
War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen UNHCR-UNICEF
Ku tumashada Xuquuqda Bani’aadamka oo Ka Sii Dartey Magaalada Dagaalladu
Halakeeyeen ee Muqdisho
NAYROOBI, 9ka Juunyo 2009: UNICEF iyo UNHCR ayaa si aad ah uga welwelsan heerka
ay gaarsiisan tahay saameynta ay rayidka ku yeesheen rabshadda ka sii dareysa ee
Muqdisho iyo ku-tumamashada xuquuqda bani’aadamka ee ay sameynayaan dhinacyada
iskahorimaadyada ku lug leh. Soomaali badan oo rayid ah iyo saxaafadda ayaa
rabshidii 7dii Maajo ka qarxay Muqdisho, ee ay dhaliyeen dagaalladii u dhexeeyey
xoogagga Dowladda raacsan iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, ku tilmaamey
in ay ahaayeen kuwii ugu ba’naa sanadihii dhowaa. Duqeyn lagu soo warramey in
loo geystey xaafadaha rayidku degaan iyo goobaha dadka ka dhexeeya ayaa ku
khasbey dad lagu qiyaasey 117,000 oo qof in afartii toddobaad ee la soo dhaafey
oo keliya ay ka cararaan guryahooda ku yaallay Muqdisho.
Dadka barokacay waxa ay u badan yihiin haween iyo carruur, kuwaas oo badidoodu
waxa ay sii qaateen ay aad u yaraayeen, oo haddana ku khasban in ay u adkeystaan
xaalado aad u adag. Haweenka ayaa si gaar ah u nugul iyada oo lagu soo warramey
kufsi iyo galmo dhiig-miirasho ah oo loo geysto inta ay waddada ku jiraan iyo
inta ay ku sugan yihiin goobaha ay u qaxeen – halistaas ay oo ay uga sii dartey
yaraanta gargaarka bani’aadamnimada ee la heli karo. Waxaa lagu soo warramey in
tiro ka badan 200 oo qof la diley bishii la soo dhaafey oo keliya, kuwaas oo
badidoodu ahaayeen rayid. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ilaa 700 oo qof ay
ku dhaawacmeen iskudhacyada. Wararka laga heley NGO nala hawlgala oo taageera
cusbitaalka Dayniile ayaa tilmaamaya in 218 qof oo dhaawac ah lagu daweeyey
cusbitaalkaa, 81 ka mid ahina ay ahaayeen haween iyo carruur ay da’doodu ka yar
tahay 14, oo uu ku jirey ilmo lix-bilood jir ah.
Sida uu iskahorimaadkani u dhibaateynayo rayidka ayaa ah mid aan la aqbali
karin. Dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo aan cidna loo
ciqaabin ayaa maalin kasta ay ku kacayaan dhinacyada ku lugta leh
iskahorimaadyadan dabadheer ee rabshadda ku dhisan. Wararka ayaa sheegaya in dad
aad ugu baahan in ay cararaan ay maalmo ku xayiran yihiin guryahooda, halkaas oo
ay ku sugayaan in ay dagaalladu qaboobaan si ay ‘si ammaan ah ay uga soo
baxsadaan’ Muqdisho, dadkaas oo aan haysan cunto, biyo iyo adeegyada aasaasiga
ah. Cusbitaal ku yaalla degmada Yaaqshiid ayaa muddo kooban loo xirey cabsi laga
qabo ammaanka shaqaalaha caafimaadka, arrintaas oo yareysey daryeelkii caafimaad
ee ay dhaawacu heli lahaayeen.
“Haddana dhinacyada iskahorimaadyada Muqdisho ku lug leh oo aan danba ka gelin
ammaanka rayidka ayaa si cad ugu tumanaya mabaa’diida caalamiga ah ee
bani’aadamnimada iyo kuwa xuquuqda bani’aadamka” ayuu Mudane Guillermo
Bettocchi, oo ah Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya, yiri maanta isaga oo ka hadlaya
dagaallada. “Beesha caalamku waa in ay soo faragelisaa si loo joojiyo dhaqankaan
xisaabtan la’aanta ah ee joogtada ah, falangelintaas oo ay ku jirto iyada oo
sameysa geeddi-socod la-aamini karo oo madax-bannaan oo baara ugu dambeyntana
maxkamad soo taaga kuwa ka mas’uulka ah dembiyada dagaalka iyo dembiyada
bani’aadamnimada ka dhanka ah ee lagula kacayo shicibka Soomaaliyeed” ayuu
raaciyey Mudane Bettocchi.
Qoysas aan tiro lahayn ayaa lagu soo warramey in ay ku kala haadeen
iskahorimaadyada. Sida ay xaaladdu hadda tahay, Muqdisho dhexdeeda ma jirto goob
keliya oo ammaan ah oo ay carruurta ku badbaadaan. Carruurta ayaa lagu dilayaa,
laguna dhaawacayaa guryahooda dhexdooda, dugsiyadooda, iyo waddooyinka xaafadaha
magaalada. Waxyaabihii dhacay bishii Maajo ayaa sii xumeeyey rabshad soo socotey
oo keentey in ugu yaraan 34 dugsi si ku-meel-gaar ay u degaan kooxo hubeysan
ilaa bilowgii sanadka, oo ugu yaraan lix dugsina la soo weerarey ama la duqeeyey
toban iyo labadii bilood ee la soo dhaafey.
Carruurta ayaa ay halis ku haysaa iyada oo dhammaan kooxaha dhinacyada ka ah
iskahorimaadyada hadda ka socda Soomaaliya ay ka dhiganayaan askar. Wiilasha
qaangaarka ah ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsadaa. Agoomaha, carruurta ay
qoysaskoodu kala maqan yihiin, kuwa la dayacay ama kuwa saboolka ah ayaa si gaar
ah ugu nugul halistaa.
“Dhinacyada iskahorimaadyada ku lugta leh waa in ay ogaadaan in dhibanayaasha
ugu weyni ay yihiin carruurtooda, kuwaas oo ku dhimanaya, ku dhaawacmaya ama ku
barokacaya dagaallada, iyada oo qaar xataa loo qorto in ay ka qaybqaataan
dagaalka,” Ayaa ay tiri Marwo Hannan Suleymaan, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF
Soomaaliya. “In carruurta askar laga dhigto waxa ay xadgudub ku tahay sharciga
caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo Heshiiska Xuquuqda Caruurta, waxaana jirta
in carruur ka yar 15 jir oo loo adeegsado dagaallada ay tahay dembi dagaal oo
keeni kara in qofka ku kacay sharciga lala tiigsado”.
UNHCR iyo UNICEF waxa ay ugu baaqayaan dhammaan kuwa ku lugta leh
iskahorimaadyada Soomaaliya in ay joojiyaan sida maalin kasta loogu tumanayo
xuquuqda bani’aadamka ee dadka rayidka ah.
################
Xog intaas dheer fadlan kala soo xiriir:
Roberta Russo, Kaaliya Sarkaalka Isgaarsiinta Dibadda, UNHCR Somalia,
+254733121136, russo@unhcr.org
Iman Morooka, Sarkaalka Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, +254714606733,
imorooka@unicef.org
English Version
UNHCR-UNICEF Joint Media Release
Human Rights Violations Escalate in War-torn Mogadishu
NAIROBI, 9 June 2009: UNICEF and UNHCR are gravely concerned over the extent to
which civilians are being affected by the escalating violence in Mogadishu and
the human rights violations being committed by the parties to the conflict. Many
Somali civilians and media describe the recent violence which erupted in
Mogadishu on May 7, generated by fighting between Government-allied forces and
armed opposition groups, as the most devastating in the last few years. Reported
bombing of civilian residences and public places has forced an estimated 117,000
people to flee their homes in Mogadishu during the past four weeks alone.
The majority of the displaced are women and children, many fleeing with very few
belongings, and having to endure extremely difficult circumstances. Women are
particularly vulnerable with reports of rape and sexual exploitation during
their flight and in places of refuge – risks that are exacerbated by the limited
humanitarian assistance available. More than 200 people were reportedly killed
in the last month alone, the majority of whom civilians. Reports from hospitals
indicate that some 700 people were wounded in the clashes. Reports received from
NGO partners supporting a hospital in Dayniile indicate that of the 218 wounded
people treated in that hospital, 81 of them were women and children under the
age of 14, including a six-month old baby.
The manner in which civilians are being victimized by this conflict is
unacceptable. War Crimes and crimes against humanity are committed with impunity
on a daily basis by the parties to this protracted and violent conflict. Reports
indicate that people desperate to flee are stuck in their residences for days,
waiting for a lull in the fighting to be able to ‘safely escape’ from Mogadishu,
with no access to food, water or any basic service. A hospital in Yaaqshiid
district was unable to operate temporarily due to fears for the safety of its
medical staff, limiting access to medical care for wounded civilians.
“Yet again, parties to the conflict in Mogadishu fight with no regard for the
safety of civilians in clear violation of international humanitarian and human
rights principles” stated Mr. Guillermo Bettocchi, the UNHCR Representative for
Somalia, today in response to the fighting. “The international community must
intervene to end this self-perpetuating culture of impunity, including by
establishing a credible and independent process to investigate and eventually
prosecute those responsible for the apparent war crimes and crimes against
humanity that Somali civilians have and continue to be exposed to.” added Mr.
Bettocchi.
Countless families have allegedly been separated due to the conflict. There is
no safe place for children in Mogadishu in the current situation. Children are
being killed and maimed in their own homes, in schools, and on the residential
streets of the city. The events of May have worsened a pattern of indiscriminate
violence that has seen at least 34 schools temporarily occupied by armed groups
since the beginning of the year, and at least six schools raided or shelled in
the last twelve months.
Children are also threatened by the systematic and widespread recruitment into
forces of all sides of the conflict currently taking place in Somalia.
Adolescent boys are particularly targeted. Orphaned, separated, abandoned or
destitute children are especially vulnerable.
“Parties to the conflict must realize that the main victims are their own
children, who are being killed, maimed or displaced by the fighting, some even
recruited to take part in the fighting,” said Ms. Hannan Sulieman, Acting UNICEF
Representative to Somalia. “Recruitment of children is in contravention of
international humanitarian law and the Convention on the Rights of the Child,
and use of children under 15 years old in combat is a war crime with legal
consequences for the perpetrators”.
UNHCR and UNICEF call on all those involved in the conflict in Somalia to put an
end to the grave human rights violations being committed on a daily basis
against civilians.
################
For information please contact:
Roberta Russo, Ass. Public Information Officer, UNHCR Somalia, +254733121136,
russo@unhcr.org
Iman Morooka, Communication Officer, UNICEF Somalia, +254714606733,
imorooka@unicef.org