SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamulka Masjidka Abuubakar oo u tacsiyeeyay Qoyskii marxuum Jamaal Baana

Sheikh Cumar oo ka tirsan maamulka masjidka Abuubakar Sadiiq ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay u tageen hooyada, aabaha,  iyo qoyska Jamaal Baana oo ay u soo tacsiyeeyeen.


Wiil Soomaali ah reer Minnesota ah oo Lagu Dilay Muqdisho iyo DFKMG oo ku sheegtay Ajnabi Pakistani ama Afgansitani...

  • SomaliTalk.com | Minneapolis, USA | July 12, 2009


Jamal Bana- isha Sawirka Startribune Minneapolis

DFKMG ayaa Sabtidii (July 11, 2009) waxay soo bandhigtay sawiro muujinaya nin ay ku sheegeen in uu yahay Ajnabi. Saacado intii aysan ka soo wareegin ayaa arrintaas waxaa beeniyay warbaahinta caalamka oo soo xigatey dad ku sugan Minnesota iyo qaraabadii wiilka gaar ahaan hooyadiis, waxaana la sheegay in wiilkaasi uusan ahayn Afghanistani ama Pakistani, balse uu yahay Soomaali.

Afhayeenka ciidamada Milateriga Farxaan Carsaanyo ayaa Xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ugu soo bandhigay warbaahinta gudaha iyo mida dibedda meydka ninkan meydka ah isagoo sheegay in ninkani ay qabteen ciidamada dowladda ee ka dagaalamaya aaga Siinaay isaga oo fayow balse uu isagu gacantiisa isku toogtay markii ay ciidanku damceen inay soo kaxeeyaan.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay inuu ka mid ahaa boqolaal Ajnabi ah oo u dagaalamaya kooxaha diidan jiritaanka dowladda, isagoo tilmaamay in ninkani dhalashadiisu tahay Pakistan isla markaana ay dhinacyo badan ka eegeen ka hor inta aysan saxaafadda u soo bandhigin ayna xaqiijinayaan in ninkani uu yahay dagaalyahan u dhashay dalka Pakistan "Waxaa jiray saddex kale oo Ajnabi ah oo la dhintay ninkan balse ay jiiteen isla markiiba, midkana isaga oo bad qaba ayaan qabanay balse Bastoolad uu heystay ayuu isla markiiba boobay oo madaxa isaga dhuftay" ayuu yiri Carsaanyo, sidaas waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey weriye Maxamed Xuseen Ugaas. Waxa kale oo weriyuhu soo tebiyay sawirada meydka ee DFKMG ay saxaafadda usoo bandhigtay.

Dhanka kale, Xildhibaan Salaad Cali Jeelle waxa uu meydka ay DFKMG u soo bandhigtay saxaafadda ku sheegay in uu yahay caddaan ama reer Asia. Markii BBC-du waydiisay cidda ay u dhasheen dadkaas dhintay ee uu ku sheegay ajnabiga waxa yiri waxay ka yimaadeen Pakistan ama Afganistan: Dhegeyso: Salaad Cali Jeelle.

Laakiin, Qaraabadii wiilka ayaa markii ay Internetka ku arkeen sawiro dhiig leh oo lagu soo bandhigay waxay durbadiiba garteen in uu yahay wiilkoodii Jamal Bana oo da'diisu ahayd 20-jir, sidaas waxaa FoxNews ka soo xigatay Cabdirisaaq Biixi oo reer Minnesota ah.

Biixi waxa uu sheegay in wiilkan hooyadiis ay si joogto ah uga baari jirtey Internetka wax akhbaar ah oo la xiriirta wiilkeeda oo ka tegey Minnesota aadayna Soomaaliya. Waxay aragtay sawiro muujinaya wiilkeedii oo lagu sheegayo in uu yahay dagaalyahan u dhashay reer Afganistaan ama Pakistaan oo lagu dilay dagaal ka dhacay Muqdisho sabtidii (July 11, 2009). Laakiin, ayuu yiri Biixi, hooyadiis isla markiiba waxay garatay sawirka naxdinta leh in uu yahay wiilkeedii - sawiradaas oo muujinaya qof xabbadi kaga dhacday madaxa oo dhiig leh - kaas oo ah wiilkeedii.


C/risaq Biixi

Cusmaan Axmed Sheikh, madaxa Riverside Plaza Tenants Association ee Minneapolis ayaa cambaareeyey DFKMG, isagoo taas ku tilmaamay masuuliyad xumada xumuumadda Federaalka. Cusmaan waxa uu sheegay in wiilka magaciisu yahay Jamaal Sheikh Baana

Cabdirisaaq Biixi oo ka mid ah hawlwadeenada Brain Cole ee Minneapolis oo waraysi siiyay SomaliTalk ayaa sheegay in ay caddaynayaan in wiilka sawiradiisa la soo bandhigay uu yahay Soomaali oo magaciisu yahay oo uusan ahayn sida ay DFKMG u soo bandhigtay. Waxa uu sheegay in wiilka hooyadiis iyo walaalahiis ay garteen.

Telefishanka WCCO ee Minneapolis waxa uu sheegay in aysan dadweynaha u soo bandhigi karin sawirada meydka oo aad u naxdin badan awgeed. Sidaas oo kale waxaa sheegay TV-ga Channel 5 ee Minnesota ayagoo aan sawiradaas tusin daawadayashooda (Video). FoxNews waxay soo qaadatay sawir ay qariyeen madaxa oo ay ka muuqato meesha xabbadii kaga dhacday oo dhiig lahaa.  (FG: Sawirada meydka oo aad loo soo dhaweeyey ayaa la soo gaarsiiyey SomaliTalk, laakiin kuma faafin shabakada.)

Jariidadda New York Times qoraal ay qortay caddadkeedii July 12, 2009 ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirada (qaar) kamid ah dhallinyaro ka tegey Maraykanka oo la sheegay in ay aadeen Soomaaliya. Magacyada jariidadda ku qoran waxaa ka mid ah Jamal Sheikh Bana.

Jariidada oo si kooban u xustay taariikhdiisii waxay qortay sidan:

Jamal Sheikh Bana waxa uu dhashay 1989, waxana uu ku sigtay in malaariyo ku disho xeryaha qaxootiga kaddib markii qoyskiisu ka soo cararay Soomaaliya, sidaas waxaa tiri hooyadiis mar waraysi lala yeeshay. Sannadkii 1996 ayey yimaadeen Georgia (USA).  Jamal Sheikh Bana waxay markaas da'iisu ahayd 7 jir. Markii uu kaqalin jebiyey dusgi sare oo ku yaal Minneapolis waxa uu Electrical Engineering ka bartay kuleejada Normandale Community College oo ku taal  Bloomington , Minnesota, iyo college kale. Waxa uu waardiye ahaan ka shaqeeyay Minneapolis Public Housing si uu u gacan qabto lix walaalihiis ah oo ay ka mid yihiin labo dhega la oo ay aad isugu dhawaayeen. Waalidkiis waxay sheegeen inay waayeen  Nov. 4 (2008). Jariidaddu waxay qortay in saaxiibo qoyskiisu ay sheegtay in July 11, 2009 in lagu dilay Muqdisho.

Dhanka kale waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay la kulanto wiilka la dilay adeerkiis oo ku sugan dalka Denmark, magaciisuna yahay Cabdulqaadir Cumar (Baazi). Haddaba Ibraahim Saalax oo la kulmay waxa uu yiri "waxaa ii suurtowday inaan la kulmo Cabdulqaadir Cumar (Baazi) oo adeer u ah wiilka la dilay ee Jamaal Sheekh Baana, isagoo ii muujiyay sida uu uga xun yahay geerida naxdinta leh ee la soo gudboonaatay Jamaal, wuxuuna aad ula yaabay dhiiranaanta uu Farxaan Carsaanyo ugu dhiiraday inuu Jamaal uga xayuubiyo jinsiyaddiisa soomaalinimo, kuna sheego inuu ka yimid dalalka Aasiya." Warkaas oo dhan ka akhri halkan.

Abayti Axmed oo hooyo u ah wiilka lagu dilay Muqdisho ayaa markale TV-ga WCCO ee Minneapolis waxay ka caddaysay in wiilkeedii uu yahay wiilka sawirkiisa ay soo bandhigeen DFKMG ee ku sheegeen ajnabiga.


Abayti Axmed | sawirka WCCO, july 12, 2009

Warbixin ay hore u qoreen Police-ka Minneapolis waxaa ku cad magaca Jamal Aweys Sheikh Bana, waa xilligii aabihiis uu sheegay in ay waayeen wiilkoodii.

Liiska magacyada dhallinyarada ee ay soo bandhigtay Jariidadda NewYork Times (July 12, 2009) .. Qoraalka NYTimes Akhri...


Burhan Hassan
Dhashay:
1991
Police Report

Abdisalan Ali
Police report

Mohamoud Hassan
Dhashay:
1986
Mr. Hassan's Facebook Page

Mohamed Hassan
Da':
17 jir

Mustafa Ali
Dhashay:
1990

Zakaria Maruf
Da':
30 jir
Police Report

Shirwa Ahmed
Da':
26 jir

Jamal Sheikh Bana
Dhashay:
1989
Police report


Ahmed Ali Omar
Da':
24 jir


Abdikadir Ali Abdi


Kamal Hassan


Abdifatah Isse
 

Khalid Abshir
Da':
26 jir
 
     
Tixraac: http://www.nytimes.com/interactive/2009/07/12/us/20090712-somalia-timeline.html

Waxa kale oo telefishnka WCCO uu July 12, 2009 sheegay in sidoo kale Muqdisho lagu dilay Zakaria Maruf oo 30-jir ahaa (Sawirka sare ka eeg)

Qoraalka dheer ee New York Times waxa kale oo ku jira aadaan uu adamayo Zakaria Maruf oo kamid ah Soomaalida la sheegay in ay aadeen Soomaaliya.. Halkan ka dhegeyso.

"Abayti Axmed oo ah Hooyo Soomaali ah oo ku sugan Magaalada Minneapolis ayaa VOA u xaqiijisay in maydka lagu soo bandhigay Muqdisho uu yahay Jamaal Baana oo ah wiil ay dhashay. Dowlada KMG ayaa maydkaasi ku tilmaamtay Ajanabi" sidaas waxaa July 12, 2009 qortay idaacadda codka maraykanka oo waraysi la yeelatay wiilka la dilay hooyadiis..Dhegayso ama Soo rogo  (MP3)

Tarjumadii & warbixintii SomaliTalk.com | July 12,2009

Xigasho FoxNews... | Startribune | New York Times | MPR | KSTP | NYtime | VOA


Xog Ka Soo Baxday Wiilal Laga Waayay Minnesota

, 17-June-2009

abiaMacluumaad horleh ayaa kasoo baxaya dhallinyaro Soomaali-Mareykan ah oo ka safray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Dhallinyarada ayaa la rumeysan yahay inay Soomaaliya ugu socdaaleen si ay ugu biiraan kooxda al-Shabaab.

Haweeney Soomaali ah oo ka shaqeyneysay xafiis tigidhada lagu jaro, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in iyada, iyo maamulka masjid ay dhallinyaradu ku cibaadeysan jireen, ay u digeen qaar kamid ah waalidiinta wiilashaas, ka hor intii aaney dhallinyaradu u baqoolin Somalia... Warka oo dhan Akhri...

Cumar Jamaal oo Waraysi Siiyay SomaliTalk, kana hadlay Dhallinyaradii aaddey Soomaaliya

March 23, 2009: Cumar Jamaal, Somali Justice Advocacy Center, oo aan la yeelanay waraysi ayaa ka hadlay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee la waayey, oo la sheegay in mid ka mid ah uu kusoo laabtay Maraykaanka.. (Dhagayso ama Soo Rogo)

Waraysiga Cumar Jamaal: Halkaan ka Dhagayso ama Soo Rogo

Sh. Cumar oo Waraysi Siiyay SomaliTalk, kana hadlay Dhallinyaradii La Sheegay in ay Aadeen Soomaaliya..

March 23, 2009: Sheikh Cumar, ah maamulka Masaajidka Abuubakar, oo aan la yeelanay waraysi ayaa ka hadlay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee la waayey, oo la sheegay in mid ka mid ah uu kusoo laabtay Maraykaanka.. (Dhegeyso ama Soo Rogo).

Waraysiga Sh. Cumar Halkan ka Dhegeyso ama Soo Rogo


Minneapolis: Mid kamid ah Dhallinyaradii la sheegay in ay aadeen Soomaaliya oo kusoo Laabtay Minnesota

HEARINGS: U.S. Senate Committee on Homeland Security and Governmental Affairs


Violent Islamist Extremism: al-Shabaab Recruitment in America (Video/readings) - March 11, 2009

Warbaahinta qaar waxay sheegeen in tirada dhallinyarada Soomaaliyeed ee soo laabtay ay yihiin "Dhawr"

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | March 22, 2009

Qoraal ay Axad (March 22, 2009) daabacday Jariidadda Startribune ee ka soo baxda Minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah dhallinyaradii Soomaaliyeed ee la sheegay in ay Soomaaliya aadeen uu ku soo laabtay Minnesota. Dhallinyaradaas oo la sheegay in ay taxaabteen (ama kaxaysteen) kooxaha xag jira ee Soomaaliya si ay uga qayb galaan dagaaladda Soomaaliya.

Ninka dhallinyarada ah ee Maraykanka kusoo laabtay oo da'diisu tahay 22-jir oo ah reer Minneapolis ayaa jariidadu magaciisa ku sheegtay Kamal (oo aan waxba lagu darin) iyadoo dad kale soo xiganeysey. Waxayna jariidaddu xustay in uu dhuumaalaysi ku jiro.

Cumar Jamaal oo Sabtidii u waramay Jariidadda  ayaa sheegay in 22-jirka markii hore loo kaxaystay jihaad, ka hor intii uusan is bedelin (qalbigiisa), waxana uu oo soo laabtay bilihii dhawaa ee la soo dhaafay. Waxana uu sheegay in uusan magaciisa sheegayn sababtoo ah ammaanka isaga iyo qoyskiisa, waana is qarinayaan.

Jariidaddu waxay tiri Cumar Jamaal ma sheegin sababta ninkan (dhallinyarada ah) uga soo laabtay Soomaaliya ama sida uu u maalgashaday safarkiisii (ama isaga bixiyey safarkiisii Soomaaliya), laakiin waxa uu C. Jamaal yiri, ayey tiri jariidaddu, "Wixii uu filayey ma ahayn waxa uu xaggaas ugu tegey... waxaan u malaynayaa in uusan jeclaysan waxa uu halkaas ku soo arkay." ayuu yiri. Waxana uu intaas ku daray in FBI ay ninkaas la kulantay si ay baaritaan ugu sameeyaan, laakiin xabsi kuma jiro, waa sida warku u dhigay'e.

Warkii Jariidadda: Akhri: Somali man's return to Minn. has locals buzzing


VIDEO: Barnaamij ku saabsan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay in ay ku laabteen Soomaaliya oo uu baahiyey TV-ga Aljazeera:

Waxaa barnaamijka ka qayb qaatay Xuseen Samatar (Minneapolis, Minnesota), Maxamed Diini (Columbus, Ohio) iyo Jennifer Cooke (Washington DC).


Xuseen Samaatar, Jennifer Cooke, Maxamed Diini

Halkan ka daawo Video-ga


:::CNN: FBI planting spies in U.S. mosques, Muslim groups say
:::English: Wararka laga qoray Soomaalida oo af-Ingriisi ah


C/raxmaan Mukhtaar oo Waraysi siiyey SomaliTalk, kana hadlay warbixintii uu siiyey Aqalka Senate-ka Maraykanka..

March 16, 2009: Cabdiraxmaan Mukhtaar, agaasimaha barnaamijka dhallinyarada ee xarunta Brian Coyle Community Center oo ku taal xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis, oo waraysi dheer siiyey SomaliTalk ayaa ka hadlay warbixintii uu siiyey Aqalka Senate guddiga qaabilsan Ammaanka Maraykanka. (Dhegeyso ama Soo Rogo).

Waraysigii: C/raxmaan Mukhtaar Dhegeyso  ama soo rogo.

FG: C/raxmaan Mukhtaar waxaa lagala xiriiri karaa: Email: abdirahmanmukhtar@gmail.com


Arday Soomaaliyeed oo ka qalin Jebisey Dugsiyada Minnesota | 150 Arday oo dhiganeyey Jaamacada Minnesotahabeenkii Showrka Soomaalida MinnesotaHabeenkii Ardayda Jaamacadda Minnesota | 2003 iyo Ardaydii Edison | Gabdhaha Soomaalida Minnesota oo Markale Heer-sare kagaaray Waxbarashadooda


Cusmaan Axmed Sheikh oo Waraysi siiyey SomaliTalk iyo Masaajidka Abuubakar oo Jimcadii Jawaab ka Bixiyey Hadalkii Laga soo jeediyey Aqalka Senate-ka Maraykanka iyo Khubadii Salaada Jimcada ee Masjidka...

Cusmaan Axmed Sheikh, madaxa Riverside Plaza Tenants Association, oo waraysi dheer siiyey SomaliTalk ayaa ka hadlay warbixintii uu siiyey Aqalka Senate guddiga qaabilsan Ammaanka Maraykanka. (Dhegeyso ama Soo Rogo).

Waraysigii: Cusmaan Axmed halkan ka dhegeyso ama Soo Rogo

Jawaabtii Masaajidka ee Jimcadii March 13, 2009:

Dhanka kale, Sh. Farxaan Hurre oo ka mid ah maamulka Masaajidka Abuubakar ayaa sheegay in ay been ahayd hadallo uu soo jeediyey nin Soomaaliyeed oo Arbacadii la hadlay Aqalka Senate-ka Guddiga Ammaanka Qaran u qaabilsan. (Dhegeyso ama Soo Rogo).

Jawaabtii Sh. Farxaan Hurre ee Masjidka Abubakar Dhegeyso ama Soo Rogo.

Khudbadii Jimcada ee Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, iimaamka Masjid Abuubakar

Sidoo kale Sh. C/raxmaan Sheikh Cumar ayaa salaadii Jimcada (March 13, 2009) waxa uu ka akhriyey khudbad dheer oo ku saabsan haddii been la sheego ciqaabta Allah ee lala kulmo. (Dhegeyso ama soo rogo)

Khudbadii Sheikh Cabdiraxmaan Dhegeyso ama soo rogo

Waxaa kale oo Masjidka Abubakar Jimcadii hadal kooban ka soo jeediyey Congressman Keith Ellison.

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2009


Guddiga Aqalka Senate-ka u qaabilsan Ammaanka Qaranka  oo Kulan Dhagaysi ah u qabtay Golaha Sanadka iyo Dad ka mida Soomaalida Maraykanka.... iyo Masjidka Abuubakar oo Iska Fogeeyey Eedayntii Laga Akhriyey Senate-ka Maraykanka...

Arbacadii (March 11, 2009) ilaa maantay ayaa warbaahinta Maxaligaa iyo kuwa Caamaligaa waxaa hareeyey arrin ku saabsan Dhalinyaro la sheegay in ay dib ugu laabeen Soomaaliya iyo Kulan markhaati dhagaysi ah oo Arbacadii uu qabtay Senator Joe Leiberman, guddoomiyaha guddiga ammaanka qaranka ee aqalka Senate-ka Maraykanka, kulankaas oo socday mudo saacado ah  ayaa guddoomiyaha xog-dhageysiga oo soo agaasimay ayaa hadalkiisa ku billaabay in ujeeddada kulanku ay tahay sidii bal jawaabo dheeraad ah loogu heli lahaa su'aalaha badan ee ka dhalanaya dhallinyarada baxay ee la sheegay in Soomaaliya cagaha dhieen, su'aalahaas ayaa waxaa ka mid ahaa:

Tiro intee le'eg ayaa dagaalka aaday ? Yaa marin-habaabiyey? Ma iyagaa iskood u baxay mise waa la diray oo waa howl Qorshaysnayd ?

Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay Osman Ahmed oo ku hadlay magaca waalidiinta ilmaha ka maqan yihiin ama adeer u ah Burhan Hassan oo ka mida wiilasha maqan. Waxa kale oo kulanka ka hadlay Abdirahman Mukhtar oo ka mid ah Madaxda Dhalinyarada Xurunta Brian Coyle Center ee magaalada Minneapolis. Waxaa kaloo ka hadlay qaybo ka mida laanta amaanka qaran ee maraykanka.


Warqaddii J. Philip Mudd [Halkan ka eeg PDF]


Warqaddii Andrew M. Liepman [Halkan ka eeg PDF] ,

J. Philip oo ka tirsan laanta ammaanka qaranka ee FBI-da, ayaa sheegay in jaaliyadda Soomaalida Mareykanka lasoo dhex galay , haddana ay intooda badan yihiin kuwa aan dhibaato la doonaynin Mareykanka, isla markaana aan laheyn caddeyn muujineysa inuu jiro shirqool lagu weerarrayo bartilmaameedyo Mareykan ah sidoo kale wuxuu yiri sida ay u badan tahay jaaliyadda Somalida ee Mareykanka waa mid dooneysa inay bulshada qeyb ka noqoto, iyagoo qoysaskooda ku korsanaya halkan, isla markaana si xad dhaaf ah u doonaya in dalkoodii hooyo uu mar uun xasilo.

Waxaa isna warbixin ka akhriyey oo laga dhageystay Cismaan Axmed, oo sheegay in uu adeer u yahay mid kamid ah wiilasha la sheegay in ay Soomaaliya aadeen, oo la yiraahdo Burhan Xasan. Cismaan wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Burhan iyo dhallinyarada kale ee la la' yahay laga ugaarsaday Masjidka Abubakr As-Saddique, oo uu Burhan Qur'an-ka ku baran jiray.

