SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DEEGAANKA  SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print



dadwaynaha iyo dhitii lasoo bandhigay

Dhirta lasoo bandhigay


Khudbaynaya: Sh, C/maan Cali Nuur

Dadweynaha

Taagan: Dahabo faarax, geeska bixid: gudoomiyaha Jabhad

MUNAASABAD LAGU MAAMUUSAYAY MAALINTA DHIRTA ADUUNKA OO KA DHACDAY GALKACYO.

           (June 5.2005 :: World Environmental Day)

Galkacyo; (Somalitalk)

Axad, June 05, 2005

Maanta oo ku beegnay maalinta dhirta aduunka laguna heshiiyay ama la aqoonsaday in laxuso, ayaa maanta laga  xusay guud ahaan caalamka gaar ahaanna Gobolada Puntland. Waxaana ka mid ah meelaha laga xusay Galkacyo, Garoowe, Boosaaso, Laascaano, Buuhoodle, Baran.

Xuska maalinta dhiraynta ee maanta munaasabadeedu ka dhacday Galkacyo ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad aad loo soo agaasimay Xarunta Waxbarashada Nabadda Iyo Horumarinta Ee Magaalada Galkacyo, munaasabadan oo ay soo agaasimeen ururka deegaanka ee xarunta, waxaana soo qaban qaabiyay munaasabadan Isla xarunta.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb-galay Maamulka Gobolka, Hayadaha Caalamiga NGO, Ururada haweenka, Ururada Dhalinyarada, DhalinyaradaGobolka, Ardayda,Waxgaradka Culimaaudiinka iyo xubno kaladuwan.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo looga hadlayay munaasabada waxa ay tahay iyo heerka caalamka ay muhiimad uguleedahay dhirta iyo sida lagooga hortagayo dadka ka soo horjeeda figrada deegaamaynta, waxaa ka loo lagu soo bandhigay riwaayad, majaajilo iyo geeraar ka war-bixinaya heerka kala duwan iyo manaafacaadka ay u leedahay dhirta dadka iyo duunyadaba.

Isla munaasabadan ayaa looga warbixiyay in xarunta ay soo waday dhiraynta iyo deegaanka faa-iidadiisaba tan iyo sanadkii 1999, ayadoo loo sameeyay xubno ugaara dhirta hagaajinteeda sanadwalbana ay xaruntu bixinaysay dhir gaaraysa illaa dhowr kun oo geed, maantana ay bixinayso dhir kala duwan oo gaaraysa kun iyo afar boqol oo geed, waxa ayna ku warbixiyeen xubnaha deegaanka in aysan marnaba suurto gal ahayn in dhir intaa le-eg ama ka badan ay waxuntu bixiso maantana aysan galkacyo sidii loo baahnaa uga muuqan dhirta.

Waxaa ka hadlay munaasabadan Gudoomiyaha gobolka Maxamed Warsame Cabdulle (Jabhad) waxa uuna ka hadlay in marka hore laga qiiroodo majaajilooyinka ay soo bandhigeen ardayda xarunta lana dhuuxo waxa ay ka turjumayso, asaga  oo ka soo jeediyay goobta munaasabadda hadal aad udheer ayuu ku soo gaba gabeeyay in si wadajir ah loo dhowro loona beero dhirta.

Waxaa ka loo ka hadlay Ditoorayso Dahabo Faarax oo ka tirsan masuuliyiinta Ha'yadda Diyakoonia waxa ayna si gaar ah uga hadashay manaafacaadka ay u leedahay dhirta umadda hadii ay tahay dadka ama duunyada intaba waxayna ku soo gunaanaday hadalkeeda oo dheeraa in labalan qaado maanta sidii dhirta labixinayo loobeeri lahaa maadaama aysan wax qarash ah xaruntu ku bixinay balse dadka looga baahanyahay in ay oo fiyaan balanta dadinta abuurka dhirt.

Waxaa ka mid ahaa dadkii munaasabadan ka hadlay Sh, C/maan Cali Nuur 

Waxa uuna Shiikhu ka soo jeediyay Aayado quraan ah iyo Axaadiis uu u soo daliilsaday heerka ay dhirta beerideeda  badinteeda iyo dhowristeedaba faa-iido ugu tahay xag shaqsi xayawaan iyo xag nololeedba waxa uuna sheegay in qofka halgeed beera uu rasuulka ku cadeeyay Axaadiis Saxiix ah Ajarka u soconaya aduun iyo Aakhiraba waxa uuna ku soo afjaray in ay muhiimad gaara ay u leedahay umadda Soomaaliyeed dhowritaanka dhirta culimaduna ay in badanba ka wacyigaliso kana wacyi galindoonto shacabkeeda waxa looga baahanyahay, waxa uu tusaale u soo qaatay dhibaatooyin soo gaaray kuwii dhirta jari jiray qoysaskooda gaar ahaana kuwii xaalufinjiray deegaankii Kismaayo.

Maanta musaasabadan lagu qabtay Xarunta Waxbarashada ayaa socotay mudo halsaac ah, halkudhiga maalinta deegaanka ee maanta ayaa ahayd (Yaynaan Dhaqan Wareegine Kaca Aan Dhir Beeree)

Sahro Sheikh | Sahrosiglan@hotmail.com

SomaliTalk.com | Jun 5, 2005


Waraysigii hore ee Dr. Qaasim Xirsi Faarax
Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada deegaanka iyo maaraynta aafooyinka oo dhowaan safar ku tegaya xeebaha Somalia oo ay waraysatay Canab Mumtaz ka dhegeyso halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | June 5, 2005

 
:::IJAARSHADA XAAFUUN:::

Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi

SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD