Madaxweynaha Uganda oo ka khudbad Talo iyo baraarujin ah ka hor jeediyay
boqolaal Soomaali ah oo Uganda shir uga socodo.
Maarso 12, 2008:
Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Kaguto Museveni ayaa caawa khudbad dheer oo
talo iyo tusaaleba iskugu jirta ka soo jeediyay shirkii Jiheynta iyo raadinta
Nabadda Soomaaliya ee maalmihii la soo dhaafay ka socday hoolka shirarka ee
Hotelka Imperial Resort Beach ee degmada Intebbe ee magaaladda Kampala ee
wadanka Uganda
Ka hor madaxweynaha intii uusan Madaxweynuhu billaabin khudbaddiisa ayaa warbixn
guud waxaa madaxweynaha shirka ka siiyay agaasimaha guud ee Hey’adda Cilmi
barista iyo Wada tashiga ee CRD Jibriil Ibraahim C/lle oo mahadcelin kaddib
Madaxweynaha u sheegay in shirku uu ku saleysanyahay Jiheynta Nabadda iyo
tit-tirista Qabiilka, iyadoo Madaxweynuhu uu aad ula dhacay arrintaas oo ay ka
soo shaqeeyeen Ururadda Bulshada Rayidka iyo Hey’adda CRD ee wadaag la ah
hey’adaha Inter Peace iyo Safer World.
Proff. Maxamed Sheekh Osman (Jawaari) oo ku hadlayay magaca ka soo qeyb
galayaasha shirka ayaa si aad ah Madaxweynaha uga qosolsiiyay, kaddib markii uu
hadilyad ahaan u guddoonsiiyay buuga IFTIIN’s English-Somali Reference Guide oo
ah digshinari kala turjumaya luuqadaha Soomaliga iyo Ingiriiska, waxaana
hadalkii uu jeediyay Mr Jawari uu dowladda Uganda uga mahadceliyay dadaalkeeda
ku aadan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed ee sidii nabad loo heli lahaa, iyadoo
uu kudhbadiisa uu ku yiri “Uganda waa Soomaaliya, SOomaaliyana waa Uganda”, taas
oo keentay in Madaxweynuhu uu codsado qoraal ahaan Afsoomaali loogu bedelo oo uu
aad ula dhacay dareenka iyo ammaanta loo jeediyay, iyadoo dhinaca kalena Marwo
Khadiijo Gurxan oo ku hadleysay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ay
sheegtay in door muhiim ah ay ka ciyaareyso Uganda Nabadda SOomaaliya.
Khudbaddii Madaxweynaha oo kooban.
Mudanayaal iyo marwooyin, dadkiina Sooomaaliyeed aad iyo aad ayaan ugu
faraxsanahay in aad maanta halkan Intebbe in aad shir Nabadda Soomaaliya aad ku
qabsateen, ku soo dhawaada gacmo furan mar kale, Dadka Soomaaliyeed, Oromada,
Suudaata iyo qabiil naga tirsan waxay ka soo wada jeedaan jinsiyadda Kushitiga.
Aad iyo aad ayaan uga xumahay dhibka ka socda Soomaaliya, runtiina waa arrin
xanuun badan, Magaaladda Muqdisho waxaan tegay sanadkii 1992, xilligaas oo ay
magaalada ay ka jirtay dhibaatooyin xoog leh haba ugu darneyd Qadkii Cagaarnaa,
iyadoo ay ka socdeen dagaallo xun, waxaan la kulmay General Caydiid, sidaas oo
waxaan la kulmay Cali Mahdi oo ay dirirtu ka dhexeysay, waxaana kala wada hadlay
Nabadeynta iyo joojinya Dgaaladda socda.
Dhibaatadii xilligaas socotay ilaa maanta waa socotaa, bal eeg maalinkii aan
Muqdisho tagay carruurkii dhashay hadda waa 16-jir xoog leh, welina dagaalkii
waa socdaa, mana ahan wax cadaalad ah in dagaalku ilaa maanta uu socodo, ma isku
dayi karnbaa in dhammaanteen aan helno xalka dadkiina dhibaateysan, waa arrin
cadaaladda ka fog oo wax laga xumaado ah waxa ka dhacaya magaaladda Muqdisho.
Daneysteyaal ayaa jira mar kasta waxay ka fikiraa danitooda oo kaliya iyo waxa
uu isagu u arko in ay dan u yihiin, Tusaale ahaan haddii uu galo hool ay ku
badan yihiin raggu wuu taageraa, haddii dantiisa kaliya uu ka arkayo, isla
markii hadana haddii uu soo galo hool kale oo haweenku ku badan yihin wuu is
bedelaa, ileen waa daneystee, waxaana ii muuqata in Soomaaliya ay hadda noqotay
meel sheybaar ah oo laga ogaan karo waxa uu rabbo, xumaantana lagu tijaabiyo,
sidaas daraadeed waxaan idin kala talinayaa in daneyste meesha laga saaro, ileen
waa daneystee, wuxuu rabana waa wax iska cad.
Waxaan aad ula yaabanahay dadka Soomaaliyeed waa isku Diin, dhammaantiin waxaad
tihin Muslim, isku Af oo la iskama kiin turjumo, iku Midabna waad tihiin, sidaas
daraadeed maxaa la isku heystaa, Muqdisho waa Soomaaliya, Hargeysa waa
SOomaaliay, Puntland waa SOomaaliya, Soomaaliyana waa SOomaalia, side wax u
jiraan?
Fikir ahaan aniga waxaan aaminsanahay in la kala saaro Diinta iyo Siyaasadda,
waayo siyaasaddu waa dhismo wadan, ammaan qaran, shaqaaleysiin, warshado samey
iyo hormarinta wadanka, waana wax ka qabashada arimaha markaas taagan oo qaran
iyo dadkiisba ay u haaban yihiin, laakiin Diintu waa ku xirnaanshaha Ilaahey iyo
ka janno dalbasho, waana xiriirka qofka iyo Ilaahey u dhexeeya oo Ilaahey
qofkaas kaligiis la xisaabtamo, laakiin waa in isku ujeedo laga noqdaa Siyaasad
wax tar leh.
Aniga Qabiilkeygu waa Miyankole, 200-milse ayay deegaan ahaan ka fogyihiin
caasimadda, waana qabiil Lo’ley ah, wixii ka horeyay 17-sano ilaa 20 sano
caanaha lo’dooda markii ay listaan iyaga ayaa dib u cabi jiray, laakin dadku
waxay barteen is dhex gal iyo in ay caanahooda ku bedeshaan qabiil kale tacab
sida galeyda oo kale ah ku jira, sida Bagandhada Kampala degan oo oo miro ama
wax soo saar kale ay u soo baxaan, si loo helo is dhex gal ganacsi iyo isku
xirnaasho bulshadeed, markaas waxaa meesha soo galaya danta joogtada ah ee isku
xirnaanta ka wada shaqeynta Nabadda iyo ka fikirteeda, tusaale ahaa aniga
Aabahey waa nool yahay, waa 90-jir, fikirkisa hadda waa mid ka duwan kii hore,
wuxuu ka fikirayaa Magaaladda Kampala oo uu ka maqan yahay, waayo haddi wax yar
ka dhacaan wuxuu ogyahay in Warshada caanaha lo’da ee deegaankiisa u soo
safrisaahi ay istaageyso haddii qalalaase dhaco, wxuuna ka fikiraa isku
xirnaanta guud ee dadka isku danta ah, marka waa in ay jiraan fikirro isku
tagay.
Waxaa lagaa rabaa haddii aad warshad yar oo Mootada sameysa aad ka furto tusaale
ahaan Kismayo waxaa lagaaga baahan yahay in aad ka fikirto sidii aad ganacsiga
ku gaarsiin laheyd Hargeysa oo kale, kaddinna aad East Africa ugu soo gudbin
lahey, laakiin haddii aad ku ekaato Kismaayo iyo deegaanka u dhow waxaad
ahaaneysaa qof ka xir-xiran caalamka intiisa kale oo muhiimadiisu ay tahay inta
yar oo kooban, arrinkaasna waa laga fiican yahay, waxaana keenaya hor’umar
la’aanta Africa waa qabiil iyo deegaan yar oo aan laga fikirin qeybaha kale ee
muhiimka ah iyo dadkii oo aan wax baran.
Isku xirka Ganacsigu aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay Nabadda iyo
waaritaankeeda, eeg Wadamada Yurub qolo aan is dilini kuma jiro, waa la is
laayay haddan waad arkeysaan hor’umarka ay gaareen, waana lagama maarmaan in
doorkaas ay ciyaaraan ganacsatada Soomaaliyeed, laakiin ku shaqeysida la
dhuumashada canshuuraadku waa mid laga fiican yahay.
Arrinta kale ee aan aadka ula yaabanahay, isla markaana aan talada ka
bixinayaahi waxay tahay, waa maxay Sababta Soomaalidu uga daba wareegto Dowlada
ku meel gaar ah? Mar kasta waxaa laga hadlaa KMG, maxaa la is ugu imaan la’yahay
Dowlad weyn oo permanent, aniga arrinkaas waa iga degi la’yahay, Malaga fikiri
karaa haddii ay dhammaato 18-ka bilood ee C/llaahi Yuusuf u harsan in la helo
dowladda weyn oo shaqeysa, waa in Soomaaliya laga hir galiyaa dowlad nuucaas ah,
mise Soomaaliya kale yaa jirta?, maya Somalia is one Nation, sidaas daraadeed
Ururadda Bulshada Rayidka ah iyo qeybahah siyaasaddu waa in ay arrinkaas ka
shaqeeyaan.
Inigu waxaan dagaalka ka soo billaabay duurka ama baadiyaha, waxaana markii aan
dagaalka soo wadnay oo ku soo dhawonahay Kampala, sameysanay ugu yaraan 10 qodob
oo hir gala marka magaaladdu gacanta noo soo gasho, sida qorshe sameyn, doorasho
iyo tastuur qoris, waxaa jirta arrin aan kala hadlay Caydiid oo aheyd in aan
xarunta dalka lagu dhex daalamin, runtiina ninkaas wuxuu ahaa nin aqli badan oo
warka dhuuxa, haddii laakiin tusalaale ahaan adiga iyo xaaskaaga aad isku
dagaashaan jikada dhexdeeda ma heleysaan wax aad cuntaan marka dagaalkiina
dhammaado, laakiin haddii qeybaha kale ee guriga aad isku soo dishaan raashinka
Jikada yaal waa diin bad-baadayaa, waayo waxaad cunto waad u bahana tahay,
waxaana mar kasta haboon in dagaalka laga daayo magaalooyinka wadnaha ah sida
muqdisho oo kale.
Waan ka qeyb qaadanayaa Nabada iyo wada hadalka SOomaalida, waan jeclahay in la
dodo, tusaale ahaa Dagaaladii qaraaraa ee dhawaan Muqdisho ka dhacay waxaan hir
galiyay wada hadallo dhex maray dad Soomaali ah oo ka damqaday dagaalkaas, sida
Haweneydii uu ka geeriyooday General Maxamed Faarax Ceydiid, marwo KHadiijo
Gurxan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiay Meles Zanawi oo runtii KHadiijo ay la
murantay Ra’isul Wasaaraha, iyadoo aaad uga xanaaqasneyd dagaalka ka socda
wadanka, sidaas oo kale waxaan goob joog u ahaa wada hadal dhex maray C/llaahi
Yuusuf iyo Khadiido, waxaan dareemayay maadaama ay luuqadooda ku wada hadlayeen
in wada hadal wax lagu dhameyn karo, xilli kasta waxaan diyaar u ahay in aan
nabadda ka wada shaqeyno.
Xaqiiqo ahaan Uganda waxay soo martay mar xalado kala duwan, waxaan soo marnay
waqti doorasho la is qiyaanay, sida doorashadii 1962, laakiin waxaan ugu
dambeyntii ku guuleysanay nabad waarta iyo doorasho xor ah oo cid la xaqiraahi
aysan jirin oo ku dhisan dimoqradiyad, waloow dimoqraadiyadda aad u maleysay in
Africa loogu talo galay, Tusaale ahaan Madaxweyne Buush markii uu Africa yimaado
waxa ugu badan ee uu ka hadlaahi waa democracy iyo hir galinteeda, laakiin marka
uu tago Bariga dhexe ama Sucuudiga oo kale wuxuu kala hadlaa arrinta Shidaadka,
ma dhicin in weli uu kala hadlo dimoqraadiyad, waayo weligood qaliijku xitaa ma
sameyn hal doorasho oo dowladaha hoose ah.
Ugu dambeystii Mudanayaal iyo Marwooyin, dadkiina Soomaaliyeed ee sharafta leh
ee halkan iskugu soo aruuray aad iyo aad ayaan mar kale idiin kaga
mahadcelinayaa imaatinkiina Uganda, ma jirto cid idinka xigta wadanka, xitaa xaq
ayaad u leedihiin in aad codeysaan sida hore u dhacday, ma diidi karno mana
diideyno qaxootigiina yimaad ilaalin ayay nagu leeyihiin, sidii aad rabtaan ugu
noolaada wadankan, ogaada waa wadankii labaad.
Waxaa Turjumay: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Tel +256 775517089
Intebbe, Uganda
March 11, 2008: Warbixin dheer oo ku saabsan shirkii Hagista Nabadda Soomaaliya ee maanta ku
furmay Wadanka Uganda.
Shirkii Nabadeynta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotelka
Imperial Resort Beach ee Intebbe-Kampala ee wadanka Uganda, waxaana shirkaas oo
ay ka soo qeyn galeen ku dhawaad 150 xubnood oo kala socday qeybaha kala duwan
ee Bulshada, gaar ahaan Ururadda Bulshada Rayidka ah, Ganacsatada, aqoonyahanno,
qurbo-joog iyo goob joogayaal caalami ah.
Shirkan oo maanta [Talaada March 11, 2008) uu shir guddoon ka ahaa Mahamed Sheikh Osman (Jawari), isla
markaana ay howsha doodad iyo fududeynta qodbada ay ka caawinayeen C/raxmaan
Macallin Ibraahim (Baadiyow) oo ka socday Jaamacadda Mogadishu, C.raxmaan
Cismaan Shuuke oo ah agaasimaha Puntland Research Development, Maxamed Jirda
Xuseen oo Ganacsatada ka socday iyo Maryan Xuseen Owreeye oo ka socotay Xarunta
Xaquuqada Aadanaha ee Ismail Jimcaale ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka
mid ahaayeen Xiriirka Bulshada Rayidka ah iyo dowladaha, taariikhda Ururada
Bulshada iyo wax qabadkooda iyo doorka raadinta Nabadda iyo dhismaha dalka iyo
sida ay uga qeyb qaadan karaan Ganacsatadu.
Furitaankii shirkaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay C.raxmaan Raage oo ka socday
Hey’adda Inter Peace oo wax ka soo qaban qaabishirkan wuxuuna sheegay in u
jeedada laga leeyahay qodobada ka soo baxa shirkan ay tahay sidii nabad iyo dib
u heshiisiin loo heli lahaa , wuxuuna sheegay in beesha caalamku taagereyso
qodobada ka soo baxa shirkan oo socon doona ilaa labada maalmood ee soo socta,
wuxuuna sheegay dadka Soomaaliyed laga doonayo in ay ceebta ka taagan wadanka ka
tir-tiraan isagoo yiri “Waxaan deganahay Kenya, waagii dhawaa ee qala-laasuhu uu
ka dhacay waxaa tusaalaha dadka reer Kenya u soo qaadan jireen wadanka
SOomaaliya, iyagoo leh {Aaan bed-baadsanno wadankeena aan jecelnahay, haddii
kale sida SOomaaliya ayaan noqoneynaa.
Agaasimaha Hey’adda CRD Jabriil Ibraahim C/lle oo furitaankii shirkaas ka hadlay
ayaa soo ban dhigay cilmibaaris ay ku sameeyeen xaaladduu guud ee dalka, wuxuna
sheegay in dalka la wada leeyahay isla markaasna loo baahan yahay oo la wada
bad-baadiyo, isagoo cadeeyayn in hadda meeshii ugu dameysay la marayo, wuxuuna
sheegay in fakir ka yimaada bulshada rayidka ah uu yahay mid haddii dhinaca
wanaagsan loo adeegsado wax badan taraya.
Weriyihii hore ee British Broadcasting Corporation Zusana Price oo hadda ah madaxa warbaahinta ee xaafiis
siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku soo gudbisay wakiilka
xohayahay guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha SOomaaliya ayaa farriin
ka socotay wakiilka oo ay ka aqrisay furitaankii shirakaas, waxayna sheegtay in
Qaramada Midoobay diyaar u tahay dhiira galinta isku day kasta ee lagu halayo
nabad xoog leh oo ka dhalata Soomaaliya, waxayna sheegtay in Ganacsatada iyo
Suxufiyiintu ay door muhiim ah ka ciyaari karaan weji kale oo SOomaaliya laga
dhaliyo.
“Anigoo hore u ahaan jiray Saxafiyadda Caalami ah, waxaan hadda taageerayaa
saxafiyiinta, Soomaaliyeed si ay uga qeyn qaataan nabada iyo dib u heshiisiinta”
ayay tiri Zusana Price“Waxaan la shaqeyn doonaa qeybaha jilicsan ee bulshada,
sida haweenka Carruurta iyo bulshada inteeda kalaba, si loo hir galiyo is bedel
kale oo muhiim ah”.
Maxamed Jirda Xuseen oo ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa yiri “1991,
kaddib si fiican ayay u shaqeeyeen ganacsatadu, waxay fuliyeen adeegyo badan oo
muhiim ah, waxaan ka shaqeynaa meel kasta, waan is aamminaa, waloow dhib kasta
aan u nugulnahay, haddan hantideena, nafteena waan biimeynay si loo helo dhaqaaq
aan loo darsan, waxaa nala saaraa canshuuraad xoog leh marka aan ka shaqeyneyno
meelaha ay ka jiraan maamuladda, waayo nin qori heystaahi waa ka xoog badan
yahay nin tukaan yar heysta, is afgarad iyo is fahan ayaan waa in aan sameynaa,
dhulkuna waa naga badan yahay ee aan ka wada faa’iideysanno”
Maryan Xuseen Owreeye ayaa iyana ka hadashay xaaladda Xuquqda Aadana ee wadanku
ku sugan yahay “Musiibadda ka jirta Soomaaliya waxay soo socotay 36-dii sano ee
la soo dhaafay, wadanka markasta waxaa isku bedelayay dabley, khatar nabad
la’aaneed oo xoog badan ayaa jirta, saacad iyo maalin kasta waxaa dhaca dil,
xasuuq, dagaallo, afduub, xabsi, barakac, caafimaad la’aan, waxbarasha la’aan,
dagaallo abaabulan , waxaan geysatay qolo kasta oo wadanka soo gasha, tusaale
ahaa, UNISOM iyo Ciiimadama Itoobiya iyo qolo kasta oo xoog isku dayeysa, waxaa
hadda haray hal wadiiqo oo ah in la hormariyo Dib u heshiisiinta iyo taxadirka
Xaquuqada Aadanaha”
C.raxmaan Baadiyoow iyo C.raxmaan Shuuke oo labaduba ka hadlay doorka Ururada
Bulshada Rayidka iyo hagista qaabdhismeed ayaa ku nuux-nuuxsaday in inkasta oo
ay jiraan ururo magic u yaal ah haddana ay ururada kale shaqeeyaahi ay yihiin
kuwa si daacad ah u shaqeeyan, dadkana uga faa’iideeya waxyaabaha haboon ee
bushada anfacaya, waxayna sheegeen ururkii ugu horeeyay ee dowlad ka madax
banana uu ahaa SYL, waloow markii dowlahadiihii hore ay lahaayeen Ururo ay iyagu
maamulaan, waxaana ay sheegeen in wada shaqeynno ay wanaag leh ay dhex marto
hadba maamulka ay isku dhowyihiin, laakiin ay jirto in maamul kastaahi uu ku
fikiro inuu riixo Bulshada Rayidka ah.
“Bulshada waxaa ka dhexeeya sadex arrimood, Diinta, Dhulka iyo Dowladda, sidaas
daraadeed mayaysan dhici Karin in aan ku kala tagin midkoo sadexaad arrimood ee
aas-aasiga ah, runtii waa wax aan la kala diidi Karin haddii runta la isku
sheego, majiro qof dhahaya diinta noo bedela, mana jiro qof kale oo dhahay
dhulka gooni ayaan u leenahay marka laga reebo deegaaneynta, sidaas oo kale ma
jiro qof dhahay dowlad xoog leh ma dooneyno ama aniga iyo qabiilekyga ayaa
dowlad noqoneyna” ayuu yiri C.raxmaan Baadiyoow oo Jaamacadda Mogadishu.
Qurba joogta Soomaaliyeed ee shirka ka soo qeyb gashay eek ala yimid wadamada
America, Canada iyo Yurub ayaa iyaguna fikiro talo ah ka soo jeediaya, waxayna
sheegeen in ay taageero dhinac kasta ah la daba jooogayaan dadka gudaha ku nool
haddii ay keenaan fikiro nadiif ah oo dhabta iyo xaqiiqada ku saleysan.
Ilaa maqribkii waxaa socday fadhiyo kala gooni-gooni ah oo ay qodobadooda ay ka
mid ahaayeen Qaabeynta iyo ka fikiridda Nabadda, Doorka haweenku ay ku leeyihiin
Nabadda Iyo dib u heshiisiinta, Dhismaha Qaab nabadeed oo macquul ah, Ganacsiga
iyo Nabadda, Xusida Dowlad Nabadeedka iyo doorka Qurba joogta, iyadoo qodob
kasta dadka aqoonta u leh ay ka hadlayeen, waloow fikiradii saliimka ahaa ee ka
soo baxay fadhiyayaas ayan soo saarin weli oo laga sugayo.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Uganda Moseveni ayaa lagu wadaa inuu berri Arbacada
uu ku soo biiro shirka is uu uga jeediyo hadalada ku haboon ee Nabadeynta
SOomaaliya, wixi wararka ee ku soo kordhana waan idinla soo socodsin doonaa
haddii Ilaahey ka dhigo.
W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Intebbe, Uganda
March 10, 2008: Shirkii None State Actors oo soo gaba-gaboobay iyo shirkii Jiheyta Nabadda
Soomaaliyeed oo furmaya.
Waxaa galabta [March 10, 2008) Hoolka shirarka ee Hotel Imperial Resort Beach ee degmad Intebbe
ee magaaladda Kampala ee wadanka Ugand ku soo gaba-gaboobay shirkii mudada
sadexda maalmood ahaa uga socday Ururka None State Actors ee ay ku mideysan
yihiin Ururada bulshada Rayidka ah ee NGOs, Privet sectors iyo xirfadlayasha,
waxaana dood iyo watashi dheer oo dhexmaray 55 urur ee ka kala socday koofurta
iyo bartamaha Soomaaliya ay guddoomiye u doorteen Axmed Nuur Cisman
(Injineer Jalwa).
Injineer Jalwa oo ay la tartamayeen musharaxiinta kala ah Osman Muhyadin Moalim,
Nuurto Sheekh iyo C.raxman Moalim Ahmed, waxaana la isla gaaray laba wareeg,
iyadoo wareegii hore ay ku hareen labada musharax ee C.raxmaan Macallin iyo
Osman Mohayadin oo heli waayay tira codeedkii loogu soo gudbi lahaa kala reebta,
waxaana 24- cod guushu ku raacday Axmed Nuur Osman, halka Nuurto ay heshay 20
cod oo qura, iyadoo codka 50-aad uu la dhoofay C/qaadir Walaayo oo shirka joogay
wax ka yar 24 saac gudahood.
Sawiro kale oo shirka Uganda:
halkan...
codka doorashada oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa dhinaca kale guddoomiye ku
xigeenka None State Actors loo doortay C.qaadir Sheekh Cabdullaahi oo ka mid ah
madaxda Urrada Bulshada ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Markiiu la doortay kaddib ayay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba la hadleen
dadkii ka soo qeyb galay xafladda caleemo saarka waxayna sheegeen in sidii loogu
doortay hoggaanka ay shaqada u wadi doonaan, iska markaana tastuurka iyo
shuruucda ay ilaalinayaan.
Shirkan oo y soo qaban qaabisay Hay'adda Cilmi baarita iyo wadatashiga ee CRD oo
wadaag la ah hey'adda Safer World ayaa u jeeda laga lahaa ay aheyd in la helo
hoggaan rasmi ah ee horkaca oo ka kala socda bulshada qeybaheeda kala duwan,
kuwaas oo xirriiro ganacsi iyo wada shaqeyn xoogan la yeelanaya 77 dal oo
Africa, Pasific iyo carebianka iyo 15 dal oo Yurub ah, kuwaas hirgaliya
heshiiskii Cotounou Bennin ee oo is kaashi sal dhig uu yahay ganacsigu uu dhex
mari doono, iaydoo faa'ida ugu badan ay ka heli doonaan Ganacsatada oo si toos
ah wada shaqeyn ula yeelan doon dalkaas.
Agaasimaha Guud ee Hey'adda Cilmi baartista iyo wada tashiga ee CDR Jabriil
Ibraahim C/lle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsantahay habwanaagii ay
doorashadani ku dhammaatay, isagoo sheegay in mudadii sadexda sano aheyd oo ay
ka soo shaqeynayeen sidii ay ururada bulshada ay ku heli lahaayeen hogaan
midyesan manta lagu guuleystay, wuxuuna sheegay in doorashooyin nuucan oo kale
ay ka dhici doonaan Gobolada Baiga iyo kuwa wogooyi ee SOomaalia, si ururada
goboladaas ka jira ay fursado nuucan oo kale ah u helaan.
Waxaa sidoo kale ka hadlay doorashada kaddib madaxa barnaamijyada Africa ee
hey'adda Safer World Ivan Campbell, wuxuuna sheegay in doorasho wanaagsan nuucii
ugu fiicnaa lagu kala baxay, isagoo sheegay in guusha ballaaran ee None State
Actors ay tahay mid ay ku faani karaan Ururada aan dowliga ahey oo dhan, wuxuuna
carabaabat in aysan dhib yareen in la sameeyo ururu nuucan oo kale, laakiin ay
wanaagsan tahay hor u socodka iyo is fahamak, laakiin wuxuu cadeeyay in xoogaa
yar oo is qab-qabis ah uu ka dhex dhacay qoboladda doorashada bixinta codka ee
guddoomiya, hase ahaatee ay doorashadu ku dhammaatay sidii loogu talo galay.
Maalmaha soo socda ayay xunbaha None State Actors guddgooda fulinta oo ka kooban
17 xubnood waxay la kulmi doonaan dhigooda Uganda, is ay uga wada hadlaan
iskaashi caalami ah oo dhex marar labada dal oo siyaasad ahaan is xiiseeya,
laakiin dhinaca ganacsiga iyo iskaashiga kale ee urur ahaan uu hadda u billaaban
doonno.
Iyadoo shirka Ururaka Nine State Octos uu soo idlaaday ayaa hadana xalay waxaa
is wada jir ah hoolka cashada ee Hotelka Imperial Resort iskugu yimid wufuuda
shirka berri furmay oo looga hadlayo xal u helista iyo nabad raadinta Soomaaliya
oo ay ka qeyn galayaan Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Taageerayaasha Maxaakiimta
iyo dowlada Kmg ah, ganacsato, madaxda Ururada Bulshada Rayidka ah, fanaaniinta
iyo mas'uuliyiin ka kala socda midowga Yurub iyo diplomatsiyiin caalami ah oo
daneeya arrimaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale laga yabaa inuu ka soo qeyb galo shirka Madaxweynahay Uganda
Yoweri Museveni iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda Uganda ah, waxaana ay dhiiro
galin doonaan isku imaatinka Siyaasiyiinta is diidan iyo Nabad Sooamaliya laga
hir galiyo, iyadoo dhinaca kale farriin ka timid Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
Nuur Xasan Xuseen ay sheegeyso in Xukuumadda KMG ay qaadan doonta qodobada
macquulka ah ee ka soo baxa shirka berri lagu ballan santahay.
W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Entebbe-Kampala, Uganda
march 10, 2008
March 9, 2008: Warbixin ku saabsan Shirar Wadanka Uganda uga socda Ururro iyo dad
Soomaali ah oo kala yimid Caalamka.
March 9, 2008: Waxaa maanti 2-aad Hotelka Imberia Resort Beach ee
degmada Entebbe ee Magaaladda Kampala ee Wadanka Uganda ka socda shir ay ka soo
qeyn galeen ku dhawaa 150 qof oo ka kala socday Ururadda aan dowliga aheyn ee
wadanka Somaaliya, waxaan shirkaas soo qaban qaabiyay Hey'adda Cilmi Baasita iyo
Wada tashiga ee CDR oo kaa shaneysa hey'adaha Safer World iyo interprpeace.
Shirkan oo laba qeybood ah ayaa qeybtiisii hore wuxuu u furmay hey'adaha aan
dowliga aheyn ee None State Actors oo ay ku wada jiraan Faaíido Doon iyo kuwa
aan Faaíido doon aheyn iyo NGO's, waxayna dooraan doonaa maalinta Isninta ah
guddi horkaca oo mideysan, iyadoo furitaankii shirkaas hadal uu ka jeediyay
Agaasimaha Guud ee Haye'adda Cilibaarita iyo Wada Tashiga ee CRD Jabriil
Ibraahim C/lle uu sheegay in muddo ku dhawaas 3 sano ay ay ku qaaday sidii ay
iskugu keeni lahaayeen None State Actros oo ay u sameynsan lahaayeen hogaan xoog
leh.
Shirkan ayaa qeyb ka ah heshiiskii Cotounou Benin, kaas oo ay wada saxiixdeen 77
dal oo Qaaradda Africa, wadamada Pasific iyo Carebian-ka iyo 15 wadann oo Yurub
ah oo is kaashi xiriir iyo gacansi toos ah sameysanaya, waxaana haddii ay ku
guuleystaan ururada aan dowliga aheyn in ay sameystaan hogaan u shaqeeya isla
markaasna ay ku heshiiyaan Tastuurka ay ku wada dhaqamaan ay si cad ula
xisaabtami doonaan dowladda KMG, iyagoo kual xisaabtami doona dhaqaalaha ay
dowladaha deeqada bixiyaahi ay siiyaan dowladda.
Dhinaca kale waxaa magaaladda Kampala ee Uganda ku soo qul-qula wufuud Soomaali
oo is kugu jira Taageerayaasha Maxakiimta, kuwa Dowladda KMG, Ganasato,
Aqoonyahanno, Saxfiyiin iyo Fanaaniin iyo wufuud kale oo ajaabin ah oo kala
socda oo kala heyádaha deeqad bixya iyo midowga Yurub, waxayna ka qeyn gali
doonaan shirka taladada bilaabaya ee looga hadlayo jiheytan Nabadda Soomaaliya
iyo hal u helista qilaafaadka 18-ka sano ka socda wadanka Soomaaliya.
Doodo kulul iyo is dhaafsiga fikirro macquul ah ayaa laga filanayaa in ay ka soo
ifbaxaan shirkan oo ah mid ay rajo wanaagsan ka muujinayaan kas soo qeyb
galayaasha shirka iyo qaban qaabiyaasha intaba, wuxuuna jidka u xaaqi doonaa is
afgarada iyo talo ay SOomaaliyi iskugu timaado.'
Raíisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay inuu
taageerayo wixii ka soo baxa shirkaas, isagaoo sheega in ay tixgalinayaan wada
hadallo Nabadeed oo ay wada yeeshaan dhinacyadda siyaasiyinta Soomaaliyeed,
wuxuuna sheegay in Xukuumadda KMG ah u taagan tahay Nabad helista iyo is afgarad
dhex mara dadka Soomaalida ah.
Furitaanka shirka waxaa lagu casuumaya inuu ka hadlo Madaxweynaha wadankan
Uganda Yoweri Kaguto Museveni maadaama martii loo yahay, isla markaana uu yahay
Madaxweynaha kaliya ee u dhaq-dhaqa nabad ka timaada wadanka SOomaaliya, iyadoo
ay xusid mudan tahay in Ciidanka DOwladda Uganda ay ku sugan yihiin Magaalada
Mudisho.
Heyádda CDR ee soo qaban qaabisay Shirarkaas ayaa sheegtay ay fikradaha iyo
talooyinka ka soo baxa shiraas ay ka diyaarinayaan Document loogau magac dari
doono XAGEEN AADNAA, wuxuuna sheegay Agaasimaha CRD Jabriil Ibraahim C/lle in uu
rajeynayo in dadku wixii hadda ka dambeeya ay hilmaami doonaan qabiil iyo
qabyaalad oo ah waxa keenay isnicintaanka iyo kala fogaashaha qabaaílka
SOomaalida.
Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri:
W/D: Faarasx Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email farahblue_545@hotmail.com
Intebbe, Uganda
March 9, 2008
Kullanka ay Sooomaalidu ku leeyihiin Ugandha...
Waxaa magaalada Entebbe ee waddanka Ugandha ka bilowday shir balaaran oo labo
qaybood ka kooban. Shirkaan ayaa ah mid aan horay loo samanin, lana filayo in uu
noqdo mid miro dhal ah. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb gelay dad tiradoodu kor
u dhaafeen 140 ruux oo ka kala socda hay'adaha sama falka, qurba jooga iyo
hay'adaha caamiga ah. Sida oo kale waxaa ka soo qayb galaya hay'adaha caalamka
ee deeq bixiyayaasha ah. Shirka kowaad ayaa waxaa uu ku saabsan yahay
sidii loo midayn lahaa hay'adaha sama falka ah ee Koonfurta iyo Bartamaha
Somaliya. Hay'adaha isugu yimid magaalada Entebbe ee Somalida ah ayaa waxaa ay
kor u dhaafayaan 20. Hay'adahaan ayaa marka ay dala samaysataan waxaa ay
raadinayaan in ay hal dalad la samaystaan kuwa ka jira Puntland iyo Somaliland.
Shirkaan ayaa waxaa isuku soo dubaridey hay'ada Center for Research and Dialogue
(CRD), iyo saaxiibadood Saferworld iyo Interpeace Qaybta labaad ee shirka
oo bilaamaysa 11 soconadoonta ilaa 13ka ayaa waxaa ka soo qab gelaya dad badan
oo ka kala yimid Qurba jooga Somaliyeed oo ka kala socda US, Canada, England,
Carabah, Bakistaan iyo Australia. Australia wayaa waxaa qurba jooga
matalaya Ciise Maxamud Dhollowaa iyo Cabdulahi Caaji oo labaduba ka yimid
magaalada Melbourne oo Somalidu ugu badan tahay. Ciise Dhollowaa ayaa PHD-giisa
ku samaynaya sida qurba joogu ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska
Somaliyeed. Dhanka kale Cabdulahi Xaaji ayaa wuxuu ka mid yahay dadka
baayacmushtarka ah.
File Foto: qaar ka mid ah aqoonyahanada Australia
Qaybta labaad oo ah mida
ugu weyn shirka auaa waxaa lagu fiiranayaa arimaha Somaliya, khaasatan arimaha
nabada, dib u dhiska, iyo qaybta Qurba joogi ka ciyaari karo labadaas qayboodba.
Dhanka kale, bulshada rayadka ah ayaa waxaa ka jooga shirka cudud xoog leh oo
aan la soo koobi karin. Waxaa lagu talo jiraa in shirka yimaado
madaxweynaha waddanka Ugandha Musafainin oo dadka somalida h ku boorindoona in
ay waddankooda iyo dadkood wax u qabtaa.
Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2008
Barack Obama oo
Guul Kale ka soo Hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka
(Gobolka Wyoming)...
|