SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOOMAALIYA & SUNTA KU DUUGAN
Daabaco Boggan | Print


Wareysi Maalinta Deegaanka
  • Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com | June 5, 2005

Maanta, 5 June waxay ku beegntahay munaasabada maalinta Bii'ada Adduunka. hadaba anaga oo ka faa'iidaysanayna war saxaafadeed uu qabtay Xoghayaha Joogatada ah ee Wasaardda Deegaanka yo Maareynta Aafooyinka, Dr. Qaasim Xirsi Faarax ayaan Xoghayaha weydiinay dhawr su'aalood oo ay ka mid ahaayeen:

 
1. SomaliTalk: Dr.Qasim imisa jeer ayey hada ka hor dawladda Soomaaiya u dabaal degtay munaasabadan maanta?

Dr.Qaasim: : waa markii ugu horaysay taariikhda Soomaaliya, hada qudheedana waad arkaysaan in aanaan wax xaflad ah oo aan ku xusayno maalintaan caalmaiga ah aanaan qaban sababo fara badan oo jira awgood:

SomaliTalk. maxaa ka mid ah duruufahaas idinka hor taagan?

Dr.Qaasim: Qasim: waxaa ugu horeeya horta in aanan dalkeeniiba joogi ee reera muskood taaganahay, waxa ka mid ah in aanan wax dhaqaalo ama santuuq la diyaariyey haysan, waxa ka mid ah in aan weli ku mashquulsanahay dhismihii Wasaaradda khusaysa iyo weliba guud ahaan dhismihii haykalka dawladeed ee wax lagu kala hagi lahaa, iyo waxyaalo kale oo badan.

SomaliTalk. Ma qiyaasaysaa in aad sanadka dambe si rasmi ah ugu dabaal degi doontaan munaasabadan?

Dr.Qaasim:  aad baan ugu rajo weynahay

SomaliTalk. Hadaan u soo dhaadhacno xaalada Deeganaka Soomaaliya, maxaa dhib ama wanaag ah ee ka jira Somaliya xaga Deegaanka ama Bii'ada?

Dr.Qaasim: Dhab ahaantii ma dhihi karo wax wanaag ama horumar ah ayaa ka jira Soomalaiya xaga Bi'ada laakiin nasiib darro waxa  ka jira dhib aad u weyn oo ka imaanaya xaga Bii'ada oo hallaynaya deegaanka guud ee dalka, isla markaana si xumaan ah u taabanahaya nolosha dadka, duurka, duunyada, daaqa, iyo dhamaan inta noole iyo ma nooleba ah.

SomaliTalk.com. Wax ma noga sheegi kartaa dhibaatooyinkaas aad ka cabanayso ee deegaan bi'taanka ah?

Dr.Qaasim: waa taan hadda ka hor ba ka waramay oo ma ahan wax hada la soo koobi karo, laakiin hadaan wax ka taabto waxa ka mid ah; burburka deegaan ee gaaray xagga beriga isaga oo ka imaanay ficilada dadka ee ay ku boobayaan kheyraadka dabiiciga ah, sidoo kale burburka soo gaaray badda iyo noolaha ku jira oo isna ka dhashay halamsiga iyo kala boobka lagu hayo kheyraadka kala duwan ee badda. Waxaa aad iyana loo waxyeeleeyey hawada dalkeena oo lagu soo daayey qiiq iyo sun khatar ah.

Intaa waxaa ka sii daran sunta la taaan karo ee lagu aasay ama lagu daadshay bad iyo berriba, siiba midda muuqata ee dul ceegaagta xeebaha dalka. waxaas oo dhamina waxay sababayaan cuduro halis ah oo si tartiib tartiib ah uga dillaaca dalka iyaga oo waxyeelaynaya kulli dadka, duunyada iyo daaqoodaba. teeda kale ta ugu darani waa in aan dib dambe loogu noolaan doonin geyigaan hadaan iminkaba la daba qaban oo laga deyn waxyeelaynta deegaanka.

SomaliTalk. Raalli ohow aan kaa dhex galee, marka aad adigu hada noo sheegayso waxas oo dhan oo dhibaato iyo wel wel soo foodle ah maxaad isugu dayi weydeen in aad wax ka qabataan idinku ka mas'uul ahaan iyo xataa ka aqoon yahan ahaan?

Dr.Qaasim: Waa runtaa oo horta kuwaasi waa su'aalaha ugu horeeya ee qofka maalinta qiyaamha la weydiinayo, mas'uuliyadiisii sida uu u gutay iyo aqoontii Allaha siiyey sida uu u isticmaalay, laakin walaal waxaa jirta in qofka bani'aadamka ihi uu marba intuu tallaabsan karo uun dhaqaaqayo oo qofna ma awoodo in uu fuliyo hal uusan wax tabar ah u lahayn.

SomaliTalk. Haa laakin anaga oo xataa ka eegayna dhanka aad ka eegtay ee diinigi ah, sow ma ahayn in qofku haduusan waxa ficil ahaan wax uga qaban karin uu hadal ku dayo, haduu hadalka gabana uu ugu yaraan uurka ka nebcaysto?

Dr.Qaasim: Waa runtaa oo hada waxay ila tahay aniga iyo asxaabtayda kale ee uu waajibkaasi na wada saraan yahay waxan ku filanahay xilligaan horta waa afka addinkana waan isku dayeynaa laakiin guushu xagga Eebbe ayey ka tahay. 

SomaliTalk. Dr. Qasim waxan ognahay in adigu aad xilkaan haysay tan iyo muddo hore oo aad dawladii Carta lagu so dhsiayna ka ahayd isla jagadaan Xoghayaha joogatada ah ma waxaad leedahay mudadaas dheer oo dhan wax tabar ah uma aanu lahayn in aan deegaanka dalka oo khatarta intaa la eg ay ka jirto wax ka qabano? mise kula tahay in aad waxaad mudadaas dheer ee shanta sano ah ku qaban weyday aad hada ku qabanayso?

Dr.Qaasim: Waa run mudadu way dheer tahay oo intaa wax weyn baa lagu qaban karay laakiin mar waliba waxaa jiray caqabado waa weyn oo ku filan inay hawsheena cuuryaamiyaan, haday ahaan lahayd xag siyaasad, xag dhaqaale, xag amni, xag farsamo, xag tacliin iyo dhinacyo kale intaba.

SomaliTalk. Ma noo jilcin  kartaa waxaad ula jeedo xag siyaasad, xag farsamo, xag tacliin, iwm?

Dr.Qaasim: Haa sidaad ogtihiinba dalkeena siyaasadiisu aad bay u cakirnayd tan iyo 15 kiisano ee la soo dhaafay, siyaasad xumiduna waa mid ka mid ah caqabadaha ugu horeeya ee horumarka hakiya waayo hadaan siyaasad midaysani jirin wax hay'ad ah oo habsami ushaqyan kartaa ma jirto. tan Farsamada hadaan faahfaahiyo waxaad dareemi kartaan in shaqadan aan ka hadlaynaa tahay mid had iyo jeer u baahan qalab casri ah oo lagu xaqiijiyo ama lagu asteeyo mana haysano wax qalab ah anagu. hadaan u dhaadhacno tan tacliinta aan idin weydiiyee ma iisheegi kartaan xataa saddex aqoon yahan oo Somaali ah oo soo baratay cilmiga Bii'ada bal car hebel iyo hebla ii dhaha.

SomaliTalk. Hada ma waxaad leedahay mudadaas dheer oo dhan Wasaaradeenu waxba ma qaban ee waa iska jirtay uun?

Dr.Qaasim: Maya, sidaa maahan wax weyn baan qabanay, waxaanba dhihi karaa waxaanu nahay wasaaradda keliya ama labaad ee wax qabatay mudadii dawladdii Carta hadana inaga iyo Arimaha dibada oo qudha ayaaba ka shaqayna.

SomaliTalk. Maxaad qabateen oo la taaban karaa?

Dr.Qaasim: Waxaan mar hore dhisnay xafiiskii iyo qalabkii adeega xafisika oo nagu filan ilaa hadana noo yaalla oo aan ku shaqyanaa iyada oo aanan weligeen shilin mushaaro ama qalabayn ah ka helin xagga dawladda. Waxan xubin buuxda kaga dhignay Soomaaliya Axdiyaal caalami ah iyo kuwa heer gobol intaba kuwaas oo u soo jiidaya inay Somaliya wax la qabsato faceeda. waxan diyaarinay qoraalo iyo xog aruurin aad u ballaaran oo ah meel laga duulo ama laga saan qaado. waxan caalamka gaarsiinay xogta dhabta ah ee Bii'ada Soomaaliyeed oo sababtay in maanta aad loo wada daneeyo, Waxan ku faafinay dalka wacyi gelin buuxda oo soo jeedisay indhaha Soomaaliyeed, waxan diyaarinay nidaamyo wax soo saar oo aan ku jihaynayno dadka ka shaqaysta burburinta kheyraadka dabiciga ah ee bad iyo bariba ku jira. iyo waxyaalo kale oo anana halkan ku soo koobi karin.

SomaliTalk. Hadda maxaad ugu baaqaysaa inta ka shaqaysata dhofinta iyo burburinta kheyradaka dabicga ah oo ay ku jirana kuwa dhuxusha dhoofiya iyo kuwa Kallunka sida sharci darada ah u gurta ama kuwa macdanta qota iwm?

Dr.Qaasim: Kuwaas oo dhan waxan ugu baaqayaa in ay dib isugu nqodaan o ka fiirsadaan in waxa ay cunayaani yihiin xalaal iyi inay xaaran yihiin. Ilaaha awoodaa sare leh waxa uu yiri: "Cuna oo Caba hana ku xad gudbina" sidoo kale wuxuu yiri: "Ku socda Dhulka guudkiisa (dhan walba), kana cuna risqigiisa, Xagiisa (Allah) ayeyse noqoshadu tahay". hadaysan xataa aakhira iyo xalaanimo ka fikirayn ha u fikirayn caruurtooda dambe oo wax ha u reebeen. Ugu dambaystiina waxan walaaladaas ku waaninayaa inay raadshaan ilo dhaqaale oo ka wanaagsan kuwaas lagu colaadinyo ee ay hada ku jiraan oo taariikhdooda mugdi gelinaya.

 
Wixii faahfaahin ah kala xiriira Dr. Qaasim Xirsi Faarax, C/o. Email: qasimhersi@yahoo.com

Waxaa waraysiga qaaday: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | canabmumtaz@yahoo.com


Waraysigii hore ee Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | June 5, 2005

 
:::IJAARSHADA XAAFUUN:::

Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi

SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD