SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye" khudbad uu ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran. 

  • "waxaa is weydiin mudan su'aalo fara badan Wasiirada la sheegayo wax bay meelaha ku sixiixayaan kuwaas anigu waxaan u aqaanaa, kuwo xaqa ka xishooday waxaana qabaa inay ka waantoobaan, anigu ma aqaan cida Usha u haysata ama Bastoolada oo dhahaysa sidaas yeela,

  • waxaa kale oo cabashooyin ka soo yeerayaan Muqdisho, Burcadda ayaa dhibaato ka geysata, waxaa la ii sheegay kuwo magaca dowlada wata oo dhibka wata oo dadka carqaladeynaya,

Halkan Ka Dhegeyso Hadalkii Geeddi...

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Geedi oo dalka dib ugu soo nqodey ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey Xaflad Qado sharaf  uu ugu  sameeyey Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo inka badan 200 oo xubnood  oo isugu jira Xildhibaano, Siyaasiin, Wax garad, Haween, Fanaaniin iyo  qaybaha kala duwan warbaahinta dalka iyo kuwa dibada oo ay goob jog ka ahaayeen .

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Prof Cali Maxamed Geedi ayaa yiri:

"Mudnayaal iyo marwooyin maalintii aan halkaan ka tagey iyo maanta aan ku soo noqday waxaan  u maleynayaa inaa inay idiin kala duwan tahay,  Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Been fakatey Runi ma gaarto, laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa beenta run baa soo qabtey oo waxba kama jiraan ka dhigtey.

"Dalka Ethobia waxaan u tagey in xaalada Soomaaliya guud ahaan iyo qalalaasaha  siyaasadeed  ee ku dhexjira uga warbixiyo Midowga Afrika, Dowlada Ethopia ee aan saaxiibada nahay, kan Yurub iyo diblamaasiyiinta shisheeye ee halkaasi ku leh safaaradaha kala duwan, arintaas iyada ah oo ku soo hagaagtey waqti munaasib ah ee aduunka ka murugaysan yahay xaaladaha siyaasadeed kan dibu-heshiisiineed, waxay laga ma maarmaan ka dhigtey inaan halkaas safar deg deg ah ku tago, madaxda joogta halkaasna aan la kulmo, si aan u kala qaadano fakir oo aan taladana isugu darsano.

"Sidaad ka warqabtaan shirka dibu-heshiisiinta ee ku soo gebageboowey magaalada muqdisho kadib, waa tii dowladu bilowdey fulinta Barnaamijka dibuheshiisiinta Qaranka, sida Axdiga FKMG uu na farayo, arimihii dibu heshiisiinta waad ogtihiin inaan ka bilaabay Jabuuti, Muqdisho aad iyo aad ayaana loo soo dhaweeyey, hawsha dibuheshiisiinta oo ah saldhiga dhismaha Qaranka Soomaaliyeed iyo in boogaha laga tirtiro dadka Soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye ka dhex dheceen, waxaan idiin balan qaadayaa inaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu shaqeeyo sidaan ugu dhaartey,

"Waxaa kaloo  halkaas looga Hadley arimaha nabadgelyada iyo Amniga qaranka Soomaaliyeed iyo sida aad ka waraqabtaan iyadoo ay daaheen Hawsha Ciidamada Midowga Afrika, arimahaa iyaga ah waxaan kulamadooda ka doodnay xubin ka tirsan Dowlada Ethobia, Safaarada Mareykanka, Safiirada midowga Yurub u jooga magaalada Adis Aba-bba, waxaa kale oo si gaar gaar ah iigu yimid safiirada, kan Polan iyo safiirka South Afrika oo intuba isku aragti ka ahaa xaalada Soomaaliya, soo daahida ciidamada midowga Afrika , waxaa laysla gartey dhaqaalo la'aan soo wajahaday dowladihii balan qaaday ciidamadaaas, waxay deeq bixiyayaashu xooga saareen inay si deg deg ah u yimaadaan, 

"waxaa kale oo aad looga murugeysnaa qalalaasaha siyaasadeed ee soo dhex galay hay'adaha qaranka ee  ku salaysan fasiraado kala duwan iyo qodobo dastuurka ah, waxaana maanta dhisan Baarlamaan sharci ah oo gudan karan hawshiisa, islamarkaana ku dhisan nidaam Dimogoraasi ah. 

"Mudanayaal iyo marwooyin arinta Soomaaliya hadal uma baahnee wax qabad ayey u baahan tahay, mas'uuliyiin wadaniyiin ah oo aan ka leexanayn hadafka loo socdo, Baarlamaanka sharafta leh oo tirada halkaan ay ku fadhiyaan ay cabireyso, waxa isu keenay soo dhaweyn keli ah maahee waxa isu keenay waa arinta aan safarka ku maqnaa inay wax ka ogaadaan, xoogaga halkaan fadhiya waxaan aamin sanahay inay yihiin dimogoraasidoon, inta ii muuqanaysa waxay noqon doonaan Xizbiga muxaafidka ee qaran doonka ah,

"Baarlamaanka waa lagu wada jiraa danaha shacabka iyo dalka waa loo wada dhaartey, laakiin waxaa ii muuqata in la kala aragti duwan yahay, inta u dhaaratey  dalka iyo dadka ee ka leexatay waxaa u maleynayaa, mustaqbal xumo waxaan ahayn ka faa'idi mayso, waxaan filayaa in cudur uu soo dhex galay Baarlaanka, waxaa iigu yaab badan dad qoor ka qabad wax ku sixiixa la leeyahay, 17-sano ayaa wax la sixiixi jirey intuba Been bay ku dhamaan jireen go'aanka waxaa iska leh cidii ku dhaarata wixii shacabka Soomaaliyeed ee ka sugaysa ee burisay, cidii talo wanaagsan u haysa goobaha noocaan oo kale ha yimaadaan oo Ummada wax ha u sheegto,

"waxaan idiin sheegayaa waligeed warqado ayaa la qaadanayey oo wax baa la qoraayey ee miyaan lagu waano qaadanayn, waxaan doonayaa in shacabku uu dhegeysto iyo mas'uuliyiinta halkaan fadhida, waxaan xaqiiqo ahayn ma socon karaan, waxaan doonayaa inaan hortiina ka cadeeyo inaan diyaar u ahay waligeeyna aan diyaar u ahay si daacadnimo ah inaan u hogaamiyo Xukuumada, waxaan idiin balan qaadayaa in hadafkaas lagu shaqeeyo cidii ka leexatana ka joog la yiraahdo hadii ay ka joogi weysana go'aan laga qaato,

"Hay'adaha Qaranka Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay Axdiga qaranka ee 71-ka ah waa inaan waardiyeynaa oo Baarlamaanku uu ilaaliyaa, mana qabo cid wax garata inay diidan tahay in sharciga ilaalino iyo waajibaadka nasaaran,

"waxaa is weydiin mudan su'aalo fara badan Wasiirada la sheegayo wax bay meelaha ku sixiixayaan kuwaas anigu waxaan u aqaanaa, kuwo xaqa ka xishooday waxaana qabaa inay ka waantoobaan, anigu ma aqaan cida Usha u haysata ama Bastoolada oo dhahaysa sidaas yeela, waraaqey meelahaas wad wadaan oo maa miiska la ii soo saaro sow Wasiiro ma ahan nimanku, Qof aan xaqa sheegi Karin muxuu mas'uuliyad u qaatey, kuwa cararaya ee mas'uuliyada qaatey maxay ka xishoonayaan ma ilaahay baan ka cabsanaynaa mise xaqdaro ayaan mas'uuliyada u qaadnay, nafta mar bey go'aysaaye ilaahay halaga baqo oo Ummada Soomaaliyeed ha loo shaqeeyo,

"Miithaal (tusaale) kale ayaan idiin siinayaaye hadii aan lagu wada shaqeyn sharciga iyo Axdiga miyaan wada joogeynaa, Soomaaliya in loo celiyo meeshii ay ka timid suurtagal ma ahan, dhib waa la soo arkey cidii doonaysa iimaanka alle ha geliyo,

"Wax baan idiin su'aalee Gudoomiyihii Maxkamda sare muxuu u xiran yahay, waa la aamusaye mala cabsanayaa, sharci darro ayuu ku xiran yahay, Golaha wasiirada sharcidaro ayey ku tilmaameen maalintii la xiray maalintii xigtey waa layska dhego tiray, laakiin waxaan hubaa inay xaqiiqadu ay tegi doonto, waxaan doonayaa inaan idiin kugu baaqo in la ilaaliyo Axdiga Baarlamaanka Soomaaliyeed ayey u taalaa, waxaana uhubaa inuu gudanaayo hawshiisa. 

"Mudanayaal iyo marwooyin waxaad la socotaan in dagaalo ay ka soo cusboonaadeen Somaliland iyo Puntland, ma dhiig Soomaaliyeed oo daata ayeynu doonaynaa maanta ilaah baan idiin ku dhaarshee, dhiig sokeeye oo daata ma doonayno, waxaan ugu baaqayaa in Xabada la joojiyo oo wada hadal loo bedelo, waxaan maqlaayey ama isoo gaarey dad ku farxaya dhiigaas daatey, dab in la huriyo looma baahnee waxaa loo baahan yahay in dabka biyo lagu shubo ee waxaan ugu baaqaynaa in dagaalka la joojiyo,

"sidoo kale deegaano badan oo ka mid ah Soomaaliya ayey dagaalo ka aloosan yihiin, madoonayno inuu dhiig dambe daato dowlada FKMG waxay xilka u qaaday inay joojiso dhiiga daadanaya ee ma doonayno inuu dhiig dambe daato, waxaa kale oo cabashooyin ka soo yeerayaan Muqdisho, Burcadda ayaa dhibaato ka geysata, waxaa la ii sheegay kuwo magaca dowlada wata oo dhibka wata oo dadka carqaladeynaya, mas'uuliyiinta Gobolka iyo Degmooyinka Tilaab deg deg ah inay ka qaadaan ayaan filayaa, awooda shacabku ma yara hadii ay iskaashadaan burcada way iska dhicin karaan, ciidamada Amniga Qaranka hadii ay dab qaateen waajibaadkooda inay gutaan ayaan filayaa, walaalayaal shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waa shacab nabada jecel oo u baahan nabadgelyo iyo dowlad. 

"Gebo gebadii danaha Qaranka Soomaaliyeed Hay'adaha dhexdooda dad ku ilaaliya ayaa loo baahan yahay, Shaar baynu wada sidanaaye oo Xildhibaano baarlamaani ah ayeynu nahay oo isku xiran, waa cidii doonaysa inay ilaaliso sharciga, {Kudladaas} ama kooxdaas isku xiran waxaa ka xaaraan ah eex, dulmi iyo cadaalad daro, waxaana laga doonayaa inay ahaadaan koox aan cidina u shaqeynayn, waana inuu ninku xaqa sheegi karo oo baadilka diidi karo, Soomaaliya Geedi bay ku jiraa waxay u socotaa Dimoquraadiyad iyo Axzaab iyo doorashooyin xor ah suurta gal miyey noqonaysaa wax ka duwan intaa in lagu celiyo, shacabkoow ka markhaati ahaada inta goobta joogtaay maqla oo warbaahinta ka dhegeysta, hadaan lala imaan daacadnimo iyo wadaninimo Walaahi baan la gaareyn,

"Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye, oo aan iska deyno luuq luuq maroowga, caalamka waa nala yaaban yahay ee an caabta iska tirno, fariintaas ayaa lilaahi naga ah iyadoo qofna loogu eexanayeyn Difaaca dalka iyo Shuruucda Baarlamaanka ayaa laga sugayaa". ayuu khudbadiisa ku soo gebagebeeyey Ra'iisul Wasaaraha DFKMG 

HALKAN KA DHEGEYSI HADALKII GEEDDI

Maxamed Macallin Cismaan{All-ma} baydhabo.
faxtumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com