somalitalk.com

.Home | Somali | Forum | Search | Feedback | News
.
Baaq
Ummadda Soomaalida

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Soomaaliya waxay qarka u saarantahay meel haddaan hadda wax laga qaban aan Soomaalidu kasoo kaban doonin Qarniyaal. Sababtaas awgeed ayaa somalitalk.com waxay bilawday barnaamij ku jihaysan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto.

Barnaamijkaas oo ah mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan u furan. Si dhexdhexaad ahna uga hadlaya xaqiiqada jirta iyo khasaarooyinka ku soo fool leh Soomaaliya haddii aan laga gaashaaman.

Yoolka ugu weyn ee qorayaasha somalitalk.com higsanayaan waa badbaadada jiilka cusub iyo kuwa soo socda. Ilaah ayaa wax badbaadiya. Waxaa laynooka baahanyahay ficil.

Dhammaan dhallinyarada da'da yar ee hadda ku dhaqan Soomaaliya mahelin waxbarasho rasmi ah. Waxayna muddo dheer kusoo dhexjireen goob colaadeed. Taasi waxay kuu muujineysaa in khasaare aad u ballaarani halkaas kasoo socdo. Waxaan dhumineynaa jiil, waxaa taasi sababeysaa in aan kaharro dhammaan adduunka intiisa kale.

Waxaa burburay dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida kaas oo kusalysnaa diinta Islaamka. Taasi waa dhibaato u baahan xalkeeda. Waxaa burburay aqoontii iyo kaydkii ummadda u dhexeeyey. Waxaana adag kasoo kabashada arrimahaas.

Soomaalidu waxay ahaan jireen dad aad u xeeldheer oo fekerkoodu sarreyo, waxayna ahaan jireen dad firfircoon oo kadhiidhiya waxyaabaha khasaarada maguuraanka ah sababi kara. Waxaana habboon in markale ay Soomaalidu dib u soo celiso arrimihii wanaagsanaa ee lagu aqoonjirey.

Waxay u muuqataa in dhibaatada badankeeda ay sabab utahay Soomaalida oo katagtay aslkii. Waxaan asalka uga jeedaa diinta rasmiga ah ee Islaamka. Soomaalidu waxay soo tijaabisey xeerar badan. Haddii xeerarkaas aan wax kaxusno waxaa kamida: Diimoqraadiyadda, shuuciyadda, xeerka qoyska, iyo dawlad la'aan. Waxaa u dhiman in ay tijaabiso diinta Islaamka. Waana midda keliya ee Soomaalidu ku badbaadi karto.

Waxaan kusoo gabagaynayaa aan niyadsami u qaadanno asalka, colaadii horena ku beddello wanaag. Arrintaas iney suurta galtahay waxaad tusaale u soo qaadataa labadii qabiil ee dagaalka aadka u darani kadhexeeyey ee Aws iyo Khasraj markii ay qaateen diinta islaamka waxaa Ilaah dhexdhigay nabad iyo barwaaqo.

Waxaana ugu baaqayaa qofkasta oo Soomaali ah in uu ka qayb qaato dib u dhiska waddanka si niyad ah.

Aan badbaadino jiilka cusub

Ra'yi: Sidee u aragtaan qoraalkan. Mahysaan baaq guud. Riix halkan si aad u adeegsatid bogga jawaab-celinta


Qore: Maxamed Cali
Approved by: somalitalk.com team.
London, Ontario, Canada

Bogga BAAQ waa goob aad ku soo bandhigi kartid arimaha Soomaalida ee u baahan in si xaqiiqa ah looga hadlo. Waana in fikradaha boggaan lagu soo bandhigayaa ay ahaadan kuwo dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, oo aan dhinacna u xaglinayan.


Qoraaladii hore kafiiri halkan
1
Allah Is Great
.


Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback