WARBIXIN IYO
TALO
Ku: Isimada, Aqoon
yahanada Odayaasha iyo waxgaradka ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba ee u
dhashay reer Buntilaan.
DISTRIBUTED
by SomaliTalk.com: May 7, 2001 |
Ujeedo:
warbixin iyo talo soo jeedin.
Adeerayaal naga
gudooma salaan diiran oo kal iyo laab ah, dhamaantiin xubnaha beelahau dhashay
Buntilaan ee ku nool Dalka dibaddiisa iyo Gudihiisaba, salaan ka dib waxaan door
bidayaa in aan wax bixin kooban idinka siiyo dhawr masalo oo ku saabsan xaalada
guud ee aan ku sugan nahay, anagoo ka mid ah dad waynaha ree Buntilaan iyo gaar
ahaan anigoo ah C/risaaq Shiikh Cismaan (Calibaadiye) waxaanse ka afeefanayaa in
aan qoraalkaan cid kale ila wadaagin, balse uu ka kooban yahay dareenkayga
shaqsiga ah oo ku salaysan xog ogaalnimadayda iyo dareenkayga rasmiga ah ee dad
reer Buntilaan aqlabiyaddiisu qabto.
1. Xaalada
siyaasadda.
Sidii lagu
go'aansaday shirwaynihii aasaaska Buntilaan sadexdeii sano ee marxalada ku
meel gaarka ahi waxay ku egtahay 30/6/2001 oo ay hada naga xigto labo bilood
iyo bar kaliya, hadii maanta cidii xog ogaal ah la su'aalo maamulkii Garoowe
lagu dhisay inay wax ka sheegto samaan iyo xumaanba waxaa hubaal ah jawaabta
90% loo badan yahay inay sidaan noqonayso:-
Dhismaha haykal maamul oo ilaa heer degmo ah oo leh magacyadii la arki
jiray oo dhan.
Shaqa siinta dad ka badan ilaa shan kun oo80% ay askar tahay.
Abuurista ilo dhaqaale oo hadii xalaal lagu maamulo ay Buntilaan horumar
wayn ku samayn lahayd.
Abuurista nidaam maamul oo kaligi talis ah oo jabiyey dhammaan qodobadii
xeerkii lagu dhisay Buntilaan sharciguna haba yaraatee uusan wax xurmo
ah uusan ku lahayn Madaxtooyada ilaa Dawlada hoose ee Degmada.
Boobka iyo dhaca xishood la'aanta ah ee hantida ummada oo dhammaan
ma'uuliyiinta Buntilaan xalaal u ah qofba meeshuu ka soo gaaro.
Himaladii dadwaynuhu ka filayey Buntilaan oo ahayd inuu ku muujiyo
jiritaankiisa (identity) iyo inuu aqoosho horumarka Goboladiisa oo isu
badalay inay noqoto warqad(card) uu ku meel maro kuna gorgortamo
hogaamiyaha maamulka Buntilaan taasoo masiirka Buntilaan ka dhigtay in
odagu ku gaarao Kursi heer Qaran ah oo kaliya.
Buntilaan inay ka mid noqoto adeegayaasha Itoobiya ku fushato damicii
soo jireenka ahaa iyo danaha Gumaysiga ee ay waligeed ka lahayd
Soomaaliya waliba xiligaan midka ugu daacad san oo ay hadii loo baahdo
xoog ku difaacayso.
Qodobadaas oo
intii ugu muhiimsanayd kaliya aan ku soo koobay nuxurkooduna yahay himiladii
Buntilaan loo dhistay inay faashil tahay, waxaa soo raaca halista sansaankeedii
bilawday oo ku soo food leh dadka reer Buntilaan, markay dhammaato labada bilood
iyo barka ka harsan cimrigii maamulka ku meel gaarka ah loo qorsheeyey, iyadoo
ilaa iyo hadda uusan diyaar ahayn Dastuur lagu kalsoon yahay oo afti dawayne
lagu ansixiyey, tirakoob lagu tashadona aan wali la samayn Gudigii doorasha oo
xalaal ahna aan wali la hayn iyo sharcigii asxabta iyo daarashadana aan wali la
diyaarin oo intuba qodobo cad oo axdiga ka mid ah ku qeexnaayeen, madaxwaynaha
iypo raggiisuna kas iyo maag u jabiyeen ayaa waxaa maanta na horyaal inaan ka
wax bixino waxa soo socda.
Hogaamiyaha iyo
raggiisa waxaa ka go;an inaysan kuraasta ya ku fadhiyaan ka kicin waxaana u
diyaarsan:
Wax dastuur
lagu sheegay oo ay falkiyeen guul wadayaal uu gaagaab madax u yahay oo maalmaha
ay socoto in laga ansixiyo kooxda loo yaqaan Baarlamaanka Buntilaan, laakiin
Odaygu ula dhaqmo sida koox askar ah oo meel ku xaraysan oo uu isagu xukumo,
kadibna la dhaqan galiyo 1/7/2001, isla bishaasna doorasho degdeg ah oo ku
shubasho bareero ah lagu filayey la sameeyo, sidaasna tigid shan sano oo cusub
ah Odayga iyo raggiisu ku dhawaaqaan.
Ciidanka
kooban 3000 Daraawiish ah 1000 Biilis ah 700 oo dhulbahante ah oo bishaan la soo
qoray oo loogu talogalay caburinta Gobolka Mudug oo ah dhinaca la filayo
Mucaaradka ugu xooga wayn.
Lacag ilaa
labo malyan oo daalar ah oo odaygu qaana ka dulaalay shirkado uu fasax u siiyey
inay ka jiriiftaan badaha Buntilaan oo muddo sanad iyo bar ah ku xaalufisay
wixii noole baddaas ku jiray qaar kalana uu suuqyada Buntilaan uga sarifay
lacagihii been abuurka uu ku soo samaystay oo hadda kaligeed ka socoto
Buntilaan.
Dadwaynaha shanta
Gobol ee Buntilaan 90% waxaa go'aan ka ah inaan odaga iyo ragiisu ku dhaafin
mudadii loogu talgalay oo sadexda sano ahayd, hase ahaatee wax u diyaarsan oo ay
kaga hortaaga qoshaha aan kor ku soo sheegnay ee odaga iyo raggiisa haba
yaraatee ma jiraan, waxaana sidii lagu arki jiray shacab uu khiyaamay hogaankii
uu xilka u dhiibtay, hubkiisana waa la yaqaan oo waa caro iyo kacdoon butaaco ah
oo aan hogaan nidaamsan lahayn, hawl galkiisuna yahay fawdo aan midays nayn oo
iyadoo mawjad ah dhagax iyo tuuryo kala hor yimaada ciidamada ah, sidii la arki
jirayna natiijadu waa xasuuq iyo gumaad shacabka loo gaysto, laakiin ku dhamaada
fashilka iyo guuldarada nidaamka kaligi taliska ah.
Saadaasha ciddii
aan ku qanci karin waxaan kula talinayaa inay isbarbar dhig xog ogaal ah ku
samayso wixii jiray sadexdii sano ee ugu danbaysay taliskii Maxamed Siyaad Bare
iyo waxa manta ka jira taliska Kornel C/laahi Yusuf ee Puntland anoo huba inay
natiijadu noqondooto mid qof kasta ku cadaysanayo in Maamulka C/laahi Yusuf
xilli aan fogeyn ku dhamaan doono halkii uu ku dhamaaday midkii M.S. Bare
1990kii.
Hadaan dhawr
masaal ka xuso isu ekaanta taliskii 1990kii iyo kan manta ka taliya Gobolada
Buntilaan, anigoo huba inay ummada soomaaliyeed si xanuun badan u xasuusan tahay
falxumadii uu ku dhammaaday taliskaasi waxaan soo qaadan karaa:-
a) Wagii
dacaankii dadka soomaaliyeed wuxuu u qaybsanaa Muslin iyo Mareexaan oo
labada dhinac kala aamin baxeen ilaa heer colaad iyo cadaawad aan lays
bixinayn, maanta waxaa Gobolada Buntilaan ka jira in dadku yahay harti iyo
Cumar Maxamuud oo kalsoonidii tolnimo ka luntay, inkastoo cadaawadu ka
yartahay tii hore, laakiin ay wadadaas xaaladu ku socoto, hadii aysan Cumar
Maxamuud si bareero ah qaadan mawqif muujinaya inaysan ku raacsanayn, kuna
taageersanayn C/laahi Yusuf siyaasaddiisa Habawsan iyo maamulkiisa kharaabka
ah toona.
b) Sanadihii
1985-1990kii mareexaanwaa kala baxay oo markii hore wuxuu noqday diini iyo
inta kale, misana Kooshin iyo Diiniga kale, ilaa ay gaartay Bah Khadiijo iyo
Bah Dalaayad, sidii oo kale ayaa mantana haysata Cumar Maxamuud iyo ummadda
inteeda kale ayaan Maamulka C/laahi Yusuf u kale xignaa oo ugu kala sad roon
nahay, oo odagu noogu kala kalsoon yahay, markaasaa anaguna Dawlada sii kala
xignaa oo jifaba jifada ay odaga ka xigto waxay noo jishaa kaalintii reer
Kooshin, waliba qolaa waxay noo meteshaan kaalintii reer Xasan Kooshin,
iyadoo dhaqan xumadawax isbidka, iyo humbaalaynta warbixin la oradka iyo
wasiir wax usheega, hantida Ummada o waraaq Madaxwaynuhu saxiixay lagu
boobo, iyo boqol nijaaso oo ka wada foolxun oo ka jira maanta Buntilaan aad
moodayso in aysan meeshu Boosaaso ahayn ee ay Xamar tahay wakhtiguna uusan
2001dii ahayne uu yahay 1987dii, dadkuna uusan harti iyo Cumar Maxamuud
ahayne uu yahay Diini Mareexaan.
c) Maalmihii
ku xigay 9/4/1978dii qofkii Xamar joogay ama ayaantii M.S Bare ku dhaawacmay
shilkii halista uu ku galay ee gaarigu Lafoole kula gadoomay, waxaa la wada
xusuusan yahay qabiilka mareexaan oo rag iyo dumar intii Xamar joogtay
dhamaantoo ay tuute soo xirtay, iyagoo wada hubaysana isku shubay xeryaha
Ciidamada , oo u caraysan sidii geeloodii la dhacay, oo halgal jeebkooda ah
xabsiga ugu taxaabay qof walboo kaskoodu siiyo inuu Dawladdooda ka soo
horjeedo, qisadaas oo aan car isku rogin oo aan moodayso Cajalad waagii la
duubay oo maanta la daaray ayaa Gaalkacyo Boosaaso ka dhacday maalmihii
shacabku Magaalooyikaas ka sameeyey banana baxa lagu taageerayey
Madaxwaynaha Jabuuti ugu baaqay soomaalida inay isugu timaado oo ku
heshooso, iyadoo jifida odayga oo wada hubaysan tuutana labisan ay shacabkii
banana baxayey rasaasta ku afuufayaan xabsigana u taxaabayaan.
d) Waardiyaha
guriga Madaxwaynaha inay Mareexaan ahaayeen yaa xusuusta? Maanta bal kaalay
oo arag dhawr nin marka laga reebo waa wada jifida odaga.
e)
Mas'uuliyiinta Buntilaan mid kii jifida odaga ah waa iskala sareeyaa dhamaan
madaxda dadka kale u dhalatay cid aan Madax waynaha ahayna kama amar qaato,
waliba rag ka sareeya ayuu inta ka amar diido oo dacweeyo oo ka gar helo
ayuu hadana in la ruqseeyo helikaraa, sida ka dhacday Gaalkacyo oo Dhiisiga
magaaladu Ruqseeyey afar Gudoomiye Gobola Mudug oo isku wada reer ah,
sawirka noocaas ah kuwo u eg oo sideetamaadkii ah soo ma xusuusataan?
Filimada noocaas ah oo la yaabka leh waa boqolaal buugaag ayaana laga qori
karaan, lagana qoridoonaa haatanse intaasu misaal ahaan waa ku fillan tahay
ayaa filayaa.
2: Arrimaha nabad
galyada Buntilaan.
Todobadii sano oo
ka horaysay dhismaha Buntilaan waxaa jiray Gobolada Waqooyi Bari oo ururuka SSDF
uu u hayo hogaanka siyaasadda, maamul ahaan se aan ku xirnay, maamul; macno leh
oo l asheegaana uusan ka jirin, hase ahaatee nabadgalyada iyo xasiloonida
Gobolada Buntilaan si buuxda ayay u sugnayd, Soomaalida kale iyo beesha
caalamkuba wax badan bay wax ka qoreen oo ka marag fureen, hadaan sida nabadaas
lagu helay wax ka xusnana:-
Horta
waa hadiyad Eebe nagu manaystay oo inaan uga mahad celino nagu waajib tahay,
{Eebew mahadaa}
Dawladdii soomaaliya markay burburtay waxaa raacay oo meesha ka baxay
dhamaanba hay'adihii qaran ee u xilsaarnaa sugidda amniga iyo nabad galyada
Dalka, sidaasna waxaa ku bilawday labo masiibo oo kala daran, oo kala ah
fawdo caam ah oo shacabku u dabaal degayo xoriyaddiisii usoo noqotay markii
Alle ka dul kiciyey kaligitaliskii nacabka ahaa ee 21ka sano ku hayey
caburinta iyo cadaadiska sharci darada ah, iyo tan labaad oo ahayd tartankii
Qabaa'ilka iyo qabqablayaashoodu ku galeen kursiga Madaxnimada soomaaliyeed
ee uu baneeyey M.S.Bareoo ahaa sababta asaasiga ah ee saldhiga u ahayd
dagaalka sokeeye ee ka qarxay soomaaliya, hadaba colaadii dheerayd ee dhex
martay Dawladii kacaanka ahayd oo beesha madax-waynuhu ka dhashay ay
horseedka u ahayd iyo ururka SSDF oo laga taageersanaa G/Waqooyi bari, waxay
waayo aragnimo dheeraad ah ka siisay shacabka reer W/Bari xanuunka fawdada
iyo dagaalka sokeeye, taasoo sahashay inay waxgaradku xakameeyaan dhibaatada
ay geystaan waxma garatadu.
Shacabka reer W/bari oo ahaa kuwii ugu horeeyey ee dubbaha Dawladii
kacaankku ku dhacay, ummadasoomaaliyeedna u bilaabay in halgan hubaysan
looga hortago kaligi taliyaha wax isbiday, iyo qabiilkiisa wax ismooday, oo
dagaalkaas ku soo luufluufay inkastoo shacabku is raaciyey oo caasimaddii si
fool xun looga eryey, waxaa dhacday daneysatadii qabsatay hogaanka shacabka
gadooday inay farta ku fiiqeen reer W/bari oo kafad la saaran madaxwaynihii
dhacay, iyo beeshiisii dumiga ku taageertay, isku meelna looga aarsado oo
lagu xasuuqo, hadaba reer W/bari oo ka caraysan xaqdarada noocaas ah iyo
abaal la�aanta soomaalidii ay halganka gobonimada iyo ka hortagga kaligi
talisika u horseedeen, waxay dareenkooda oo dhan u jiheeyeen ka difaaca iyo
iska dhicinta mawjadda mooryaanta ah ee marin habawsan ee Xamar ka soo jafay
, misana damaaciyey inay ku soo duulaan deegaanka Gobolada W/Bari,
arrintaasina kaali wayn ayay ka qaadatay nabad galyada ka sugantay gudaha
Gobolada W/Bari.
Siyaasiin Aqoonyahan iyo waxgarad kaleba raggii W/bari joogay bilawgii
burburka waxaa Alle waafajiyey inay cuskadaa dhaqankii hore ee dhismaha
bulshada soomaaliyeedintaan gumaysigii reer Yurub soomaaliya soo gelin,
iyagoo kaalintii Qarankii burburay baneeyey haddiiba buuxiyeyna hogaan
dhaqmeedkii beelaha Gobolada W/barioo kalsooni buuxda oo soo jireen ah iyo
xurmo laguma xadgudbaan ah ka haystay dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay
bulshada reer W/bari, sidaasna waxaa ku samaysmay hogaanka rismiga ah oo la
horgeeyo xalna u hela khilaaf kasta oo halis ku ah nabada iyo xasiloonida
W/bari haduu yahay mid siyaasadeed ama mid dhaqanba, ama noocii kale oo
sabab u noqon kara dhibaato ka dhacda gidaha W/bari, waxaana la oran karaa
hogaankaasi wuxuu Goboladaan iyo shacabka u noqday Baroosinkii Eebe kaga
badbaadshay duufaantii Dagaalada Sokeeye ee naafeeyey soomaaliya inteeda
kale.
W/bari
waxaa nasiib wanaag u ahayd una suurto galisay inay miyir qab ku tashadaan,
kuna soo hawlgaliyaan hogaankooda dhaqanka, waa inuusan Goboladaan joogi
Qabqable waalan oo shiishku u hayo kursigee M.S.Bare baneeyey markii
burburku bilawday 1991doo, markii aan qabqablayaasha yeelanayna waxaa
caqabad aan la dhaafi karin ku noqotay deegaankii dhaqanka, saas darteena
kuma aysan guulaysan karin inay shacabka marin habaabiyaan oo nabadgalyada
wax u dhimaan.
Arrimahaas ayaa
asaas wanaagsan oo si buuxda u qotoma u ahaa nabad galyada iyo xasiloonida
caanbaxday ee Gobolada W/bari, ilaa iyo maantan awaa tiirarka ugu muhiimsan oo
Alle mahadi aan isku halayn karno, hadaba waxaa in lays waydiiyo mudan
nabadgalyada sidaas u ku dhalatay oo ku gaamurtay dhalashadii Buntilaan ka hor,
maxaa ku soo kordhay khayr iyo sharba intii Hogaamiye C/laahi Yusuf iyo
maamulkii caynaanka u qabteen Dawlad Goboleedka Buntilaan?.
