Faalooyin kookooban oo uu soo diyaariyey
Wardheere
Nasiib daradii haystatay Soomaalida waxaa
ku soo biiray degaankii badda oo la wasaqeeyey.
Bal fiiri waxa aan ku samaynay caruurteena
Soomaaliyeed.
Wax laga naxo oo laga wel welo waaye degaanka
badda Soomaaliyeed ee la wasaqeeyey. Ninkii markii hore u malaynayey shaki
ama wax aan la hubin maanta waa ka baxday. Natiijada UN baaritaankeedii
waakaas yiri. Badda Soomaaliya waa la wasqeeyey sharikado Yurub ayaa
wasaqeeyey. Kimikada lagu sheegay in badda Soomaaliyeed lagu shubay ayaa
aad looga dayriyey. Wasaqdan oo afka qalaad lagu yiraahdo Toxic waste iyo
hazardous materials ayay qubarada aqoonta u leh sheegeen inay saamayn weyn
ku yeelan doonto caafimaadka dadka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo la sheegayaa
in bad gariirkii dhiwaan dhacay uu sii kaakiciyey suntan.
Dhibta dawlad la’aanta waa badan tahay tanina
ma noo danbaysay?
Badda la wasaqeeyey ayey leeyihiin aqoon
yahanadu waxaa dhici karta in caruurta dhalan doonto xataa ay saamayn ku
yeelato.
Bal fiiri waxa aan caruurteena ku samaynay?
Caruurta Soomaalida ee qaxay oo ay weli ka
muuqato calaamadii dagaalkii sokeeye
Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya dhibka uu u
gaystay dadka Soomaalida lama koobi karo. Kuwii ka shaqeeyey inay dadka
walaalaha ah isku diraan ma ahayn kuwa ka fakarayey wanaagga iyo musyaqbalka
Soomaalida.
Arrinta lala yaabay ayaa noqotay in iskuulo
badan oo ku yaal dalalka galbeedka ay ka buuxaan caruur soomaali ah oo lugo
ama gacmo go’an ama xubno badan. Waxaa laga yaabaa inaad tagto iskuul dhan
oo hal gabar ama will curyaan ka yahay waxaad naxaysaa markaad ogaato in
qofkaasi yahay Soomaali. Inaad weydiiso way kugu adkaanaysaa maxaa ku helay
laakiin waayeel korkiisa waa wada indho. Qof ogaa sida jabhadahii waalnaa u
dhaqmayeen ma garan waayayo waxa caruurtan Soomaaliyeed helay. Nasiib darro
weli qirigii waa la ridayaa dhiiga Soomaalida waa daadanayaa. Bal aqri
bogga qaranimo socdaalkii weriya Diini uu ku tegay isbitaalkii Madiina oo ay
jiifaan dhaawaca Yusuf Muriidi Saafi iyo Nasteexo Cabdi Cali oo 8 jir ah oo
hub lagu soo tuuray lugaha gooyey.
Bal fiiri waxa aan ku samaynayno caruurteena
soomaaliyeed.
Toogo iyo Ukraine iyo Cuba iyo dalal kaleba
waa na dhaamaan sida ay u saxaan dawladooda ayagoon hubka qaadan.
Keligeen ma ahan dal dictoor xukumo ee laakiin
annaga waxaanan garanayn in wax aan qori ahayn wax lagu xalin karo. Haddii
uu dictator ku qabsado si xeelad leh ayaa loo ridaa ee dalkaba lama wado
gubo. Shalay Ukraine maantana Togo beri Cuba bal aan fiirsano sida wada
hadal qilaafaadka loogu dhamaysto. Jabhad lama noqdo iyo dab huriye
lagayaabo inaad hadhow demin kari waydo ama adigaba aad ku gubato. Su’aashu
wxay tahay jabhadihii soomaaliya ma ogaayeen in dawlad la’aantu xun tahay?
In malaayiin dad ah qaxi doonaan? In badda Soomaalya qashin qub noqonayso?
In lafaha qabuuraha jidka lagu soo shubi doono? In daryeel caafimaad,
waxbarasho, shaqo. Nadaafadba la waayi doono. In horumarka adduunka iyo
bilicda magaalooyinka iyo magaca Soomaaliya la waayo doono? In waayeelka
iyo caruurta soomaaliyeed qurbaha ku rafaadi doonaan? Dalka dhexdiisa
caruurta dhigata iskuulada waa 7 boqolkiiba. Jiilka soomaalida ee maanta
waa la ogyahay waxa haysta laakiin maxaad ka filaysaa mustaqbalka caruurta
Soomaalida.
Maxamuud
Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minneapolis,
MN, USA
Qoraaladii Hore ee Wardheere....
»Dhulkaan
Dadkii lahaa meeyey? |
Ali Malaaq