Shirkada Golis ayaa Ka Hadashay Waxqabadkeed.
 Janaayo,07,2009-
ayaa Shirkada Golis Masuuliyiinteeda ugu saraysaa waxay ka qabteen Kulan
Wareed Balaadhan oo ay saxaafada ku Marti Galiyeen, Ujeedka Kulankaasi
ayay ku sheegeen inay Uga Gol leeyihiin Waxqabadkooda ay qabteen, iyaga
Cadeeyay inay Meelo badan oo aan Isgaarsiintu Joogin ay Gaadhsiiyeen
Adeegooda.
C/laahi Cali Cumar Madaxa Hawlgalinta SHirkada Golis ayaa ugu Horayn
Halkaasi Hadal dheer ka soo Jeediyay waxana uu sheegay inay SHirkada
Golis Gaadhay Hormar Fiican, Masuulka ayaa qiray inay wadaan Barnaamij
Balaadhan oo kale kaasi oo ay shirkadu hadii eebe Idmo ay dhawaan daaha
ka qaadayso.
Madaxa Hawlgalinta ee Golis ayaa Faah Faahiyay Barnaamijka wax qabad ee
Golis ee dhanka Bulshada isaga oo Farta ku Fiiqay inay Golis wado, dibu
Hayban Wadooyinka ah iyada oo aan Cidna Gacan ka Helinayn,isla markaana
ay Bulshadeeda u Adeegayso, Ninkaasi Golis u hadlay waxa kaloo uu
Hididiilo Wanaagsan ma Muujiyay inay Jiraan wali Mashaariic balaadhan oo
dhanka Isgaariisnta oo ay soo wado Golis.
Cumar Ciise [Cumar Faruuq] oo ah Madaxa suuq Gaynta Golis ayaa Hadalkii
la wareegay isaga oo si Qota dheer uga hadlay Hawlaha Golis ay Wado, ee
ku aadan dhanka Is Gaarsiinta, Mr Faaruuq ayaa sheegay in Gobolka Sanaag
uu ka mid yahay Gobolada ay SHirkada Golis aadka u Gaadhya, isaga oo
Tusaale u soo qaatay Buuraha Sanaag,sida Calmadaw, oo uu sheegay in
dhamaan Buuraha Hoostooda iyo Dushooda lagaga Hadlo Tellfoonka Golis.
Faaruuq waxa kaloo uu sheegay in dhanka bada sida bada Casa iyo Bada
India ay dhamaan si Toos ah loo Helo Ateenada Golis,waxa uu sheegay in
doonyaha ka soo Baxay Dalka Yeman ay Meel aad u Durugsan ugu Yimaadaan
Istimaaclka Golis taasi oo ah Buu Yiri wax aad loogu Farxo.
Masuuliyiintii Golis ee shirkaadi Joogtay ayaa si Cad u sheegay inay
Golis wax yaabaha ay soo Kordhisay ee loo Bogay ay ka mid yihiin Aalada
Enternet-ka oo ah mid laga soo Qaaday Dalka Jabuuti nala soo dhex
mariyay Kaybal dhanka Bada ah, Maamulka Golis waxay kaloo sheegeen in
Degmooyinka Garoowe, iyo Gaalkacayo, ay Wakhtigaan Isticmaalayaan
Khadkaasi.
Shirkada Golis ayaa dhawaan sidoo kale waxay soo Kordhisay Adeeg Cajiib
ah kaasi oo loogu Magac daray SMS- International isla markaana ah Fariin
dibada loo dirayo si Sahal ah.
Jaamac Feyte
Feyte37@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | June 8, 2009
Muxaadaro
lagu Qabtay Masjidka Rowda Minneapolis
|