Su'aashaas
jawaabteeda oo qodobaysan waa sidaan soo socota:-
Markaan
is barbar dhigay intii faldembiyeedka dhacday W/bari oo keentay Dhimasho,
dhaawac iyo dhac burcadnimo,ka hor iyo ka dib dhalashadii Buntilaan, anagoo
ku salaynay baaris ay sameeyeen Culimada Shareecad ee Buntilaan, waxaan
noocadaatay inay 30%-40% ay dambiyadii dhacay xiligii Puntland jirtay ka
badan yihiin kuwii ka dhacay W/bari 1991-1997dii taasoo tilmaamaysa in aysan
Buntilaan waxba ku soo kordhin nabaddii iyo xasiloonidii ka jirtay W/bari
intii ka horaysay dhalashadii Maamul Goboleedka Buntilaan, balse la oran
karo waaba uga sii dartay, sida ka muuqata qodobada soo socoda:-
Markii
la dhisay maamul goboleedka Buntilaan, arrimihii amniga iyo nabadgalyada
Gobolka Buntilaa, waxaa la wareegay maamulkii cisbaa oo dhismay oo balan
qaaday inuu arintaas siindoono mudnaanta koowaad, sansaankeediina waa
muujiyey markii laga eego kumanyaalkii Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta ee
la hawl galiyey, xilalkii maxkamadaha oo ilaa iyo heer degmo la hawl galiyey
loo magacaabay Garsoorayaal, xeer ilaaliyayaasha Gobol kasta oola
magacaabay, ciidanka asluubta iyo xabsiyada oo la hawl galiyey, iyo isku
darka hay'adahaas qaabilsan sugida nabadgalyada oo loo qorsheeyey 87%,
miisaaniyadihii guud ee maamul goboleedka Buntilaan, hase yeeshee haykalkaas
wanaagsan wuxuu shacabka reer Buntilaan oo markii hore diirsaday, markii
dambana ku noqday dhuxul dambas huwan oo lagu simay, maxaa yeelay ciidamadii
loo qoray Booliska, Daraawiishta, iyo asbluubta waxay noqdee haraagii
ciidamadii kacaankii burburay, haraagii jabhadihii kacaankaas ka soo
horjeeday iyo jabhadihii beelaha ee Dawladii kacaanku u hubaysay inay ka
horgeeyaan jamhadihii Itoobiya soo hubaysay sida SSDF iyo SNM oo dhamaantood
burcadnimo iyo dhaqan xumo kaga qayb galin karta tartanka caalamiga ah.
Madaxda
ciidama noocaas ah loo xulay waxaa la mooday in kitaab laga eegay siday ugu
haboon yihiin, xagga garsoorka raggii loo magacaabay waxaa lagu soo xulay
hadba siday ugu kala dhawaayeen madaxwaynaha la doortay, iyo shiikh xukunka
xerta timo waynta iyo midda heema oo labada madaxwayne ka tirsan yahay,
iyada oo aan wax tixgalin ah la siin aqoonta uu qofkaasi u leeyahay
shareecada Islaamka iyo xeerka madaniga ah toona, sawirkaaas oo sidii run
ahaan wax u dhaceen ah wuxuu muujiyaa hay'adaha dadka noocaas ah laga
buuxiyey inay san ku maqneyn sugidda nabada iyo xasiloonida Buntilaa, balse
ay suurto gal ahayd, run ahaan dad ka qaarkiis uu markiiba sii saadaaliyo in
ay wax dhimaan nabad galyada horay u tiil Gobolada W/bari.
Labadii
sano ee hore dadka reer Buntilaa ma dareemi wax wayn oo is badal ah oo ku
soo kordha xaalada nabad galyada Gobolka Buntilaan marka laga reebo Bumbadii
lagu qarxiyey Masjidka Magaalada Burtinle, oo ay afar qof ku dhinteen sagaal
kalana ku dhaawacmeen, waxaana dareenka shacabka reer Buntilaan wada
saameeyey sawir fal dmbiyeedkaas cadeeyey oo midka koowaad tahay baaristii
oo farta ku fiiqday xerta timo wayn oo markaas ahayd xudunta madaxwaynaha
iyo maamulkiisaba, iyo midda labaad oo ah in madaxwaynaha iyo hay'adahiisaba
nabad galyada ay dadii kiiskaas u xirnaa ooda ka qaadeen iyagoo aan xataa
maxkamada soo hortaagin, aakhirkiina waxay noqotay in dacwaddii loo gubiyo
hogaanka dhaqanka beesha loo tirinayey, sidaasina waxay dad badan ku
qancisay in maamulku ku luglahaa Qarixii Masjidka Burtinle oo halis wayn ku
ahaa nabadda dhex taal beelaha Buntilaan.
Dabadeed waxaa bilawday falal is daba joog ah oo midba mid ka fool xun yahay
shacabkuna dareemayo inay ujeedooyin qorshaysan iyo hadaf siyaasadeed oo ka
dambeeya leeyihiin, oo mid kastana ay ka dhex muuqdaan madax iyo masuliyiin
ka mid ah maamulka Buntilaan, waliba kuwa loo tirinayo inay aad ugu dhaw
yihiin madaxwaynaha, midkastana noqon karta dhinbishii loogu talagalay inay
qariso nabadda iyo xasiloonidii goboladaan ku baraareen tobonka sano ee
soomaaliya inteedii kale gubatay, waxaase Alle mahadiis ah in aan ciddii
shiqooladaas maleegaysa aysan wali ku guulaysan damacoodii, iyadoo markaas
hogaanka dhaqanka guurtida beeluhu tolimo ku xakamaynayeen fidna kasta oo
madaxda iyo maamulku soo maleego.
Hadaan
fidnada iyo shirqoolada aan dhici jirin Buntilaan ka hor aan ka soo qaadano
dhawr, waxaa ka mid ah:-
a) Isbahaysiga
shirkadda Doonyahay tahriibta qaada iyo talika ciidanka booliska reer
Buntilaan oo shacabka reer Boosaaso oo dhami xog ogaal u yahay dhawr jeer
sababo isku dhac ahi dhexmareen askarta booliska ah iyo dadka shacabka ah,
dabadeedba ay marwalba soo baxdo xiriir dhaqaale oo dhex mara madaxda
ciidanka booliska iyo madaxda kooxaha tahriibta qaada.
b) Mudaharaad
dad shacab ahi todobaad abaabuloayeen oo madaxda Boolisku wax ka ogayd oo ay
san ka hor tagin, oo maalintuu dhacay boolisku nabadgalyadiisii ilaalinayey
oo markuu soo dhamaaday oo la kala tagi lahaa u taliyaha ciidanka booliska
amarku bixiyey in rasaas lagu furo, oo dhimasho iyo dhaawacba shacabka soo
gaareen, maxay noqonkataa dantii laga lahaa? Maxaase taliyahay booliska
buntilaan ugu dhar dhigtay in uu ciidanka hogaamiye u noqdo askarta
saldhigga degmada Boosaaso oo ku weeraro shacabka soo dhamaystay banana
baxoodii oo meeshii ay ku kala tagilahaayeen soo gaaray:?.
c) Odayaashii
iyo aqoon yahandii lagu xirxiray Boosaaso mudaharaadkaas ka bacdi iyada oo
aan dambi lagu soo oogin oo xabsi xalaalayn maxkamadeed la marin maxaa
habaybarkii llooga soo xaday Boosaaso oo Garoowe iyo Gaalkacyo loogu
soodhigay iyado oo taliyahay booliska iyo inta uu ugu kalsoonyahay
saraakiisha booliska kaliya ay ogyihiin?.
d) Sirta iyo
maxaabiistaas la qaadayo habaynkaas, yaa siiyey kooxdii jidgooyada u
dhiggatay oo askartii qaar dhaawacday oo u dhalatay beesha taliyahay
Booliska buntilaan ka dhashay, iyadoo ay san xog taasi ahayn gudidii nabad
galyada Gobolka Bari iyo madaxda Buntilaan ee maalmahaas Boosaaso joogtay?.
e) Suudi
Diiriye Cali Shiil oo mudo dheer ahaa klhasnajiga gaarka ah ee Kornel
C/laahi Yusuf kadib u noqday Gudoomiyaha Bangiga Buntilaan, isagoo caafimaad
qaba oo aan wax cudur ah lagu ogayn ayaa gurigiisa laga helay isagoo mayd
ah, markii cid ugu dambaysana uu Jaad la cunayey madax Buntilaan ah oo loo
yaqaanay inay aad madaxwaynaha isugu dhawyihiin, hadaba inkastoo sababta
ninkaasi u dhintay aan ciddna lagu cadayn hadana waxaa sugan inuu hayey
asraar dhaqaale oo aad u fara badan gaar ahaan hantida lacageed oo
madaxwaynuhu ku danaystay ama ku bixiyey si aan sharciga waafaqsanayn iyo
lacagaha ay lunsadeen madaxda kale ee Buntilaan sida Wasiirka Maaliyadda,.
Agaasimaha Qorshaynta guud, Agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo Wasiirada
kale ee Buntilaan.
f) Dhawr jeer
ayaa boloaal malyan oo lacag ah oo maamulka Buntilaan leedahay waxaa lagu
dhacay jidadka iyadoo laga soo raray loo wadana Garoowe, marwalba falku
wuxuu ka dhacayey magaalada Qardho agagaarkeeda, marwalbana Burcaddu waxay u
badnaayeen dhalinyaro reer Qardho ah oo tilmaan iyo xog buuxda ku hawl gala,
kadibna la xaqiiyey xiriir dhex maray hogaanka sare ee booliska Buntilaan
iyo xubno dhaliyaradas ka mid ah ka hor intaan falku dhicin, kolay beesha
taliyuhu u dhashay dad kamid ah waxay si buuxda u xaqiijiyeen in lacagtii u
dambaysay oo la dhacay in ninka burcadda hogaaminayey iyo taliyahay booliska
Buntilaan inay wax isla ogaayeen, kadibna waatii afarta nin ku dhimatay
hawlgalkii Booliska iyo Burcadda ku dhex martay degmada qardho,.
g) Falkii lagu
dilay labadii Sarkaal Gaashaane sare Moolas iyo ina Cabdi Madoobe oo
baaristoodii wali lagu dhex jiro, waxaa sugan inuu shiqool siyaasadeed ahaa,
madaxda Buntilaan ee shirqoolkaas maleegtay waxaa ilaayo hada laga yaqaan
taliyaha booliska Buntilaan, madax hawlagalinta Booliska Buntilaan, madaxa
maamulka lacagta Booliska Buntilaan, oo labaduba saaxiibtinimo iyo kalsooni
gaar la leh talliyahooda iyo dhawr Sarkaal oo booliska Boosaaso madax ka ah
oo ay u adeegsadeen jaahwareerinta Bulshada.
h) Fidnada
maanta Gaalkacyo ka oogan oo halisteeda aan filaya in harti oo dhami ku
baraarugay qofkastoo beesha Cumar Maxamuud ahna aan hubo inuu ka dheregsan
yahay sidii wax u dhacee, faallo badan uma baahna oo xog buuxda ayaa laga
hayaa madaxa sare ee Buntilaan oo shirqolkaas ku gul; lahayd si toos ah iyo
si dadbanba, oo nin walba laga hayo dukumiinti saxiixan oo cadaynaya
kaalinta uu ku lahaa finadaas wali oogan oo laysugu talogalay in laysku
romado oo hadaan Islaanka iyo Odayaashu xakamayn ay sugan tahay in beesha
Cumar Maxamuud uu wax badan qoomamayn lahaa dhalashadii C/laahi Yusuf Axmed.
i) Marka ay
sidaas u cadahay halista iyo shirqooladaas uu maamulka Buntilaan maleegay,
halis xunna galiyeen nabada iyo xasiloonida Gobolada Buntilaan, lana hubo
inay kuwo kale oo ka halisaysan soo wadaan, danta laga leeyahay iyo ujeedada
ka dambaysaana ay cidna ka qarsoonayn inay tahay in Xukunka Buntilaan in
Hogaaamiye C/laahi Yusuf iyo raggiisu ay khasab ku haystaan Xukunka ama ay
Dagaalkii Xamar iyo Hargaysa oo kale ka qarxo Gaalkacyo Ilaa Boosaaso oo Dal
Buntilaan la yiraahdo iyo dad Harti layiraahdo midna uusan ka dambayn
madaxnimada C/laahi Yusuf , waxay ila tahay in aan qofna ku dhibaatoonayn
halista ku soo foodleh Gobolada Buntilaah bilaha soo socda, inkastoo Ilihii
naga badbaadin jiray sharka iyo shirqoolada kornelkayagu teer iyo kulmis aan
wali ku kalsoonahay, gurmadkii badbaado ee aan uga baranayna ka rajeynayno
oo habeen iyo maalinba ka baryeyno.
3: Xaalada dhaqaale
ee Buntilaan.
1991
dii markuu burburay Qarankii
Soomaaliya waxaan xusuusan karnaa Gobolada W/bari inay ahaayeen dhaqaalo ahaan
kuwo ugu hooseeya qarankii burburay iyadoo sababtu ahayd labo masalo;
Iyadoo
Dawladii soomaaliya ka dhimatay intii uu jiray qarankii soomaaliya 1960-1990kii
aysan Gobolada W/bari soo gaarsiin saamigii ay xaq ahaan ugu lahaayeen qorshaha
guud ee horumarinta dhaqaalaha Dalka.
Iyo iyadoo
shacabka reer W/bari wixii uu qarnigii labaatanaad hanti tabcaday ay 60%ku
maalgashadeen Gobolka Banaadir iyo magaalada Xamar oo xarunta soomaaliyeed
ahayd, hantidaas dhammaanteedna ay mooro-duugtay mooryaantii 1991dii ku habsatay
Xamar, Banaadir iyo dhamaan koonfurta soomaaliya saas darted Gobolada W/bari
waxaa burburku u bilawday iyadoo shacabkii hore ugu noolaa 21 sano kacaanku cuna
qabatayn dhaqaale soo mariyey ay ku soo biiren tobon kun oo ka soo baxsaday
xasuuqii isir sifeynta ahaa ee ururka usc la baxay ka fuliyey caasumadda
soomaaliya iyo Gobolada la golaha ah.
Hadaba shacabkii
1991kii kasoo amba qaaday xaaladdaas dhaqaale xumadu caamka ahayd, sodon sano oo
oo qaranimo soomaaliyeed ka ahna ka dhaxlay jid laami ah iyo Deked isku mashruuc
ahaa hantidii loogu talagalayna 70% ay wada xadeen madaxdii labada Dawladood ee
Soomaaliya iyo Talyaanigu.
Hase yeeshee
illahayfadligiisa iyo nimcadiisa cayrtii W/bari isugu timid tabac bay ku
dhaqaajisay iyadoo adeegsanaysa mabaa'idda dhaqaalaha suuqqa xorta ah, kuna
noolaysay nabadgalyo caam ah oo ka ansaxday W/bari, sidaas darted muddo kooban
oo bilo ah kadib waxaa la gaarayhantida taal suuqa Boosaaso inay boqolaal malyan
kor u dhaafto nolosha shacbigana lagu qiimeeyoinay wax badan ka sarayso heer
aysan hore u gaarinxataa intii Xamar la joogay ilaha dhaqaale ee dhaqsahaas
looga hodmay waxaa saldhig u ahaa dhoofinta xoolaha noolxabkaha, kaluumaysiga,
aargoosatada iyo dhagaha libaaxa oo labadaba xeebaha Gobolada W/bari hodan ku
yihiin,khaliijka carabtana suuq wayn looga helay, inkastoo waxaas aan dhoofino
nalaga siinayo wax ka yar 50% qiimahooda runta ah taas oo sabab u ahayd fawdada
iyo nidaam la'aanta Ganacsatada W/bari, iyo dawlad la'aanta oo keentay inaan
suuqyada aan wax geyno nalaga xurmayn, oo dhaqan xumo iyo dhac badani ka soo
gaaray ganacsatada W/bari sidaas oo ay tahay waxaa rasmi ah in koritaanka
dhaqaalaha W/bari oo bilawday 1991dii uusan joogsan, inuu sanadaha qaarkood is
dhimo mooyeeilaa la soo gaaray 1998 markii Buntilaan dhalatay waxaana markhaati
u ah horumarka ka muuqda dhamaan Gobolada iyo inta badan degmooyinka W/bari OO
LAGA YAABO INAYSAN GAARIN KONTON SANO OO SOO socda,hadaan Eebe nag burburin
Dawladdii Xamar ka dhisneyd ee dulmiga iyo xaqdarada joogtada ah u qorshaysay
W/bari;
Hadaba maxay
shacbiga W/bari u soo kordhisay Dawlad Goboleedka Buntilaan xaga dhaqaalaha
sadexdii sano ee ay dhisneyd.
a) Buntilaan
ka hor quwadaha shisheeye ee ku loolama Soomaaliya, mid welibana deneheeda u
adeegsato madaxda kooxaha soomaaliya hadba kuwii ayaantaas u dhaga nugul,
waxaa W/bari ka jirey ururkii SSDF oo dhawr garab u kala jaban oo garabna
uusan u madax banaanayn u adeegga saaxiibkiis shisheeye hase ahaatee laga
soo bilaabo shirarkii Soodare iyo Qaahira syaasadda W/bari waxaa gacan sare
ku yeeshay Dawlada Itoobiya oo adeegsanaysa Kornel Cabdulaahi Yusuf iyo
garabkiisa SSDF, guushaasna waxay si buuxda u ansaxday markay Buntilaan
dhalatay, oo SSDF garbeheedii kale oo dhan meesha ka bexeen, C/laahi Yusuf
iyo amxaaradiisii ku soo hareen saaxadda syaasadda W/bari iyo Buntilaan,
halkaas waxaa ku guul daraystay Dawladaha Carabta oo ay Masar horsed u tahay
iyo danihii ay ka lahaayeen geeska afrika iyo goobtii ugu muhiinsanayd oo
ahayd Gobolada Buntilaan, arrintaasna waxaa dhaxalkeedii noqday inay
Dawladaha Carbeed nagula dhacaan caradoodii ay ka qaadeen Amxaaro uga
adkaatay soomaaliya, taas oo ay ku joojiyeen ganacsigii xoolihii ka soo
dhoofi jiray Boosaaso iyo Berbera oo ay kala xukumaan labada adeege ee
C/laahi Yusuf Maxamed Ibraahin Cigaal, ee amxaarada u shaqeeya, saas
daradeed dhaawac koowaad ee maamulka C/laahi Yusuf u gaystay W/bari waa in
siyaasadiisii habawsanayd sababtay in xoolihiin Buntilaan suuq la geeyo loo
waayey markii carabtii qaadacday;
b) In kastoo
Gobolada W/bari ay leeyihiin xeeb aad u dheer oo kala bar ah xeebta
soomaaliya oo dhan, hadana shacabka W/bari burburka ka hor ma aqoon nacfiga
ay leedahay xirfadda kaluumaysigu, marka laga reebo dad yar oo lagu naynaaso
jaaji oo xeebaha ku nool, hase ahaatee waxay xaaladaasi is bedeshay markii
dawladii Soamliya intaysan burburin ay dhaliyaradii ka so noqotay SSDF qaar
ka mid ah deyn ku siisay qalab casri ah oo kaluumaysi, sida Doonyo,
Talaajado iyo wax la mid ah una jihaysay inay ka soo kaluumaystaan xeebaha
W/bari, hawlgalkii dhalinyaradaasi bilawday wuxuu sii balaartay oo dad badni
ku soo biiray sanadihii burburka ugu horeeyey, ilaa lacagta adag oo W/bari
ka soo gasha wax soosaarka kalluumaysiga ay sanadaha qaarkood gaarto dhawr
malyan oo doolar kor u dhaafto, taasoo kaalin xoog leh ka qaadatay koboca
iyo horumarka dhaqaalaha W/bari, Buntilaan markay noo dhalatay waxay
qaramaysay dhibaato horay u jirtay laakiin xad lahayd, ilaa ay gaarsiisey
heer lagu halaagsaday, sidii arrintaas u dhacdayna sidaan:
Markabkii kalluumaygisa soomaaliya oo ay ku shirkoobeen maafiyo Talyaani
ah iyo tuug Muunye la yiraahdo, oo yeman saldhig ka dhigtay,
qabqablayaashana hadba kii indhaha ku cadeeya xoogaa laaluush ah siiya
ayaa boobka badda W/bari burbukii oo dhan ku jirey.
Waxaa kaloo ku so biiray Doonyo iyo Maraakiib kale oo boobka
barwaaqadaas aan cidina ka celinayn ka soo qayb galay.
Hase ahaatee kalluumaysatada W/bari way la dagalantay labadaas qolo,
dhawr jeerna maraakiibay soo qabteen oo ganaaxeen, taasina aadbay u
cabsi galisay oo tuugtu xeebta fog mooyee waaka waabteen jiriifkii
bareerka ahaa, boobkiina xoogaabuu ku soo haeay.
Buntilaan ayaa dhalatay, waxayna ku dhaqaaqday inay burcaddii raadsato,
oo ku biirto sidaasna waxaa ku shirkoobay maamulka Buntilaan iyo maafiyo
la baxday Heart Group, muunyo oo markalaysku daro xeebaha Buntilaan soo
galiyey 600 Markab oo laysin Buntilaan u goysay ciidan Buntilaan ahna la
saaray, si bareero ahna loogu fasaxay inay xaalufiyaan Bada W/bari.
Sidaas ayaa kallumaysatasii Buntilaan hilfaha loogu qaaday iyadoo lagu
muquuniyey awoodii Dawlada Buntilaan, wax soo saarkii lagu arki jirayna
labadii sano ugu dambaysa 80% ayaa la waayey, maanta waxay joogtaa
xirfaddaas oo dhami inay xiranto oo baddii laga soo boxo, malaayiintii
Doolar oo dhaqaalaha Buntilaan dhinacaas ka soo gali jirtayna sidaas
lagu waayo,
hadaan Heart Group iyo Muunyo madaxwaynaha u dhigin Bangiyada London iyo
Talyaaniga.
Labadaas aafo
madaxwaynuhu wuxuu ku daray inuu soo daabaco lacag been abuur ah oo tafa dhiig
la magac baxday, oo inta uu ilaa hada suuqa Buntilaan soo galiyey kor u dhaaftay
boqolaal Malyan oo shilin, suuqyana kaga xaalufiyey wixii doolar hore u yiil iyo
wixii ay jaaliyadaha dibaddu u soo xawilaan dadkooda, sidaas ayaana maanta
sarifka halkii doolar marayaa 20,000 oo shilin Somali ah, intaas oo aan waliba
soo koobay waxay cadaynaysaa in madaxwaynaha iyo maamulkiisu yihiin masiibo loo
soo direy shacabka reer Buntilaan.
Maxaa talo nala
gudboon.
Hadii xaalada
siyaasadeed iyo miida
nabadgalyo ee maanta Buntilaan ku sugan tahay ay tahay sidaas aan kaga
warbixiyey, anigoo waliba soo koobay foolxumada iyo dhibaatada maamulka
Buntilaan kula kacay shacabkii ku aaminay masiirkooda, waxaa ila gudboo inaan
soo jeediyo waxay talo iila egtahay oo aragtidayda Buntilaan iyo shacabkeedu uga
badbaadi karaan masiibo uga soohoyata talo xumadii ay shalay ku doorteen
Kornelkii fashiliyey Halgankii SSDF,sababna u noqday burburkii qaranka
soomaaliya.
1. ugu
horayntii waa tii hore looyiri (war la helaaba talo la helaa, ) waxaana lama
huraan ah qof kastoo dani kahayso masiirka dadka iyo Dalka, ama ka danqanaya
dhibaatada ay u gaysan karaan inta madaxnimada u xusulinaysa iyagoo aan
marba dareemi dhibaatada loolan kooda mintidka ah ummadda soomaaliyeed
tobankii sano ee la soo dhaafay, inuu xog ogaal u noqdo xaqiiqada ka jirta
degaanka dadkiisa gaar ka u ah, iyo guud ahaan soomaali oo dhan, waayo qof
war moog ah waa fududahay in la marin habaabiyo oo dhalanteed iyo waxaan
jirin lagu jideeyo, taas oo ah saldhiga runta ah ee kooxaha soomaalida iyo
madaxdooda nolosha iyo jiritaanka u ah, hadaba waxaan ku talinayaa
waxgaradka, xilkaska shacabka gudaha iyo dibaddaba, inay olole xoog leh oo
lagu baraarujinaayo shacabka laana abaabulayo ka qayb galka qof kasta looga
baahan yahay hadii la doonayo in dadka Buntilaan ka badbaadaan halista ku
soo fool leh Bilaha soo sacda;
2. C/laahi
Yusuf iyo kooxihiisa waxay 100% lumiyeen kalsoonidii shacabka hase yeeshee
waxaa u diyaarsan hanti farabadan iyo ciidan xoog leh oo ay ugu talogalay
inay ku muquuniyaan cidd kasta oo ka soo hor jeeda, saas darted waxaa loo
baahan yahay abaabul dhaqaale oo xoog leh oo lagu hawlgaliyo, laguna
hogaamiyo kacdoon middaysan oo isku marka hawl gala Giyega Buntilaan oo
dhan.
3. C/laahi
Yusuf oo ka mid ah ardaydii ka soo aflaxday Dugsigii gumaysiga iyo ragga la
shaqeeya oo u badan haraagii M.S. Bare soo barbaariyey waxay xarfaan ku
yihiin qabyaalad iyo kala qaybinta shacabka, iyo adeegisga Odayaasha,
Isimada, dariiqooyinka Diinta iyo dadka tashwiish iyo beenfidinta aad u
yaqaan, oo dhaqaala xumada jirta darted, oo dhmaantood ku xisaabtama inay
saamigooda ka helaan lacag la filayo inuu odaygu faraqidoono, sidaas darted
waxaan ku talinayaa yaan wakhti iyo dhaqaale lagu lumin loolan beel iyo
qabiil ku jihaysan, balse xoogaa la saaro sidii odayga iyointa uu lacagtiisa
gaarsiinkaba looga horgayn lahaa mawjad shacab ah oo la jiirsiiyo cidkastoo
dhuuni lagu soo hawlgaliyey.
4. isimada
Odayaashu dhaqanku waxay ka mid yihii tiirarka culus oo talada Dalka u
dhiibay, hadeerna wali uu isku halaynaayo, hase yeshee waxaa ku jirta in
badan oo wali inta ugu culus ah oo soo jireenka ah , oo diyaar u ah inay ka
hortagaan wixii dadka iyo Dalka dhibaato ku ah, sidaas darted waxaa loo
baahan yahay;
-
in dibada
iyo gudaha laga soo saaro culas iyo qayladhaan daad ah oo lagu dhiira
galinayo kahortaga dhibaatada dalka ku soo wajahday.
-
In lala
tashado xiriir joogta ahna lala yeesho Odayaasha muhiimka ah ee Beelaha
Buntilaan ka kooban tahay.
Waxaa hubaal ah
inl oo baahan yahay hogaamiye caymiya oo shacabku ku hirto kana tilmaan qaato
taasna waxaa suura galin kara:
Inaan yeelano kaligi taliye diric ah sida walaalkay C/laahi Yusuf oo
aqligiisa kaliya lagu wada socdo, inta la socotaana danahooda gaarka ah
ka helaan.
Iyo
inaan hogaan xisbi oo talo wadaag ah oo xeer isku xirayaa u desan yahay,
soo hor dhigno dadka kuna tashano hadba intii nagu taageersan himilo iyo
hadaf layaqaan:.
Hadaba anigu
waxaanka mid ahay inta aaminsan qodobkaan dambe, muddo badan baan aniga iyo rag
aan isku talo nahay isku daynay in aan hirgalinta arrintaas , walina nooma ay
suuro galin waxaana is leeyahay dhismaha bulshadeena iyo dhibaatada burburk ayaa
sabab u ah, hadaba intaan kaligi taliye noqon lahaa ama midkale oo talnimo ku
daba galilaa, waxaan doorna wali door bidey inaan helo hogaan talo wadaag ah oo
aan ka mid noqdo oo sidaas ugu hawlgala danta guud, inaan hawdkayga ku jiro
wixii aan I qabad aniga oo kali ah aan diiday la soo taagnaado, sidaas darted
waxaan ku talinayaa in aan xisbi aasaasno umaddana gaarsiino, waliba waxaan
diyaarinaynaa oo aan idiin soo dirayaa xeerka xisbigaas lagu aasaasi lahaa
(first draft) oo aan idinka rabno inaad faafisaan kana soo talo bixisaan.
Ugu dambayntii
waxaan rabaa inaad xusuusataan maamulka C/laahi Yusuf inay u qoran yihiin ciidan
4000 oo qof ka kooban waana la hubaa in loogu talo galay in lagu caburiyo
shacabka markuu ka horyimaado damaca Odayga, islamarkaana waa in la xusuustaa in
shacabku soo maray dagaal sokeeyo oo dhamaantiisba hubaysan yahay, inkastoo
uusan u hubaysnayn sida ciidanka Duqu diyaarsaday, halkaas waxaa ku jirta halis
wayn oo baaxadeeda aan cidina qiyaasi karin, sidaas darted waxaan ku talinayaa
in dibada iyo gudaha lagu dhaqaaqo olole balaaran oo wacyi galin ah, oo ku
jahaysan ciidan, maamulka iyo shacabka hubaysan iyada oo qayla dhaan
tolimolaysugu baaqayo, laysagana digayo in aan xabad layskurodo xal u
noqondoonin muranka iyo damaaciga siyaasadeed ee maantaka oogan Buntilaan.
Waabilaahi
tawfiiq.
Cabdisiraaq Shiikh Cismaan
(Cali Baadiye).
calibaadiye@hotmail.com
Telefoon: 252-543-6247
(Boosaaso)
Posted: May 7, 2001
Fafain: SomaliTalk.com | May 2001
|