CABDULLAAHI BINU CABBAAS
(4)
Cabdullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii
ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee
qur’aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga,
wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta
weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu
da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay
da’diisu ahayd 13 jir.
Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka
(scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi
Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray
Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu
Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u
jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu
Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo
aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo
xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.
Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:
Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas.
Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen
amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu
Cabbaas ku yiri Cali: "Amiirkii mu’miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa
aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yiri: "waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa
u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii
uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo
inuu wareysto.
Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la
hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina
adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay.
Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii
Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad’e wuxuu la dagaalamay Caa’isha (rc) iyo Mucaawiya,
mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan saddexaad wuxuu ogolaaday
inaanan la oran Amiiral mu’miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas.
Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri: "Ka warama haddii aan
idinku dul aqriyo aayado qur’aan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad
hadda ku sugan tihiin?". Waxay yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka
jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu
siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh:
"U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35.
Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su’aashan ah:"Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli
badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo,
dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka
ummadda.
Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa’isha, laakiinse
uusan addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu
weydiiyay su’aashan ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa’isha iyo wixii aad
dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad
tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle
ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Mu’miniinta naftooda, haweenkiisuna waa
hooyooyinkoo".
Faa’iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la
yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka
soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo
tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka
Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u
qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga.
Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka
(scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle’e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda
isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka
hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan maqlo nin ka mid ah
asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan
jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan
jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu
imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu
iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa
ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada
cilmiga.
Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna u weynayn jiray
culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la
ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu
aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada
(akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa
Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor
istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa.
Markaa ayaa Zeyd ku yiri: "faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene".
Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena". Zeyd ayaa
isna yiri: "ii soo laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa
dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka
Nebigeena (scw).
Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka
cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta
(ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad
aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana
waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu
yahay ninka ugu cilmi badan".
Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa
waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay Jaamacad ay ka
soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in
jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin
kala duwan. Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo
maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri:
" waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd
ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka
ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii soo
dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo
su’aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.
Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee
wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay
Cabdullaahi Binu Cabbaas da’diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku
tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin
fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin