Ninkan oo la Yiraahdo Alexander Pichushkin islamarkaasna ka shaqeynjiray
Goob Supermarket ah ayaa waxaa ay Maxkamadu ku xukuntay in uu dilay
inkabadan 48 qof ,Isaga oo dilkii ugu xumaa ka geystay Meel la yiraahdo
Moscow park oo ku taal Caasimada Russia ee Moscow.
Alexander Pichushkin waxa uu isaga ka qirtay Maxkamada dhexdee in kabadan
tirade ay maxkamada ku xukuntay oo ah in uu geystay Dilal gaaraya 60 dil, oo aad
uga baadn Tirada ay Maxkamada ku xukuntay.
Markii Ninkan uu Qaaliga la yiraahdo Vladimir Usov uu weydeeyay in uu Fahmay
iyo in kale Xukunka ay Maxkamada ku riday waxa uu ugu Jawaabay "Dhagool ma ihi
Aniga".
Qolka Maxkamadeynta Ninkan ay ka socotay ayaa Waxaa Buuxdhaafshay
Saxafiyiinta iyo waliba Ehelada Dadkii uu ninkan laayay oo Qaarkood lahaa
ama ku dhawaaqayaya Halka ku dhigyo ay ku muujinayaan inay aad ugu xunyihiin
In Xabsi aad oo qura lagu xukumo Dambiila waxa ay ku adkeysteen in ninkan
xabsi daa'im uusan Xaqulaheyn Marka loo eego dambiyada uu geystay.
Quburada caafimaadka ee qaabilsan maskaxda Dadka ee Russia ayaa waxa ay
sheegeen in Pichushkin uu yahay nin caadi ah oo ay taamtahay Maskaxdiisa
,laakiin Usov oo kamid ah Qaaliyada maxkamada ayaa waxa uu saxaafada ugu
waramay in lagu sameynayo daaweyn dhanka maskaxda ah ninkan inta uu ku jiro
xabsiga.
"Shaqsiyadeyda waxa aan Dareemayaa in uu jiro Jahwareer ku aadan Bad
qabka ninkan marka loo eego dambiyada uu geystaya ." Usov oo ah midka mid ah
Gudiga Qaadaya Dacwada ninkan .

Waxa uu Usov sheegay in Pichushkin uu ka Warqabo Dambiyada uu geystay
koofurta Moscow intee u dhaxeysay 2001ilaa 2006 oo ah Waqtigee ay Gacanta ku
dhigeyn Policeka Russia .
Pichushkin waxa uu dadka uu dilay inta badan ku dilay in uu tuuro oo uu
meel sare ka gamo dadka cabsan ,iyadoo qaar ka mid ah dacwadaha uu galay
ninkan ay ka mid tahay in uu cayjin dad ku dilay, iyo qaar kale oo dhintay
kadib markii uu madaxa ku dhuftay sida ay Qalabka Warbaahinta ay u sheegeen
Qaaliyada Qaadaya maxkamada ninkan.
Ninkan ay Maxkamadu ku riday Xukunka ah xabsi daa'im ayaa waxa uud ilay
intee lagu gudajiray Lixda bil ee ugu horeysya sanadkii 2001 hal bil oo
kaliya tiro dad ah oo gaareysa 11 qof,isaga oo aan isku dayin in uu Meydka
dadkaas Qariyo Waqti dheer.
"Cadaaladii waa la gaaray ," waxaa sidaas ku dhawaaqay Yuri Syomin oo ka
tirsan kadib markii ay Maxkamada ku dhawaaqay xukunka. "waxaana la helay
Tirooyin dambi ah." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Tatiana Vlasova ayaa sheegay in dambiyo badan oo uu geystay Pichushkin
,isaga oo yire "waligisi ma fahmidoono waxa uu geystay".
"Waxa uu geystay Dambiyo badan ,waxa uuna aakhirkii helay Waajibkiisa oo
ah xabsi daa'im," ayeey tire Haweeney Sawirka wiilkeeda oo uu dilayo
Pichushkin .
Pichushkin ayaa wali muujinaya in uusan Wax murugo ah uusan qabin.
"Qorshaha Wanaagsan iyo Sheydaanka ayaa waxa ay yihiin kuow uu xariir
ka dhaxeeyo," ayuu Pichushkin ku sheegay War uu saxaafada ugu talogalay oo
uu soo saaray Khamiistee lasoo dhaafay.
Dilaaga ugu weynaa ee Russia ayaa ahaa Andrei Chikatilo kaas oo la
xukumay 1992 ,iyada oo lagu helay dilak 52 caruur iyo hablo yar yar ah
kuwaan oo uu dilay 12sano gudahood.
Isaga oo hadlayay khamiistee ayuu Pichushkin waxa uu sheegay in uu dilay
60 qof saddex isku day oo kalana uu ku fashilmay.
Sikastaba ,Qaaliyada waxa ay ninkan ku heleyn cadeymaha dilka 48 qof iyo
saddex isku day.
Gudiga Qaadayay maxkamada ninkan ayaa dambiga ku helay Arbaxadii lasoo
dhaafay
Maxkamada ninkan ayaa waxa ay bilaabatay 13 septkadib markii ay police-ka
Russia ay soo qabteyn sanadkii la soo dhaafay ,waxa uuna bishii June
sanadkii 2006 markii la soo qabtay uu sheegay in uu isaga dilay 60 qof
kuwaas oo uu ka la dilay Sanado kala duwan laakiin waxa uu maxkamada u
sheegay iany la imaato cadeymaha sheegaya in uu dilay 49 qof oo qura kuwaas
oo uu laayay inta u dhaxeysay sanadkii 2005-2006.
Inta ay Maxkamadeytiisa socotayna waxa uu sheegay isaga oo ka hadlayay
sababta uu dadka u laayay inay tahay siddii uu u noolaanlahaa waxa uuna yire
:maxaayeelay markii aad dad dishid waxa aad dooneysaa siddii aad u
noolaanlahyed ".
Waxa ay Warbaahinta Russia sheegeen in ninkan uu bilaabay dilalka markii
uu ahaa 18sano jir dhigta School.
W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi,kenya
Email: saadaam_7@hotmail.com
Email: muhudin01@yahoo.com