SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 October 2007.
 
 
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay
 
Itoobiya oo sii wadda cunaqabatayntii Ogaadeenya
 
Hay’adda WFP oo joojisay hawlaheedii Soomaaliya
 
Midowga jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub oo warqado cabasho iyo dalab isugu jira u kala diray hogaamiyayaal  badan oo caalamka.
 
Ku Farax oo Ku Faan, Ka Naxowna Nafta waa(Maqaal).
 
======================        
 
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay
 
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ogaadeenya ayaa toddobaadkan soo saaray bayaan uu ku canbaaraynayo falkii nacabnimada ahaa ee maamulka daba-dhilifka ah ee Woqooyi Galbeed uu kula kacay dad shacab ah oo u dhashay Ogaadeenya, kuwaasoo uu gacanta u galiyay taliska bahalka ah ee Addis Ababa.
 
Maamulka sokeeye cunka ah ee Riyaale ayaa sabtidii la soo dhaafay taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ku wareejiyay toddoba nin oo u dhashay Ogaadeenya, kuwaasoo lagaga qaqabtay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco. Dadkan ayaa la sheegayaa in la geeyay magaalada Jigjiga, hase yeeshee aan la ogayn ilaa iyo hadda waxa ay muteen iyo meesha ay hadda ku sugan yihiin.
 
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ogaadeenya ayaa tallaabadan si kulul u canbaareeyay, kuna tilmaamay inay ka soo horjeedo Heshiiska Qaramada Midoobey ee ka hortegga jidhdilka iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.
 
Guddiga Xuquuqda Aadanaha Ogaadeenya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka codsaday inuu dammaanad qaado nabadgelyada dadka rayadka ah ee ka soocararaya xasuuqa iyo xadgudubyada kale ee ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya.
 
Guddigu wuxuu tilmaamay in xukuumadda Itoobiya ay masuul ka tahay denbiyada ay ka midka yihiin dilka wadarta ah, dadka la waayo meel ay ku dhibceen, xidhayga, jidhdilka iyo falalka kale ee nacabnimada ah ee ay kula kacdo dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday inay tallaabo ka qaado sidii loo joojin lahaa dadka rayadka ah ee sida qasabka ah Itoobiya loogu celinayo.
 
Guddigu wuxuu si kulul u canbaareeyay siyaasadaha nacabnimada ah ee maamullada soomaalidu ay kula dhaqamayaan dadwayhnaha rayadka ah ee Ogaadeenya ee ku soo qaxay meelaha ay ka taliyaan.
 
Itoobiya oo sii wadda cunaqabatayntii Ogaadeenya
 
Xukuumadda dhiigya cabka ah ee Itoobiya, oo baryahan beesha caalamka ka dhaadhicinaysay inay qaaday xayiraadii ay ku haysay Ogaadeenya, ayaa wali sii wadda cunaqabatayntii arxan darrada ahayd ee ay ku haysay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
 
Ciidammada Itoobiya ayaa wali ka ugaadhsada xuduudaha uu dalka Ogaadeenya la wadaago gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya. Wararka naga soo gaadhaya gobollada Qorraxey iyo Doollo ayaa sheegaya in ciidamo hor-leh la geeyay qaar ka mid ah tuulooyinka ku yaalla xadka uu Ogaadeenya la leeyahay gobollada Galguduud iyo Mudug ee dalka Soomaaliya.
 
Ciidammo Itoobiyaan oo aad u hubaysan ayaa gaadhaya tuulada Laasa-caanood, oo ku taalla nawaaxiga xadka Ogaadeenya la weadaago gobollada dhexe ee dalak Soomaaliya. Ciidammadan ayaa qaybiyay waraaqo ay ugu digayaan baabuurta u kala gooshto Ogaadeenya iyo Soomaaliya.
 
Ciidammada gumaysigu waxay sheegeen in la mamnuucay in wax gaadiid ahi uu u kala socdo Soomaaliya iyo Ogaadeenya, sidaas darteed baabuurkii dhuumasho ku soo gala ee la qabto lala wareegayo isaga iyo waxa saaran, cidda wadatana la dilayo.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa dhawrkii bilood ee u denbeeyay cunaqabatayn ba’an ku hayay gobollada dalka Ogaadeenya, arrintaasoo keentay macaluul iyo nolol xumo ku timid dadka ku dhaqan qaar ka mid ah gobollada Ogaadeenya.
 
Hay’adda WFP oo joojisay hawlaheedii Soomaaliya
 
Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa shaaca ka qaaday inay joojisay howlihii gargaar ee ay ka wadday dalka Soomaaliya. Go’aankan ayay Hay’addu qaadatay, ka dib markii ay dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya xabasiga dhigtay sargaalkii Hay’addaas wakiilka uga ahaa dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Idiris Maxamed Cismaan.

Hay'addu waxay sheegtay in joojinta gargaarka Soomaaliya ay tahay tallaabo lagu badbaadinayo shaqaalaha WFP ee Soomaaliya, waxayna taasi ka denbaysay, ka dib markii ciidammada Soomaaliya ay masuulkan xafiiskiisa oo Muqdisho ku yaalla kala baxeen.

Hay'adda WFP shaacisay in 60 askari oo ka tirsan Ciidammada dowladda Soomaaliya ay xoog ku galeen xarunta hay'adda ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay kaxaysteen masuulkii ugu sarreeyay hay'addaas ee dalka Soomaaliya.
 
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa isaguna si kulul u canbaareeyay xidhayga ay ciidammada dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya u gaysteen masuulkaas iyo xoogga ay ku galeen xafiiska Hay’adda WFP ee magaalada Muqdisho.
 
Midowga jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub oo warqado cabasho iyo dalab isugu jira u kala diray hogaamiyayaal  badan oo caalamka.
 
 
Midowga jaaliyadaha Ogaadeenya ee Yurub ayaa warqado cabasho iyo dalab isugu jira u kala diray hogaamiyayaal  badan oo caalamka ka tirsan sida :
 
Madaxweynaha Gudiga Midowga afrika Mudane Alphe Konaré.
 
Madaxweynaha Fransiiska Mudane Nicolas Sarkozy iyo wasiirkiisa arimaha dibada Mudane Bernard Kouchener
 
.Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Mudane Goldon Brown
 
Iyo Ra’iisul Wasaaraha Ireland Mudane Bertie Ehern
 
Jaaliyaduhu waxey warqadooda ku faahfaahiyeen, sida sharci darrada ah ee ay itoobiya ku la wareegtay qeybtii ugu danbeeysay Ogaadeenya dhammadkii sanadkii 1995, waqtigaa iyo wixii ka horeeyayba talisyadii kala duwanaa ee wadankaa soo mara oo uu ka mid yahay kan maanta ka taliya Addis-Ababa waxey caadaysatay xasuuqa shacbiga gumeysi diidka ah ee Ogaadeenya.
 
Ogaadeenya waa meelaha ugu daran ee dunida si joogta ahna loogu tunto xuquuqda aasaasiga ah ee Bani’aadanka iyada oo ciidamada dhibaatada in taa la’eg geeysanaya aysan wax walwal ah ka qabin in maxkamad lagu soo taago gabood falada ay galayaan, ayey jaaliyaduhu ku yiraahdeen qoraalkooda.
 
 Waxeyna intaa raaciyeen in 9kii bishii Juun ee sanadkan 2007 dhagar qabe zanawi uu ka sheegay shir jaraa’id in weerar milatari iyo mid siyaasadeed uu ku qaadayo Ogaadeenya.
 
Arintan uu kaga dhawaaqay shirka jaraa’id ayaa micnaheedu waxey tahay in danbiile zenawi uu Ogaadeenya u diray kumanaan ciidamadiisa ah oo si aada u hubeeysan iyada oo kumanaan kale horay u sii joogeen halkaas,  Ogaadeenyana ka dhigay xero milatari oo oodan. Halkaa oo ay ciidamadiisu ku leeyihiin awooda ugu saraysa kana gaysteen xusuuq kii ugu darnaa ayey jaaliyaduhu ku cadeeyeen qoraalkooda.
 
Iyagoo in taa raaciyay in waqtigan xaadirka ah ciidamada itoobiya dhulka la simeen tuulooyin badan, leeyntuna caadi tahay, cuna qabateeyna ku soo rogeen Ogaadeenya. Si dunida aayan u ogaanin waxa ka taagay Ogaadeenya taliska itoobiya waxey Ogaadeenya ka soo ceeyriyeen Gudiga Laan-qeeyrta Cas ee Caalamiga ah iyo Dhaqaatiirta aan Xuduudaha la hayn, tani ayaa marag ma doonto ka dhigeeysa in itoobiya go’aansatay si ula kaca u baabi’iso shacabka Soomaalida Ogaadeenya iyaga oo raacaya wado walbo oo sharci daro ah ayey jaaliyaduhu ku xuseen qoraalkooda.
 
 
Warqadii ku socotay Mudane alpha Konaré oo ah Madaxweynaha Gudiga Midawga Afrika ayey wexay jaaliyaduhu ku sheegeen in wax laga yaxyaxo tahay in madaxda wadamada Afrika ku shiraan Addis-Ababa,  is la markaana indhaha ka laabtaan xusuuqa Itoobiya  ka wado Ogaadeenya oo boqolaal Kilo Miter kaliya  u jirta goobta ay ku shirayaan.
 
Sidoo kale cabashooyinka loo gudbiyay madaxweynaha Fransiiska Mudane Sarkozy iyo Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Mudane Goldon Brown ayaa lagu sheegay in labadaasi wadan oo horey u gumeystay umada Soomaaliyeed ee Afrikada Bari uu saaran yahay waajib, soona fara galiyaan dhibaatada ka taagan Ogaadeenya si loo dhameeyo xasuuqa arxan darada ah ee uu caadeeystay taliska itoobiya.
Ugu danbeeyntii midowga jaaliyadaha Ogadenya ee yurub  waxey madaxdaa ka  dalbadeen:
 
1-     Inay  gooyaan deeqaha ay itoobiya siiyaan
 
 
2-      inay canbaareeyaan dhaqanka foosha xun oo uu ku kacayo taliska itoobiya
3-      
4-     in cadaadis lagu saaro taliskan itoobiya in uu qaado xayiraadaha uu ku soo rogay tuulooyinka iyo magaalooyinka Ogaadeenya
 
5-      in madaxdan iyo wadamadan gacan ka geesytaan sidii gudi madax banan kana socda Qaramada Midoobay oo  baadha danbiyada ay geeysteen ciidamada itoobiya                    loogu diri lahaa Ogaadeenya.
 
6-     Ugu danbeeyntii in eey ku caawiyaan umada Ogaadeenya sidii ay ku heli lahaayeen madaxbanaanidooda taas oo uu ogol yahay dastuurka itoobiya.
 
   
                              Ku Farax oo Ku Faan(Maqaal)
 
Halganka shacbiga Ogaadeenya ee mudada dheer socday, mar walba guulo cad-cad ayuu ka soo hoyin jiray gumaysiga dhinacyada dagaalka hubaysan. Waxaa la quudaraynayay dhinaca siyaasadda iyo saxaafadda.
 
Dadaal dhinac walba ah oo Jaalliyadaha Ogaadenya ee adduunka ku kala baahsan, ururo iyo shakhsiyaad ay sameeyeen ayaa waxay keentay in qaddiyadda Ogaadenya ay fagaaraha caalamka soo gaadho. Haddaba, aakhristow Ku Farax oo Ku Faan.
 
Itoobiya waxyeello iyo xadgudubyo ayay mar walba u gaysan jirtay shacbiga Somalida Ogaadenya. Hase yeeshee waayadii hore, waxaa adkayd in adduunku ogaado. Maanta tallaabo kasta oo xad gudub ah isla maalinta ay dhacdo ayay fagaaraha adduunka ka muuqanaysaa. Mahaddaa Ilaahay ka sakow waxaa leh shacbiga Somalida Ogaadenya ee ku halgamaya aragtida “Isku Tashi”. Haddaba Ku Farax oo ku Faan.
 
Xukuumadda Meles iyadoo aan seddex jir gaadhin ayaa si naxariis darro ah u laysay madax iyo waxgarad badan oo ree Ogaadenya. Inta la xidh-xidhay ama la waayay lama tirin karo. Hase yeeshee, Itoobiya waqtigaa waxaa u suurtagashay inay caalamka ka qariso falalkeeda xun-xun. Xasuuqii ka dhacay Wardheer iyo Dhagaxbuur iyo dilalkii madaxdii gobolada Godey iyo Qorraxey wuxuu noqday wax ay ree Ogaadenya kaliya og yihiin.
 
Hase yeeshee, 2005 markii ay gubtay tuulada Fooljeex, isla markaana ay ku gumaaday magaalada Qabridaharre maxaabiistii aan hubaysnayn , Jaaliyadaha ree Ogaadenya waxay awood u heleen inay falkaas caalamka u soo bandhigaan. Dawladdii Itoobiya waxaa fajac ku noqotay sida falalkii ay awalba samayn jirtay ee caadiga u ahaa uu adduunka ku gaadhay. Waxay ku qasbanaatay inay tidhaahdo waxaan u saaraynnaa guddi soo baadha.
Sanadkii 2006 wuxuu ahaa sanad guulo isdaba joog ah ay ay jaaliyadaha Ogaadenya ka soo hoyeen Itoobiya. Waxaa qaddiyadda Ogaadenya ay gaadhay inay sinmaan Itoobiya iyo Ogaadenya oo markii wararka dawladda la soo xigto, dhinaca kalana la soo xigto wararka JWXO iyo kuwa ururada xuquuqul insaanka ee u ololeeya arrimaha Ogaadenya. Haddaba akhristow guushaas Ku Farax oo Ku Faan.
Dadaalkii jaaliyadaha Ogaadenya wuxuu gaadhay inuu bannaanka soo dhigo xadgudubyadii dawladda Itoobiya sida gubitaankii tuulooyinka, xadhigii iyo layntii dadka rayidka ah, iyo waliba cunaqabatayntii dhinaca ganacsiga iyo maciishadda ee Itoobiya ku soo rogtay Ogaadenya bilowgii sanadkii 2007. Adduun waynuhu markuu xog ogaal u noqday arrintii Ogaadenya, waxay qaramada midoobay u dirtay Ogaadenya guddi xaqiiqo raadin ah dhamaadkii bishii Agoosto 2007. Ma aha arrin fudud ama iska timid in Qaramada Midoobay ay ka wada hadasho Ogaadenya, ka dibna guddi u dirto. Dawladda Itoobiya way aqbashay ka dib markii cadaadis badan kaga yimid beesha caalamka. Ilaahay ka sakow, mahaddeeda waxaa leh Jaaliyadaha Ogaadenya ee adduunka ku kala baahsan. Haddaba Ku Farax oo ku Faan.
 
Laakiin guushii ugu waynayd ee dhinaca diblomaasiyadda ee shacbiga ree Ogaadenya u soo hoyatay waxay dhacday October 2, 2007, ka dib markii xubno ka tirsan baarlamaanka Maraykanka(congress) ay qabteen dhagaysi ku saabsan Ogaadenya iyo xad gudubyada ay ka gaysanayso Ogaadenya. Waxaa halkaa su’aalo badan lagu waydiiyey Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Afrika Marwo Jandayi Frazer. Marwo Frazer inkastoo ay isku dayday inay Itoobiya u ceeb qariso haddana, waxay ku qasbanaatay inay xaqiiqooyin badan oo halganka Ogaadenya ah ay halkaa ka sheegto. Haddaba Ku Farax oo Ku Faan.
Waxaa kaloo ergooyinka dhagaysiga ka hadlay ka mid ahaa Marwo fawsiyo Abdiqaadir oo ka socotay ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadenya ama Ogaden Human Rights Committee (OHRC).
 
Fowsiya waxay halkaa ku soo bandhigtay xog aad u fara badan oo muujinaysa sida ay dawladda Itoobiya ugu xadgudubto xuquuqda dadka ku nool Itoobiya oo dhan gaar ahaan Ogaadenya, waxayna si markhaati leh u soo bandhigtay xadgudubyadii u dambeeyey ee ay Itoobiya gaysatay sida cunaqabataynta iyo gubitaankii tuulooyinka. Waa markii ugu horraysay ee ruux ama urur u dooda Ogaadenya ay fagaaro noocaas ah lagu martiqaado. Haddaba, Ku Farax oo Ku Faan.
Isla maalintaa nafteeda ayaa baarlamaanka (Congress) Maraykanku waxay ansixiyeen go’aan isku xidhaya macaawinada Maraykanku siiyo Itoobiya iyo sida ay u ilaaliso xuquuqda dadka una hirgaliso dimoqraadiyadda. Go’aankaas oo lagu ansixiyey aqlabiyad buuxda, wuxuu dawladda Itoobiya ku riday fajax iyo argagax. Ilaahay ka sakow, mahaddeeda waxaa iska leh shacbiga ree Ogaadenya, Haddaba Ku Fraxa oo Ku Faan.
Meles wuxuu ku bixiyaa lacago aad u fara badan waxa loo yaqaan “Lobby” oo ah dad danteeda uga dhex fuliya Maraykanka, isla markaana lagu curyaamiyo ama tashuush lagu furo Jaalliyadaha ree Ogaadenya ee dadaalka ka wada adduunka dacaladdisa kala duwan, waxaana ay qaadan wayday in shacbiga ree Ogaadenya oo awooddeeda dhaqaale oo kale aan lahayn uu kaga adkaado fagaaraha caalamka. Haddaba Ku Farax oo ku faan.
Inkastoo xad-gudubyadii Itoobiya ay wali ka scodaan dalka Ogaadenya, haddana marra ma dhacayso inay Itoobiya qariso falalkeeda oo maanta ra’yul caamka oo dhan uu isha ku hayo.
Itoobiya waxay gashay “Dib u gurasho xeel dagaal”, waxayna qorshaynaysaa sidii ay ula dagaalami lahayd una wiiqi lahayd dadaalka shacbiga Ogaadenya. Qoraal kale ayaan kaga hadli doonaa tabaha ay dawladda Itoobiya qorshaynayso inay adeegsato.
Gabo-gabadii, guusha uu shacbiga Ogaadenya ka soo hayay Itoobiya, Ku Farax oo Faan. Guusha ay ciidamada xorayntu ka soo hoyeen ciidmada xoogga badan ee xukuumadda Meles, Ku Farax oo Ku Faan
Isku Tashiga shacbiga Ogaadenya Ku Farax oo Ku Faan.
Dhinaca kalana Ka Naxow Nafta waa. Aaaaaaaaaamiiin
20 October 2007
 Axmed Gaal-Eri
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com