Soomaalida magaalada Stockholm oo Tacsi u diray Garaad Ismaaciil
Ducaale GUULEED
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
Isu-imaatan balaadhan oo loogu duceeyey Eebena dembi dhaaf loogu
weeydiiyey Rabi haw naxariistee Garaad Ismaacil Ducaale Guuleed ayaa ka
dhacay koonfurta magaalada Stockholm, taariikhdu markay ahayd 09 marso
08. Kullankan oo aaney soomaalida ku dhaqan magaalada Stockholm ukala
hadhin waxaa eryo qiimo leh ka jeediyey Danjire:Aadan Xashi. Isagoo si
gabaan uga hadlay taariikhdii marxuumka kuna tilmaamay ruux QIIMO LEH OO
QARANKA SOOMAALIYEED KA BAXAY.
Sawirada Soomaalida Stockholm ka eg halkan....
Intaa dabadeed ayaa waxa hadalo kooban hase yeeshee qiimo balaadhan
xambaarsan ka jeediyey Suldan Cabdi Rizaq Xirsi Carab iyo Garaad Axmed
Diriye Geylaan. Iyagoo si uruursan uga warbixiyey taariikhda marxuumka
iyo aqoontii ay shaqsiyaan u lahaayeen Garaad Ismaaciil.
Intaa
dabadeed ayaa dad weeynihii soomaaliyeed ee tacsida isugu yimi si wada
jir ah dembi dhaaf ugu weeydiiyeen marxuumka. Tacsina ugu direen dhamaan
umadda soomaaliyeed gaar ahaana ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay
Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed.
Dadweeynihii ka soo qeyb galay oo aan la soo koobi karin haddana
waxaa ka mid ahaa, odayaal soomaliyeed oo magac ku leh bulsho weynta
soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa:
- Suldaan: Cabdi Rizaq Xirsi Carab
- Garaad: Axmed Diriye Geylaan
- Dr: Jamac Adan [Jamac Ruush]
- Danjire: Aadan Xaashi
- Cabdi Khaliif Jamac
- Xuseen Maxamed Siciid
- Maxamud Yusuf Xaaji
- Ing: Maxamed Cali Mirre
- Dr: Cabdillaahi Shiikh Axmed
- Cabdi Adan
- Maxamud maxamed yare Caafi
- Mustafe maxamed yare Caafi
- Maxamed Siciid Kaarshe
- Dr: Cali Xaaji Hiirad
- Gudoomiye: Nasir Cali Naaleye
- Cabdi Fataax Cumar Dalmar
- Liiban M Shariif [Dhegacde]
- Cali Mahdi Cabdillaahi
- Maxamud Maxamed Caafi
- Siyaad Cabdillaahi
- Jamaal Adan Cali Dheeg
- Axmed Saleeban
Waxaa soo tebiyey Liiban Maxamed Shariif[Dhegacade]
Somalia60@hotmail.com Stockholm
Tacsi iyo Duco - Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil (Cali Doob)
Anagoo
ah Jaaliya SSC ee ku dhaqan magaalada Jeddah ee wadanka Saudi Arabia
waxaan tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayanaa caruurtii, eheladii,
qaraabadii, reer SSC iyo reer Puntland ba geeridii lama filaanka ahayd
ee naxdinta lahayd ee ku timi Suldaan Cali Xaaji Ismaaciil (Cali Doob)
oo ah Halyey sumcad weyn ku lahaa dadka reer SSC dhexdooda waxaana
ilaahay uga baryayanaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan inta
tebaysana samir iyo iimaan ka siiyo - Aaamiin Aamiin.
1. Cali Ismaaciil Guraase
2. Deeq Ibraahim Xabashi
3. Axmed Cabdi Cali (Qadhabo)
4. Rashiid Jaamac Faruur
5. C/raxman Sh. Maxamed (Xariri)
5. Yasin Cilmi Dable
6. Dr. Gaarase Xaaji Khaliif
7. C/lahi Sh. Maxamed Sh. Cumar
8 Cali Xasan Shire (Pepsi)
9 Cali Axmed Tuuhe
10Rashid Cawed Baraar
11.Sh. Sacad Maxamed Xasan
12 Cumar Sh. Cali
C/raxman Xariri
xariri@hotmail.com