Wuxuu yiri: "wiilashan wax fikrad ah kama heysan Soomaaliya marka laga reebo midda ay ku beereen macallimiintooda jooga masjidka Abubakar." Waxa kale oo uu xusay masjid Addacwah oo ku yaal Minnesota.


Osman Ahmed

Cismaan ayaa Senate-ka u sheegay in ugaarsigu uusan masaajidda ku sinneyn, ee xitaa ay jiraan iskuullo loo yaqaan Charter oo ay Soomaalidu maamulaan, xarumo-jaaliyadeed, goobo kale iyo shakhsiyaad isku muujiya buu yiri inay jaaliyadda hoggaamiyaan, ama professarro yihiin, oo sida uu hadalka u yiri marmarsiyo ka dhigtay la dagaallanka Ethiopia, si buu yiri ay u faafiyaan waxa uu ku sheegay fikrado xagjiranimo ah.


C/raxman Mukhtaar

Ha yeeshee, C/raxman Mukhtar ayaa Muujiyey kana hor yimid aragtida Osman Ahmed uu ka qabo mar uu ka hadlayey goobta iyo Idaacadda BBC da Qaybta Afsomaliga in masaajidda iyo Goobaha kale ee jaaliyadda la beegsado in ay tahay mid aan wanaagsanayn isla markaana ka fog xaqiiqada.


Prof. Ken Menkhaus

Waxaa kale oo kulanka ka hadlay prof. Ken Menkhaus oo si xeel dheer uga hadlay dagaalaadii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo duulaankii Itoobiya ku gashay Soomaaliya 2006. Prof. Ken Menkhaus waxay Soomaalidu ku xusuusataa hadalkii uu jeediyey Nov 2001 ee ahaa "Waa in aynaan ku xirnaan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." Eeg qoralkii 2001.

Jawaabta Masaajidka


Waraysi:
Halkan ka dhegeyso waraysiga Xuseen Samatar ama Soo rogo

Waraysi:
Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Waraysi Cusmaan Axmed: Waxaan codsan lahaa in Maamulka Abuubakar hadda ka jira in ay is casilaan

C/rashiid Aabi oo waraysi siiyey SomaliTalk oo ka hadlay carruurta maqan...
Bayaan
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis
shir
Minneapolis: Shirkii Waalidiinta Carruurtu ka maqan yihiin

Dhinaca kale Maamulaha Masjidka Abubakar Saddiq Sh Farhan Hurre ayaa dhaliilay kulankaas, waxana uu sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in wax laga weydiiyo, sidaas waxa uu ku sheegay war bixin uu siiyey wargeyska Startribune oo ah Joornaal ka soobaxa Gobalkan Minnesota waxuuna sheegay in maamulka masjidku mar walba u taagan yihiin warar ka ku tiri kuteenka ah ee saxda iyo xaqiiqada ka fog in ay ka jawaabaan, waxaana masjidku marara badan ku celceliyey in uusan masjidka Abubakar Saddiq uusan cidna dirin dirina doonin.

Warbixintii Startribune Halkan ka akhr (www.startribune.com)..

Sidoo kale Khamiistii waxaa Radiyaha Minnesota ka hadlay ama su'aalo lagu weydiiey Soomaali badan. Idaacadda NPR ayaa barnaamij yadeedu ka hadlayeen Soomaalida waxaana muuqata in war baahinta maxaligaa ay xooga saarayso Soomaalida ayada oo bogaga hore lagu arkayo warbiximo ku saabsan Soomaalida...

Halkan ka dhegeyso warbixintii NPR (http://www.npr.org/)

Warbixintii iyo Qoraalladii Aqalka Senate-ka VIDEO iyo Qoraalk Eeg halkan....

Ustaad Dalboon
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2009

U.S. Congressman Keith Ellison oo hadal ka jeediyey Masjid Abubakar Jimcadii.. Dhegeyso ama soo rogo

Masjidka Abubakar oo Albaabada u furay Reer Minnesota
Iyo waraysi Sheikh C/raxmaan Sh. Curmar iyo Xuseen Samatar Akhri/Dhegeysi...

Minneapolis: Shirkii Waalidiinta Carruurtu ka maqan yihiin iyo khilaaf soo kala dhex galay dadkii u hadlayey....

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: