SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...

 Dagaalo culus oo ka fool kafool ah ayaa shalay galab gaabkii ku dhex maray ciidamada xukuumada ethiopia iyo weliba kooxaha kacdoonka wada ee sida weyn uga soo hor jeeda ciidamada ethiopia iyo  siyaasada dowlada KMG ah xaafada towfiiq ee degmada yaaqshiid ee magaalada muqdisho . 

Dagaaladan oo ahaa kuwo ka duwan dagaaladii ku dhufoo ka dhaqaada ahaa ee dhowaanahanba ka socon jiray magaalada caasimada ee muqdisho ayaa si kafool kafool ah ay isaga hor yimaadeen kooxaha dagaalamayey iyo weliba ciidamada Ethiopia oo isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba bamka gacanta laga tuuro iyadoo dagaalkaasi soconayey ku dhowaad saacad . 

Dad goob joogayaal ah oo deegaankaasi ku sugnaa ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada ethiopia lagaga diley dagaalkaasi in ka badan 7-askari islamrkaana saaka la sheegay in meydkooda lagu arkayey deegaankii dagaalku ka dhacay iyadoo hore ay ciidamada Ethiopia ay u qaadan jireen dhimashada iyo dhaawaca soo gaara ayaysan jirin haba yaraatee inay u suurto gasho inay qaataan asakarta ka dhimatay dagaalka oo kululaa awadeed  . 

Dhinaca kale ma cada qasaaraha soo  gaaray  dhinaca kale  ee dirirtu dhex martay ciidamada ethiopia  marka laga reebo dad rayid ah oo u badan dhalin yaro rag ah oo ay ciidamada Ethiopia ku laayeen deegaankaasi dagaalku ka socday iyo weliba meelo kale  

In ka badan 3-qof oo rag ah ayaa la sheegay inay ciidamada Ethiopia ku dileen deegaanada towfiiq ,iyo weliba xamar jadiid oo saaka qaarrkood meydkooda lagu arkayey wadooyinka xaafadaha halka qaarkii kale oo la dileyna ay eheladoodu qaadatay meydkooda . 

Hal wiil oo dhalin yaro ah ayaa saaka meydkiisa lagu arkay xaafada xamar jadiid taasoo ay dadka xaafadaasi degan ay saxaafada u sheegeen inay marxuumkaasi dileen ciidamada ethiopianka oo shalay galab kusoo faafay halkaasi islamrkaana howl-galo la sheegay inay baadi goobayaan hub iyo weliba walxaha qarxa ku raadinayeen . 

Maaha markii ugu horaysay ee ciidamada Ethiopia ay dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyadoo maalmihii lasoo dhaafayna la sheegay inay meelo kala duwan oo ay kamid yihiin deegaanka suuqa xoolaha gaar ahaan ex-wersheda baastada ay ku dileen 2-dhalinyaro ah oo la sheegay inay marayeen xiligaasi agagaarka deegaankaasi islamrkaana ay tacshiirad ku fureen ciidamada Ethiopia ee ka ag dhowaa halkaasi . 

yaasiin faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007

Dhegeyso: NEWSGeeddi oo Ku Baaqay in Laga Hortago Ciidamada Dawladiisa ee Tuutaha Xiran....

Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye": khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan

C/llaahi iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 21

OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii Itoobiya loo dhiibay


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com