UMMU SALAMA
(3)
Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid
aad u deeqsi badan.
Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo ka mid ahaa
tobankii nin ee goor hore qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba isaga hortiisa islaamay oo keliya
Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la islaamtay
ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo kale oo wakhti hore ayeey
iyadana islaamtay.
Islaamidda ay soo islaameen Ummu Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa gaaray gaaladii Qureysh.,
sidii marka horeba laga filayay Qureysh waxay bilaabeen inay jir dil daran ku sameeyaan Ummu
Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar daraynin oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi.
Balse, waxay ka sii siyaadsadeen ku kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan Eebe (sw). Dhibaatadii
Qureysh ay ku hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa Rasuulka (scw) wuxuu u
ogolaaday Asxaabta inay u haajiraan oo u cararaan dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda
waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu Salama, waxay
magaalada Makka kaga carartay gurigeedii dabaqa ahaa, maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd oo
dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah abaal ahaan u siiyo
Jannadiisa maalinta aakhiro.
Ummu Salama iyo ninkeedii waxay yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo magangalyo ka helay
boqorkii Najaashi Allaha ka raalli noqdee. In kastoo Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka
magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn ugu qabeen ku noqoshada
magaalada Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga ku soo degayay, sidoo kale waa meeshii Rasuulka
(scw) saldhiga u ahayd.
Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay
in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii
Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa
muslimiintii ayaa go’aan ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba
xiiso weyn ugu qabay magaalada Makka.
Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku soo laabtay
magaalada Makka. Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo
sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala
kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u
geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee
qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada
Maddiina.
Ummu Salama mar kale waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u hijroonaya
Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh. Hijradan
danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay dhulka Xabashida, waayoo waxay
ahayd mid aad u dhib badan oo aan saUmmu Salama waxay tiri, markuu ninkayga Abuu Salama
go’aan ku gaaray in aan u safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu iidiyaariyay awr,
dabadeedna wuxuu i saaray awrtii. Wiilkeenii Salama oo nala socdayna wuxuu fariisiyay
dhabtayda. Intaa ka dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna.
Ummu Salama waxay tiri, ka hor inta aanan ka bixin magaalada Makka ayaa waxaa na arkay rag ka
mid ah qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum), isla markiiba xaggeena ayeey soo aadeen, iyagoo ku
yiri ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad adiga naga baxsatay, sideey nooga baxsanaysaa gabadha
kula socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu ogolaanaynaa inaad la tagto oo la baxsato".
Intaa ka
dib, raggii waxay ku soo boodeen Abuu Salama, dabadeedna way iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu
Salama. Ummu Salama waxay tiri, markii nimankii ay iga soo wateen ninkayga anniga iyo
wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin
ninkeeyga. Aad ayeey uga caroodeen wixii nalagu sameeyay, oo waxay nimankii ku yiraahdeen
raggii kale ee reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa wiilkannaga,
innagaana xaq u leh inaan qaadanno" Sidaa dabadeed waxay labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan
wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil-Asadi. Waxay tiri
Ummu Salama, wakhti gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga iyo wiilkayga Salama.
Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo magaalada Madiina, isagoo diintiisa la cararaya, wiilkaygii
waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi isagoo jajaban sidii ay u kala
jii-jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa i kaxeestay reerkayga reer Banuu Makhzuum.
Ummu Salama waa keligeed oo waxay la nooshahay reerkeeda reer Banuu Makhzuum, Wilkeeda waxaa
qaatay reer Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u caray magalaada Madiina. Qoyskii wada socday
waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay tiri Ummu Salama iyadoo
ka waramaysa arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi
meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo sidii murugada lahayd ee nala kala geeyay anniga iyo
ninkeeyga. Muddo hal sanno ku dhow ama wax ku dhow hal sanno markeey ka soo wareegtay
xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe ii yimi nin aan ilmo adeer nahay, waxaana uga waramay
sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa naxariis gashay ka dib markuu maqlay
qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri "War maad iska
sii daysaan miskiintaan, waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib
wanaag, nimankii way sii daayeen Ummu Salama.
Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu Salama, hase ahaatee su’aasha ay is weydiisay Ummu
Salama ayaa ahaa sidii ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu Salama oo markaa joogay magaalada
Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin wiilkeeda Salama oo ay
heestaan Reer Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war
hayey dhibaatada iyo murugada Ummu Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka dibna
waxay la hadlayn reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo celiyaan wiilkeeda Salama oo ay markaa
haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay tiri Ummu Salama, maa aanan siiba sugin inaan magaalada
sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la ii soo celiyay.
Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed u safreen magaalada Madiina, iyadoo mareysa meel la yiraahdo "Tanciim" ayaa waxaa la kulmay
nin la yiraahdo Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto,
waxayna tiri magaalada Madiina. Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la socoto. Ummu Salama
waxay ku jawaabtay wallaahi waxaan ahay anniga iyo wiilkayga Salama oo keliya. Haddaba,
Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan ku geeyo magaalada Madiina, sidaasna ayuu
sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii Salam waxay yimaadeen magaalada Madiina, halkaas oo
ay la kulmeen Abuu Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday la
kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar maba la joogin ilaa ay ka billowdaan dagaaladii Badar iyo
Uxud.
Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam wuxuu ka qayb galay labadaas duulimaad, nasiib
darrose wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud, ka dib markii uu wacdaro daran halkaa ku
soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa sariirta halkaas oo lagu
daaweenayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw),
markii uu Rasuulka (scw) ka tagayna maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu
Salama waxay Illaah ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka kheyr badan Abuu Salama, laakiin
waxay gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah, yaa noqon kara ninka ka kheyr badan Abuu Salama.
Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay heshay Ummu Salama nin ka kheyr badan
Abuu Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa Ummu Salama maalintaa wixii ka danbeeyay
guursaday Rasuulka (scw). Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka
Muslimiinta, waayoo xaasaka Rasuulka waa hooyooyinka muslimiinta.