Agaasimihii Idaacadda Shabeele oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha.
Goordhow ayaa Suuqa
Bakaaraha waxaa lagu dilay Agaasimhii Idaacadda iyo TV-ga Shabeele
Mukhtaar Max’ed Hiraabe, waxaana falkaasi sidoo kale ku dhaawacmay
Madixii Iidhehda ee Idaacadda Shabeele Max’ed Cumar Xaashi (Axmed
Taajir).
Dhaawaca Axmed Taajir ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina halkaas
oo ay kula tacaalayaan Dhakhaatiirta ilaa iyo haddana lama garanayo
sababaha loo dilay Agaasimaha oo ay dilkiisa gaystay Kooxo hubeysan oo
aan la garanayn.
4-tii February ayaa isna waxaa la dilay Agaasimihii Idaacadda Horn
Afrika Siciid Tahliil Axmed, sanadkaan bilowgiisii ayaa isna waxaa
degmada Afgooye waxaa lagu dilay Weriyihii Idaacadda Shabeele Xasan
Mayow Xasan, sidoo kale waxaa isna sanadkaan la dilay C/Risaaq Warsame
Max’ed (Gaadaco) oo isna ku dhintay dagaalo ka dhacay Magaalada
Muqdisho, waxaa isna Magaalada Baladweyne dhaawac ahaan ugu geeriyooday
Wariye Nuur Muuse Max’ed (Nuur Inji).
Sanadihii 2007-2008 waxay u ahaayeen Saaxaafadda Soomaaliya sano
madow, waxaana la dilay ilaa iyo dhowr iyo toban weriye.
Dhinaca kale waxaa la siidaayey Agaasiminhii Talefishanka Universal
Ibraahim Jeekeey oo Muddo Shan cisho ah la haystey
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com