SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CALI-YARE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


GUN IYO GAAL-BA WAA FARXEEN GOBI-NA GEERI WAA TAQAAN

A.A. WARDHERE (Ali yare)
Stockholm ,Sweden 
Cali_yare@hotmail.com


 
Sahan Tirokoob ee lagu sameeyay dadka sanad kasta dadka is deldela/ismarjiya ee nafta iska qaada,is barbardhig loo sameeyay shucuubta ku nool dacalada dunida gaar ahaan Qaarada Yurub waxaa la ogaaday in Shacabka Hangeri Ay ugu badanyihii dadka is deldela ( suicide ). Is marjinta reer Hangeri waxaa loo aaneeyaa sababa ka dhalatay Bulshada reer Hangeri oo aan laheyn taariikh ay ku faanaan.Taxana Sooyaalka kuma xusna dagaal ay guuleysteen Sheeko-xariirta Carruurta Lagu abbabiyona Kuma badna geesiyaal guluf dagaal libin kaga geeraaray ama halyeeyo heybadooda lugu faani karo, .arintaasi waxay bulshada reer Hangeri ku beertay ineey goroda laalaadiyaan gacantoodana isku gowracaan.  

Taas badalkeeda ,Bulshada jarmalka iyo Somalidu waxay safka hore kaga dadyoowga dagaal ku faanka ah ,  
DR.Josseph Geobbles oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee Taliskii ADOLF HITLER hogaamiyaha ka ahaa ,Geobbles wuxuu ahaa aftahan hibo u leh allifida iyo baahinta beenta ,hadaladiisii guubaabinta iyo kicinta bulshada ku wajahnaa ee halkudhigeedu ahaa : Ummada jarmalku waa ka geesisantahay ,kana dagaalyahansantahay ummadaha kale. weligi askeri Jarmal ah oo baqanaya dhabarka lagama toogan ee isagoo diriraya ayaa shafka xabbadu kaga dhacdaa,, hadalkaa waxaa ku naf waayay malayiin reer jarmal ah.  

Hadii Dr Josseph Geobbles uu ku faanay guud ahaan dayowga reer jarmany oo isugu jira rag iyo dumar ,Lakin batuulo Sh:Axmed Gaballe oo reer jowhar ehed waxa ay u faantay si ka ka heersareysa sida uu u faanay DR Geobbles, iyadoo ka hadleysay banaanbax lugu taageerayay S/GALBEED waxay tiri GABADHU:  

( Haduu duldhabo Kenya u soo hiiliso oo Xabashida Haweenka haloo daayo Dagaalka KENYA, ragguna ha ku qaybo Dagaalka XABBASHIDA)  
Hadalka gabadhu ka jeedisay Fagaarahaas wuxuu daliil cad u yahay isla weynida Ummada Somalida iyo sida guulka gaarista dagaaladu xabashidu ula sahlanyihiin,  

Taariikhda ayaa Dib-isku qortay ,Marka aan qorayo sadarkaan waxaa qalbigeygu la holcayaa in gabdhihii shalay sidaa lahaa maanta barqo cad wiilashii xabashidu ku faraxumeynayaan caasimadii Qaranka ee muqdishu Madaxdii Qarankuna caagado biyo ah u geynayaan si askarta xabashidu uga qubeysato Qasligii hooyooyinkood somaliyeed lugula kacay,  

Hadii Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Mahadi ha ka gaartee uu hadiyad iyo abaalmarin u sameynaya hooyada uu yiri,  
Hooyoy la'aantaa  
Aduunyadu hubaashii  
Habeen kama baxdeenoo  
Iftin lama heleenoo  
Dadku uma hayaameen  
Xiddig hawd ka lulatoo  
Sida haad ma fuuleen  
Dayax heego joogoo  
Hubka laguma tureen  
Hawo laguma gaadheen  
Cirka hirar ka muuqdoo  
Hooyoy addoomuhu  
Halkay maanta joogaan  
Adigow horseedoo  
Intaad hanad xambaartee  
Haaneedka siisee  
Horaaddada jaqsiisee  
Habtay baan xisaab iyo  
Tiro lagu heleynoo.  
Marka aad nin hiilloo  
Laga baqo hashiisiyo  
Halyey diran dhashaa baa  
Hooyo lagu xasuustaa  
Marka aad nin hoo-loo  
Gurigiisa habaqluhu  
Isku soo halleeyoo  
Hayntiisa quudhoo  
Hor Illaahay geystiyo  
Lama hure dhashaa baa  
Hooyo lagu xasuustaa.  
Marka aad nin hoogiyo  
Ka hor taga daalkoo  
Garta hubin yaqaanoo  
Xaqa hoos u eegoo  
Halistiyo colaadaha  
Dabka hura bakhtiiyoo  
Ku haggoogta dhiiggoo  
Dadka kala hagaajoo  
Kala haga dhashaa baa  
Hooyo lagu xasuustaa.  
Hooyoy la'aantaa  
Higgaad lama barteenoo  
Hooyoy la'aantaa  
Hadal lama kareenoo  
Ruuxaanad habinoo  
Kolba aanad hees iyo  
Hoobey ku sabinoo  
Hawshaada waayaa  
Hanaqaadi maayee  
Hoygii kalgacalkee  
Naxariistu hadataay.   
 
Hooyoy dushaadaa  
Nabad lagu hubaayooo  
Hooyoy dhabtaadaa  
Hurdo lagu gam'aayoo  
Hooyoy taftaadaa  
Dugsi laga helaayoo  
Waxa lagu hal-maalaa  
Hooyo ababintaadee  
Hayin lagu badhaadhaay  
Hogol lagu qaboobaay  
Gogol lama huraaneey  
Dugsigii hufnaantaay  
Hidda lagu arooraay.  
Intaad hooyo nooshahay  
Hambalyiyo salaan baan  
Hanti kaaga dhigayaa  
Hamrashiyo xaq dhowr baan  
Dusha kaa huwinayaa  
Hooyo dhimashadaaduna  
Hooggayga weeyoo  
Hiyiga iyo laabtaan  
Kugu haynayaayoo  
Weligay hoygaagaan  
Ka dul heesayaayoo  
Hengel baan u xidhayaa  
Inta haadka duushiyo  
Idil habar dugaaggee  
Ifka hibo ku noolow  
Aakhiro halkii roon AAMIIN .  

Inkastoo anan ku soo kobi karin heesta oo dhan iyo waliba qisada hadraawi ka sameeyay arinkan ayaa hadana jecleystay inaan iftiimiyo sida taariikhdu dib-iskugu rogtay  

Hooyaadii somalida eheeyd ee Abwaan Hadraawi sidaa yiri Barqo cad ayaa wiilal injir lihi ku fuuleen banaanka ceel carfiid iyadoo rag fiirsanayo masuuliyiin sheeganaya,  

Khabiirka arimaha xuuqda insaanka Qaramada midoobay u qaabilsan somalia, Dr . Qanim Al-Najar una dhashay Kuweit oo New York Jooga oo ka murugeysan hooyada leh 8-da caruurta leh ee ceelcarfiid lugu faraxumeeyay ayaa isagoo ilmeynaya waxa uu yiri ( WAA ARIN UURKUTAALO LEH ,MANA AHAN WAX CAQLIGA NADIIFKA AHI AQBALIKARO )  

Isla maalintii DR-ka ajnabiga ahi ka xumaaday Dhibka hooyada somalida ah loo geeystay ayaa Madaxwenaha IMBAGHATI waxa uu yiri isagoo dhoola cadeynaya (WAXA AY NOO DHIBEEN WAXAA KA BADAN WAXA AY NOO QABTEEN)   
 
Xabashida oo ku faanta inay tahay dowlad fac weyn oo aan weligeed la gumeysan isla markaana leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, waxaa u suurtagashay inay isticmaasho saxaafadda afka dheer ee Yuhuudda, lana hirgeliyo tookha iyo islweynida Xabashida. Ummaddaha madow waxaa laga dhaadhiciyey inay yihiin daayeer ducufo ah, Xabashiduna tahay libaaxyo sare oo laga haybaysto. Josoph Geobles wasiirkii warfaafinta ee Naziga ayaa laga soo xigtay inuu yiri “ ku celceli beenta illaa la rumasyto”. Been fakatay runi ma gaarto ! Beentii saxaafadda Yuhuuddu faafisay ee ahayd Xabashidu waa Libaaxyada Afrika, waxay dhalisay in dadyowga madow ay gorodda laalaadiyaan oo ay ka cabsadaan Xabashida, balse taasi liddigeed Soomaalidu si ba’an ayey u yastaa Xabashida, waxayna u taqaan Amxaaro injirley iyo wax liita. Soomaalida oo aaminsan inay Xabashida ka burji sarayso oo goobaha dagaalka uga adag tahay, waxay Xabashida u taqaan fulay aan haadda hubsan oo marka faltanka dagaalka foodda laysdarro fagaareeya. Ubadka Soomaaliyeed waxaa lagu anqariyaa oo lagu barbaariyaa nacaybka Xabashida, carruurta oo lagu baraarujiyo cadowtooyada kala dhexaysa Xabashida, waa xaq iyo wax haboon. Ayaandarro mar kastoo Soomaalidu ka adkaato Xabashida waxay u habarwacataa oo qaylodhaan u dirsataa dowladaha Kirishtaanka, waxaa la ogyahay 1530kii goortii Axmed Gurey jebiyey Xabashida in Boortaqiisku u soo gurmaday, sidoo kale 1977 markii Kacaankii MSBarre jebiyey kibirkii Xabashida waxaa u soo gurmaday Huwantii Warso oo ay hormood u ahaayeen Ruushka iyo Kuuba. Hobollada qaranka ayaa ku heesay “Galbeed waa la xoreeyee Waarsaa Gaagixisey, iyadooMaanta oo amxaaro injireey dalkii iyo dadkii loo gacangaliyay ayaa waxaa muuqato amxaaro ay hurdo caafimaad leh hurdo la,dahay , Maraykanka oo dalka ciraaq si gardaro ah ugu duulay Iraq 2003dii ayaa bishan aan ku jirno saxaafada ka hor cadeey in in magaalada Baqdad 60% uusan gacanta ku heyn ,  

Si la mid ah sida maraykanku runta u qiray Ayaa taliska naf la caariga ah ee ITHIOPIA April 25, 2007 Rizal Wasaaraha Ithiopia ayaa si aan ganbasho iyo xishood laheyn Saxaafada hortooda uga yiri "Ciidamadaydu waxa ay kula dagaalamayaan gudaha Somalia Waa Beesha CEYR waxa aanan wiiqnay Awooddoodii ciidan, Maalinta uu sidaa leeyahay Xabashigu waxaa mudo 24 maalmood ah ka hor muqdishu ka socda xasuuq qalbiga ugu qoran somalida dhab ah.  

DHIMASHO : 1086 ruux somali ah isuguna jira Caruur ,Haween ,dad,da,ah  
DHAAWAC : 4344 ruux oo Somali ah  
BARAKAC : (1.400.000) qof, dadkaas oo la ildarnaa biyo la,aan, cunto la,aan,hooy la,aan,cuduro ,sida shubanbiyoodka,iyo amaan la,aan  
Sidoo kale maalintaas waxaa dhulka lala simay goobo muhiim u ah nololsha somalida sida , jaamacadaha, iskuulada, dugsiyada qur'aanka, Warshadaha, Isbitaalada, shirkadaha ganacsiga, wadooyinka iyo masjidyada,  
Schoolada xirmay darteed waxaa maalintaa murugada leh waxbarasho la,aan noqday arday gaareysa (155.300) xiisada baaqdayna waxa ay ahaayeen, 30.030.000 oo xiiso.  

Tirada Jaamacadaha ku xirmay waxa ay gaarayaan 13 jaamacadood, ardeyda jaamacadahaasi dhigata waxa ay gaarayaan in ka badan 5.800 kuwaasi oo aan waxbarasho heysan ilaa maanta.  

Tirada Dugsiyada qur'aanka ku xirmay waxa ay gaarayaan 1096 Dugsi Qur'aan, dugsiyadaasi oo ay dhiganayeen 56.760 arday.  

GUN IYO GEBEGEBO  

Somalidu waxay hoodo u leedahay ineey cadowgeeda cagta ka hoos mariso ,  
12kii/juun1993 goor barqo ah saacaduna shegeysay abaarihii 10:05 daqiqo, maalintuna ku beegneyd isniin,ayaa waxaa shir heerkiisa ahaa wada tashi waxaa iskugu yimid Aqoonyahano,iyo saraakiil, ka tirsaneeyd Ururkii awooda Badan lahaa ee SNA,  goortaas oo muqdishu ay ka dhacayeen dagaalo faraha la iskula tagay oo dhex marayay Taageerayaasha URURKII SNA iyo ciidamadii Maraykanka horboodayay ee UNISOM  
aqalka gaashaandhiga maraykanka ee pentagonka loo yaqaano ayaa helay sir maraykanu aad ugu farxay oo eheeyd in hogaamiyaha sida weyn loo doondoonayo ee URURKA SNA JEN: MAXAMED FAARAX XASAN ( CAYDIID) iyo saraakiil heerkeedu sareeyo ay kulan ku leeyihiin guri u dhow Isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdishu ,  

LES ASPEN, oo ahaa xoghayaha gaashaandhiga ee maraykanka ayaa fursad dahabi ah u arkay arinkan oo ku soo beegmay muddo bil un ka yar ah markii Admiral Jonathan Howe uu soo saaray warqad ( Warrant ) oo uu ku amaraayo ciidamada UNISOM in la soo xiro Jeneral Caydiid isla markaana uu balan qaaday in la siinayo 25,000 dollar cidii soo qabata ,ama disha,ama ugu yaraan soo sheegta meesha uu ku dhuumanayo, Les Aspen.ayaa amar ku siiyay ciidamada taliska dhexe ineey duqeyn ba,an u geystaan JANANKA iyo saaxiibadiisa kulanka la leh .  

ciidamada u tababaran xaaladaha degdeg ah oo isticmaalayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee xambaara hubka dilaaga ah ee maraykanka ayaa weeraray xaruntii ciidamada Caydiid,halkaas ay ku shirsanaayeen madaxda sarsare ee hogaamisa URURKA SNA,lana filayay inuu ka mid ahaa jananku.  

howlgalkaas waxaa abaabulay qorsheyay-na UNISOM isla markaana ka anxixiyay taliska guud ee ciidamada maraykanka,aqalka cad ee looga taliyo maraykanka iyo xarunta UNka. iyadoo aan cidina digniin lasiin ayaa ciidamadii watay diyaaradaha qumaatigau kaca ee loogu talo galay iska caawinta quwadii WARSOW ay duqeeyeen duqeyn arxan daro ah waxayna ku dhufteen16 missilis.  

Jabka SNA ku dhacay maraykanka ka sokoow wuxuu aad u farxad galiyay Somali aan badneyn oo fikir wadaag la ahaa huwantii maraykanka,  
waqooyiga muqdishu abwaan joogay oo shirib wadaag la ahaa Abshir bacadle ayaa si aad ah ugu farxay jabkii taageerayaasha SNA ku dhacay,  
wuxuu ku shirbay isagoo faraxadi ka muuqato ,  

AFAR SAAC ISIIN EHEEYD ES-EN-EE ( SNA ) INDHEHEED DHECEEN,  

Abwaan abshir bacadle oo shiribkaas si aad ah uga gubtay una arkay inuu yahay mid jees jees ah, lakin tolkiis iyo somaliweyn oo dhami ay halgankooda wadayaan inta gumeystuhu ka baxayo dalka, hadii wiil dhintay-na wiil dhalan doono ,rabana inuu abwaanka shirirbka jees jeeska ah u soo diray uu ku tilmaamo GUN GAALADA la soo safatay,isaguna uu yahay gob gob dhashay ,dhaqan-ka gobtuna uu yahay ineey u samraan dhibka dheeftana ka mahad naqaan ayaa ugu jawaabay ,  

GUN IYO GAAL,BA WAA FARXEEN GOBINA GEERI WAA TAQAAN,  

ugu danbeyn arinkii wuxuu ku dabeeyay in abshir bacadle oo cad hilib ah oo askari maraynkan ah kor u sida shirib u diray somalidii la safneeyd maraykanka waakii lahaa Bacadle,,  

SULUXII SOORTU QAADAYOOW SUQAAR MARAYNKANAAN SIDNAA.  

Sidaas si la mid ah ayaan leeyahay kuwa maanta Somalia oo gaartay bash bash,barwaaqo iyo bareere, inta xabashi u soo hogaamiyay ee nabadii la dagaalamay yiri salaada cishaha iyo subaxa lama dukan karo ee xabashi u soo hogaamiyay dhulkii daahirka ahaa waxaan u soo qaadan lahaa gabay uu ka tiriyay gabyaa Dhunkaal Faarax Barre,uu ka tiriyay kooxaha Tabcane Tigree, waxaanan ka soo xulay baydkan:-  
Geyigeena oo xora annagoo dowladnimo gaarnay  
Gablamaha cadaawuhu watee gadaya Soomaali  
Ee gibilka inooga eg haddana garan afkii hooyo  
Alle gowrac gacal maahoo waa Gaalo ubadkeede  
Godkuu galay Cabdimajiid Eebbow goor dhow lagu aaso  
Geeridii wadaadkii dishaay gurubso gaagaabta  
Allow guusha haw dhiibin waa garac Tigreeyaade  
Gudubtadu ha sheegtee nimanka geliya taariikhda.  

A.A. WARDHERE (Cali yare)  
Gudoomiyaha Guddiga Qurbajooga Soomaaliyeed  
Stockholm ,Sweden  
Cali_yare@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com