SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

SH MOXAMED CABDI UMAL AYAA SHEEGAY IN UU ARIMAHA SOMALIYA FARAHA KALA BAXAY

SH Maxamed Cabdi Umal oo ka mida Culumada Somaliyeed kuna sugan Dalka Kenya oo dhowr jeer u tagay Somaliya in uu Xal loo helo dhibaatooyinka taagan asaga iyo culumo kale sida Gole dhexe oo Culumadu leedahay loona Bixiyey Gudiga Musaalaxada iyo Xubnaha ka shaqaynaya Nabadda. Sh Umal ayaa tilmaamay oo Rajo Xumo ka muujiyey xaalka Somaliya mar uu Waraysi siiyey TV ga Universal .

Sh Umal ayaa tilmaamay Xaalka Somaliya in uu ka aamusi doono waxuuna yiri haddii hadalkaagu uu san shaqaynaynin macno samayn mayso in aad iska hadasho waxuu kaloo tilmaamay Sh Mohamed Umal in wiil yar oo 15 jira uu u qabo xalka somaliya in uu asagu gacanta ku hayo.

Dhawaaqan mid la mida ayaa ka imaanaya dhammaan Culumada Somaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dabadda dalka maalintii shalay ahayd ayaa Shabakada Somalitalk waxay waraysi la yeelatay Sh C/qaadir Nuur Faarah waxuuna tilmaamay sidaas mid la mida waxaana hadaladiisii Sh C/qaadir ka mid ahaa "Walaalayaalow xabbadda joojiya, walaalayaalow Ilaahay ka baqa, walaalayaalow ummaada u naxa, walaalayaalow diinta iyo ubadka iyo dumarka iyo dhulka ha gubina, walaalayaalow yaan waddankeenu faraha ka bixin...Dhagayso...

 Lama garanayo xaalka Somaliya waxuu noqonaya ayada oo ay jiraan Dhibaatooyin dhinac kasta leh Sida Badda Somaliya oo lagu Xad gudbay Xuduudeeda iyo Shacab badan oo Banaanka Muqdisho Gaajo iyo rafaad badan ku haysto iyo waliba Ciidamadii Ethopia oo dalka dib ugu soo siqaya. Haddana waxaad moodaa dad badan in aysan u muuqaan dhibaatooyinkaas iyo qayla dhaanta ka imaanaysa Culumada Somaliyeed waxaadna Meel kasta ku arkaysaa Labadii qof ee Somaliya oo meel wada taaganba in ay laba Xisbi ama laba dhinac kala taageersan yihiin taas oo ah mida culumadu ka digayaan

Halkan ka Daawo

Warbixintii Dalboon

Faafin : SomaliTalk.com | June 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version