Dhulkaan Dadkii lahaa meeyey?
Ali
Malaaq Ahmed
raamoraaxo@hotmail.com
Qaramadda Middoobay ayaa waxay dhawaan sii daysey warbixin
cabsi iyo argagax ku abuurtay inta fahmi karta nuxurka ay
warbixintu xambaarsan tahay. Waxaa warbixintaa lagu sheegey in
badaha Soomaaliya lagu aasay/duugay haraaga sunta
qumbula-daruuriyaha oo ah hubka wax gumaada iyo haraaga
kiimikooyin kale oo khatar ah. Tani waxay ka dembaysay ka dib
markii bad-giriirkii dhawaan ka dhacay badweynta hindiya uu soo
debed bixiyey haraaga kiimikada oo shirkado reer galbeed ah ay
ku aaseen badaha Soomaaliya shan iyo tobankii sano oo ugu
dambeyey, waa xiligii dowlada la’aanta e.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in sunta haatan ku firirsan
tahay xeebaha Soomaaliya oo dhan iyada oo waxyeelo xoogan u
geysan doonta dadka xeebaleyda ah. Warbixintu waxay lagu xusay
in sunta ay ka mid tahay uranium radioactive. Unaniumka waa
macdanta laga sameeyo quwada qumbula-daruuriyaha. Qashinka ka
hara marka lasameeyo nuclearka wuxuu wataa shucaac ama kaah-fal
(radioactive ) oo hawadda iyo biyahaba raaca. Warbixintu waxaa
lagu sheegay in konteenaro iyo fuustooyin bada hoosteeda lagu
aasay ay qarxeen oo walxihii ku jiray ay soo saartay bad-gariirkii
dhawaan dhacay. Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay inaan la
ogeyn inta tiro ama xadi lagu duugay badaha Somaliya balse
arrintu ay ku sugan tahay khaddar tii ugu sareysay. Waxaa kale
oo lagu sheegay in biyaha badda oo la fadareeyay ama sunta lagu
barxay ay waxyeelo xoogan u geysan doonta dadka ku nool xeebaha.
Waxyeelada deegaanka la wasaqeeyay way baaxad weyn tahay, lakiin
waxyeelada isla markiiba la shaaciyay waxaa ka mid ah, neefsiga
oo dadka ku adkaada, qufuc qalalan, afka oo dhiig ka yimaada,
uur-ku-jirta iyo saablayda oo dhiig ku dhex furma iyo maqaarka
jirka oo la fal-gala sunta kiimikada. Waxaa kale oo waxyeelada
kiimikada gaarsiinsan tahay biyaha dhulka hoostooda mara (ground
water).
Laakiin waxyeeleynta intaa way ka sii cirib xuntahay tahay oo
suntu waxay saamey ku yeelan doontaa noolaha ku dhaqan badda,
beriga iyo waxa ku dhexnool cirka iyo dhulka. Waxay si dhaqso
leh u saamyn doontaa caafimaadak dadka iyadoo ku soo gabaneysa
kaluunka la cuno, dalagyada beeraha ka soo baxa, hawada la
neefsado iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo ku circa ka
yimaada iyada oo ba’ada ama deegaankaba fadareysa/wasaqeysa.
Waxyeeleynta suntaan uma kala aabbo yeesho noolaha oo dhan sida
dadka, xayawaanka iyo dhirta. Waxaaba ka sii daran iyadoo aan
kala garaneynin reer hebal iyo Soomlida koofur ama tan waqooyi.
Warbixintu ma aha mid dhameys tiran, waxayna ku
guuldaraysatay inay:
- baaritaan qoto dheer ku sameeyaaan
inta ay baaxada iyo wax-yeelada la egtahay
- dadka Soomaaliyeed u fidiyaan gacan
isla markaana digniin ka siiyaan waxyeelada kiimikada
- farta ku fiiqaan shirkadaha iyo
wadamada ka dambeeyay dambigaan dadnimada ka baxsan si
maxkamad la soo taago
- u diraan Soomaaliya quburo cilmiga
waxyeelada kiimikada ku dheeraaday
Sababta ay shirkadaha reer gelbeedka haraaga kiimikada u la
soo beegsadeen badaha Soomaaliya maha wax lala yaabo ama u
baahan in aad laago fekero, waa afar arrimood:
- deganaansho la’aanta iyo qalalaasaha
siyaasadeed ee Soomaaliya
- waa dhul, biyo iyo hawo dayacan,
baylah ah, oo aan ilaalsaneyn
- dowlad la’aanta
- qiimo jaban. In sunta lagu aasaa
badaha wadamada kale waxay ugu kaceysaa shirkadaha reer
Yurup $250 dolar halkii tan halka badaha Soomaaliya ugu
kacyso “$2.5 oo kaliya”.
Warbixinta Qaramada Middoobay waxaa lagu sheegay inay sababtu
ay shirkadaha ugu daadinayaan qashinka badaha Soomaaliya ay
tahay dowla’aanta ka jirta Soomaaliya, lakiin haddii aad
xasuusataan markii la dhisay Dowladii uu A/qaasim madaxweynah ka
ahaa Qoramada midoobay iyo Reer Galbeedkuba ma aqoonsan iyaga oo
cillad uga dhigay inuu Mr. Qaasim yahay as-raac dhaqanka diinta
ku dhegan (Islamist). Hadda markii lagu dhawaaqay dowladda Mr.
Yusuf weli Qaramada Midoobay iyo Reer Galbeedkuba way ka caga
taaleynayaan aqoonsigeeda iyada oo cudur daar ugu dhigeya inuu
Yuusuf yahay diin-diid (anti-islamist). Haddaba maxaanu ku
macneyn karnaa laba wajiilinamada Qaramada Midoobay iyo Reer
Gelbeedka? Shaqsi noocee ah ayay raadinayaan? Misa qofka kasta
oo yimaada kuma xirnee, la dagaalanka iyo daba tirka shacbiga
iyo dhulka Soomaliya? Ma markii hore ayay qaldanayeen, mise
hadda? Su’aalahaan jawaabtooda waxaan u deynayaa akhristeyaasha,
laakiin Illaahay wuxuu Quraankiisa Kariimka ah ku sheegay
inuusan qoomna duleynin ilaa ay iyaga is-duleeyaan, isla
markaana duliga ka qaadin ilaa ay iyagu iska qaadaan! Fadlan
akhristow aad u feker.
Ku daadinta sunta iyo walxaha khatarta ah xeebaha Soomaliya
waa arrin soo noqnoqotay sanooyinkii ugu dambeeyay oo u baahan
isku shuqlin iyo ahmiyad siin. Sanadkii la soo dhafay Soomaali
kaluumeysato ah ayaa aragtay maraakiib kontaynaro ku daadinay
xeebaha Somaliya. Waxaa kale oo ay arkeen biyaha bada oo
fadareysan. Tani waxay ahayd qaaylo dhaan u baahan muhiimad gaar
ah, lakiin dhag jalaq looma siin.
Waxaa marar badan shaki ku jiray sii jiritaanka dhulka
Soomaaliya. Hadda waxaa shaki weyn ka jiraa sii jritaanka dadka
Soomaalyeed, taas oo uusan qofna ka baxsan doonin. Haddaba si
looga hortago dhicitaanka saadaasha cabsida badan waa in la
helaa dowlda wax ka qabata amuurtaan, si taa loo helana waxaa
qasab ah in laga tanaasulaa damaca kaligii jeceylka ah oo la
isigu yimaadaa xal dhexdhexaad ah.
Talo soo jeedin:
Waxaan talo ku soo jeedinyaa inay dowladda cusub ku dhawaaqdo
xaalad deg-deg ah isla markaana ku dhaqaaqdo qodobada soo
socda:
- in si dhaqso leh loo abuuraa ciidanka
ilaalada badaha
- in si dhaqso leh loo abuuraa meelo iyo
shaybaaro lagu tijaabiyo (testigareeyo) biyahaya iyo hawada
- in si dhaqso badan loo magacaabaan
guddi quburo ah oo ku xeeldheeraday culluunta iyo noocyada
kiimikada kala duwan oo daarasad ama cilmi baaris ku sameeya
noocyada iyo baaxada sunta lugu aasay badaha Somaliya iyo
waxyeeladooda isla markaana ka soo saaro digniin iyo wacyi
gelin looga digaayo dadweynaha Soomaaliyeed waxyeeleynta
dadka.
- in la magacaabo koox ku xeel dheer
shuruucda caalimiga ee badaha oo shaqadoodu tahay inay soo
baaraan shirkadaha iyo wadamada ka dambeeyay masiibadan isla
markaana la tiigsadaa maxkam caalami ah.
- in la abuuraa xarun cilmi baaris
joogto ah howshoodu tahay ku mashquulida daraasadaha la
xariira tegnooligiyada, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta
aadanaha.
- Inay Somali waqooyi ka qeyb qaadaan
dadaalkan oo siyaasada meel iska dhigaan maxaa yeelay
kiimikada ma kala taqaan waqooyi iyo kuufur
Waxaan urrarada iyo aqoonyahanada ka madax banaan dowladda
iyo qabiilka ay mideyaan qalinkooda iyo qalbigooda una howl
galaan sidii qaylo dhaan iyo baaritaan loogu sameyn lahaa
amuurtaan loona caalamiyeen lahaa.
Ali Malaaq Ahmed
raamoraaxo@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan