SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Halkee ayey ku danbeysay Xisbiyadii Siyaasadeed ee Puntland laga dhisi lahaa? 

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayey u sugnaatay. 

Intaas kadib muddo haatan laga joogo ku dhawaad sanad maamulka Puntland wuxuu soo jeediyey in la ogolaanayo dhismaha Xisbiyo Siyaasadeed. Arintaas oo aad iyo aad loo soo dhaweeyey,ayaa haddana ayan jirin  cid ka qaaday meesheedi. Waxaanan kala garan ma wuxuu ahaa ra’yi ay isweydaarsadeen golaha Baarlamaanka mise wuxuu ahaa go’aan ay xukuumadu gaartay. 

Run ahaantii aad iyo aad ayey u wanaagsanaan laheyd in lakala saaro wararka rasmiga ah (Official Statement) iyo aaraada ay had iyo jeer isweydaarsadaan baarlamaanka dhexdiisa, waayo waxey keeni kartaa in been looga barto maamulka, oo aan marna hadalkooda dib loo aaminin. Nasiib  darro majirin cid naga qancisa siduu xaalkaa ahaa iyo halka wax ay ku danbeeyeen. 

Runti sidii aan horey qoraaladeyda ugu sheegay haddii la qaadan lahaa aragtida siyaasadeed ee ku wajahan xisbiyada, ugu yaraan tallaabo ayaa horey loo qaadi lahaa oo wajiga qabiilka ayaa laga gudbi lahaa, oo intii isfahmi karta ayaa xisbi isku aragti ah sameysan laheyd. 

Tan kale waxaa maalin dhaweyd laga dhawaajinayey in lasoo gaaray xilligii la dhigi lahaa doorashada, haddaba waxa isweydiin leh doorashadu ma qaabkii takhliidiga ahaa ayey mari doontaa mise Puntland waxbaa isbadalay. Haddii ay mari doonto qaabka gaboobay ee horey loogu soo haboobay waxaan leeyahay waa ayaandarro reer Puntland heysata. Haddii kale maanta ayey reer puntland heystaan fursad oo haka fiirsadaan cidda ay dooranayaan. Fikrad ahaan waxaan qabaa sida ay uga fiirsan karaan waa labo nooc:- 

  1. In qofka isa soo sharaxay marka hore ay dadku miisaan saaraan ma yahay nin haweysan kara jagadan mise maya, waayo qofka is soo sharaxay haddii laga aamuso , berri wax walbaa dhici kara oo haddii mar la doorto xaq buu u leeyahay inuu jagadaa qabto. Marka fursadan marka hore hala miisaamo qofkan muxuu ahaan jiray, hadda muxuu yahay, kartideeda, aqoonteeda, daacadnimadeeda ma leeyahay. Ma yahay nin Alla ka  ca bsi baddan.

  2. Nimanka u matalaya reer walba golaha baarlamaanka haka fiirsadaan, qiimahooda iyo miisaankooda. Qof yaqaan gacan bidixeynta horey idiinma wadayo, waana kuwa laga gadanayo codka oo qofka noqonaya madaxweynaha iyaga ayuu ku xisaabatamayaa. Sidaas daraadeed annigu waxaan oran lahaa reer walbo qofka aad soo dooraneysaan ha noqdo qof miisaan culuas leh oo damiir iyo alla ka cabsi wax ku dooranaya.

Intaas markaan uga baxo dadka gudaha jooga, waxaan iyagan oranayaa aqoonyahanada, waxgaradka reer Puntland ee ku sugan dibadda waddanka inay arimhaa si buuxda u lafa guraan oo ay dadkooda ku baraarujiyaan sidi ay uga fiirsan lahaayeen Mustqbalka Puntland, oo aynu rabno inuu hogaanka u qabto nin leh kartideeda, aqoonteeda, daacadnimo, hufnaan, Allaah ka cabsi oo ah qodobka ugu horeeya.  

Waxaanu rabnaa in Puntland uu majaraha u qabto sida Ra’iisalwasaarihii hore Maleysia Mohamed Mahatir, ee ma rabno Mid aan horey noo waddeynin. 

Haddab a waxaan qormadeyda kusoo gabagabeynayaa war aynu arintaas ka fiirsano, oo manta ayeynu fursad qaaliya heysanaa. Mar haddey doorasho dhacdo wuu yaraanayaa fursadda kaaga bannaan inaad wixii khalad ah ka hadasho. Waxaan aaminsanahay in Puntland ay joogaan dad baddan oo leh hanaan hogaan oo wanaagsan, ee hala siiyo dadkaas fursadda. Dhammaan oday dhaqameedyada, aqoonyahanada, Waxgaradka, ganacsatada reer Puntland meel walboo aad joogtaan intaad Allaah ka baqdaan Maamulka haloo dhiibo qof lagu qiimeeyey kartidiisa iyo waxqabadkiisa, ee yaan loo eegin waa reer Hebel. 

Wabilaahi Towfiiq.

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social development Adviser

saicentadv@yahoo.com

Todoba iyo Toban sano kadib iyo Xaaladda Soomaaliya  Akhri... 

Qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com