SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War saxaafadeed Xasaasi ah oo ay Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalle ay ka jeedisay magaalada Newyork…
War saxaafadeedkan xasaasiga ah ayaa waxay xil. Caasha Axmed Cabdalla ugu horeyntii u direysaa tacsi dhalinyaradii ku geeriyootey weerar lagu qaaday magaalada Boosaaso xaafad ka mid ah, waxay kaloo ka hadashay in Cade Muuse, Siciid Raage, iyo Col C/casiis gacmay ay geysteen fal ah (international crime) kaasoo ay dacwad ka xareyn doonto caalamka.

Caasha ayaa sheegtey in weerarkii lagu qaaday xaafada Raf iyo Raaxo ee Boosaaso uu yahay mashaariicda cusub ee Puntland isaga bixineysa lacago 10 million oo doolar ah uu caalamka ku leeyahay, taasoo mashruucaan uu yahay mashruuc dadka laga iibinaaya hay'adaha argagixiso la dirirka ah iyadoo la rabo in lacagaha deynta ah la isaga bixiyo.  

Waxay kaloo Caasha ka hadashay arinta Laascaano inay tahay mid ay isla ogyihiin Cade Muuse iyo Riyaale mashruucna ay ku raadinayaan dagaalada dadka rayidka ah ee Sool iyo Sanaag.  

Waxay kaloo Caasha tibaaxday in Cade Muuse aysan hada iyo Majiyahan ugu horeynin inuu laayo reer Maakhir ay ahayd markii ugu horeysay waqtigii 1977 in uu isaga ka danbeeyey dilalkii ahaa dilalkii G/Sare Ahmed Salaad Ruqur oo ku magac dheeraa (Salaaddiini), Dr. Muuse Mohamed Xirse iyo Abaadir Maxamed Xuseen oo ahaa wiilkii uu dhalay XaaJi Mohamed Hussein (SYL).  

Ugu dambeyntii ayaa Xildhibaan Caasha waxay ugu baaqday Cade Muuse uu siidaayo wiilasha dhalinyarada ah ee u xiran dambila'aantana lagu soo xirtey, waxayna caalamka ugu baaqday in ay wax ka qabtaan koontaraktiga ah in dadka la iibsado oo itoobiya laga iibiyo.  

Wareysigan ayaa ah mid aad u dheer xasaasina ah ee dhagaysi wanaagsan.

Halkan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka Xildhibaanadda...

Waxaa soo tebiyey
Ahmed Omar

Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com