SomaliTalk.com
Tell Your Friends
 Upfront News
· Somalia
· Africa
· World
· Briefs
 Links
· SomLink
· Categories
 Free Stuff
· Free Internet
· Kids' Safety
 Public Zone
· Islamic Q&A
· Live Vote
· Greeting Cards
· Meeting Space
· Center Stop
· Debate & Politics Hot!
· Djibouti Initiative Hot!
· All-Forum
 Knowledge Zone
· Halxiraale Cool!
· Maahmaahyo
· Sheeko Xariir
· Gabay & Geeraar
· Aqoon Guud
· Eray-Bixin
 Ideas Exchange
· Somali Chat Live!
· Your Home Town
· Your Opinion
· Feedback
· MaOgtahay
 Students' Network
· Students Mailing List
· SomStudents Chat
· SomStudents ideas
· SomStudents Forum
 Community
· BAAQ
· SomCommunity
· SomBeauty
· CeelGaab
· Missing Persons
 Shopping Center
· SomComputers
· somalitalk store
 Resource Center
· Add Site
 Weekly Wisdom
· Wisdom of the Week
 Join Somalitalk
Subscribe
 Questions Corner

Guji halkan

 Schedule
What: Somali Students' Network Mailing List
Where: Click Here
When: At any time

Please join to exchange ideas.

 Somalitalk.com Ads
Please print somalitalk.com ads and post at your local Somali community Center.

To print click here and then print.

Thanks for your support.

 Guestbook
Sign        View

Chat | Forum | Search | Feedback | News
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | News | SomBusiness | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakaat | Saxaabada
LiveNews Update | AfricaNews Highlights | Tony Blair Interview | Sports-News | News Sources
Natiijooyin Guul ah oo usoo ifaya Soomaaliya
Natiijooyin Wanaagsan ayaa kasoo baxaya Geedi socodka Nabadda Soomaaliya ee kasocda Jabuuti
SomaliTalk, May 8, 2000

Dhegeyso qoraalkaan oo duuban.
Radio Djibouti
Wararka ka imana Jabuuti waxa ay sheegayaan in natiijooyin aad u wanaagsan ay kasoo baxayaan shirka nabada iyo dib u heshiisiinta Soomaalida oo kasocda wadanka Jabuuti.

Warkaas oo aan kasoo xiganyey idaacada Jabuuti waxa uu sheegayaa in wada hadalada u socda odayaasha Soomaaliyeed ee nabada u fadhida magaalada Carta, in beelaha Hawiye iyo Daaroodka ay qola waliba wadahadallo dhankeeda u gashay mudoo saddex maalmood ah, waxayna isku afgarteen wixii khilaaf ah oo dhexdooda yaaley (in ay dhammeeyaan ama soo afjaraan).

gelle Presedent Geelle

Weriye Ismaaciil Abtidoon oo jooga carta ayaana warkan u diray idaacada Jabuuti, waxaana uu hadalkiisii ku bilaabay:

"Magaalada Carta waxaa weli kasii soconaya shirarkii dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, shirkaas sida aan ogsoonahay waxaa maalintii Talaadadii aan Soodhaafnay uu madaxweyne Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu iridaha u furay. Waxaana markaas isugu yimidey shirkan dhammaanba Samadoonada, Islaamyada, Boqorada, iyo wufuud kakalasocota beelaha kala gedisan ee Soomaaliya."

Weriye Ismaaciil Abtidoon isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri: "Tan iyo intii ka dambeysey intii iridaha loo furay shirka dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaa weli halkan kasii soconaya shirar gooni-gooni ah oo beelaha kala gedisan ee soomaalidu ay iyagu yimid halkan ku leeyihiin magaalada Carta kahor inta aan laysugu soo daadegin qolka weyn ee loogu talagalay in shir weynuhu kasii socdo".

Abtidoon isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri: "Maalintii dorraad sida aynu ka warqabno beesha Hawiyaha ayaa gebi ahaantoodba ugaasyadeeda iyo cuqaasheedu ay isugu yimaadeen, shirkaasuna wuxuu ahaa mid Hawiyaha khilaafkii u dhexeeyey ay dhexdooda iyagu dhammeeyeen, gacantana ay isu dhiibeen iyagoo markaasna kuballan qaaday weliba in beelaha kale ee Soomaalida ay nabad waarta hadda kaddib ay lasamaysan doonaan.

Sidoo kale maalintii shalay ahayd beesha Daaroodka dhammaanteedba oo cidiba ayan ka harin ayaa iyaguna waxay isku gacan qaadeen go'aan ay kasoo saareen shir gooni ah oo ay yeesheen in ay si kama dambays ah ay khilaafkoodii u soo af jareen, una diyaar yihiin in beelaha kale ee Soomaalida ee walaalohooda ay nabad waarta oo kamadambayn ay layeelan doonaan, ayuu yiri Abtidoon.

Abtidoon waxa uu warkaas yididiilada leh kusii daray isaga oo yiri: " Sidoo kale waxaa maanta sii soconaya shirar gooni-gooni ah iyadoo oo beelaha kale ee Soomaalidu ay yeelanayaan. Shirarkaasi gooni-goonida oo la ogolaaday in ilaa iyo maalinta Talaadada ay sii socondoonaan, waxaana beelwaliba marka khilaafka dhexdeeda ay damiso ay markaas ku dhaqaaqi doonaan in ay Soomaali weyn isugu yimaadiin oo markaasi gacmaha wada jir la'isu saaro, sida lagu tala galay marka la'isugu yiimaado qolka shirarka ee magaalada Carta.

odayaal
Qayb kamida odayaasha nabad raadinta Soomaaliyeed.

(RTD Photo)

Abtidoon oo warkii uu siinayey idaacadda Jabuuti siiwata waxa uu yiri: "Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga ee Jamhuuriyadda jabuuti, mudane Cali Cabdi, oo saakay markaas isagu halkaas ku guddoominayey fadhi ayaa waxa uu shaaca ka qaaday oo uu xaqiijiyey guulahakan u horreeyey ee kasoo baxay shirarka gooni-goonida ah ee beeluhu ay yeesheen, waxaana markaas uu tilmaamay in beesha Hawiyaha iyo Daaroodku midkastiba uu dhankiisa guul gaarey oo markaasi khilaafkii uu dhammeeyey, dabateetona kuwakale ay sidookale ku dhaqaaqayaan, maalinta Talaadadana uu yiri halkan laysugu iman doono, iyadoo inta ka horreysana beelaha loo daayey in shirarkaasi si gooni-gooni ah ay usii wataan.

Arrintu sidey doontoba ha noqotee, ayuu yiri weriye Abtidoon, natiijooyinka u horreeyey ee ka muuqda magaaladan Carta marka la'eego duqayda, garaadyada, samadoonada, islaamyada, ugaasyada, iyo boqorada beelaha kalageddisan ee waddanka Soomaaliya kasocda ayaa waxa ay yihiin kuwo natiijooyin GUUL AH oo ummaadda Soomaalidu ay aad ugu qushuucayso una sacabineyso ay kasoo if baxayaan.

Weriye Ismaaciil Abtidoon waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey isaga oo yiri: "Markii guushaas iyo nabaddaas dhexmartay beelaha lagu dhawaaqay waxay Soomaalidu meelkasta oo ay joogto ku dhawaaqday oo ay ku heestay "Soomaaliya hawaarto, Soomaaliya ha midowdo, Soomaaliyey toosoo, sarakac oo toosa"

Akhri khudbadii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku furay shirka Jabuuti.

Guji Halkan

Source: Idaacadda rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti.


Posted by: SomaliTalk.com team
Monday May 8, 2000

Allah Is Great
.
KHUDBADII PRES. GEELLE
Somali Version
English Version
SAKADA MAALKA
Qaybtii Toddobaad
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
NOLOSHII SAXAABADA

Qaybtii Afraad
1 | 2 | 3 | 4

RA'YIGA DADWEYNAHA
Bal Xusuusta Magacaa
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15
XERYAHA QAXOOTIGA
Akhri qaybtii qaybtii kowaad ee Nolosha Qaxootiga.
DHEYSIGA / LISTENING
SOOMAALI:
. BBC-Dahabshiil
. Radio Minessota
. Radio Sweden
. Radio Denmark
ENGLISH:
. Channel Africa
. Focus On Africa
. AfricaWorld Tonight
AL-KHAYRAAT
Waa shirkad caalami ah oo lacagta ehehlkaaga ku gaarsiineysa si degdega ee ha moogaan xafiyadeeda caalamka.
WEB OF THE WEEK
Somali Peace Process Web
www.somalia-rebirth.dj
SELECTED SITES
* Khalid Mosque Toronto
* SEJ Free Somali Books
* www.unsomalia.org
* Somaliatoday Newspaper
* News and Science photos
* Africa Diamond Wars
* The Math Formulas Web
* www.islam4kids.com
* Somalia 1999 H. Develop.
QUOTE OF THE WEEK
What can not be settled by dialogue, cant not be settled by the use of spears.
Quoted from jama,abdi at:
SomaliTalk (Opinion)
Published May 25, 2000
SOMALITALK FAX
1-561-828-5949
COMPUTER SECURITY
. OptOut freeware
. Free PC Firewall


Top | Somali | Search | Forum | Add Site | Contact Us | Feedback

somalitalk
Chat | Forum | Opinion | Feedback | Community | Resources | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy Statement.