SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIID AL-ADXA 2008

  • Xarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Minneapolis ku qabatay Shir Jaraa'id,soo saartay warsaxaafadeed...
  • Waalidiinta oo Soo Dhoweeyey Warsaxaafadeedkii Xarunta Abuubakar...
  • Khudbaddii Maalinta Carafa ee Xajka Sanadkan 1429H-2008 oo Soomaaliya lagu soo qaatay.
  • Sidee Looga Ciiday Koonfur Afrika, Hyderabad India, Toronto Canada, Garbahaareey, Buurdhuubo, Dooloow, B/Xaawo, Ceelwaaq Iyo Luuq - Dec 8, 2008

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-Saddiiq ee Minneapolis

  • "Maamulka Xarunta Abuubakar waxay dareensan yihiin lana wadaagayaan xanuunka, walwalka, iyo dhibaatadaa ay ku jiraan waalidka carruurtoodii ay ka maqan yihiin." Waraxaafadeedka Abubakar ee Dec 8, 2008
     
  • "Waxaan soo dhaweyneynaa baaqa (warsaxaafadeedka) ay soo saartay xarunta Abuubakar" Sidaas waxaa yiri Cusmaan Axmed Sheikh oo ku hadlayay magaca waalidiinta carruurtu ka maqan yihiin (Minneapolis)....

Sawiradii shir saxaafadeedka halkan ka daawo.....

Kumanaal Muslimiin ah ayaa Isniintii Dec 8, 2008 isugu yimid xarunta Minneapolis Convention Center oo ku taal faras magaalaha Minneapolis si ay ugu tukadaan salaadda Ciidul-Adxaa. Jawiga cimilada ayaa ahaa mid aad u qabow oo dhinacyada dariiqyada uu jiifey baraf xaleef oo dhawr cisho ka hor da'ay.

Khudbadii salaadda Ciidda oo uu akhriyey Sheikh Cabdiraxmaan Sh.Cumar, iimaamka Abuubakar, kaddib waxaa Xarunta Abuubakar As-Saddique Islamic Center (AAIC) ay goobtii ku qabatay shir jaraa'id oo ay ka soo qayb galeen saxaafadda guud ahaan.

Shirka jaraa'id waxaa warsaxaafadeed ka akhriyey Qareenka masjidka Mahir Sherif. Waxaana warsaxaafadeedku xusay  "Dhawaanahan waxaa soo baxay in dhalinyaro ka tagay Minneapolis iyo nawaaxigeeda ay u safreen Soomaaliya iyagoo waalidkood aanu waxba ka ogayn, taasoo ku abuurtay xiisad bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada waddankan." Waxaan awarsaxaafadeedku intaas ku daray "Maamulka Xarunta AAIC waxay dareensan yihiin lana wadaagayaan xanuunka, warwarka, iyo dhibaatadaa ay ku jiraan waalidka carruurtoodii ay ka maqan yihiin." (Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri...)


Mahir Sherif oo akhrinaya warsaxaafadeedka iyo Sh. C/raxmaan oo garab fadhiya (
Eeg sawiro badan)

Warsaxafadeedka waxaa lagu akhriyey English iyo AfSoomaali, islamarkaasna waxaa saxaafadda loo qaybiyey nuqullo warsaxafaadeedka ah.


Dadweynaha dhegeysaana shirka jaraa'id... (
Eeg sawiro badan)


Warbaahinta oo duubaya warsaxaafadeedka.... (
Eeg sawiro badan)

Sawiradii shir saxaafadeedka halkan ka daawo.....

Warsaxaafadeedka Abuubakar oo AfSoomaali ku qoran hoos ka akhri:

ABUBAKAR AS-SADDIQUE ISLAMIC CENTER

MINNEAPOLIS MINNESOTA

Assalaamu Calaykum, Ciid Mubaarak

Abuubakar As-Saddique Islamic Center (AAIC) waa urur diini ah oo u khidmeeya guud ahaan bulshada muslimiinta ah, gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed. Ururkani wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha diinta, waxbarashada, dhaqanka, iyo arrimaha bulshada ee Muslimiinta ku nool magaalooyinka mataanaha ah (Minneapolis iyo St. Paul) ee gobolka Minnesota anagoo ka ambaqaadeyna Qur'aanka iyo Sunnada Nabi Muxammad (SCW).

Taariikhda Xarunta

Xarunta AAIC waxaa la bilaabay asaaskeeda sanadkii 1998 si ay ugu khidmayso bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Magaalooyinka mataanaha ah iyo nawaaxigooda, oo soo dagay gobolkan Minnesota laga bilaabo sanadkii 1993. Kaddib dadaal wayn oo aanan u kala harin bulsho waynta Soomaaliyeed iyo Muslimiinta kaleba, waxaa suurta gashay in la iibiyo dhismaha wayn ee maanta hoyga u ah xarunta AAIC sanadkii 2005, Ilaah baa mahad leh.

Dhacdooyinka Cusub

Dhawaanahan waxaa soo baxay in dhalinyaro ka tagay Minneapolis iyo nawaaxigeeda ay u safreen Soomaaliya iyagoo waalidkood aanu waxba ka ogayn, taasoo ku abuurtay xiisad bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada waddankan. Maamulka Xarunta AAIC waxay dareensan yihiin lana wadaagayaan xanuunka, warwarka, iyo dhibaatadaa ay ku jiraan waalidka carruurtoodii ay ka maqan yihiin. Waxaan kula talin lahayn waalidiinta in ay carruurtooda aad uga war hayaan. Wixii caawin ah oo waalidku nooga baahdaan, diyaar ayaan ula nahay.

Is qarxinta iyo falalka argagixisada ah waa ku xaaraam diinta Islaamka. Ururka AAIC ma u ololeeyo mana u ololayn doono arrimaha siyaasadda nooc kasta ha ahaatee. Sidoo kale Ururka AAIC ma taageerin mana taageeri doono wax fikarado ama falal ah oo xag jireen ah. Sidaa daraadeed, maamulka xarunta AAIC waxay aad u canbaaraynayaan is qarxinta iyo dilka dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Iyadoo ay Xarunta AAIC adeeg wanaagsan oo la taaban karo oo joogto ay u haysa bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan dadka ku nool gobolka Minnesota, waxa ah wax ay ka xumaadaan kana murugoodaan dadka aaminsan shaarciga u yaala waddankan Maraykanka oo ah "Qofna dambiile ma aha ilaa lagu caddeeyo inuu galay danbigaas" in hay'adaha danbi baarista u diideen iimaamka Masjidka Abuubakar iyo mid ka mid ah adeegayaasha masjidka socdaalkoodii ay ku soo gudan lahaayeen Xajka (2008), arrintaan oo aan lagu salayn wax cad ee lagu saleeyay been abuur iyo kutiri kuteen lagu faafiyey warbaahinta guud.

Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay wali wadaan sidii ay ula qabsan lahaayeen deegaankoodan cusub. Waa horumar iyo wanaag u soo kordhay waddankan Maraykanka. Xarunta AAIC waxay mar walba diyaar u tahay inay u adeegto jaaliyadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada ku nool gobolkan Minnesota sannado badan oo soo socda. Inshaa ALLAH.

Warsaxaafadeedka markii la akhriyey kaddib waxaa saxaafaddu su'aalo weydiisey qareenka Xarunta Abuubkar, Mahir Sherif:

Markii shirka jaraa'id dhammaaday dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa la hadlay saxaafadda kuwaas oo u sheegay in dadka ay had iyo jeer TV-yada ka waraaystaan aysan matalin jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota.


Mid k amid dhallinyarada la hadlay saxaafadda.... (
Eeg sawiro badan)

Mohammed Kali oo kamid aha dhallinyaradii la hadlay warbaahinta ayaa yiri: "Fadlan ogaada jaaliyadanadu aad ayay u wanaagsan tahay, waxan halkan u nimid in aan ka helo nolol wanaagsan."

Waalidiinta oo ka Jawaabey Baaqii Xarunta Abuubakar...

Cumaan Axmed Sheikh oo ku hadlayay magaca waalidiinta carruurtu ka maqan yihiin (Minneapolis) ayaa soo dhaweeyey baaqii xarunta Abuubakar ay soo saartay (warsaxaafadeedka sare). Isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu SomaliTalk.com u sheegay in uu soo dhaweynayo shirka jaraa'id ee ay qabatay xarunta Abuubakar, gaar ahaan hadalka warsaxaafadedka ee ahaa in (Xaruntu) ay la qaybsanayaan dhibka waalidiinta ay carruurtoodu ka maqan yihiin. Waxa kale oo Cismaan uu soo dhaweeyey in xarunta Abubakar sheegtay in wixii caawin ah oo waalidku Masjidka uga baahdaan ay diyaar la yihiin.


Cusmaan Axmed Sheikh: Waa soo dhaweynaa baaqii Xarunta Abuubakar...

Cumaan Axmed Sheikh waxa kale oo uu yiri:"Waxaa loo baahan yahay guddi dhex dhexaad ah oo aan masaajidka keliya ku koobnayn oo labada dhinacba ay ku kalsoon yihiin in la abuuro, guddigaas oo soo baara dhacdadii dhacday ee carruurta (ka maqan waalidiinta).

Cusmaan Axmed waxaa uu intaas ku daray in ay ka xun yihiin dhacdooyinka la xiirira carruurtii maqan iyo soo celinta Sheikh (C/raxmaan iyo dadkii la socdeyba) laga soo celiyey garoonka diyaaradaha.

Warbaahinta Maraykanka oo si weyn uga hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed ee maqan


Khudbaddii Maalinta Carafa ee Xajka Sanadkan 1429H-2008 oo Soomaaliya lagu soo qaatay.

Muftiga Sacuudiga, Sheekh Cabdul Aziis ibnu Cabdullaahi Aalla Sheekh. Sheekh Cabdullaahi waa Muftiga guud ee wadanka Sacuudiga, sidoo kale waa madaxa Hayada Culimmada Waawayn ee wadanka, Muftigu waa sheekha badalay Boosii illaahay ha u naxariistee Caalimkii waynaa ee Ibnu Baaz. Muftigu Khudbadii shalay (carafa: Dec 7, 2008) wuxuu kusoo qaatay sadex wadan oo Soomaaliya kamid tahay, hadalkiisii ku sabsanaa Soomaaliya wuxuu ahaa:

"Walaalahayga Islaamka ee Soomaaliyeedoow muxuu yahay googo'aan iyo is khilaaf kaan? miyuusan idinku jirin nin wanaagsan, muxuu yahay googo'aan iyo is khilaaf kaan? waxaad burburiseen wadankii, waxaad baabi'iseen awoodiinii, ilaahay uga baqa naftiina". Hoos ka dhegeyso codkii sheekha.

FG: codka sheekha marka uu soomaliya kahadlayo wuxuu kabilaabanayaa daqiiqadda 47:52

Sidee Looga Ciiday Dalka Koonfur Afrika!!! - Dec 8, 2008

Sawirda Ciida ee Koonfur Afrika halkan ka daawo...

Boqolaal qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta isugu soo baxay Halalka waa wayne ee ku yaala magalooyin waaweyn ee dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay tahay markii ugu horeysey oo ay hal maalin la ciidaan muslimiinta dalkani Calaamka Intiisa kale oo caadi ahaan ka dambeeyn Jirey maalin aduunka islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Warkan oo dhamaystiran iyo sawiro GUJI HALKAN...

Sidii looga Ciidey Garbahaareey,Buurdhuubo ,Dooloow, B/Xaawo, Ceelwaaq Iyo Luuq

 Waxaa magaalooyinkaasi isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah oo salaada ciida halkaasi ku tukaday. Culumaa’udiin goobahaasi dadka kula hadlay ayaa ugu baaqay in la xoojiyo amniga maadaama uu fure u yahay nabadgelyada degaankan... WARKA OO DHAN KA AKHRI HALKAN...

Sidee Looga Ciidey Hyderabad, India.

Sawirada Ciida ee Hyderabad, India. halkan ka daawo....

Boqolaal Muslimiin ah oo ka kala yimid Bariga dhexe iyo Afrika, sida Soomaaliya, Suudaan, Eretria, Yemen iyo meelo kale, ayaa isugu soo baxay goobihii lagu ciidayey CIIDUL ADXA ee magaalada Hyderabad , India, Isniintii Dec 8, 2008, iyagoo ku faraxsan maalinta ciidda.

Waxaa soo tebiyey:
Kassim Isse dhuhulow (Mr.blackgold).
Independant Journalist. Hyderabad-india.
Email: qasimcdh@gmail.com

Sidii Looga Ciidey Toronto, Canada

Ciidii Toronto Ka akhri halkan ama Daawo Sawirada


Hambalyada Ciidul Adxaa:

Maxamed Keynaan oo Hambalyo u Diray Soomaalida

Maxamed Keynaan oo ka mid ah ganacsadata magaalada Minneapolis (MALL-KA KARAMEL ee CEDAR) waxa uu hambalyo u diyaa dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ee ku ciidaya farxadda ciidul Adxaa ee sannadkan.

Maxamed Keynaan waxa uu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa dhammaan Soomaalida deggan magaalooyinka mataanaha ee St. paul iyo Minneapolis. Hambalyada ciida awgeed.

Sawirro dheer ah Sidii looga Ciiday Minneapolis:

  • Sawiro dheeraad ah ee Ciidii Minneapolis oo soo tebiyey zakaria aden, somali media of minnesota, (zakihaji@yahoo.com) ka daawo halkan.....

CIID MUBAARAK

Hambalyada Ciidul-Adxa ee bahda SomaliTalk ka akhri halkan

Waxaa isku soo dubaridey: Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon iyo Maxamed Cali

Faafin: SomaliTalk.com | December 9, 2008


shirMinneapolis: Shirkii Waalidiinta Carruurtu ka maqan yihiin iyo khilaaf soo kala dhex galay dadkii u hadlayey iyo Soomaalidii qaban qaabinayey shirka jaraa'id oo faquuqay saxaafaadda Soomaaliyeed.. Akhris/dhegeyso/Video

Minneapolis: Cusmaan Axmed Sheikh: Maamulka Masaajidka Abuubakar Waa in ay is casilaan (Waraysi)
iyo Guddi Loo Sa
aray arrinta la xiriirta Dhallinyarada laga Waayey Minnesota iyo Meydkii wiil isku qarxiyey Soomaaliya oo lagu aasay Minneapolis.... Akhris/Dhegeysi.. Dec 5

sheekhMinneapolis: Iimaamka Masjidka Abuubakar, Sh. C/Raxmaan, oo Laga Hor Istaagey Safarkii Xajka, Isagoo ka dhoofi lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis. Waraysi Sh. C/raxman

KHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS