Haddaba markii ay dhacday dawladdii Siyad Barre, aad ayay
dadka hawlahan ku shaqi lihi isugu-baaqeen dar-darna u galiyeen sidii mashruuca
URANO looga
taabbo-gelinlahaa Somalia.
Warqad ay wada jir ugu saxiixeen magaalada Nairobi 24-kii
June 1992-kii Sig. Garelli iyo nin la yiraahdo Sig. Ezio Scaglione (Console
Onorario della Somalia in Italia) iyo ninka aadka loogu muransanyahay ee
deggan Xamar lana yiraahdo Sig.Giancarlo Marocchino baa laga akhriyey inay
wadahadallo la yeelanayaan Soomaali si ay uga helaan dhul ay wasakhdaas ku
aasaan. Sidoo kale dhawaan ayuu Marocchino wuxuu qiray isagoo u warramayey
Famiglia Cristiana in heshiiskaasi dhacay in kastoo aan hawshaas la fulin
buu yiri mar uu dhawaan talyaaniga u yimi in maxkamadda Roma wax ka weydiiso
dilkii suxufiyiintii telefishinka Talyaaniga (RAI) sannadkii 1994-kii oo
loo tirinayey inuu la xiriiray baaritaanno ay arrimahan ka wadeen maxkamadaas
ayaa lagu qaadayey nin soomaali ah oo markii hore waxba lagu caddeyn waayey
asii dhawaan xabsi daa’in lagu xukumay isagoo loo haystay inuu qof ka ahaa
kooxdii dilkaas samaysay (qayb dambaan kaga hadlaynaa).
Ninkan Marochino ayaa ah nin aad ugu qasan arrimaha murugsan
ee Soomaliya tan iyo bartamihii sanadihii sideetamaadyadii. Sanadkii 1984-kii
ayuu Xamar u haajirey isagoo ka soo kicitimay magaalada Genova oo asalkiisu
ahaa uuna ku lahaa shirkad baabuurta xamuulka ah. Shirkaddan ayaa dabadeena
masaliftay ama kacday iyadoo weliba maxkamaduhu dabasocdaan. Xamar sannadihii
hore wuxuu dib ugu noqday hawshiisii hore oo ahayd darawlnimo, dillaalnimo iyo
arrimo la xiriira gaadiidka. In yar kaddib wuxuu fursad weyn ka helay
mashaariicdii hay’adda kaalmaa dibedda ee talyaaniga ee aynnu kor ku soo
sheegnay oo uu qandaraasyo badan ka helay. Markuu Qashinka la sheegay in Bari
iyo Nugaal loo dhoofiyey asii Xamar ka soo degay wax laga weydiiyey wuxuu yiri
"anigu konteenarrada daabbulidooda uun baan ku shaqo lahaa ilaa garoowe iyo
Boosaaso". Ninkan oo soomaalidana aad u dhexgalay (xaaskiisu waa soomaali) ayaa
markii dambbe waxaasba ka dallacay oo wuxuu noqday nin si gaar ah ula shaqeeya
ciidanka hay’adaha kala duwan ee sirdoonka talyaaniga iyo siyaasiyiinta sarsare
ee Soomaaliya danaha kaleh. Markii dambbe oo dagaalkii Qarxayna wuxuu gacanta
ku dhigay badannaa hantidii shirkadihii talyaanniga ee koofurta dalka ka qaxay
siiba kuwii hisayey waddada u dhaxaysa Marka iyo Afgooye (shirkaddii Salini)
iyo tii naaxinta xoolaha iyo beeraha ee Gizoma ee iyana aagga Afgooye ku tiil.
I992-kii markii ciidamadii ajnabiga iyo ha’adaha caalamigaahi Muqdisho aadka u
tageen ayuu haddana fursad kale u helay inuu aad uga shaqaysto hay’aaha
samafalka.
Dhanka kalese waxaa la sheegay inuu qashinka iyo hubka
Soomaaliya loo waarido uu bartilmaameed iyo kala-hage u ahaa. Bishii September
1993-kii ayaa ninkii hoggaaminyey ciidamadii ajnabiga ee xilligaas Xamar joogey,
Jeneraal Jonathan Howe, amar ku bixiyey in Giancarlo Marocchino la soo xiro
deedna dalka Soomaaliya laga masaafuriyo iyadoo loo haystay inuu aad ugu lug
leeyahay keenidda hubka lagu dagaallamo deedna Kenya ayaa loo tarxiilay. Afar
bilood kaddib ayaa haddana amarkaas laga noqday.
Sida u caddaynayo Sebri
ninkan Marocchino ayaa mashruuca URANO u qaabilsanaa loojistikada gaar
ahaan qaybta Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay labadoodu ugu yaraan dhawr jeer ku
kulmeen kulannadaas talyaaniga iyo ka dhacayey oo loo dhammaa. Markii ugu
horraysayna waxay ahayd buu yiri sanadihii dambbe ee sideetanaadkii oo aan
Milano ku kulannay. Wuxuu siinayey warbixin Luciano Spada oo uu sheegayey inuu
jiray Jeneraal soomaali ah oo ay ahayd in xoogaa laaluush ah la siiyo. Isla
meeshaas ayuu wuxuu Marocchino ka soo jeedinayey cabasho ku saabsan la
shaqaynta qolyaha sirdoonka talyaaniga oo ay qorshaha iskula jireen waayo buu
yiri waa kuwo aan markasta la isku hallayn karin.
Sebri wuxuu kaloo caddeeyey inuu la kulmay Marocchino
dhammaadkii 1993-kii oo ay Milano iyo mar kale ahayd markaasoo ahyd in yar
kaddib markii Maraykanku ninkaas ka tarxiilay Soomaaliya. Markan aad buu u
caraysnaa marocchino oo wuxuuu hadlayey nin lagu tacadiyey oo ballamihii looga
baxay. Wuxuu Marocchino kulankaas ku adkaysanayey inuu mashruucii URANO
fuliyey ayna ahayd inuu helo wixii lagu heshiiyey oo uu xaq u lahaa. Isla
kulankaas ayaa ninkii ka socday hay’adda sirdoonku isagoo u caqli-celinaya
marocchino ballanqaaday inay iyaguna qaybtooda ka soo bixi-doonaan. Waxaa
iyaguna arrimahan aad ugu lug lahaa maafiyada talyaaniga gaar ahaan jilbyada
Lamonte iyo Fidanzati oo ah laba qabiil oo ka tirsan tol-weynaha
maafiyada.
Ugu dambayn Sebri oo ah mid kamida dadka yar oo arrimahan
wax ka abaabulay haddana goostay inuu caddaaladda iyo maxkamadaha la shaqeeyo
wuxuu tilmaamay qaar kale oo ka mid ah shirkadihii loo adeegsaday fulinta
mashruuca URANO sida BAUWERK oo xarunteedu tahay dalka
Lichtenstein islamarkana laamo ku leh Manrovia (Liberia), shirkadda
INSTRUMAG oo saldhigeedu yahay Lugano (Swizerland) , shirkadda BIDATA
(Swizerland).
Bilihii Agoosto iyo September ee isla 1992-kii ayaa
xoghayaha hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha degaanka (UNEP)
ee fadhigeedu yahay Nairobi, Mr. Mustafa Tolba wuxuu ganay "qayladhaan" uu ka
digayey shirkado Talyaani ah oo qashin sun ah ku quba Somalia. Ninkaasi markii
hore wuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaaas waayo, buu yiri, dad
badan oo nala shaqeeya ayaan naftooda halis gelin lahaa haddaan magacyo sheegi
lahaa. Wuxuu u jeedaa arrimaha waxaa wata Mafia oo ah taliska guud ee
khaa’imiinta adduunka xarumaha ugu waaweynna ku leh dalka talyaaninga. Waxay u
egtahay in arrimahan awgood UNEP iyo dadka u shaqeeya xilligaas loo
caga-juleeyay si ay uga gaabsadaan hawshooda oo ah ilaalinta iyo difaaca
deegaanka dunida. Tanina waxay markeeda sharax ka bixin kartaa siyaasadda
aamusan oo marka dambe UNEP gadaal kala soo bixi doonto. Dhawr jeer oo
aan la xiriirnay ayay sheegeeen UNEP inaanay wax tuhun dhaafsan ka ogayn
arrintaas.
Dhawaan waxaa ii suuragashay inaan helo warqaddii bayaankii
maamulaha UNEP Dr. Tolba iyo mid isla maamahaas uu soo saaray xafiiska UNEP ee
Nairobi qaybtiisa "Information and Public Relation". Halkan ayaan ku soo
koobayaa warkii iyo wixii uu qoray Dr. Tolba taariikhdu markay ahayd 9/9/92:
"Akhbaar ayaa soo gaartay xafiiskayagan UNEP kaasoo la
xiriira qashin iyo sun halis ku ah Somalia oo ay ka dambeeyaan shirkado reer
yurub ah. Waxaa hadda wadahadal noo socdaa annaga iyo waddamada shirkadahaas
laga leeyahay………..Waqtiga hadda ah ma doonayno inaan faahfaahin ka bixinno
arrimahan intaas dhaafsan"
Isla hadalkiisii ayuu Dr. Tolba haddana dib ugu noqday oo
dib u toosiyey:
"Si looga badbaado buun-buunin iyo war aan la hubin ama
sax ahayn UNEP waxay xaqiijinaysaa :
In shirkado laga leeyahay dalalka Talyaaniga iyo
Swizerland ay heshiis la galeen qof la yiraahdo Dr. Nur Elmy Osman oo
sheegtay inuu yahay wasiirka caafimaadka ee jamhuuriyadda Soomaaliya.
Heshiiskaas baa wuxuu dhigayaa in muddo labaatan sano ah (1991 – 2011)
shirkadahaasi Soomaaliya u dhoofiyaan noocyada kala duwan ee qashinkaas.
Qiimaha waqtigan (1992) ee heshiiska ayaa ah sideetan malyan oo doollar (US$
80M);
Shixnad kasta oo qashinkaas ah (100 – 150.000 tons) waxaa
shirkadahaas ugu jira faa’iido lacageed oo lagu qiyaasay 8 – 10 malyan oo
doolar. Shirkadda Swiss-ka ah ayaa iyadu ka helaysa shinadiiba 2- 3 malyan oo
doolar iyadoo la qoondeeyay in sannadkiiba la dhoofiya nus-malyan tan oo sun
ah (500.000 tons). Waxaa hadda loo dirayaa Soomaaliya wax u dhow hal malyan
oo tan oo qashinkaas ah halka dadkii soomaalidu gaajada iyo dagaalka u
le’anayaan;
Shirkad Swiss ah ayaa la sheegay inay ku hawllantahay
dhismaha labo markab oo ay saaranyihiin qalabka qshinka lagu gubo
(incinerators). Maraakiibta waxaa loo adeegsanayaa daabulista qashinka;
Ilaa hadda ma hubno inta qashinkaas Soomaaliya gaartay
waxaase aad loo tuhunsanyahay in xeebaha lagu qubay;
Shil kale oo kaas ka geddisan ayaa ka dhacay Woqooyiga
dalka (Somaliland) halkaas oo maqsin ay ku jireen 81.200 litir oo sunta
cayayaanka lagula dagaallamo oo faaddey ama dhacday uu dab ku qabsaday lana
filayo inay halis ku hayso biyaha dadka iyo xooluhu cabbaan oo awalba gobolka
ku yaraa. Waxaannu hadda ka fiirsanaynaa sidaan sahan degdeg ah Soomaaliya
ugu diri lahayn.
Akhristuhu wuxuu qaylodhaanta Dr. Tolba ka tix-raaci karaa:
Halkan
[guji] iyo waliba
halkan
[www.alternatives.com]
Joornaalka FC oo warbixintiisa sii wata ayaa isna xusay in
isla beryahaas waxaa la sheegay in Hargeisa laga dejiyey 81 kun oo litir oo ah
sunta cayayaanka dhirta oo mid gabowday amase dhacday (u fiirso siday
arrimahani isu waafaqsanyihiin).
Waxay ku qaadatay sida muuqata ilaa shan sano oo kale in
hay’adda UNEP fuliso ballantii maamuleheeda Dr. Tolba oo sida
bayaankiisa kamuuqata markii hore sheegay inay si deg-deg ah sahan iyo
baaritaan Soomaaliya ugu dirayaan. Aakhirtu, waxay UNEP sannadkii
1997-kii u dirtay Xeebaha Soomaalida qaarkood dad cilmibaarayaala oo uu
hogaaminayey nin sida la sheegay macallin Chemistry horay uga ahaan
jiray Jaamicaddii Soomaalida oo la yiraahdo Mahdi Geeddi Qayad oo muddo bil ah
soo wareegay xeebaha badweynta hindiya ee Mudug ilaa J. Hoose oo yaab badan soo
sheegay (inkastoo UNEP ay isku dayday inay warbixintaas oo aan loogu
talagalin in la wada ogaado ay markii hore isku dayday inay warkaas daboosho).
Prof. Mahdi Geeddi Qayad1 oo ah
mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga
degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa baaritaanka iyo xog
raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii. Gaba-gabadii baaritaankaas oo
lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga
xeebaha badweynta hindiya, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan
yarayn. Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo
ku dhintay xeebta Baraawe
kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray
deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen. Arrinta kale waxaay la xiriirtaa
haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana
markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u
dhexaysa Cige iyo Mareeg (eeg sawirrada
haamaha qashinka
ee badda ka soo caaryey).
1
Mr. Qayad wuxuu macallin ka ahaa
sida lasheegay Jaamacaddii Soomaaliya.
Waxaa wax lala yaabaa hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka
soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufiyiinta ee FC talyaaniga
oo iyagu baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy) ka
helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo
vedeo-ba.
Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo
farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey (iyo ka
horba) lagu aasay ama daadshay sun aad halis u ah (eeg
sawirka khariradda
sunta). Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee
aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho.
Sida ay warbixintooda ku muujiyeen 19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Mr. Ali
Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida
kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso
meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala
hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido. Waraysi ay la yeesheen
Jen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in
Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagu gubay qashin haraa nuclear ah.
Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar,
agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada
Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar
badan ay arkeen kalluumaysatadu.
Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP
arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha
mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la
dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda
ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah.
Stefan Weber oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa u dooda saxada
deegaanka ee Greenpeace qaybtiisa Swizerlad ayaa isna xaqiijiyey in la
hubo in 1992-kii saddex markab oo qashinkaas siddaa gaareen gacanka cadmeed ee
xeebaha Woqooyi-Bari Soomaaliya. Tanna waxaad ka qiyasi kartaa inaysan ahayn
arrintu hal mashruuc ama mid hal meel laga abaabulo ee ay tahay arrin caalami
ah oo cid kastaa ka qaybqaadato.
Si kastaba, baaritaan ay samaysay jaamicad maraykan ah baa
aaminsan in sannadkii 1992-kii dhammaadkiisii markii saxaafadda caalamka iyo
UNEP ka qayliyeen sunta Soomaaliya loo waaridayey ay taasi keento in heshiiskii
dhexmaray shirkadaha reer galbeedkaa iyo askhaastii isku sheegtay inay Dawladda
Soomaaliyeed matalaan uu burburay oo laga yaabo in qashinkii soomaaliya loo
qoondeeyay intiisii badnayd aanay yurub ka dhoofin. Shirkadahaas oo la kala
oranjirey Acher Parteners oo Swiss-ka ka diiwaan gashanayd iyo
Progresso Snc oo Talyaaniga ka qornayd ayaa ahaa sidii la filayey noqday "fictitious
companies" amase kuwo maqaar-saar ah. Tusaale ahaan shirkaddan Progresso
Snc oo uu iyadana Maareeye Guud ka ahaa sida maxkamadaha talyaanigu helaan
isla qofka sheegtay inuu Wasiirka Caafimaadka ahaa, Mr. Nur Elmy, ayaa waxaa la
ogyahay inay kacday ama masalftay oo liiska shirkadaha ee magaalada Livorno oo
saldhigeedu ahaa laga saaray sanadkii 1994-kii.
Akhri Bogga Xiga....