MAHAD CELIN IYO OGEYSIIS

Maarso 12, 2006: Bahda SomaliTalk.com waxa ay u mahad celinayaan dhammaan akhyaarta sharafta leh ee adeegsata CHAT-ROOM-ka ee emailada noo soo diray, kaddib markii aan daabacnay OGEYSIISKA hoose ee la xiriirey qaabka adeegsiga Chatroomka iyo in qaar ka mid dadka adegsada ay soo qoraan erayo iyo magacyo anshaxa wanaagsan ka baxsan.

Qorayaasha badan-koodu waxa ay taagereen in aan Chatka la xirin, in kasta oo jiraan qaar raacsan in gebi ahaanba la xiro. Labada dhinacba waxa ay soo bandhigeen aragtiyo macquul ah. Fikradaha ugu muhiimsan ee akhristayaashu nasoo gaarsiiyeen waxaa kamid ah: in qaybta CHATka dadka adeegsadaa ay u badan yihiin dad wanaagsan, laakiinse ay jiraan in yar oo kooban oo u baahan in joojiyaan anshax xumida. Waxaana qoraalada akhristayaasha ka muuqda in ay u hoggaansamayaan anshaxa wanaagsan oo si wanaagsan ugu la faa'iideysanayaan qaybta CHATka, insha Allah.

Waxaa aad muhiim u ah in qof kasta uu xusuusnaado in waqtiga adduunkan la joogayo uu kooban yahay, wax kasta oo uu qofku ku hadlo, ama qoro ay hor imanayaan ama Allah kula xisaabtamayo maalinta QIYAAMAHA, haddiiba aysan calaamada imtixaanka ku arkin adduunka. Waxaana Allah hortiis markhaanti idiinka dhigeynaa (Idinka adeegsanaya CHATROOMKA) in aan xaqa idiin sheegnay ah Allah ka cabsi iyo in lagu toosnaado Diinta Allah, iyo in aad ka fogaataan wax kasta oo Allah u caroonayo, ka fogaataan adeegsiga iyo ku hadalka erayada anshax xun, raacdaan sunnadii Nebi Muxamed NNKH, is-xushmeysaan, si akhlaaq wanaagsan isula hadashaan, erayo wanaagsan is dhaafsataan, cilmi kala faa'iideysataan, waqtigna waa seef ee aad ka faa'iideysataan.

Intaas ka dib waxaan tix gelineynaa codsiga inta badan ee naga codsatay in aanaan xirin CHAT-ka, iyo in aan u deyno in ay u isticmaalaan CHATka sidii ay horeba ugu isticmaali jireen.

Haddaba haddii aad u hoggaansan tahay oo tixgelineysid qawaaniinta anshaxa wanaagsan ee adeegsiga CHATROOMKA, aad tix gelineysid codsigana ah in aan lagu xad gudbin qawaaniinta anshaxa wanaagsan, la adeegsan erayo iyo magacyo aan ku haboonayn diinteen Islaamka iyo akhlaaqda dhaqankeena suuban, haddii aad intaas aqbashay, si aad u gashid qolka CHATKA, fadlan guji halkan...


OGEYSIIS::::

ADEEGSIGA CHATROOM-ka

Dacwad badan ayaa naga soo gaartey qaybta Chat-ka taas oo ah in qayb kamid ah dadka adeegsada ay kusoo qoraan erayo aan ku haboonayn ANSHAXA dhaqankeena suuban iyo Diinta islaamka ah, sidaas daraadeed ayaan maanta qaybtaan u xirnay si aan u xaqiiqsano in dhambaalkani uu gaaro dhammaan inta soo booqata ama adeegsata qaybta CHAT-ka, waxaana qaybtaas soo celineynaa marka aan xaqiiqsano in dhammaan dadka adeegsadaa ay u dhaqmi doonaan hab anshax ah, un ahogaansami doonaan nidaam wanaagsan ee loo adeegsanyo CHAT-ka, dhammaana ay noqonayaan kuwo si xushmad ah u adeegsada qaybtaan CHAT-ka.

Waxaa kale oo muhiim ah in aad ku baraarugtaan arrimaha la xiriira ammaanka CHAT-ka sida in aan cinwaanada, telefoonada, iwm lagu soo qorin CHAT-ka. Sidoo kale in taxadar weyn laga muujiyo qof CHAT-ka lagu arkay ama lagu bartay.

Haddii aan soo celino qaybtan CHAT-ka oo markaas ay soo noqdaan erayada anshaxa ka baxan oo lagu soo qorayo, ama magacyada foosha xun ee lala baxayo ama la adeegsanayo, markaas waxaa dhici doonta in aan  gebi ahaantiisaba xiri doono qaybtan CHAT-ka.

Waxaan rajeyneynaa in aad fahamteen ujeedada aan u furnay Chat-ka in ay ahayd in dadka Soomaalida ah ay si wanaagsan akhbaarta isugu dhaafsadaan, haddiise aan u aragno in lagu soo bandhigayo waxyaabo ka baxsan anshaxa ama qawaaniinta iyo xeerarka wanaagsan, waxaanaan markaas ka fursan doonin in aan gebi ahaan tiisaba xirno.

Wixii talo iyo tusaalayn ah waxaad noogu soo hagaajin kartan http://www.somalitalk.com/feedback/

Mahadsanidin

Maamulka SomaliTalk.com
Maarso 11, 2006