4. DHIBAATADA ILAA HADDA QASHINKAASI KEENAY
Waxaa aad ugu soo kordhay qaar kamida dhul xeebeedka sida
agagaarka Marka kansarka ku dhaca carrabka iyo qanjirka Triode-ka. Waxaa
la xaqiijiyey dhalashada dhallaan badan oo aan dhismaha jirkoodu ahayn mid
caadi ah. Waxaan ilaa hadda la ogeyn natiijadii ka soo baxday baaritaan ay
sameeyeen qaramada midoobey oo la xiriiray laba qarax (explosions) oo
aad loola yaabay si isdaba joog ahna uga dhacay, taariikhdu markay ahayd 5-tii
iyo 7-dii bishii Dicember ee 1995-kii dhulka u dhexeeya gobolada Sanaag
iyo W/Galbeed tiiyoo laga maqlay iyadana gobolka Sool. Maalmihii
qaraxyadaas ka dambeeyey dad badan oo goboladaas deggan baa dhibaato kala
kulmay xagga neefsashada.
1997-kii dhulka xeebtaa ee u dhexeeya Mudug iyo Nugaal
ayaa dad waxay cabbeen biyo ku jira foosto deednna si degdega ayey u
sakaraadeen tiiyoo dhiig-bax caloosha, afka iyo sankaana lagu arkay. Aakhirtu
qaarbaa u geeriyooday arrintaas awgeed intii kalana waxaa loo qaaday isbitaalka
Médcine Sans Frontière ee magaalada Kismaayo. Arrintan mid aad ugu eg
ayaa ka dhacday tuulo la yiraahdo Calanley ee gobolka Galgaduud bishii agoosto
ee 1998-kii iyo Bulo- Barakoow oo ah gobolka Baay.
Bilihii Janaayo iyo Febraayo ee isla sanadkaas waxaa
Shabeelada Hoose ku dhintay tobonaan qof oo lagu arkay dhiig-calooleed.
Tani waxay kaloo ka dhacday Sh/dhexe (Cadale iyo Ruun Nirgood) isal
sanadkaas bishii Juun.
Baaritaan uu sameeyay nin Caalim ah oo u dhasshay Algeria
lana yiraahdo Khadem Amoudi ayaa sheegay in dhimashada faraha badan ee
sannadadan ku timi geela soomaaliyeed ay u badantahay inay keentay sunta lagu
aaso wadankaas.
Dr. Pirko Heinonen oo u shaqaysa UNICEF fadhigeeduna
yahay Baar-dheere ayaa sheegtay 1998-kii in magaaladaas cudur aan la
aqooni dadkii xasuuqay oo in kayar laba bilood gudahood ay ku dhinteen illaa
120 qof dhiig-bax sanka iyo cirridka iyo xummad baana astaan u ahaa.
Dossier-kii suxufiyiinta ka tagtay dalka Talyaaniga ee
ka tirsanaa jaraa'idka la yiraahado Famiglia Cristiana oo
toddobaadle ah iyo qaar ka tirsan joornaalka la yiraahdo " La Repubblica"
oo isna maalinle ah (daily) waxay ku soo gabagabeeyeen in dhawaan (1998/99) la
dhawrayo in la soo af-jaro baaritaan ay waayahanbba wadeen maxkamado dhawra oo
talyaani ah oo ku shaqo leh baaritaanka dhoofinta qashinka noocana iyo waliba
hub iyo lacag xaaraan ah.3
3Nasiib
darro maanta oo taariikhdaas labo sano kasoo wareegtey ayaanay jirin wax
horumar ah oo caynkaas ah oo kasoo baxay maxkamadahaas
dacwadoodii.
Qaar weli way socdaan sida tan Asti iyo Milano hase yeeshee kuwo aad loogu
hanweynaa ayaa baabkoodii la laabay kaddib markii, sida la tuhunsanyahay,
longo Manus ee
siyaasadda sare ee talyaanigu arrinta faraha la gashay. Bisaddu dad soo wada
dhaatay ee ma boqorkay u socotaa???
5. GABOGABO IYO GUNAANAD
- Arrimahan ayaa ah inta badan kuwo dadan oo daboolan oo ay adagtahay in
wax saas ah laga ogaado. Si kastabase haddii la tixgaliyo inta aynnu halkan
ku soo bandhignay waxaa la dhihi karaa way ku filantahay in la la caddeeyo
ama la tusaaleeyo sida dalalka Swizerland iyo Italy ay ugu xad-gudbeen
xuquuqda aadanaha ee ummadda soomaaliyeed waqti waddanku meel halis ah
marayey kolkaasoo ay u masaafuriyeen waddankaas qashin iyo sun aad halis u ah
oo aan dhibtiisa intii qarniyaal ah laga soo waaqsan karin. Sidoo kale
dhoofinta qashinka suntaah waxaa markasta ku lammaansanaa dhoofinta hubka la
isku gumaado oo sii huriyey dagaalka sokeeye kooxaha iska soo horjeedana
hubaynayey. Waxay kaloo ku xad-gudbeen Qawaaniinta caalamigaa ee u taal
adduunweynaha. Inkastoo aan Talyaanigu markaas saxiixin weli Axdigii Basel,
Swizerland way ku jirtay waddamada xiligaas saxiixay heshiiskaas. Talyaanigu,
laakiin, xilligaas wuxuu ahaa waddanka kaliya ee saxiixay heshiiska LOME’ IV
ee iskaashiga xagga dhaqaalaha oo ka dhexeeya waddamada soo koraya ee la isku
yiraahdo ACP. Heshiiskan qodobkiisa 39-aad wuxuu si cad u mamnuucayaa in
waddamada beesha dhaqaalaha ee yurub ay qashinkaas halistaa u dhoofiyaan
waddamada ACP oo Soomaaliya ka mid tahay. Sidoo kale qaraarka tirsigiisu
yahay 44/226 ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay (1989) ayaa isna
mamnuucayey arrintaas.
- Iyadoo tan sare la tixgalinayo waxay u muuqataa in waddamadaasi gar loogu
leeyahay arrimaha soo socda: Magdhaw waafi ah oo caddaalad u sameeya guud
ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka sida gaarka ah dhibku uga soo
gaaray falalkaas argagixisanimo (ecoterrorim); Arrinta mag-dhawgu
waxay leedahay "legal precedent" oo tusaale ahaan inta la ogyahay
talyaanigu wuxuu la galay dalka Nayjeeriya heshiis (Memorandom of
Understanding) kaasoo dhigaya in Talyaanigu maalgaliyo mashruuc loogu
yeeray "Systematic Program of Decontamination, Restoration and Post-impact
Monitoring". Sidoo kale Talyaanigu dib buu ula soo noqday qashinkiisii oo
ahaa 18 kun oo tunuug ah laguna qiyaasay 4 kun oo tan. Sida daraasadda
jaamicadda Washington heshay Wasaaradda Deegaanka ee Talyaanigu waxay kaloo
bixisay/bixinaysaa 14.3 malyan oo doolarka maraykanka ah oo magdhaw ah.
Haddii 4000 oo tan oo weliba dib loola soo noqday intaas oo magdhaw ah laga
bixiyey, iyadoo MOU uu ballanqaadayo intaas ka sokow wixii mustaqbalka
soo baxa in la qiimayndoono, bal haddaba soomaalidu ha xisaabiso inta uu
le’egyahay magdhawga toban milyan oo tan oo wasakhdaas ah iyo inta kaloo aan
la ogayn. Hubaal waxaa ah inaan, dunida maanta joogta, cidina cidla u saarayn
xuquudeeda uu leeyahay dulmanuhu oo haddii taasi suuragal tahay marka hore
ayaanba la isku xad-gudbeen. Waa bulshada dulman iyo haddii ay Qaran qareen u
noqda leedahay kuwa ay tahay inaan xaqaas soo dhiciyaan;
- Talyaaniga oo ilaa hadda sheegay inay arrintan hubaan waa inay ugu
horrayn gacan ka geystaan tilmaamidda iyo map-ku muujinta dhulka iyo
xeebaha la sumeeyey oo ilaa hadda dadka, duunyada iyo xayawaanka kalaba halis
weyn ku haya. Waqtigoo sii durkaa wuxuu sii siyaadinayaa halista ka iman
karta qashinkaas waayo sida laga dhaxlay waayo-aragnimadii lagala kulmay
xaalado kuwan la mid ah sida tii Nayjeeriya ee isla Talyaanigu ka dambeeyey
inta badan qashinkan baa ah mid ku jira tunuug (drums) iyo foostooyin
(barrels) aan laga taxaddarin looguna talagalin qashin noocaas ah
kuwaasoo marka cimilada kulul ee huurkaa ee Africa la geeyo si degdega u
mirira/maaraysta deedna suntaasi bilowdo inay bannaanka u soo baxdo/qubato oo
gaarto kuna faafto degaanka oo idil (ciidda, biyaha, hawada, iwm). Sidaa
awgeed waqtigu aad buu qaali u yahay markan oo kale. Lama sugi karo wax dambe.
Waxaa kaloo qoraaladan ka soo baxaysa baahida loo qabo in baaris
cilmiyaysan oo degdeg ah lagu sameeyo arrimahan taasoo u baahan khubaro
noocyo badan isugu jirta. Way habboonaan lahayd in Soomaaliya laga diiwaan
geliyo dadka iyo deegaannada si gaara wax uga soo gaareen dhibkaas. Waa in la
hubiyaa meelaha looga shaki qabo qashinkaas oo dhan iyadoo waraysiyo badan
lala yeelanayo dadka sida gaarka ah ugu dhow dhulkaas sida dadka deggan
xeebaha, kalluumaysatada, iwm. Sidoo kale way habboonaan lahayd in la baahiyo
wixii ka soo baxa raad-raacaas;
- Waa lama huraan in la diiwaangaliyo wax kasta oo raad-raacaas caawin kara
sawirro iyo video si xirfadaysan loo sameeyayna laga qaado wax kasta
iyo meel kasta oo looga shakiyo inay lug ku leeyihiin arrimhan;
- Waxaa lama huraan ah in dadka looga digo inaysan ku degdegin waxyaalaha
aysan aqoon oo badaha ka soo caarya ama ay berrigaba kula kulmaan siiba
dhulka xeebaha u dhow kuwaasoo naftooda halis galin karta isla markaasna lala
socdo isbedelka caafimaadkooda ee mustaqbalka.
6. REFERENCES (TIXRAAC)
-
www.europarl.eu.int
-
www.alternatives.com
-
www.alternatives.com/library
-
www.kicon.com/nhien/Basel.htm
- www.tinet.ch
-
www.corriere.it
- www.stpauls.it
- www.stpauls.it
-
www.verdi.it/econews
-
www.corriere.it
-
www.camera.it
- www.stpauls.it
- www.basel.int
- www.unep.org
- Merosi, Mauro; Somalia (1995), Edizioni SEAM
- International Maritime Organisation; The Protecion and Sustainable
Development of Somalia Marine Environment Seaports and Coastal Areas
Project (1998);
- Hao-Nhien Q. Vu; The Law of Treaties and the Export of Hazardous Waste
(1994), UCLA Journal of Environmental Law & Policy, University of
California