Shan Ka
Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo
Soomaaliyeed, Kuna Kufsaday Gudaha Soomaaliya...
iyo Itoobiya oo Cadayn u weydey in ay Qabatay
Muwaadiniin reer Britain ah..
Axad, Jan 14, 2007: Sida
ay qortay jariidada ka soo baxda dalka Ingriiska ee Telegraph caddadkeedii
maanta (14/1/2007), shan nin oo ah Ciidamada hubaysan ee Itoobiya oo ku lebisan
dereyska askarta ayaa qof dumar
ah oo Soomaaliyeed ku kufsaday meel u dhow xadka ay Soomaaliya la leedahay dalka
Kenya, sidaasna waxay jariidadu ka soo xigatey shaqaalaha gargaarka ee reer
Galbeedka.
Warku waxa uu intaas ku daray in
dhacdadaasi aysan ahayn kufsigii ugu horeeyey ama kan keliya ee ay ciidamada Itoobiya
u geysteen dumarka Soomaaliyeed, balse ay jiraan warbixino badan oo taas la mid
ah. Jariidada oo arrintaas ka hadlaysey waxay tiri,
ayadoo soo xiganeysa shaqaalaha gargaarka: "Dhacdadani ma ahayn tan keliya ee
lagu soo waramay. Waxaa nasoo gaaraya warbixino badan oo noocaan ah," Waxana
shaqaalaha gargaarka ee reer Galbeedku intaas ku dareen "Dagaalku marmarsiinyo uma
aha ficilladan, mana aha guul."
Waxaa warku intaas ku daray in ciidamada
Itoobiya si bini aadaminada ka baxsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed. Dhacdo
kale arrimhaas ka mid ah ayadoo xuseysa waxay Telegraph tiri: Ciidamada Itoobiya
waxay istaajiyaan basaska bannaanka Muqdisho, dadka basaska saarana si xun ayey
ula dhaqmaan oo camcaminaya oo isku deyaya in ay ugaarsadaan qof kasta oo
taageeray dagaalkii Maxakamdaha Islaamiga ah, sida laga soo xigtey Qaramada
Midoobey.
Dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah ihaanada ugu
weyn ee u dheer in dhulkooda xoog lagu gumeysto waxay tahay in hortooda lagu kufsado hooyooyinkood, gabdhahooda
iyo xaasaskooda iyo gabdhaha Muslimaadka ah ee Allah dartiis u xijaabtey, waana
sida muuqata ee ay hadda sameeyeen ciidanka xabashidu mar haddii shan nin ay hal
qof oo dumar ah Soomaaliyeed sidaas u galeen ayadoo aysan jirin cid ka hadli
karta oo ka tirsan shacabka Soomaaliyeed, DFKMG ahna ay tahay mid shacabkeeda laga ilaaliyo
oo ciidamada xabashidu ku hor joogaan Villa Soomaaliya qaybtii ay qurxiyeen
Maxkamadaha Islaamiga ah, warbixinada ka qaadata ciidamada ficilladaas geysanaya,
askarigii Soomaaliyeed ee arrimahaas ka dhiidhiyana xabsiga loo taxaabayo.
Britain: Zenawi ama aamus ama caddayn keen in dad
reer Britain ah aad dagaalka Soomaaliya ku qabateen
Dhanka
kale jariidada Telegraph waxay qortay in Itoobiya ay wax cadayn ah u keeni
weydey in muwaadiniin reer Britain ah lagu qabtay dagaalkii ay la galeen
maxkamadaha Islaamiga ah. Jariidadu oo arrntaas ka hadleysa waxay tiri:
Itoobiya waxay sheegatay in ay xirxirtay dad
haysta dhalashada dalka Ingriiska oo ay ku qabatay dagaalkii ay la gashay
dagaalyahaniinta Islaamiga ah Soomaaliya gudeheda arrintaas oo si isa soo
tareysa ugu muuqatay mid mugdi weyni ku jiro kadib markii xalay uu xafiiska
wasaarada arrimaha dibada Ingiriisku uu Itoobiya weydiistey in arrintaas cadayn
u keenta balse ay jawaab ka soo bixin weydey
Meles Zenawi, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayey
tiri jariidadu, oo ciidamadiisu awoodii ka tuureen Maxkamadihii Islaamiga ah
bilowgii sannadka cusub, ayaa Talaadadii waxa uu yiri in dad British ah ay qayb
ka ahaayeen kooxda caalamiga ah ee mujahidiinta kuwaas oo Maraykanku uu
Isniintii ku duqeeyey Koonfurta Soomaaliya.
Jariidada uu warkeedii sii wadata waxay tiri:
Markii dambe Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday aaggii ay ku andacoonayeen in ay
joogaan toddoba haysta baasaboorka Ingriiska oo ku dhaawacmay duqaynta. Nimanka
la qabtay waxay ku sheegeen Soomaali degganaansho ku leh Britain kuwaas oo
Soomaaliya ugu laabtay in ay Maxkamadaha Islaamka u dagaalamaan. Si kastaba ha
ahaatee, in kasta oo muddo shan maalmood ah la weydiisanayey faahfaahin dheeraad
ah, London ilaa hadda lama soo siin magacyada ama lambarada Baasaboorada si
looga fiiriyo xafiiska diiwaan haynta Ingriiska iyo diiwaanka la dagaalanka
argaggaxisada.
Jarididdu waxay tiri: Maalinti Jimacadii ayey
ahayd markii ugu dambeysey ee Xafiiska Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Britain ay
Itobiya u dirtay dhambaal ah xogta aad haysid keen ama iska aamus, taas oo
ilaa shalay galab aan wax jawaab ah laga helib. Waxa kale oo warku sheegay in
Britain oo arrintaas ka welweshan ay baaritaan gaar ah oo arrintaas ku samaysay
iyadoo adeegsaneysa safaaradeeda Kenya iyo M16, laakiin aan la helin wax
muujinaya ama cadayn u ah waxa ay Itoobiya ku andacooneyso.
Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri:
Dawladda Itoobiya ku guul daraysashadeeda in ay keeni weydey cadayn wixii ay ku
andacooneysey waxay kor u sii qaadeysaa shakigii laga qabey in Mr. Zenawi ay
hadal tiro iyo marmarsiinyo ka ahayd sheegashadiisa mujaahidiinta ajnabiga
ah si uu cadayn ugu helo duulaankiisa. Waxayna jariidadu intaas raacisay:
Itoobiya waa cadawga taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Waxaa warku intaas ku daray in Khamiistii uu
safiirka Maraykanka u fadhiga Kenya, Michael Ranneberger, uu qiray in duqayntii
Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya aan lagu dilin xubno ka mid ah al-Qaeda ee la
raadinayey. Hadalkaas oo buriyey sheegashadii xubno ka tirsan DFKMG.
Waxaa warku intaas raaciyey in duqayntii ay ku
dhinteen 70 qof oo xoola dhaqato ah sida ay sheegtay hay'dada gargaarka ee
fadhigeedu yahay dalka Ingriiska ee Oxfam.
Waa kan markii ay Telegraph ka hadelysey
kufsiga hadalkii ay qortay:
- Five men in Ethiopian army uniforms also
allegedly raped a woman near the Kenyan border, Western aid workers said.
"This is not the only incident. We are receiving many of these reports,"
said one. "War is not an excuse for these actions, nor is victory."
http://www.telegraph.co.uk
Jariidadda EritreaDaily oo faallo ka bixineysey
in Zenawi uu cadayn u keeni waayey in ay Soomaaliya ku qabteen dad haysta
dhalashada Ingriiska, waxa ay tiri: "Once a liar, always a liar" oo ah qofkii
hal mar been sheega, weligsiis been sheeg iskama daayo.
- Mudaharaad: Bannaanbax looga soo
horjeedo Itoobiya oo Sabtidii ka dhacay dalka Switzerland
ka akhri halkan...
FARRIIN KU SOCOTA
SHACABKA SOOMAALIYEED
oo uu soo tebiyey oday Soomaaliyeed oo
magaciisa la yiraahdo C/raxdmaan Maacaallin Axmed, oo jooga Muqdisho, waxana uu
hadalkiisa ku bilaabay: Anigoo ah Oday Soomaaliyeed da’diisuna tahay 80-jir,
lana socda arrimaha Soomaaliya muddo ka badan 50-sano, illaa gobonnimo doonkii
1943-kii, waxaa ka socda Soomaaliya arrin fool xun oo ay ka wadaan dowlado
shisheeye oo ku tashaday inay baabi’iyaan Dhammaan Soomaaliya jiritaankeeda,
Diinteeda iyo Dadkeeda.... Akhri Qoraalka oo dhan...
BANNAANBAX
KA DHACAY MAGAALADA HELSINKI, FINLAND
Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday
joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada.....
Akhri...