Waxaa soo diyaariyey: Ibrahim Salah Aden
Email: ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark
ABUL-CAAS BINU RABIIC AL-ANSAARI
(2)
Rasuulka (scw) markii uu u hijrooday magaalada Maddiina, arrinkiisana uu darraaday, ayaa qureysh
soo baxday iyadoo dooneysa la dagalaallanka Rasuulka (scw) iyo Asxaabtiisa. Abul-Caas wuxuu si
aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safan dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma
jirin jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo Muslimiinta, laakiin darajada uu tolkiisa ka joogay ayaa
ku kelliftay in uu ka qayb galo dagaalkaas.
Dagaalkii Badar natiijadii ka soo baxday waxay noqotay
in qureysh (gaalada) lagu jabiyo, madaxdii kufrigana laga takhalluso, qaar iyaga ka mid ah waa la
laayay, qaarna waa la qafaashay, qaarkii kalena waxay ku badbaadeyn carar. Kuwii la soo
qabqabtay oo la soo qafaashay waxaa ku jiray Abul-Caas oo qabay gabadhii Nebiga (scw) uu dhalay
ee ahayd Zeynaba. Rasuulka (scw) wuxuu ku waajibiyay dadkii gaalada ahaa ee la soo qab qabtay
in ay bixiyaan oo ay isku furtaan lacag, lacagtaasoo u dhaxeysa Kun ilaa Afar kun oo Dirham,
iyadoo loo eegayo xaaladahooda hanti iyo reereed. Ergadii ka kala socotay dadkaas waxay
bilaabeen in ay u dhaxeeyaan Magaalada Makka iyo Madiina, iyagoo sida maalkii ay ku soo furan
lahaayeen dadkooda. Haddaba Zeynaba ayaa soo dirtay maalkii ay ku furaneysay ninkeeda
Abul-Caas, iyadoo furasho ahaan u soo dirtay Kuul ay u hadiyeesay hooyadeed Khadiija maalintii
ay aroosaneysay.
Markii uu Rasuulka (scw) arkay kuushii waxaa dabooshay Murugo, wuuna u
jilcay gabadhiisa isagoo eegay xaggaa iyo asxaabta wuxuuna yiri "Maalkan waxaa soo dirtay
Zeynaba iyadoo rabta inay ku furato Abul-Caas, ee ka warama haddii aad u aragtaan in aan u sii
deyno Abul-Caas, una celinno maalkeeda waad sameyn kartaan". Saxaabadii ayaa waxay
yiraahdeen "Haa, waana ra’yi wanaagsan Rasuulkii alloow". Hase yeeshee Rasuulka (scw) wuxuu
Abul-Caas ku xiray sii deyntiisa in uu u soo diro gabadhiisa Zeynaba isagoo aan dib dhicin.
Abul-Caas markii uu tagay Magaaladii Makka, wuxuu si dhaqso ah u billaabay in uu fuliyo
ballankii. Wuxuu amray xaaskiisa Zeynaba in ay u diyaar garowdo Safar, wuxuuna u sheegay in
Ergadii aabaheed ay ku sugayaan meel aan ka fogeyn Magaalada Makka, isagoo u diyaariyay
sahaydaydii safarka iyo ninkii raaci lahaa oo ahaa walaalkiis Camar Binu Rabiic.
Camar Binu Rabiic ayaa soo baxay maalin cad, isagoo wada gabadhii Zeynaba, qureyshna ay arkeyso markaas
ayeey waxay soo daba galeen Camar iyagoo cabsi gelinaya Zeynaba ilaa ay kaga soo dhowaadeen.
Camar ayaa soo baxsaday fallaartiisa, isagoo leh "Wallaahi ruuxii xaggeyga u soo dhowaada
waxaan qoorta kaga ganayaa fallaarta", wuxuuna aad u yiqiinay fallaar ganidda. Abuu-Sufyaan
Binu Xarbi ayaa soo aaday xagga Camar, wuxuuna ku yiri "Adeer naga leexi fallaartaada ilaa aan
kaala hadalno". Camar wuu ka yeelay. Abul-Caas ayaa Camar ku yiri "Camaroow kuma saxsanid
falka aad sameynayso, waxaad waddaa iyadoo dadkoo dhan ku arkayaan Zeynaba, waadna ogtahay
Carab khasaarihii kaga soo gaaray Muxammad, haddii aad kaxeyso gabadha qabaa’ilka carab oo
dhan waxay nagu sheegayaan inaan fuley nahay, waxayna nagu tilmaamayaan dulli iyo wax ma
garato, ee ka waran haddii aad u celiso gabadhaan gurigeeda, ilaa ay ka iloobaan dadka oo markaas
si sir ah aad u kaxeysatid, markaasna aad u geysid aabaheed, waayoo wax dan ah aan ka leenahay
heynteeda ayaan jirin".
Camar sidaas ayuu raalli ku noqday, wuxuuna Zeynaba u celiyay Makka.
Muddo yar ka dibna wuxuu sameeyay sidii uu Abuu Sufyaan u sheegay, oo wuxuu soo kaxeeyay
Zeynaba, wuxuuna gacanta u geliyay ergadii sugeysay. Abul-Caas wuxuu intaa ka dib iska joogay
magaalada Makka ilaa ay ka soo dhowaatay furashadii Makka. Abul-Caas sidii ay caadadiisu ahayd
wuxuu si ganacsi ahaan u soo qabatimay Shaam, markii uu soo dhammeystay dantii ganacsi, ayaa
wuxuu u soo anbabaxay inuu u soo laabto magaaladii Makka.
Abul-Caas isagoo wata safar gaaraya
ilaa 100 halaad, ayna waheliyaan shaqaalihiisii dhamaa ilaa 170 nin ayaa waxaa u soo anbabaxay
ilaalo ka mid ahaa ilaaladii Rasuulka (scw) oo aan markaa ka fogeyn magaalada Maddiina. Safarkii
way qabsadeen, ragiina way qafaasheen. Hase yeeshee Abul-Caas wuu ka badbaaday oo lama qaban
isaga. Markii la gaaray habeenkii ayaa Abul-Caas soo galay magaalada Maddiina isagoo cabsanaya.
Wuxuu u tagay xaaskiisii Zeynaba, isagoo weydiistay magangalyo. deedna way magangelisayKolkii
Rasuulka (scw) u soo baxay Salaaddii Fajar, xirtayna salaaddii isagoo takbiirsaday, saxaabadiina ay
la takbiirsadeen, ayaa waxaa safka dumarka ka dhex qaylisay Zeynaba iyadoo Dumarka ka dhex
dhawaaqday Zetnaba iyadoo leh "Dadyahoow waxaan ahay Zeynaba Bintu Muxammad, waxaan
magangaliyay Abul-Caas ee idinkana magangaliya".
Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay Salaadda ayaa wuxuu u jileecay xaggaa iyo saxaabada isagoo leh "Ma maqasheen
wixii aan anigu maqlay?". Saxaabadii ayaa yiri "Haa, Rasuulkii Alloow". Intaa dabadeedna wuxuu
yiri Rasuulka "Allaha nafteyda ay gacantiisu ku jirtaan ku dhaartayee waxna kama ogi arrinkan, ilaa
aan ka maqlay wixii hadda aad maqlaysayn, Muslimiintana waxaa wax magangaliya kuwooda ugu
sokeeya", kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa "Wanaaji hoyga
Abul-Caas, waxaadna ogaataa in uusan xalaal kuu ahayn. Wax ka yar ka dib Rasuulka (scw) wuxuu
u yeeray ilaaladii soo qabqabtay raggii la socday Abul-Caas iyaga iyo maalkooda, wuxuuna ka
dalbay Saxaabada in ay wanaajiyaan, isla markasna u celiyaan maalkiisa iyo saafarkiisa, iyagoo xaq
u leh inay diidi karaan, waayoo waa wax ay xaq u leeyihiin.
Saxaabadii arrinkaas way ka ogalaadeen Rasuulka (scw), waxayna uyiraahdeen "Waan u celinaynaa maalkiisa" Abul-Caas
markii uu yimi isagoo doonaya inuu qaato maalkiisa ayaa qaar Saxaabada ka mid ahi ku yiraahdeen
"Abul-Caas wuxuu ku noqday magaalada Makka, wuxuuna siiyay dadkii amaanadii iyo maalkii ay
u dhiibteen, isagoo leh "Qureeshey ma jiraan qof aan helin maalkiisa.".. Waxay yiraahdeen maya,
Ilaahna ha kaa abaalmariyo. Abul-Caas ayaa yiri intaa ka dib "Haddaba haddii aan idiin guday
xuquuqdii aad igu laheedeen, waxaan qirayaa inuu Ilaah xaq yahay, Nebi Muxammadna yahay
Rasuulkii Alle soo diray, mana iga reebin inaan Muxammad agtiisa ku islaamo aan ahayn cabsida
aan ka cabsanayay inaad u qaadataan inaan maalkiina la caray ama boobay.. Lakiin markii aan idiin
soo celiyay maalkiina, aana madax banaanaadey ayaan Islaamay". Intaa ka dib Abul-Caas wuxuu
ku soo laabtay Rasuulka (scw), Rasuulkana wuxuu wanaajiyay marti gelintiisa, wuxuuna u celiyay
xaaskiisa, isagoo oran jiray "Abul-Caas wuu ii waramay runna wuu ii sheegay, wuu ila ballamay
wuuna oofiyay.