Sida la ogyahay waddamo badan oo ka mida bahda loo yaqaan "dunida soo
koraysa" ayaa waxay bar tilmaameed u noqdeen hawl-wadeennadda iyo hoggaanka
sare ee waxa afka qalaad loogu yaqaan Ecomafia.
Maxay tahay ecomafia? Waa nooc ka mida Mafia-da caalamiga ah oo si gaar ah
ugu takhasustay ka dheefsashashada dhoofinta qashin noocyo badan oo kala duwan
ah balse dhammaantiis ah mid aad halis u ah. Ecomafia-du waxay ku xad-gudubtaa
qawaaniinta caalamiga ah ee loogu talagalay inay xakameeyaan bey'adda ama
degaanka ha ahaado berriga, hawada, ama baddaha e. Si kastabase, mararka
qaarkood, ecomafia-du waxay garab iyo gacan ka haysataa madax sare oo ka mida
Dawladaha qashinka dhoofinaya iyo hay'adohooda kala duwan sida kuwa dhaqaalaha,
hay'adaha sirdoonka iyo xitaa cutubyo ka mida ciidanka qalabka sida ee
waddamadaas.
Hawl-galka ugu weyn ee Ecomafiyada ayaa ah mid ku salaysan sidii loogu
dhoofin lahaa dunida soo koraysa, gaar ahaan Africa iyo Latin America, qashinka
iyo sunta halista ah ee ka soo baxa warshadaha dunida horumartay gaar ahaan
kuwa la xiriira soo saarista awoodda nukliyeerka, warshadaha sameeya kiimikada
(acids, milayaal aad sun u ah, rinjiyo dhacay, iwm), daawooyinka dadka iyo
xoolaha, kuwa loo adeegsado bacriminta ciidda iyo dhirta (chemical fertilizers)
iyo sunta lagula dagaallamao cayayaaanka iyo dulinka kale ee dhirta oo dhacday,
iwm. Waxaa kale oo wasakhdaas halista ahi noqonkartaa dambaska ama boorka ka
soo hara marka la gubo qashinkaas halista ah. Qashimmo kale oo ay tahay in si
gaar ah gacanta loogu dhigo loona dhawro (special hazardous waste materials)
ayaa iyana kamida sida haraaga qashimmada isbitaallada, shaybaarrada
chemicals-ka, warshadaha caagga, iwm.
Waddamada iyo degaanada ay sida ba'an u hardiyeen hawlgallada aan sharciga
waafaqsanayn ee ecomafia-du ayaa waxaa safka hore kaga jira Dalka iyo degaanka
Soomaaliya. Waxaa kaloo kamida waddamada ay
Soomaaliya
kula baratanto martigelinta qashinka halistaa Benin, Gunea-Bissau, Nigeria,
Mozambique (Africa),
Venezuela, Haiti iyo Santa Domingo (Latin America).
Guud ahaan, arrintu waa mid aan fac yarayn. Waxay bilaabatay ama markii ugu
horraysay wax laga ogaaday bilowgii sanadihii 1970-kii markaasoo ay soo shaac
bexeen warbixinihii ugu horreeyay ee la xiriiray heshiisyo qarsoodi ah oo
dhexmaray waddamo Afrikaan ah iyo shirkado waaweyn oo laga lahaa waddamada
Maraykanka, Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska, Midowgii Soofiyeeti, Talyaaniga
iyo Switzerland. Si kastaba (ha ahaatee), taariikhda ay mahtalakadani (dhibaatada)
ku leedahay waddamada soo koraya ee ay saamaysay ayaa ah mid ay ku kala
duwanyihiin waddamadaasi. Sidoo kale waxaa aad u kala duwan sababaha loogu
doorto waddan inuu noqdo saldhigga iyo halka loo waaridayo mahtalakadaas aadka
u weyn. Tan dambe waxay inta badan ku xirantahay nooca "partner"-ka ama jaalka
ecomafia-du ku leedahay dalkaas (mid dawli ah mise dad dawladda ka madaxbannaan).
SABATA UGU WEYNI WAA SABOOLNIMADA IYO XOOLO-RAADIS AAN XAD LAHAYN
Sida la wada ogyahay waddamada soo koraya ayaa intooda badani yihiin kuwo
aad sabool u ah oo aad ugu baahan lacagaha adag ee suuqyada caalamigaa wax ka
goyn kara si ay deednna isugu dayaan inay wax ka qabtaan xaaladda aadka u
liidata ee dibudhaca dhaqaale, faqriga iyo nolol-xumada shucuubtooda haysta.
Baahidaasi waxay mararka qaarkood keentay in xubno Dawladaha waddamadaas ka mid
ahi ay ka adkaysan waayeen ama ka af-xagsanwaayeen kaddib markii ecomafiya-du
ugu ballanqaadday inay haddii waddamadaasi qashinkaas aqbalaan ay deedna bedel
u helayaan lacag adag oo mararka qaarkood kaba badan GDP-ga ama dakhliga guud
ee waddankaas.
Tusaale waxaa u noqon kara xaaladda jaalka dawligaa ee ecomafia-da: Sanadkii
1988-kii ayaa dawladda Benin ee Afrikada Galbeed wada-xaajood dheer kaddib
heshiis kula gashay dalka Faransiiska inay ka qaadato qashin aad u farabadan oo
u badan nooca haraaga nukliyeerka ee radioactive-ka ah Dowladda Faransiiskuna u
hormariso lacag dhan US$ 1.6 milion islamarkaana intii soddon sanaa Faransiisku
waddankaas ka kaalmeeyo xagga dhaqaalaha (American university, 1996). Nasiib
wanaag kacdoon dadweynaha ka yimi awgood heshiiskaasi ma noqon mid meel-mara
inta la ogyahay. Halkaas waxaa laga dareemayaa inaan dhoofinta sunta halista
ahi ahayn mid mar-kasta dhuumaalaysi iyo qarsoodi ku salaysan ee ay tahay mid
marar badan ay ka dambayso siyaasad cad oo dawladaha qashinka lihi ku soo
rogaan kuwa faqiirka ah.
Markastase Dawladdu ma aha jaalka ama partner-ka ecomafiya-da ee in badan
waxaa bedela dad iskood u madax-bannaan oo si ay maaliyaddooda khaas-ahaaneed
si aada ugu kobciyaan arrintan ka dheefsada. Tannna waxaa tusaale u noqonkara:
sannadkii 1987-kii ayaa waxaa heshiis islagalay shirkado Talyaani ah iyo nin u
dhashay dalka Nayjeeriya (Koko
Deal). Heshiisku wuxuu dhigayey in talyaaniga laga dhoofiyo qashinkaas
halista ah oo lagu kaydiyo isagoo fuustooyin ama barmiillo ku jira ninkaas u
dhashay Nayjeeriya maqsinno iyo dhul uu lahaa islamarkaana bishiiba laga siiyo
US$ 100 oo khidmad ah barmiilkiiba. Heshiiskan ayaa isagu fulay waxaana laga
warhelay oo kaliya markii barmiiladii bilaabeen inay sii-daayaan suntii ku
jirtay. Aakhirtu, inkastoo shaqaale badan oo u dhashay Nayjeeriya oo loo
adeegsaday raridda qashinkaasi ay ku nafwaayeen, qashinkii dib ayaa loogu
celiyey Talyaaniga oo isna markiisa diidi-doona in dalkiisa dib loo soo geliyo.
Waxay socotay arrintaasi ilaa sannadkii 1992-kii (qodob dambbe ayaan kaga
hadlli doonaa taas).
Waxaa kaloo
warbixino
badani caddaynayaan in intii uu socday dagaalki sokeeyey ee soomaaliya
siiba sanadihii hore ee sagaashanaadkii ashkhaas soomaali ah oo isugu jiray
kuwo magacooda ku socday iyo kuwo "magac dowlad soomaaliyeed" ku doodayeyba ay
la gorgortameen heshiisna lagaleen shirkado reer galbeed ah, siiba kuwo
talyaani iyo swizerland isugu jira, si ay kuwan dambbe qashinkaas halista ah oo
gaaraya ilaa 500 oo kun oo tan sannadkiiba ay soomaaliya ugu waaridi lahaayeen
kuwa horana nacfi ama maal yar u mulkin lahaayeen (eeg sheekada ku saabsan
soomaaliya arrinteeda ee gadaal ka imandoonta).
Akhri Bogga Xiga....