SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 21, 2007

  • Banaanbax looga soo horjeedo xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..

  • C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?

  • Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi ah  ka yeelanaya khilaafka
  • Dowladda Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda..
  • Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay dadka qaska ka wada Muqdisho”
  • Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey
  • Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo lagu aasay..
  • Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..

Banaanbax looga soo horjeedo xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..

Xerooyin ay ku jiraan dadka soo barakacay oo ku yaala inta u dhexeysa Sheekh Cali Cabdulle iyo Gubadley ayaa shalay waxay dhigeen banaanbax balaaran oo ay kaga soo horjeedaan xariga agaasimihii Hay’adda WFP ee Muqdisho Idiris Max’ed Cusmaan oo dhawaan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ka kaxeysteen xafiiskiisii oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Dadkaan oo ku dhawaaqayey “Waa in si deg deg ah loo sii daayaa mudane Idiris” ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka in ay sii deyso mas’uulkaasi.

Dadkaan ayaa waxay sheegeen in Hay’addaasi ay ahayd mid gacan siin jirtay bulshada Soomaaliyeed ee tabaaleysan gaar ahaan dadka barakacay, waxay kaloo sheegeen in haddii aan si deg deg ah loo sii deyn mudane Idiris ay keeni karto in dad fara badan ay waayeen gargaarkii ay ka heli jireen hay’addaasi.

Dadkaan barakacayay ayaa waxa ay ka codsadeen Qaramada Midoobey in aysan joojin hawlaha bini’aadannimo ee ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, maadaama dadka Soomaaliyeed ay haatan ku jiraan xili aad u adag.

Waaxda nabad sugida ee Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay in baaritaan lagu hayo Idiris, wixii ka soo baxana dhawaan la shaaci doonon.

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geedi oo khilaaf ba’ani waayadan soo kala dhex galay ayaa wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in labada mas’uul ay haatan si weyn ugu hardamayaan sidii ay taageero uga heli lahaayeen golaha Baarlamaanka, waxaana magaalada Baydhabo ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay la leeyihiin taageerayaashooda.

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu yiri mar aan wax ka weydiinay khilaafka labada mas’uul “waa xiliga noogu wanaagsan xiliga noocaan oo kale ah, waayo labada mas’uul waxay wadaan gor-gorton lacageed iyo xod-xodosho”, waxa uuna intaasi sii raaciyey “waxaa maalmahan aan helnay dhaqaale fiican, maadaama anigu aan dhex dhexaad ahay, haddana waxaan tixgelinayaa midkii ii sheega kharash badan”,

Waxaan weydiinay in uu lacag keliya ama dhaqaale uu fiirinayo oo aysan jirin waxa uu ka naxayo, waxa uuna ku jawaabay “Waa lacagtii uu shacabku lahaa ee maxaa noo diidaya in aanu helno”.

Weriyayaasheena ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Baarlamaanka laga dareemayo in Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi uu "taageero" badan ku leeyahay golaha baarlamaanka.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu la kulmay xubnaha taageersan ee ku jira Baarlamaanka waxa uuna u sheegay in Dowladda dhawaan la isku shaadheyn doono.

Dowladii lagu soo dhisay dalka Kenya Magaaladiisa Nairobi waxa ay mudadii saddexda sano ahayd ka bixi weysay is qabqabsi, waxayna taasi keentay in khilaafkaasi uu  ragaadiyey hawlihii Dowladda Federaalka. Waxaa la filayaa in maanta golaha Baarlamaanka uu isugu yimaado kulan looga arrinsanayo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG, waxayna wararka qaar sheegayaan in laga yaabo in maanta codka kalsoonida loo qaado Dowladda Federaalka. 

Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi ah  ka yeelanaya khilaafka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maanta ay kulan isugu imaan doonaan golaha Baarlamaanka, kaas oo looga arrinsan doono sidii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukuumadda Federaalka.

Ilaa iyo 230 xildhibaan ayaa ku sugan Magaalada Baydhabo, hase yeeshee xubnaha Baarlamaanka si wanaagsan ayay ugu kala qaybsan yihiin khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, qaarkood waxay sheegeenin Geedi uu ka dhamaaday waqtigii mudada saddexda sano ahayd, halka qaar kale aya sheegayaan in xiligii loo qabtay Ra’isul Wasaaraha uga harsan tahay mudo sanad iyo bar ku dhawaad ah.

Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa si weyn u ilaaliya ciidamo itoobiyaan ah kuwaas oo baaritaan xoog leh ku sameynaya dhamaan xildhibaanada Baarlamaanka iyo waliba gawaaridda dadka iyo dadka socotada ah ee halkaasi maraya.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku celiyey in khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed lagu dhameyn karo axdiga ku meel gaarka ah iyo waliba Golaha Baarlamaanka.

Dowladda Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda..

Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda oo la sheegay in uu codsaday in kal fadhiga Baarlamaanka ammaankiisa la wareegaan ciidamada wadanka Uganda.

Dowladda Itoobiya ayaa haatan baaritaan ku sameyneysa hadalkaasi iyo cidda soo bandhigtay, ilaa iyo haddana lama hayo cid si rasmi ah u caddeysay codsigaasi loogu yeerayo ciidamada AMISOM ee wadanka Uganda.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay dooneyso in ciidamadeedu ku sugnaadaan Magaalada Baydhabo oo aan lagu soo faragelin, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in Ciidamada Uganda yimaadaan Magaalada Baydhabo si ay uga qayb-qaataan sugida Ammaanka xarunta Baarlamaanka iyo xarumaha kale ee Dowladda ee ku yaala Magaalada Baydhabo.

Afhayeen horey ugu hadlay ciidamada Uganda ayaa si kulul waxa uu u beeniyey hadal ka soo yeeray mid ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda oo ahaa in ciidamada Uganda ay qayb ka qaataan ammaanka xarunta Golaha Baarlamaanka Baydhabo.

Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay dadka qaska ka wada Muqdisho”

Kulan ay shalay isugu yimaadeen guddiga amniga qaranka Gobalka Banaadir uuna shir guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa looga hadlay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, waxayna dhinacyadii ka qaybgalay sheegeen in Magaalada Muqdisho labadii maalmood ee ugu dambeysay ahayd mid xasiloono.

            Kulankaan ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) uu ka mid yahay dadka qaska ka wada magaalada Muqdisho, isla markaana ay ciidamadu baaritaan dheer kadib ku soo qabteen, hase yeeshee Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay warkaasi mid aan sal iyo raadtoona laheyn, balse Abshir uu ka mid yahay dadka ka shaqeeya nabadda, gabayadiisa iyo shiribkiisana wax badan ugu tusaaleeyey bulshada dhinacyada nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxaana xariga Abshir Bacadle aad uga xumaaday dhamaan bulshada Soomaaliyeed. 

Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey

Waxaa shalay subaxnimadii dib u helay xoriyaddiisii Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha C/llaahi Max’ed Xasan (Black) iyo mid ka mid ah shaqaalaha Wargeyska oo lagu magacaabo Ayuub Abuukar Khasaaro, kadib markii 19-kii Bishan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay xabsiga u taxaabeen iyagoo ka watay xafiiskiisa.

Tifaftiraha ayaa waxaa siideyntiisa dadaal u galay dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyio mas’uuliyiin ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo ku guuleystay in ay xabsiga ka soo daayaan C/llaahi Max’ed Xasan (Black).

Mar uu ka hadlayey C/llaahi Black xarigii lagula kacay, waxa uu sheegay in intii lagu hayey Saldhiga Booliiska Halw-wadaag si wanaagsan loola dhaqmay, isagoo sheegay in xitaa loo fasaxay in loo geeyo casho.

Xariga C/llaahi waxaa cambaareeyey Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale oo ku tilmaantay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha, baaqa caalamiga ah qodobkiisa saddexaad, xeerka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamiga, waxayna Hay’addu ka codsaday Dowladda Federaalka in ay si wanaagsan ula dhaqanto dhamaan bahdda Saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Bishii hore ayay markii weriye ka tirsan Wargeyska Ayaamaha oo isna lagu magacaabo Max’ed Xuseen Jimcaale Jantiila loo tabaxaabay xabsi ku yaala madaxtoonyada oo uu ku jiray mudo shan maalmood ah, isku soo wada duuboo xariga iyo dilalka loo gaysanayo qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Soomaaliyeed, waxay sii korortay waqtiyadan dambe, iyadoo habeen hore gurigiisa meel u dhow lagu dilay kusimihii Idaacadda Shabeele Bashiir Nuur Geedi, waxaa sidoo kale 11-kii Agoosto ee sanadkaan waxaa iyana la dilay agaasimiyaashii Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital voice ee Cali Iimaan Sharmaake iyo  Mahad Axmed Cilmi, waxaa isna Isbitaalka Keydsanay ku jira weriye C/xakiim Cumar Jimcaale oo isna dhaawac halis ah uu ka soo gaaray kadib markii kooxo dabley ah ay rasaas ku fureen.

Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo lagu aasay..

Waxaa maalintii shalay ahayd Qabuuraha Macallin Nuur ee Km13 lagu aasay kusimihii Agaasimaha Idaacadda Shabeele oo kooxo hubeysan habeen hore ku dileen meel ku dhow gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley.

Aaska waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan oo wajiyadooda ka muuqatay tiiraanyo iyo murugo xoogan, sidoo kale waxaa ka qaybgalay dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta oo iyagu qaarkood sheegay in saxaafadda Soomaali-yeed xiligaan ku jirto xaaladdii ugu xumeed.

Saacado ka hor intii aan la dilin Bashiir Nuur Geedi waxa uu ka qaybgalay xaflad lagu soo afmeerayey tartan aqooneedkii bishii barakeysneed ee Ramadaan ee ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Idaacadda Shabeelle iyo Shirkadda Hormuud, waxaana cambaareeyey dilka loo gaystay hay’adaha xaquuqda aadanaha oo ku tilmaamay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha, ma ahan markii ugu horeysay oo dil loo gaysto xubno ka tirsan bahda warbaahinta. 

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi oo mudo dhowr maalmood ah ku maqnaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Ra’isul Wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka Dastuurka iyo Federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax iyo xubno ka socday labada gole ee Dowladda.

Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu la kulmay Xildhibaanada taageersan ayaa waxa uu sheegay inuu kulamo la soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan wadamada Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo itoobiya, waxa uuna sheegay in wada hadaladaasi ay ahaayeen kuwo looga hadlayey xaaladda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegay mas’uliyiintii aan la kulmay ee qaybahaasi ka kala socday, in khilaafka noo dhexeeya Madaxweynaha uu yahay mid aysan dhameyn Karin dowlado shisheeye, balse lagu dhameyn karo dastuurka iyo Golaha Baarlamaanka” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo shalay qado u sameeyey xubnaha labada gole ee isaga taabacsan, waxaana la filayaa maanta in uu Baarlamaanku ka hadlo khilaafka u dhexeeya isaga iyo C/llaahi Yuusuf.

Geeddi oo Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

W/D: Amiin Y Khasaaro

E-mail:  amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com