SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baladweyne: Wasiirkii Amniga DFKMG Cumar Xaashi iyo Danjirahii Hore DFKMG u Fadhiyey Itoobiya Cabdikariim Faarax "Laqanyo"oo Qarax Lagu Dilay...

Khamiis June 18, 2009: Wararka ka imanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegay in halkaas ay ku geeriyoodeen Wasiirkii Aminga Qaranka DFKMG Cumar Xaashi Aaden iyo dajire Cabdikariim Faarax "Laqanyo", kaddib markii lala beegsadaay qarax bambaano gaari.

Madaxweynaha DFKMG oo ka hadlaya dilka Wasiirka iyo Danjiraha  Halkan ka dhagayso (bbc)

Taliyihii Ciidanka Birmadka Boosaaso iyo Askari Kale oo lagu Diley Boosaaso iyo Ninkii dilka Gaystay oo la qabtay...

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in maanta (Khamiis June 19, 2009) in la dilay Taliyihii Ciidanka Birmadka Yuusuf Maxamuud Cali Jagaf iyo askari  kale oo ka mid ah ciidamada birmadka  ayaa lagu dilay tacshiirad. Sida ay sheegtay idaacada SBC waxaa "dilkaasi geystay qof ku labisnaa dharka ciidamada kaasi oo rasaas ku furay ciidamada booliska oo ku sugnaa xarunta qeybta Booliska ee gobolka Bari, kaasi oo markii dambana isaga baxsaday halkaasi." Laakiin markii dambe ay ciidanka boolisku soo qabteen ninkaas dilka gaystay, waxaana lagu xiray saldhiga ciidanka ammaanka.


Warkii Idaacadda DANAN: Wasiirka Amniga Qaranka Somaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirka Somaaliya u fadhiyo dalka ethopiya oo ku geeriyooday Qarax ismadin oo ka dhacay Magaaladda Baladwayne

Qarax ismaadin ahaa oo goordhow ka dhacay Magaaladda Baladwayne ee Gobolka Hiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geereyodeen wasiirka Amniga Qaranka Somaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii (hore) ee Dowladda Somaaliya u fadhiyay dalka Ethopiya C/rakiin Laqanyo .

Dhimashada Labadaan Mas置ul ayaa timid ka gadaal markii uu qof naftii hura ah uu isku Qarxiyay Hotel ay ku yaala Magaaladda Baladwayne oo ay deganaayeen Mas置uliyiintaas.

Hotel Madiina oo ahaa Hotelka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa deganaa Xubno ka tirsan Dowladda Somaaliya oo ay ka mid ahayeen Duqii hore ee Magaaladda Baladwayne iyo C/kariin laqanyo iyo Cumar Xaashi aadan .

Waxaana qaraxa la sheegay in ay gaysteen 3-ruux uu xaqiijiyay mid ka mid ah mas置uliyiintii ku sugneed Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee waa qarixi ugu horeeyay oo ku geeriyoodaan Mas置uliyiin ka tirsan Dowladda KMG Somaaliya.

Isha: Danan


BBC Somali ayaa qortay warkan: Wasiirkii amniga dowladda oo la dilay

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ay qarax bomb baabuur ay ku dhinteen wasiirkii amniga qaranka ee dowladda ku meelgaarka, Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay magaalada Addis Ababa, Cabdikariin Faarax Laqanyo iyo dad kale oo ay ku jiraan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha dowladda Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dilka wasiirkii amniga iyo safiirkii hore ee Soomaalida u fadhiyay magaalada Addis Ababa.

Taariikh nololeedka Wasiirka Amniga

Cumar Xaashi Aadan oo ahaa wasiirka amaaanka isla markaana ka tirsanaa baarlamaanka, dilkiisu waxa uu sababi karo ma cadda laakiin markasta waa jug weyn oo soo gaartay dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Cumar xaashi waxa uu ka tirsanaan jiray saraakiishii militeriga Soomaaliya waxaana uu ka mid ahaa, ragga markiiba kaalin weyn ka qaatay siyaasadda Muqdisho, in yar kadib markii uu burburay Qaranka Soomaaliya horaantii 1991.

Waxaa uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii bari hore gacan saarka la yeeshay ciidamada Ethiopia, laakiin sanadkii 2006, bishii dec markii ciidamada Ethiopia ay qabsadeen gobollo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasiamada Muqdishoi.

Cumar Xaashi waxa uu ka mid noqday isbahaysiga dib u xoreynta kaas oo dagaal la galay ciidanka Ethiopia ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Waxa uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii isbahaysiga ugu hooreeyay ee ka soo guurra magaalada Asmara ee waddanka Eruitrea oo xaruun u ahayd isbahaysiga.

Waxaana uu galay gudaha Soomaaliya halkaasi oo uu ka qeybgalau dagaal dhuumaaleysi ah oo ka dhan ahaa ciidamada Ethiopia.

Hadda inta aanu beledweyne soo gaarin waxa uu ka yimid magaalada Godey ee dalka Ethiopia.

Isha: BBC Somali


VOA Somaliga ayaa qortay warkan: Wasiirkii Amniga oo Ku Dhintay Qarax



18-June-2009

Cumar Xaashi Aadan
Cumar Xaashi Aadan
Wasiirkii Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo ugu yaraan 10 qof oo kale ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Sheekh Cabdiraxman Ibrahim ayaa VOA-da u xaqiijiyay dhimashada wasiirka, danjiro Cabdikariim Faarax Laqanyo iyo waliba qaar ka mida odayaaha dhaqanka ee Baladwayne.Wasiirka ayaa xilliga qaraxu haleelay ka sii baxayay Hotelkiisa una sii socday munaasab nixaak oo loo sameeynayay wiilkiisa.  Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in dadka dhintay ayan ku jirin guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Daba-geed.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay xilli hore tahay in la sheego tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxa iyo xittaa in la aqoonsado shakhsiyaddooda, sababtuna tahay qaraxa oo si wayn u jarjaray korkooda.

Xaaladda magaalada Baladwayne ayaa aad u kacsan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka waxuuna intaa ku daray in ay dadaalayaan sidii ay ammaanka ku sugi lahaayeen.

Inkata oo uu guddoomiyuhu sheegin jihada mas置ulka ka ah qaraxa, ayaa haddana war dhawaan ka soo baxay kooxda Alshabab waxa ay ku sheegteen mas置uliyadda uusan garanayn jihada ka dambaysa qaraxa.Afhayeenka kooxdaas Sheekh Cali Maxamuud Raage oo hadal soo saaray ayaa sheegtay in qaraxaas iyagu qaadeen, waxayna sheegeen in ay halkaasi sidoo kale ku dhinteen saraakiil Itoobiyaan ah.Ma jirto jiho madax bannaan oo arintaas xaqiijisay. 

Isha: VOA Somali

Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo ku geeriyooday dagaalkii Saakay Muqdisho ka dhacay.

Faafin : SomaliTalk.com | June 18, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version