- Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Markii Ay Ciidamada Dowlada KMG ah Ee
Dhex Deganaa Ay Ka Guureen.
- Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Muqdishu una
ambabaxay....
- Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Bixitaanka Ciidamada Ay Ka Baxeen Bakaaraha
Oo Ka Socda Muqdisho
Maarso 10, 2008
Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Markii Ay Ciidamada Dowlada KMG ah Ee
Dhex Deganaa Ay Ka Guureen.
Xaalada Suuqa Bakaaraha oo dhowaanahanba ahayd mid aad u cakiran ayaa maanta
degan kadib markii ay ciidamada dowlada KMG ah ee suuqaasi saladhiga ka
samaystay ay dib uga Ruqaansadeen islamrkaana ay degeen meel aan sidaasi uga sii
dheerayn.
Lama oga sababta dhabta ah ee ay ciidamadaasi uga guureen suuqa gudahiisa waloow
ay jireen qaylo dhaan xoogan oo kasoo baxaysa ganacsatada ,waxgaradka iyo weliba
aqoonyahnada gobolka banaadir taasoo ay si weyn uga walaaceen kadib markii mudo
tiro ka dhowr jeer ah suuqaasi loo gaystay Bililiqo xoogan ay gaysteen ciidamada
dowlada KMG ah .
Sidoo kale Gancsatada suuqa bakaaraha ayaa maanta lagu arkayaa iyagoo badankoodu
kala Guuraya hantidooda islamrkaana ula baxsanaya meelaha ay isleeyihiin waxaa
idinku amaan gelaya hantida ay haystaan sida ceelasha biyaha ,degmada wadajir
iyo meelo kale .
Xaalada suuqa bakaaraha oo dhibaato dhac iyop boob ah loo gaystay ayaa ilaa iyo
iminka aysan waxba ka oran masuuliyiinta dowlada KMG ah taasoo uu maamulka
gobolka banaadir dhowr jeer ah uu sheegay in suuqa bakaaraha ay kaga soo duulaan
kooxaha dowlada kasoo horjeeda.
Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Muqdishu una ambabaxay....
Madaxweynaha dowlada FKMG soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada muqdisho
isagoo la sheegay inuu u socdaalay dalka Ethiopia (Warar kalena sheegeen in uu
uga si gudbi doono Nairobi) kadib markii la sheegay inuu
sii xoogaystay khilaafkii u dhexeeyey isaga sarkaalka u sareeya ciidamada
ethiopianka ee ku sugan wadanka soomaaliya Gen Gabra .
Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo xarunta madaxtooyada ee villa
soomaaliya oo uu ku yaalo Hoyga madaxweynaha DFKMG c/laahi yuusuf ayaa sheegaya in
khilaaf xoogan oo in mudo ahba ku kala dhex jiray madaxweynaah DFKMG yuusuf iyo
sarkaalka haysta ciidamada ethiopia ee wadanka soomaaliya ku sugan Gen gabra uu
sii xoogaystay islamrkaana keenay inay khilaafkii madaxa la galo xaalada cakiran
ee magaalada muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha .
Sidoo kale madaxweynaha DFKMG c/laahi yuusuf ayaa la sheegay inuu gaashaanka u daruuray
inay ciidamada dowlada FKMG ah ka guuraan gudaha suuqa bakaaraha islamrkaana ay
dacwooyin u gudbiyeen ganacsatada ,aqoonyahanada iyo waxgaradka magaalada
muqdisho raysal wasaare nuur cadde iyo weliba sarkaalka haysta ciidamada
ethiopia islamrkaana ciidamadii dowlada KMG ah ee ku sugnaa gudaha suuqa
bakaaraha ,daafaha gaara ahaan isagoyska Howlwadaag iyo isgoyska bakaaraha lagu
amray inay ka guuraan goobtaasi islamrkaana isugu wareegaan agagaarka
madaxtooyada ee villa soomaaliya .
Arintan ayaa keentay inuu madaxweynaha DFKMG yuusuf maanta u ambabaxo magaalada adis
ababa ee wadanka Ethiopia taasoo warar hoosaadyo laga helayo dadka ka ag dhowa
madaxweynaha ay sheegayaan inuu dacwo ka yahay sarkaalka ugu sareeya ciidamada
xukuumada ethiopia gen ,gabra .
Madaxweynaha oo safarkiisi ahaa mid aan lasii shaacin ayaa si deg deg ah saaka
barqinamadii uga duulay garoonka weyn ee aadan cadde ee magaalada muqdisho
iyadoo amaanka si weyn loo sugayey islamrkaana la xiray wadooyinka waaweyn ee
magaalada muqdiosho sida wadada Maka Almukarama ,wadada garoonka iyo meelo kale
.
Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Bixitaanka Ciidamada Ay Ka Baxeen Bakaaraha Oo Ka
Socda Muqdisho .
Isu soo bax balaaran oo lagu taageerayo bixitaanka ay ciidamada dowlada KMG ahi
ka baxeen suuqa bakaraha wadadka wadnaha gaar ahaan isgoyska howlwadaag ,iyo kan
bakaaraha ayaa ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqadisho
banaan baxan ayaa waxaa ka qayb qaadaney waxgaradka ,aqoon yahano ,Haweenka iyo
caruurta kuwaasoo halkudhig ka dhiganey doonimayno dhac iyo boob iyo waxyaalo
kale .
Dibad baxayasha ayaa socod dheer kusoo maray qaar ka tirsan wadooyinka magaalada
muqdisho sida wadada sodonka ,wadada wadnaha agagaarka suuqa bakaaraha gaar
ahaan qaybaha shirkadaha iyo meelo kale .
Banaan naxyadan lagu taageerayo guuritaanka ciidamada dowlada KMG ah ay ka
guureen agagaarka suuqa ganacsiga ee bakaaraha ayaa kusoo beegmaya xili ay
ciidamada dowladu bililiqo xoogan u gaysteen todobaadkii hore dabayaaqadiisii
suuqa bakaaraha taasoo ay ganacsatada qaarkood ka rarteen alaabadoodii suuqaasi
.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa guuritaanka ciidamada ay ka baxeen
agagaarka suuqa bakaraha waloow ay wararka qaar sheegayaan inay qayab ka yihiin
dadaalada nabadeed ee uu raysal wasaare nuur cadde ka wado magaalada caasimada
ah ee muqdisho.
yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
somalitalk.com
Mid ka mid ah Nabadoonada Gobolka Sanaag oo ka
hadla Xadhigii Nabadoon Cabdi Faarax Cilmi ay kula Kaceen Maamulka Puntland
Warbixin: Shirar Wadanka Uganda uga socda Ururro iyo dad Soomaali ah oo kala
yimid Caalamka. Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2008
|