SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 23, 2007

Itoobiya oo ku guuldareystay in ay dhameyso khilaafka Yuusuf iyo Geeddi…

Iyadoo Maalmahan Magaalada Baydhabo uu ku sugnaa wasiirka isgaarsiinta iyo Dalxiiska Itoobiya  Maxamuud Dirir isagoo halkaasi u joogay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf axmed iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali max’ed Geeddi, waxaana lagu waramay in Maxamuud Dirir uu shalay ka dhoofay Magaalada Baydhabo kadib markii uu meel dhexe isugu keeni waayey Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaarha DFKMG.

Maxamuud Dirir ayaa warbixi u gudbin doona Dowladda Itoobiya taas oo la xiriirta halka uu marayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha DFKMG.

Dirir oo maalmahan kulamo gaar gaar ah la lahaa mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo kala xaajoonayey sidii loo qaboojin lahaa xasarada ka dhex oogan madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG ayaa warar waxay sheegayaan in saacadaha soo socda ay magaalada Baydhabo soo gaaraan Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya Musfin isagoo la filayo in uu kulamo la qaato C/llaahi Yuusuf iyo Geedi.

Cali Max’ed Geedi ayaa isagu ku taagan in Madaxweynaha ay ku kala bixi karaan dastuurka iyo waliba Golaha Baarlamaanka halka Madaxweyne c/llahi Yuusuf Axmed uu isna ku adkeysanayo in Ra’isul Wasaare Geedi ay xukuumaddiisu ku ekeed 12-ka October 2007. '

Itoobiya ayaa iyadu si weyn walwal uga muujisay hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraah DFKMG Cali Max’ed Geedi, iyadoo ku tilmaantay in uu ahaa mid lagu kicinayey bulshada ku nool Gobalka Banaadir.

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in inta badan xildhibaanada Baarlamaanka ay haatan ku xiran yihiin Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geed, iyadoo uu dhawaan u sameeyey ilaa iyo 180 xildhibaan qado. Isku soo wada duuboo haddii aan xal deg deg ah loo helin khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha waxay keeni kartaa in gebi ahaanba ay burburto Dowladda Federaalka ee aan cagaha badan ku taagneen. 

Dowladda Itoobiya oo ku hanjabtay in haddii ay heshiin waayaan....

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda ciidmada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadib markii dhowr weerar oo lagu qaaday ciidamada loogu gaystay khasaarooyin dhinacyo badan leh.

Weerarada ayaa waxay sii xoogeysteen markii uu sii xoogeysatay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG, iyo waliba markii xeryahoodii ay ka baxeen ciidamadii Dowladda Federaalka ee Muqadisho joogay.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay fariimo soo gaarsiisay madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo la xiriira in haddii ay heshiin kari waayaan ay ciidamada Itoobiya si dhaqsi leh looga saari doono gudaha dalka Itoobiya.

“Waxaad dowlad ku tihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, haddii aad heshiin weysaana ogaada in aan la bixi doono ciidamadeena” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Itoobiya oo loo sii diray madaxda Dowladda. 

Sheekh Aadan Madoobe oo ku Jaah-wareersan khilaafka ..

Guddoomiyaha Baarla-maanka Sheekh Max’ed Nuur ayaa waxaa la sheegay in uu si aad ah uga walwalsan yahay khilaafka u dhexeeya Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Sheikh Aadan Madoobe oo dhowr jeer isku dayey in uu dhex dhexaadiyo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa ku guuldareystay ilaa iyo haatanna lama ogaan karo halka uu u janjeero guddoomiyaha Baarlamanka, wallow ay wararka qaar sheegayaan in uu doonayo in si dhaqsi leh loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa u soo jeediyey xildhibaanada Baarlamaanka in ay dhex dhexaad ka noqdaan ishaysiga u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo ay joojiyaan  la kala safashada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

“Waxaad tihidiin garsoorkii Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaarha, waa in aan garsoorkaasi u fulisaan si cadaalad ah” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe mar uu la kulmay xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku Faraxsan waqtiga jiitamaya ee Khilaafka Yuusuf iyo Geeddi...

Mar aanu khadka isgaarsiinta kula xiriirnay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo diiday in magiciis la sheego ayaa waxa uu sheegay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG uu yahay mid ay faa’iido weyn ku qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

“Marba marka ka dambeysa oo uu waqtigu sii dheeraado, waxaan noo sii kordha qarashka” ayuu yiri xildhibaankaasi oo sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay taxadar ka muujinayaan lacagaha ay ka helayaan labada dhinac, qaarkood waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay helaan lacag aad u fara badan, waxayna eegayaan hadba meesha ay xildhibaanadu u janjeeraan. 

Askari lagu qisaasay Magaalada Kismaanyo…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd meel fagaare ah lagu toogtay askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada ee Magaalada Kismaayo kadib markii uu doraad dilay askari kale si ulakac ah.

Askarigaan oo markiiba la saaray maxkamad ayay maxkamaddu waxay go’aamisay in askarigaasi la qisaaso, waxaana la sheegay in ay toogteen eheladii askarigii la dilay, waxaana arrintaani si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo oo sheegay in qisaastaasi ay keeni karto in beelaha ku nool Magaalada Kismaayo ay ku noolaadaan si nabadgelyo ah.

Waa ninkii labaad oo lagu qisaaso Magaalada Kismaayo, kal hore ayay ahayd markii nin isna dilay nin kale lagu qisaasay magaalada Kismaayo.

Qisaastaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay wax ka tari karto falalka burcadnimada ah ee maalmahan ku soo kordhaya Magaalada Kismaayo, waxayna maamulka haatan ka arrimiyaha magaladaasi ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen kooxaha maleeshiyooyinka ah.

Labo beelood oo wada dega Magaalada Kismaayo ayaa iyagu waxa uu dagaal ku dhex maray duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana lagu heshiiyey in lagu dhaqmo shareecadda Islaamka.

Cadde Muuse “Waa in aan dib u soo ceshanaa Magaalada Laascaanood…”

Gen. Cadde Muuse ayaa Magaalada Garoowe waxa uu kulan kula yeeshay Saraakiisha ciidamada, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii mar kale gacanta maamulka Puntlan ugu soo laaban lahayd magaalada Laascaanood oo dhawaan gacanta u gashay ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland. Saraakiisha Puntland ayuu Cadde Muuse waxa uu kula dardaarmay in ay diyaariyaan ciidamadii mar kale gacanta ku dhigi lahaa Magaalada Laascaanood, waxayna wararku sheegayaan in tikniko iyo ciidamo fara badan ay haatan ka kala imaanayaan Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, warar kale ayaa waxay sheegayaan in hub iyo ciidamo looga diray magaalada Baydhabo kadib markii uu sidaasi codsaday Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland.

Xaalad colaadeed ayaa la sheegay in ay ka taagan tahay magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay in dad fara badan ay halkaasi ka barakaceen oo qaarkood la sheegay in ay gaareen magaalooyinka Buuhoodle iyo Garoowe.

Maamula Somaliland ayaa waxaa la sheegay in uu ciidamo fara badan u soo diray magaalada Laascaanood si ay isaga difaacaan weerar kaga yimaada dhinaca Puntland.

Ciidamada Itoobiya oo  yareeyey dhaqdhaqaaqii ay ka wadeen..

Maalintii shalay ahayd oo la filayey in uu hawlgal balaaran ka dhaco aaga suuqa Xoolaha kadib markii dhowr jeer halkaasi ay ka dhaceen dagaalo khasaaro loogu gaystay ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay haatan ku nagaadeen xeryahoodii.

Ciidamada Itoobiya ayaa yareeyey dhaqdhaqaaqii suuqa Xoolaha iyo Jidka warshadaha, iyadoo ciidamada Itoobiya ay haatan noqdeen kuwo ku jira dhufeysyo ku yaala xerooyinka ay ka degan yihiin suuqa Xoolaha.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo gurmad ah waxay soo gaareen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Warshadda Baastada, kuwaas oo la sheegay in wateen Gawaarida dagaalka. Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa waxay sheegeen in ay dagaalka sii wadi doonaan tan iyo inta ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Dadweyne fara badan ayaa waxaa la sheegay in ay si weyn uga barakaceen suuqa Xoolaha iyo Jidka Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka cararaya in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalada u dhexeeya labada dhinac, waxaana haatan deegaankaasi isugu soo haray kooxo maleeshiyooyin iyo  ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa maalintii doraad ahayd waxay isgoyska Towfiiq ku dileen ilaa iyo todobo qofood, mar ay guryahooda kala soo baxeen, waxayna arrintaani ka dambeysay markii dhowr askari looga dilay dagaalkaa halkaasi ka dhacay.

Dowladda Kenya oo u soo jeedisay Cabdulaahi Yuusuf iyo Geedi…

Dowladda Kenya oo ahayd middii martigelisay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu dhisay Dowladda Federaalka ayaa haatan waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u dhex-dhexaadin lahayd khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul, waxaana lagu wadaa in ergay ka socda Dowladda Kenya uu maalmaha soo socda uu soo gaaro Magaalada Baydhabo si uu kulamo ula qaato madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa waxaa la sheegay in uu taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne C/llalahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed oo ay isla soo qaadeen sidii loo xalin khilaafka u dhexeeya labadooda, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Kenya ay dadaal ugu jirto sidii ay magaalada Nairobi ugu kulansiin lahayd Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’isul Wasaaraha ayaa waxa uu keenay in ay wiiqmaan hawlihii Dowladda Fedeaalka, waxayna Magaalada Baydhabo haatan noqotay mid la ciirciireysa ciidamo aad u fara bgadan kuwaas oo xoogoodu ka tagay magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ku soo kordhaya Baydhabo qaraxyada iyo weerarada, iyadoo ay haatan Baydhabo ay ku jirto bandow.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com Oct 23, 2007

Soomaalida Qaahira iyo Tartanka Quraanka....
qaahira
Naadiga aradayda somaliyed iyo jaaliyadda qaahira

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

Garaad Jaamac Garaad Cali oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Laascaanood

Qraal ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait

Xildhibaanada Baydhabo oo qiimohoodu gaarey $10kun

Xaflad lagu furayay dugsiga New Amoud Secondry oo ka dhacday magaalada Borama (Sawirro).

Salad Gaab “Isboorti iyo Qabiil meel ma wada geli karaan” 

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadalkii Cali Maxamed Geedi…
.Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku dilay todobo qof..
.Maxamuud Dirir oo u kala dab qaadaya Yuusuf iyo Geedi….
.Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan oo taageerey Imaamka..
.Iska hor imaad dhex ciidamo ka tirsan Maamulka G/Banaadir..
.Ciidamada Uganad oo looga digay in ay sii joogaan dalka
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 22

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com