Wararkii: Nov 5,
2007
-
C/llaahi Yuusuf oo Ra’isul Wasaare
la doonayo mid ka mid ah Wasiirada Xukuumaddii Cali Max’ed Geedi
-
Ciidamada Itoobiya oo bilaabay in ay si hoose u gumaadaan
shacabka
-
Qaraxyo lala beegsaday ciidamo
itoobiyaan ah
-
Ciidamo Ereteriyaan ah oo buux
dhaafiyey xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya.
-
Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku soo fool leh Baydhabo
-
Maamulka Gobalka Banaadir oo
mamnuucay banaanbaxyada aysan ogeyn Maxkamadda gobalka
C/llaahi Yuusuf oo Ra’isul Wasaare la
doonayo mid ka mid ah Wasiirada Xukuumaddii Cali Max’ed Geedi
Iyadoo looga fadhiyo madaxweynaha DFKMG
C/llaahi Yuusuf Axmed in uu soo magacaabo ra’isul wasaarihii bedeli
lahaa ra’isul wasaarihii hore ee Cali Max’ed Geedi, ayaa haatan waxa
uu wadaa kulamo la tashiyo ah oo la xiriira cida loo magacaabayo
ra’isu wasaare, wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay
sheegayaan in ra’isul wasaare uu la rabo Wasiirkii arrimaha gudaha
ee dowladii Cali Max’ed Geedi Maxamed Sheekh Maxamuud (Gacma
Dheere).
Qaar ka mid ah Xildhibaanada
Baarlamaanka ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweynaha DFKMG C/llaahi
Yuusuf uu maalmahan kulamo gaar ah la lahaa Gacma Dheere oo la
xiriira sidii loogu magacaabi lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay
Gacma Dheere la doonayaan in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya,
kuwaas oo doonaya in ay ka qalqaalsadaan in uu xil ka siiyo Golaha
Wasiirada, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyihii Guddiga
dib u heshiisiinta uu dadaal ugu jiro sidii uu u noqon lahaa Ra’isul
Wasaaraha Soomaaliya, isagoo dhawaan gaaray Magaalada Baydhabo.
Cali Mahdi ayaa maanta la filayaa in uu
qudbad ka jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo la xiriirta
go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha
Soomaaliyeed ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxaa la
sheegay in ay Cali Mahdi ku eedeeyeen in uu wax is daba mariyey
intii uu socday shirkii dib u heshiisinta Soomaaliyeed, gaar ahaan
dhaqaalihii loogu talagalay, hase yeeshee Cali Mahdi ayaa ku
tilmaamay wararkaasi kuwo kutirikuteen ah. Dowladaha Mareykaka iyo
Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay iyana wataan Ra’isul Wasaare bedela
ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi, iyadoo lagu
waramay in siyaasiyiin ka tirsan
Dowladda Mareykanka ay ku sugan yihiin Magaalada Adis-Ababa kuwaas
oo Dowladda Itoobiya kala tashanaya cidda loo magacaabayo Ra’isul
Wasaare.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa dhegaha u
taagaya waxa ka soo yeeri doona Magaalada Baydhabo taas oo ku
saabsan cidda loo magacaabayo Ra’isul Wasaaraha Soomaalya.
Ciidamada Itoobiya oo bilaabay in ay si hoose u gumaadaan
shacabka
Ciidamada Itoobiya
oo dhawaan dagaal culus la galay kooxaha ka soo horjeeda
joogitaankooda ayaa haatan waxay bilaabeen in ay si hoose u
gumaadaan bulshada Soomaali-yeed, kadib markii labadii maalmood
ee la soo dhaafay labo xarumood oo ay ku sugan yihiin ciidamada
itobiya hortood lagu arkay maydadka dad ay dileen.
Maalintii doraad
ahayd ayaa saddex qof oo uu ku jiray mid ka mid ah shaqaalaha
Horn Afrik oo ay ciidamada Itoobiya qabteen ayaa la sheegay in
la soo dhigay xarunta Warshaddii Ifka Xalan, iyadoo taas ay si
aad ah uga walwaleen ayaa haddana shalay subax ciidamada
Itoobiya eek u sugan Maslax waxay labo qof maydkooda soo dhigeen
meel aan sidaasi uga fogeyn xeradooda, waxaana la sheegay in
dadkaasi ahaayeen kuwo safar ah oo ka yimid Magaalada Jowhar.
Arrintaani ayaa
waxaa si weyn walaac uga muujiyey Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha
iyo dhamaan shacabka ku nool Magaalada Muqdisho kuna tilmaamay
mid ka baxsan Bini’aadannimada, sidoo kale waxaa cambaareeyey
odoyaasha beelaha Hawiye oo sheegay in ani keeni karto kacdoon
sii baaha.
Ciidamad Itoobiya oo
aan maalmahan ka soo bixin xeryahooda ayay dadku u dheg
taagayaan waxa dhici doona, maalmaha soo socda, iyadoo da badani
ay ka qaxeen guryahooda, sidoo kale ciidamo Itoobiyaan ah oo aad
u fara badan ayaa ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho.
Qaraxyo lala beegsaday ciidamo
itoobiyaan ah
Iyadoo magaalada
Muqdisho ku soo qulqulayaan ciidamo Itoobiya ah, ayaa haddana
wararka ka imaanaya gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo
Itoobiyaan ah oo gobalkaasi ka soo gudbayey kuna soo jeeday
Muqdisho ay miino kula qaraxday Degmada Luuq, waxaana la sheegay
in ay khasaaro soo gaartay, waxayn markiiba bilaabeen baaritaan
iyagoo qabqabtay dhowr qofood.
Dhanka kale habeen hore ayaa hotel
ku yaala Magaalada Doolow Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay qarax
weyn waxaana ku dhintay dhowr qofood oo ay ku jiraan askar ka
tirsan ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay
ciidamada Itoobiya u qabqabteen dhowr qofood, sidoo kale Gawaari
kolonyo ahayd oo Itoobiyaan ah oo marayey agagaarka Belidoogle
ayay miino ku qaraxday, iyadoo la sheegayo in halkaasi khasaaro
ka gaartay.
Ciidamo Ereteriyaan ah oo buux
dhaafiyey xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya.
Wararka ka imaanaya
dalka xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya ayaa sheegaya in
xuduuda ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan dalka Ereteriya,
gaar ahaan halka ay isku hor fadhiyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa
ereteriya.
Dowladda Ereteriya ayaa
walaac ka muujisay arrintaani, waxayna ku soo beegan tahay xili
ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Dalka
Soomaaliya, kuwaas oo asbuucyadii la soo dhaafay Muqdisho kala
kulmay iska caabin xoog leh.
Dowladda Ereteriya ayaa
waxay waddaa qorshe ay dooneyso in ay kaga faa’iideysato iska hor
imaadyada ciidamada Itoobiya ku haysta Soomaaliya, waxaana la
sheegay in mas’uul ka tirsan Dowladda Itoobiya uu ka cosado beesha
in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiyaka wadaan xuduuda u
dhexeysa Ereteriya iyo Itoobiya.
Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku soo fool leh Baydhabo
Waxaa si aad ah loo
adkeeyey amaanka Magaalada Baydhabo, iyadoo la filayo in saacadaha
soo socda Magaalada Baydhabo uu soo gaaro wafdi ka socda Dowladda
Mareykanka, kaas oo la filayo in uu kulamo la yeelan doono
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Sababaha ugu weyn ee
wafdigaani u imaanayo ayaa lagu sheegay in wafdigaani uu
Madaxweynaha DFKMG c/llaahi Yuusuf kala tashan doonaan cidda loo
magacaabayo ra’isul wasaaraha Soomaaliya, maadaama dowladda
Mareykanku ahayd dowladdii ka dambeysay iscasilaada ra’isul
wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi.
Dowladda Mareykanka ayaa
la sheegay in ay wadato shaqsi wata dhalashada Mareykanka oo mudo ku
suganaa wadakaasi, taas oo ay dooneyso in ay ka dhaadhiciso
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, inkastoo Cali Yuusuf la sheegayo
in uu isna wato rag ay si aad ah isugu dhow yihiin oo ay mudo isla
soo shaqeynayeen.
Xildhibaan diiday magaciisa ayaa sheegay “Shariif Xasan ayaa laga
qaaday xilkii, guddoomiyihii maxkamadda sare ayaa la xiray, Cali
Max’ed Geedi ayaa lagu qasbay in uu iscasilo, wareegtaduna waxay ku
imaan doontaa C/llaahi Yuusuf”, waxa uuna sheegay xildhibaankaasi in
Dowladda Federaalka
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in
ay u xiran wadooyinka qaar
Mas’uuliyiin kla tirsan
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan u xirneen qaar
ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in
maalmihii ugu dambeeyey aysan ciidanka Booliisku wax hawlgal ah
sameyn, sidoo kale mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ciidamada
Itoobiya aysan ku soo wargelin hawlgalkii ay sameeyeen maalintii
jimcaha ahayd, iyagoo sheegay in taasi ay gaar u ahayd.
Mas’uuliyiinta Booliiska
waxay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan tacadiyo iyo
gabood falo ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan xerada
Maslax iyo Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho, iyadoo maalmihii ugu
dambeeyey ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay dadka qabqabtaan
isla markaana dilaan, iyagoo banaanka soo dhiga maydkooda, waxaana
ugu dambeeyey saddex qof oo ay soo dhigeen jidka warshadaha iyo labo
qof oo ay shalay soo dhigeen agagaarka xerada Maslax.
Mas’uuliyiinta Booliiska
waxay sheegeen in ay bilaabi doonaan sababaha keenay in ay xirmaan
wadooyinka la sheegay in ay xiran yihiin.
Labo wado oo u muhiim u
ahaa Bulshada Soomaaliyeed ayaa xiran, waa midda taranbuunka, halka
midda kale ay ahay mid dhex marta jidka wadnaha oo iyana tagta
Kiilomiti Foor, qofkii ku sugan Lambar Afar ee doonaya in uu tago
balaac sii iyo Baar ubax, waxa uu marayaa Soobe, Banaadir, kadibna
waxa uu ka soo Ex. Control Afgooye, kadibna waxa uu la soo
wareegayaa jidka warshadaha, isagoo la soo leexanaya warshadda
caanaha.
Maamulka Gobalka Banaadir oo
mamnuucay banaanbaxyada aysan ogeyn Maxkamadda gobalka
Iyadoo todobaadyadii la
soo dhaafay banaanbaxyo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ka
dhacayeen, dadka banaanbaxyaasha ahi ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan
ciidamada Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd maamulka gobalka
Banaadir waxa uu mamnuucay banaanbax aan ruqso looga haysan
Maxkamadda gobalka.
“Ciddii sameysa banaabax
aysan ruqso u haysan wixii ka yimaada iyaga ayaa mas’uul ka noqon
doona”, sidoo kale Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa lagu wargeliyey in
haddii ay qabanayaan banaax ay soo wargeliyaan maxkamadda.
Banaanbaxyada ka dhaca
magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxay ku yimaadaan marka
dadweynuhu ay arkaan falal ka dhan ah bini’aadannimda oo ay ku
kacayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waana banaanbaxyo
aysan cidina soo abaabulin balse ka dhasha xaaladda markaasi.
Mid ka mid ah dadweynaha
ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba qaadan doonin wareegtaasi ka
soo baxday maamulka Gobalka Banaadir, isagoo sheegay in ay sii wadan
doonaan banaanbaxyada looga soo horjeedo ciidamad Itoobiya.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007
USA
oo C/laahi Yuusuf ku cadaadinaya in uu wada hadal la furo isbahaysiga
dib-u-xoraynta Soomaaliya
.Yaa la hadal hayaa in loo magacaabi doono Ra'isul Wasaare
.Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay Markabkii..
.Bam lagu weeray meel lagu uruuriyo Canshuuraha..
.Xaaladda Magaalada Muqdisyo oo shalay deganeyd..
.Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct
31
Dilaagii Dilaanimada ku Caanbaxay ahaa Ee
Russia oo la xukumay
Siyaasiyiinta
Beelaha Hawiye oo Dowladda Itoobiya ku eedeeyey inay kaga hiiliyeen....
Magaalada Qardho oo Lagu Qabtay Kulan difaaca PL
iyo Cadde Muuse oo cafis u fidiyey maxaabiis...
Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.
U diyaar
Garowga Doorashooyinka wadanka Kenya oo si weyn ugu socda Gobaladda Dalka
iyadda oo laga Dareemayo Xaafadda Islii ee ay degto Soomaalidu Akhri
Qaabkii
ay u dhacdey Is casilaaddii Geeddi iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka hadley...
Akhris/Cod...
Warsaxaafadeed -Xarunta Dr.Ismaaciil
Jumcaale
VIDEO:
Filim laga duubay Mudaharaadkii Laascaanood.... DAAWO..
Geeddi
oo is casilay
Cali Maxamed Geeddi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa shaaca ka
qaaday in uu is casiley
Akhri...
Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Ururuka
DDP
ku saabsan xaaladda Laascaanood...
Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha
wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay
Akhri
Baarlamaanka
Baydhabo ma is casili Doonaan haddii Amar Toos ah kaga yimaado Zenawi..
Faallo Kooban: Khamiis: Oct 25, 2007:
Wasiirka
Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo la weydiiyey
Waraysi uu la yeeshay Radio Australia
Dhegeyso
Magaalada
Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus
Qormadii Maxamed "Allman"...
Akhri..
MUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)
300 oo habeen kaddib markii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga soo
galeen Muqdisho... Gabay: Maqal & Qoraal
Minnesota
oo Looga Dhawaaqay Urur Cusub
Kulanka Sabtidii lagu qabtay Minnesota ayaa lagu magacaabay ururka....
Akhri
Professor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma
laha, waa shay la abuuri karo,
baabi’ina
kara: Kulan Sabtidii lagu qabtay
Switzerland ayaa... Akhri...
Madaxweynaha
DFKMG oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare
iyo
Baarlamaanka Federaalka KMG oo cod u qaaday ajandaha in...
Akhri...
Kacdoonka
Laascaanood: Wasiir SL oo ka hadlaya
Senator
Coleman iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo
ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo
qaracanka gacanka cadmeed
Deeqo
lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, Agoon, caruur derbiyo jiif ah iyo
.....
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|