SOMALITALK.COM   XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - FAALLO


Saxaafada Denmark oo sii wada Sanad ka dib Aflagaadada Rasuulka (SCW) xili bisha Ramadaan ay islaamku ku dhex jiraan.

Waxaa baryahaan isa soo tar taraya aflagaadu aan geed loogu soo gaban oo ka dhan ah Rasuulka Sharafta badan ee Umadda Islamka Nabi Muxammed (SCW) waxaana ugu danbay shalay uu website dalkaasi uu soo bandhigay Film lagu soo bandhigay sawiradii ugu foosha xumaa ee ka dhanka ahaa dinta islaamka iyo waliba Nabi Maxammed (SCW)iyadoo caladaasi lagu soo bandhigay beel ay dhalin yaro Reer Danmark ah oo ka tirsan Xisbiga shabacka ku tartamayeen iyagoo waliba ku dhex jira xili xagaa ah oo cidii tartankaasi ay xiranayso maaskartaati aad u fool xun lagu matalyo Rasuulka (SCW)iyadoo ay u mooqdeen  balseba ay ahayeen aan iraadee kuwa ku jees jeesaya Sharfta diinta islaamka.

 
Tv-ga Aljazeera websitekiisa ayaa waxaa uu soo tabiyay in Guddoomiyaha ururkaasi dhalinyarada Shabacbka Denmark Mr Kenth Kristiyansen in unan goob joog ahayn xiligii la soo bandhigayay sawiradaasi, waxa uuna ku tilmaamay arrinkaasi qalad weyn,isagoo ku andacooday in uunan aqbaleyn arrinkaasi haddii uu goob joog ahaan lahaa.

waxaa uu ku gacan saray Mr Kristiyansen in uu raali gelin rasmi ah ka bixiyo soo bandhigida sawiradaasi, waxa uuna ku gaabsaday in uu ka soo horjeedo, waxa uuna uu ku baaqay in Muslimiintu aqbalaan in nabi ciise uu aha wiilkii ilah '' ilaah ka nazahnaaye'' isagoo sidoo kale  ugu baaqay muslimiinta in Allifaan kitaabo ay ku sharaxayaan shaqsiyada Nabigeena suuban NNDH,si markaasi dadka reeer galabedka ah ay u bartaan shaqsiyadiisa.


Dhanka kale Afhayeenka ururka waqafka islaamka ee dalka Denmark Qaasim Saciid ayaa sheegay in taariikhda xisbigaasi ay tahay mid madaw marka loo eego islaamka waxa uu yiri mar waxa ay ku tilmaamaan muslimiinta in ay yihiin cudurka Cancerka oo ku dhex jira Ereope marna ay la meel dhigaan fajiistayaasha iyo Naaziyiinta.

Mr Saciid ayaa intaa ku daray in hogaanka xisbigaasi ay ugu baaqeen in tallaabo adag ay ka qaadaan dadka ku hawlan meel ka dhaca loo gaysanayo muslimiinta isla markaana ay ka eryaan ka tirsanaanshaha xisbigaasi sida uu dhigayo qaanuunka u yaalla xisbigaasi oo dhigaya in la eryo cid kasto oo ku dhaqaaqda tallaabo wax u dhimaysa siyaasada xisbiga.

waxaan ugu baaqaynaa xisbigasi in oo qaato go'aan rasmi ah oo ku aadan sawiradaasi foosha xun iyo in lala xisaabtamo cidii hawshaan samaysay ee ka tirsan xisbigaasi iysagoo ku baaqay in si rasmi ah looga cariyo xisbiga iyadoo xisbigaasi looga xibixi karo in la baxo siyaada u dagsan .

waxaa la soo sheegayaa in bisha fooda nagu soo hayso 19 keeda muslimiinta dalka Denmark ay maxkamada la soo fuulayaan madax dhanka dhaqanka iyo aqoonta guud ee warygayska Yulandis ee soo bandhigay sawirada ka dhanka ah Rasuulka SCW

halkaan ka Fiiri Warkaan oo aan ka soo qaatay Aljazeera.net by bootaan.

Baro Sharafta iyo Qiimaha Rasuulka Kariimka ah

Rasuulka Sharafta leh Maxamed SWC wasalam dunida waxaa uu keenay naxariis iyadoo EEBE quranka karimka ku yiri '' waxaa dhab ahaantii idiin yimid rasuul idinka idin ka dhashay oo naxariis badan'' rasuulku waxaa uu ahaa mid dunida keenay nuurka islaamnimada isagoo uga digay dhamaan dadka oo dhan naarta .

Rasuulka ayaa waxaa uu la yimid kitaabka quraanka kariimka ah oo isagu wata wax kasta oo maslaxad ugu jirta umada islamka qeexay wax kasta oo shari ku jirana ka digay waxaana uu islaamku noqday diinta ugu nabada badan ee aduunkaan.

Rasuulka SCW ayaa waxaa uu  ahaa qof aad iyo aad u akhlaaq badnaa taas oo akhlaadiisu islaaminimada iyo rasaalada ka horaysay inta aan EEBE ka dhigin nabi waxaana carabtii Qoraysheed u tiqiimay rasuulka Maxamed Al-amiin ama Saadiq oo ah aaminka ahaa ama runta badanaa hooyaden Khadiija ayaa nabiga waxay guursatay isagoo jira 20meeyo waxaana ay ku dalbtay aaminimadiisa aaway waxa ay gaaladu sheegayan walaalayaan

Aan difaacno Rasuulkeena iyadoo qof kasta waxii awoodiisa ah oo ku difaacayo nabiga kii seef ku difaacayo waa u furn tahay kii ku difaacayo qori waa u furan tahay kii ku difaacayo qalin iyo afba waa ku difaacayaa .

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Botaan1@hotmail.com

Somali Talk

 

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTlk Nairobi kenya .
botaan1@hotmail.com

halkaan ka akhri wararka wakaaladaha caalamka CNEWS MEDIA .English

halkaan ka akhir warka ay ka qoray TV--GA ALJAZEERA WARKAASI Arabic

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006


BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Warar Kooban: Sawir Gacmeedyadii lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH.Guji


Mudaharaadkii London, UK

Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.

Mudaharad Looga soo Horjeedo Aflagaada loo Geystey Nebi Muxamed NNKH oo lagu Qabtay Boosaaso


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriya oo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost

Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD