxa uu markaas madasha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha DGPL, Dr.
C/raxmaan Maxamed Faroole oo dadweynihii kasoo qayb galay casho sharafta hadal
u jeediyey.

Gabagabadii xafladda kaddib waxaan waraysi kooban la yeelanay qaar ka mid ah
dadweynahii ka soo qayb galay xafladda, waxaana waraysanay C/raxmaan Dalmar iyo
C/rashiid Muuse Barre...


Bidix: C/rashiid Muuse Barre iyo C/raxmaan Dalmar
Ugu dambayntii waxaan waraysi la yeelanay Yaasiin Yabarag oo ah xubin ka mid
ah ururka PDF oo ah ururka soo qaban qaabiyay xafladda cashosharafta ee loo
sameeyay waftiga madaxweynaha DGPL.


Yabarag iyo C/fataax (oo xiriirinayey xafladda)
Sawirada Xafladda Minneapolis Halkan ka daawo...

Sawiirada halkan ka daawo...
Warsaxafdeed: Madaxweyne Farole oo la kulmay jaaliyada Puntland ee
Minnessota
- Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland iyo waftigii uu hogaaminyey ayaa xaley 29 June,2009 ka
qayb galey xaflad casho ah oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Qurbajoogta Puntland
[ Puntland Diaspora Forum] tasoo ka dhacdey Hotel Hilton oo ku yaal Bartamaha
magaalada Minneapolis.
Xafladaan casho oo ay kasoo qayb galeen jaaliyada reer Puntland ee ku nool
Minnesota iyo marti sharaf kale oo ay kamid yihiin masúuliyiin ka socota gobolka
[ Minnesota] kuwaasoo tiradooda kor u dhaafeysay 300 oo qof.
Furitaanka kulankaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xogwarano ku saabsan
socdaalkii wafdigu ku yimid Washington iyo kulamadii kala gadisnaa ay la qaateen
masúulyiinta ka tirsan hay'adaha dowliga ah ee Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka qorsheynta xiriirka caalamiga ah ee
Puntland oo ka hadley munaasabadaan ayaa sheegey in maamul cusub ku guuleystey
inuu dib u dhiso hay'adihii dowliga ah kuwoodii ugu muhimsandaa sida ciidamada,
maaliyada iyo arrimaha bulshada. Waxay kaloo Wasiirada xuseen sida ay lagama
maarmaanka u tahay taabagalinta nidaamka xisbiyada badan iyada oo maamulka cusub
ku guuleysay meel marinta Dastuurka cusub.
Amb.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah Gudoomiyaha Golaha Qurba joogta Puntland [
Puntland Diaspora Forum] oo ka hadley sida ay lagama maarmaanka u tahay isku
xirka qurba joogta Puntland iyo MGPL iyo kor u qaadida sumcada Puntland [
Puntland International Profile]. Gudoomiyaha Golaha Qurba joogta Puntland
Amb.Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ku soo dhoweeyey hadalka Madaxweynaha DGPL
Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo
dhinacyo badan taabaneysa.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadley doorka maamul goboleedka Puntland ka jiro
xal u helida dhibaatada ka taagan Somalia gaar ahaan Konfurta iyo qaybo ka
tirsan gobolada dhexe isaga oo xusey in Somalia isugu imaan karto oo kaliya
nidaamka Federaalka.
Mr.Farole ayaa jaaliyada ka codsadey iney ka qayb qaataan dib-u-dhiska Somalia
gaar ahaan maamul goboleedka Puntland isaga oo xusey iney uga qeyb qaadan karaan
siyaabo kala duwan, sida dib u dhiska hay'adaha ku mashquulsan arrimaha bulshada
[ Iskuulida, xarumaha caafimaadka].
Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Puntland.
Faafin : SomaliTalk.com | June 30, 2009