Waxaan shaki ku jirin in dhoofinta qashinka halista ahi dan u tahay
waddamada iyagu soo saara islamarkaana aan awoodda u lahayn kala-hufiddiisa iyo
nadiifintiisa. Taasise waxay caqliga gelikartaa oo kaliya marka waddanka loo
waaridayaa yahay mid leh awood aqooneed iyo mid tiknoolajiyeed oo u ku hanan
karo halistaas isagoo aan marnaba halis galin degaankiisa iyo dadkiisa.
Waddamada arrintan oo kale dhexmarto waxaa kamida tusaale ahaan Faransiiska oo
u dira in badan oo qashinkiisa nukliyeerka ka soo hara (waa waddanka yurub ku
yaal ee leh tirada ugu badan ee xarumaha quwadda nukliyeerka ku shaqeeya
dhaliyana tamartaas) dalka Jarmalka oo iyagu hanta islamarkaasna si gaar ah u
xafida qashinkaas kuna kaydiya (landfills) si gaar ah loo dhisay oo loogu
talagalay inay si la hubo u xafidaan suntaas.
Su'aashu waxaa weeye
Afrika
ma la barbardhigi karaa Jarmalka xagga tiknoolajiyadda? Jawaabtu waa maya waayo
awood dhaqaale iyo mid xirfadeed toona (humanware) uma leh kala-shaandhaynta
iyo xafididda qashinkaas halistaa. Waxaan kaloo Afrika lagu ogeyn wax qalab ah
oo taas loo adeegsado (hardware). Sidoo kale, maaddaama shucuubta waddamadani
horumaray aad arrintaas ugu dhugmo leeyihiin ugana digtoonyihiin
cawaaqib-xumada ay dhali karto waxaa jira shuruuc aad u xakamaynaya,
soo-saaridda, safrrinta (transportation), dejinta, kala-hufidda iyo
kaydinteedaba. Sidaas oo ay tahay ayaan haddana muwaadiniinta reer galbeedku
raalli ka ahayn sida dawladohoodu wax ku wadaan gaar ahaan degaankooda iyagoo
adeegsada hal-kudhegga caanka ah ee NIMBY ama "Not in My Backyard".
Dhanka kale haddaan jaleecno, waxaa dunida soo koraysa guud ahaan ku yar
dadka aqoonta sare leh oo iyagu fahmi kara cawaaqib-xumada ay suntaasi u keeni
karto dadka, duunyada iyo degaanka dalalkaasi leeyihiin haddii ay ahaan lahayd
cawaaqib-xumo soo deg-degta iyo haddii ay noqon lahayd mid soo daahdaba oo
jiilalka dambbe eelkeeda la abbaarta. Waxaa iyaguna aalaaba ku yar qalabka iyo
shaybaarrada casrigaa ee baaris xeel-dheer ku samaynkara wixii aan noocooda la
aqoon ama lagaba shakiyo isla-markaasna degaankaas la soo gelinayo.
Cawaamishan oo dhami waxay asaas u yihiin ka hortagidda iyo ilaalinta in
dalka la soo geliyo qashinka iyo sunta halistaa noocyadooda kala duwan. Haddii
xagga bulshada loo kaco waxaa inta badan aad u liita wacyiga qofka
dhex-dhexaadkaa ama bulshadoo dhanbba oo aan si aada uga digtoonayn waxa halis
ku ah noloshiisa/eeda iyo tan degaankiisa/eeda taasoo markeeda keenta inaan
cidina xil iska saarin saxada iyo qadarinta qiimaha bey'adda ama degaanka.
Waxay kaloo ka hor-istaagtaa shacabku inuu dawladdiisa kala xisaabtamo
arrimahan oo kale oo saamayn toosa ah ku leh caafimaadka iyo mustaqbalka
bulshada. Waxaan la isu-qarin karin oo kale in qaar badan oo kamida
siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta maamulka Dowladaha soo korayaa ay yihiin kuwo
ku caan baxay musuq-maasuqnimo iyo dhaqan-xumo sida laaluush qaadashada iwm.
Taasoo keeni karta in ciddii masuulka ka ahayd ilaalinta degaanka ayba
gacanyare u noqoto ecomafia-da caalamiga ah.
Intaas oo dhanse waxaa ka daran la'aanta sharuuc iyo qawaaniin (heer waddan)
xakamaysa dhoofinta, soo-dejinta, kaydinta iyo kala-hufka (processing) amaba ka
dheefsashada hawlaha la xiriira qashinka halista ah. Dowladda ka sokow, sidaan
kor ku soo sheegnay, in badan bay dhacdaa in ay dalalkaas dadka u dhashay,
siiba kuwa dibedaha wax ka soo dejiyaa ay ka masuulyihiin soo dhoofinta
qashinkaas iyagoo heshiis la gelaya ecomafiya-da caalamiga ah oo sidaas halis
aad u weyn ku gelinaya jiritaanka iyo tayada caafimaadka dalkooda iyo dadkooda.
Ashkhaastan ama kooxdan ayaa iyagu ah inta badan kuwo aad ula socda ama ugu
baraarugsan cawaaqib-xumada falalka noocaas ah ee dembiilenimo balse, nasiib
darro, waa kuwo ku shaqeeya maskax naf-jeclaysi fikirkeeda ku salaysa iyo
calooshi-ushaqaystannimo oo aan inaba dhugmo u lahayn wixii falkooda ka soo
gaara dadweynaha iyo deegaanka dalkooda.
Arrimahan oo dhani waxay ka qayb-qaadanayaan ama sahlayaan in si dhib yar
loogu xad-gudbbo degaanka, dadka iyo xuquuqda bini'aadanimo ee dadyowga
dalalkaas u dhashay iyadoo waliba marar badan Dawladohoodu ku lug-leeyihiin
sidii loo hirgalin lahaa "mashaariic" lagu soo waaridayo qashinka ka soo hara
warshadaha reer galbeedka noocyadiisa ugu halisan sida kan loo yaqaan
"radioactive-ka" ee ka yimaada inta badan warshadaha tamarta nukliyeerka soo
saara, kuwa militariga iyo waliba kuwa noocyo gaar ah oo birta ka mida sameeya
ama ka shaqeeya. Dhaqanka caynkaas ah (heer bulsho iyi mid siyaasadeedba) ayaa
wuxuu kaloo dhiirri-galinayaa inaan cid-na loo raacan marka dembiyada caynkan
ahi dhacaan ama isha la isu-dabo.
DANAHA REER GALBEEDKA EE DHOOFINTA SUNTA
Dhanka kale haddii aynnu fiirinno sababaha aalaaba kallifa in waddan qani ah
ama horay uga maray xagga warshadaha uu qashinkiisa u waarido waddan faqiir ah
(si tuugaysi/sir ah ama si bareer/ula-kac ah) waxaa loo kala saari karaa, guud
ahaan, sababo siyaasadeed ama deegaaneed, kuwo dhaqaaale iyo kuwo
teknoolajiyeed iwm.
Sababaha siyaasadda waxaa ugu weyn tiiyoo dunida reer galbeedka tobannaankii
sanoo ugu dambeeyeyba ay aad u siyaadaysay cadaadiska xagga dadweynohooda ka
imanaya kuwaasoo dawladohooda weydiisanaya in la daryeelo degaankooda si deedna
noloshooda iyo saxadoodu u noqoto mid aad u sarraysa oo ay kala dhaxli karayaan
iyaga iyo dhallaankooda dambe (Sustainable
Development, Inter-generational
equity, etc.).
Qaninimada reer galbeedka ayaa ah mid kasoo askuntay ama salka ku haysa wax-soo-saarka
warshadaha siiba kuwa culus. Tan iyo qarnigan 20-aad oo dhan wax-soo-saarka
warshaduhu intabadan wuu siyaadayey oo kor uun buu u socday. Dabcan, qashinka
ka soo baxa warshaduhuna waa sii siyaadayey oo xiriir toos ah ayaa labada ka
dhexeeya. Sidoo kale mar kasta oo dakhliga qofka dhexdhexaadkaa ee reer
galbeedkaahi sii kordhaba waxaa siyaadaya caddadda ashyaa'da (products) iyo
tasiilaadka (services) uu iticmaalyo taasoo markeeda qayb weyn ka ciyaaraysa
kororka xad-dhaafkaa ee qashinka.
Dadweynaha dunida warshadaha waaweyn leh ayaa si cad u codsanaya in wasakhda
iyo dikhowga bey'adda aad loo yareeyo tiiyoo aan tirada iyo tayada wax-soosaarku
marna is-dhimin. Haseyeeshee marka la eego tiknoolajiyadda maanta dunida reer
galbeedku isticmaasho, oo ku shaqaysa inteeda badan batroolka oo ah isha ugu
muhiimsan ee tamarta, ayaanay haddaba yoolkaasi ama ujeedaasi ahayn mid u
sahlan in siyaasiyiintoodu hirgaliyaan waqtiga dhow. Dhanka kale maadaama
wacyiga dadweynohoodu aad u sarreeyo waxaa muran weyni ka taaganyahay halkii
tusaale ahaan lagu gubi lahaa ama lagu aasi lahaa xitaa qashinka caadigaa ee
magaalooyinku soo saaraan (NIMBY Slogan). Qashinka nukliyeerka ka soo hara isga
warkiisa iskaba daa!. Waxaa iyana jirta in qawaaniinta la xiriirta soo-saaridda,
kaydinta, iyo kala hufidda qashinka ee waddamadani ay yihiin kuwo aad u adag
loogana taxadaray si aad loogu xaddido dhibaatada qashinkaasi degaanka iyo
dadkaba u keeni karo. Nasiib darro, sidoo kale inta badan waddamadaasi ugama
taxaddaraan qawaaniinta la xiriirta dhoofinta qashinkaas halistaa ee aanay
marnna la rabin dhulkooda iyo degaankooda!
Sida la ogyahay, xitaa markii qawaaniin caalami ahi laga soo saaro
xakamaynta arrimahan iyo kuwa la halmaala (isbedelka cimilada adduunka, iwm)
sida muwaafaqadii
Kyoto
waddamada warshadaha ku horreeyaa ee inta badan ka masuulka ah dikhowga
deegaanka dunida (sida hawada, iwm) waxay doonayaan inay qaataan qaybtii
(share) dunida soo koraysa oo aan iyagu warshadaha lahayn iyagoo adeegsanaya
lacag. Hase yeeshee, waxaa jira waxyaalo badan oo aan lacagtu goyn ama aan la
gadan karin sida saxada, caafimaadka, hawada nadiiftaa, iwm. Nasiib darro,
dunida soo koraysa oo awooddeeda siyaasadeed iyo teeda dhaqaalaba yartahay ayaa
intabadan u hogaansanta waxa ay hadba la ahaato waddamada warshadaha leh.
Sababaha dhaqaalaha oo dhoofinta sunta ka dambeeya ayaa iyaguna ah kuwo aad
xiriir ugala dhexeeyo kuwa siyaasadda ama cadaadiska bey'adda lagu hayo.
Haddiise aan isku-dayno inaan aad u fududaynno, sababta dhaqaale ee ugu weyni
waxay tahay iyadoo kaydinta iyo kala-hufka qashinku ay tahay mid aad iyo aad
qaali u ah sababtuna tahay tiknoolajiyadda loo baahanyahay in loo adeegsado si
khatartiisa aad hoos loogu dhigo. Qarashkaas ayaa ah mid aan marnna la bar-bar
dhigi karin qarashka qashinkaas ku baxaya haddii loo dhoofiyo waddan aad u fog
oo faqiir ah halkaasoo aan inta badan waxba lagu samayn si hoos loogu dhigo
halistiisa (untreated toxic waste) ee sida loo sii wado ama badda lagu shubo
ama berriga lagu aaso iyadoo aan xitaa loo aaboyeelayn waxyaalaha asaasiga ah
ay ka mid yihiin in meeshu (site) ku haboontahay in qashinkaas lagu aaso iyo
inkale (meel dadka iyo xooluhu ku badan yihiin, nooca ciidda, biyaha ceelashu
ma yihiin kuwo gun dhow, iwm). Haddii aan qiyaas ka bixinno qashinka
xakamayntiisu wuxuu dunida horumartay ugu kacaa maal iyo maskax aad qaali u ah
iyadoo waliba aan intaas dhibkiisu ku dhammaan.
Daraasad ay samaysay Jaamicadda la yiraahdo
American University ee Washington (1996)
waxay ku qiyaastay in hal tan oo qashin ah ay ku baxdo ilaa US$ 3000 marka ay
noqoto in waddankii soo saaray nadiifintiisa iyo xafididdiisana u qalab-qaato
halka ay haddii qashinkaas loo dhoofiyo dunida soo koraysa ay ugu kacdo waxaan
ka badnayn US$ 5 (shan doolar) halkii tan-ba. Laakiin daraasadani xisaabta kuma
darin dhibka, kharashka iyo khaasaaraha ay marka dambbe waddanka dambbe ee
faqiirkaa ugu kacayso suntaas uu la soo degay hadday ahaan lahayd caafimaadka
iyo habsami u noolaanshaha dadkiisa, duunyadiisa iyo saxada guud ee
bey'addiisaba ama hadday ahaan lahayd qarashka ku baxaya haddii la damco in dib
loo sifeeyo dhulka la sumeeyey. Tan dambbe, haddiiba ay dhacdo, waxay waddanka
soo koraya ku kallifaysaa inuu dib u soo kireysto ama u soo gato
tiknoolajiyadda, khubarada iyo "know-how-ga" reer galbeedka kuwaasoo ugu kici
kara in ka badan intii ay reer galbeedka markii hore ugu kici lahayd haddii ay
qashinkooda waddamadooda ku habayn lahaayeen.
Dhoofintiisu marka waa mid aad u soo jiidanaysa cid kasta oo ujeeddadoodu
tahay inay u soo xasisho faa'iido (profit) aad u sarraysa islamarkaasna deg-deg
ah hadday rabto yaanayba ahaan mid soo xasilinteedu sharciga waafaqsantahaye;
Xagga sababaha tiknolajiyada waxaa ka mida iyadoo aan waddan kastaa haysan
tiknoolajiyadda loo baahanyahay si qashinka uu waddankaasi soo saaro loo mariyo
dariiqada loogu talogalay si aad loogu yareeyo awoodda waxyeel ee isla
qashinkaas. Waddamo kale ayaa iyagu jira oo iyagu tiknoolajiyaddii qaar haysta
asii aan wada dabooli karin baahida jirta oo waxaa kala badan qashinkii ay soo
saarayeen iyo awoodda qalabka ay u haystaan sidii dhibkiisa loo xaddidi lahaa.
Si kastabase ha ahaatee arrinta tiknoolajiyaddu waxay dib dabada ula galaysaa
xisaabtanka xagga dhaqaalaha oo waxay u egtahay in dalalka qashinka suntaa soo
saaraa qaarkood ay u fududaato ama u qarash yaraato inay qashinkooda qolo kale
u diraan intii ay maalgalin aad u weyn ku samayn lahaayeen dhidibbo-u-taagidda
tiknoolajiyaddaas oo aan lafteedu dhib ka marrayn waayo sidaan soo sheegnay
qalabka iyo warshadaha qashinkan sii kala hufa ama sifeeya ayaa laftodu halis
ah dhisiddooduna intabadan ma sahlana.
Arrintan isu-dhoofinta qashinka ee dhexmara wadamada ka horumaray xagga
warshdaha ee ku bahoobay ururka loo yaqaan OECD
(Organisation for Economic Cooperation and Development) ayaa ah laftigeedu mid
hadda laga shakisanyahay waayo xisaabtii qashinka u kala goosha waddamadaas
dhexdooda ayaa iskeeni la'. Tusaale ahaan sanadkii 1997-kii xarunta laga
maamulo Axdigii Basel
ee xakamaynayey hawlaha noocaan ah ayaa waxay soo saartay warbixin sheegaysa in
markii la xisaabay qashinkii waddamadaas warshadaha leh u kala gooshay sida kan
ay isu dhoofiyeen iyo kii ay la soo kala degeen (tiyoori ahaan waa in labadu
is-le'ekaadaan waayo waxaan ka hadlaynaa waddamaas oo kaliya) la waayey meel ay
jaan iyo cirb dhigeen qiyaastii 46 - 60% qashinkii la dhoofiyey. Maxaa kuu
baxay? Waxay u egtahay in qashinkaasi aanu waddamada OECD ee tiknoolajiyada leh
aadin (waayo waa qaali) ee uu ku dhammaaday badaha iyo berriga dunida soo
koraysa.
Akhri Bogga Xiga....