dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Maamulka Masjidka Abuubakar oo Shir Jaraa'id Ku Qabtay Minneapolis

Shirka Jaraa'id waxaa looga hadlay arrimo la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga waayey Minneapolis, oo Masjidku sheegay in uusan wax shaqo ah ku lahayn, xanuunkana la qaybsanayo qoysaska carruurtoodu ka maqan yihiin...

Sawirada Shirka Jaraa'id Halkan ka daawo...

Warbixintan Waxaa diyaariyey oo isku dubaridey,
Ustaad Dalboon, Minneapolis


DHEGEYSO: Warbixinta Masaajidka Abuubakar ee Feb 13, 2009 ama soo rogo (Waxaa warbixinta Akhrinaya Sh. Cumar)


Barnaamijka waxaa xiriirinayey Sheikh Cumar Cabdiraxiim oo kamid ah maamulka masaajidka (Director).

Shir jaraa'id oo Maamulka Masjidka Abuubakar ay ku Qabteen magaalada Minneapolis, Talaada Feb. 10, 2009 ayaa waxa ka hadlay dad badan oo ay kamid yihiin maamulka masaajidka. Waxaana looga hadlay dhallinyarada Soomalaiyeed ee laga waayey Minneapolis, taas oo warbaahinta Maraykanku ay aad u hadal haysay toddobaadyadii la soo dhaafay. Masjidkuna waxa uu caddeeyey sida uu uga xun yahay arrintaas iyo in uusan wax lug ah ku lahayn.

Waxaa shirka jaraa'id ka soo qayb galay warbaahinta iyo dad ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Minneapolis iyo maamulka masjidka oo uu ka mid yahay iimaamka xarunta Abuubakar Sadiiq, Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar.

Shirkii jaraa'id iyo codadkii dadkii ka hadlay iyo dad aan waraysanay hoos ka dhegeyso:

C/rashiid Aabi ayaa warsaxaafadeedkii uu soo saaray Masjidka Abuubakar waxa uu ku akhriyey AfSoomaali, kaddibna dhawr su'aalood la weydiiyey

Dhegeyso Warsaxaafadeedka ama Soo Rogo (mp3).

Sheikh Waliid Idiriis oo ah iimaamka Masjidka Daarul Faaruuq: Wuxuu dhahay: Waxaan halkaan u imid in aan taageeradayda diineed muujiyo, oo aan caddeeyo in markaska Abuubakar uusan arrintaas ka qaybqaadan. Su'aalo la weydiiyeyna iyo jawaabihii uu bixiyey iimaamka Masjidka Daarul Faaruuq ee Minneapolis, ahna kuxeenka madaxa Jaamacada Islaamiga ee Minneapolis oo Carabi ah (Carabi):

 Waraysiga Waliid dhegeyso ama Soo Rogo (mp3)

Cabdullaahi Faarax oo kamid ah dadkii garoonka diyaaradaha lagala soo celiyey Sheikh C/raxmaan Sh. Cumar ayaa ka mid ah dadkii ka hadlay shirka jaraa'id, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan dad la hadla warbaahinta oo adeegsada hab ka bad badis ah. Shirkii kaddib waxaan la yeelanay waraysi.

Waraysiga C/laahi Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Kashif Saroya: oo ka tirsan CAIR  ayaa yiri: Arrintani waa arrin muslimiinta dhib u geysatey, waxayna keentay in hay'adaha amniga si adag wax u weydiiyaan Muslimiinta iyaga oo aan Qareen la joogin. Sidaas darteed waa in laga taxadaraa wax kasta oo dhib keenaya. Haddii ay jirto cid og wixii carruurtaan diray waxaan ka codsaneysaneynaa in ay sheegto, muslimiintuna ay ka fogaadaan wax kasta oo dhib u keenaya Muslimiinta.

Father Jocues oo ah nin aan muslim ahayn kana tirsan kaniisad ku taal xaafadda masaajidku ku yaal. Waxa uu soo wacay masaajidka markii uu arrintaan la xiriirta masaajidka ku arkay warbaahinta maxalligaa. Waxana uu telefoonka ku yiri "Fadlan waxaan doonayaa in aan la hadlo masuuliyiinta masaajidka, waxaana ka soo hadlayaa kaniisadda ku taal xaafadda." Kaddib waxaa laga aqbalay in uu yimaado masaajidka. Kaddib daqiiqado gudahood waxaa albaabka masjidka ka soo galay mr. Jocues. Wuxuu si caro kujirto u yiri "Waan xanaaqsanahay waxaana ka xanaaqsanahay laba arrimooda. Kaddib markii aan warbaahinta ku arkay wararkii la idinka qoray. (1) Haddii ay jirto inaad ciyaal dirteen waa ka xanaaqsanahay in ay inta ay nagu soo laabtaan ay dhib noo geystaan. (2) Tan labaad hadddi been la idinka sheegay waa ka xanaaqsanahay in beentaa la idinka sheego."

Kaddib waxaa lagu qanciyey in arrintaasi aan masaajidku shaqo ku lahayn. Waxaana lagu casumey shirkii maanta oo uu ka hadlay. Wuxuuna halkaas ka sheegay hadalo dadkii joogey u riyaaqeen, oo cajiib badan, wuxuu yiri "Muslimiinta iyo Hinduuga waxaa ka rabshad iyo dhib badnaa Kirishtaanka iyo Yuhuudda. Aniga xaafaddan ayaan deganahay, waxaana ka mid ahay guddiga xaafadda, arrintaan aadka ii caragelisay, waxaase i farax gelisay sida maamulku u caddeeyey in aan maamulka masjidku ka dambayn. Sidaas darteed anigoo ku hadlaya magaca kaniisadda iyo xaafadda waxaan cadaynayaa in arrintaas aan masjidku ka dambayn, shuqulna ku lahayn. Shacabka Maraykanku waa walaalo midabkooda iyo luqaddoodu iyo magacoodu haba kala gedisnaadeene.

Makram Amiin: oo ah iimamka masjid Nuuur ayaa yiri :Xilli adag ayaa lagu jiraa, waxayna saamayn ku yeelatahay dhammaan muslimiinta, sidaas darteed waxaan taageersanahay maamulka masaajidka.

Waxaan halkaan u imid in aan taageero u muujio masaajidka Abuubakar sidiiq, ayuu hadalka ku dakeeyey Makram Amiin.

Murshad Baaruud oo ka tirsan Somali Leadership Council, kana mid ahaa dadkii ka hadlay shirkii jaraa'id ayaa sheegay in ay waajib tahay in aan difaacanno magaceenna.  Kaddib waxaan la yeelanay waraysi kooban.

Waraysiga Murshad Dhegeyso  ama Soo Rogo (mp3).

Mukhtaar Cusman oo ka mid ah Somali Youth Network Council (SYNC)  oo kamid ah dadkii ka hadlay shirka jaraa'id ayaa waxa uu sheegay in ay qudhiisa saamayn ku yeelatay arrintan oo ilaa laba saacadood garoonka diyaaraha lagu xanibay.

Mukhtaar waxa uu intaas ku daray in Dad badan sidaas oo kale ay arrintani saamayn ku leedahay. Waxaan ogahay dad qoyskooda booqan lahaa oo lasoo celiyey. Waraysi koonban ayaana la yeelanay.

 Waraysiga Mukhtaar Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).


Shirkii jaraa'id ee masjid Abuubakar

Waxaa kale oo shirka ka hadlay Faarax Maxamed Baladi, Fardowsa C/raxmaan iyo gabar caddaan ah oo Muslimad ah oo magaceedu yahay Amy Kareemah.

Labada gabdhood, Fardowsa iyo Amy waxay sheegeen in ay ka mid yihiin dadka ku xiran masaajidka, isla markaasna cadaynayaan in uusan masaajidku wanaag ma ahan wax dhib ah ku hayn muslimiinta.

Labada gabdhood oo hadalkoodu ahaa mid kooban waxay sheegeen in ay dhigtaan Jaamacaadda Minnesota, qaybta caafimaadka.

Maxamed Wardheere oo kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo u ololeeya danta Soomaalida ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay dareenkooda (ama waxay aaminsan yihiin) u sheegaan saxaafadda. Halkan (Maraykanka) waxaa wax lagu cabiraa waxa dhabta ah ee jira. Waraysi koobaan ayaana la yeelanay.

Waraysiga Wardheere Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Asad Shane madaxa New American Academy,  waxa uu yiri shirka jaraa'id waxaa iiga soo baxay in dadka Soomaalidu ay  yihiin dad is ixtiraama oo ixtiraama diintooda. Waxana uu soo jeediyey in dadka Soomaaliyeed ay midoobaan.

Waraysiga Asad Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Sheikh Saddiiq oo hawl wadeenada masaajidka Abuubakar ayaa codsaday in wanaagga laga wada shaqeeyo.

Waraysiga Saddiiq Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Sheikh Saciid Axmed oo isaguna  kamid ah hawl wadeenada Masaajidka Abubakar ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii Soomaalida soo gaarey 17-kii sano ee la soo dhaafay.

Waraysiga Saciid Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Sheikh Caddaawe C/rashiid oo sidoo kamid ah hawlwadeenada Masjidka ayaa yiri waxaan dhibka la qaybsanaynaa walaalaha ay carruurtoodu ka maqan yihiin.

Waraysiga Caddawe Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Sawirada Shirka Jaraa'id Halkan ka daawo...

Taariikhda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis

KHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA 

Warbixinta iyo sawirada Waxaa diyaariyey oo isku dubaridey,

Ustaad Abdiwali Bashir (Dalboon)

cdalboon@hotmail.com

Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS