Madaxweyne Mooge: Muxuu kala Socdaa muranka xadeynta badda ee loo
gudbiyay Maxkamadda Sare ee Qaramada Midoobay ee Hague?
- Faalladii SomaliTalk.com | August 29, 2014
Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP maalintii shalay (August 28, 2014),
Soomaaliya waxay maalintii khamiista weydiisatay Maxkamadda Caalamiga ah ee
Qaramada Midoobay ee Hague in la calaamadeeyo xuduudda badda ee ay Soomaaliya la
wadaagto waddanka Kenya.
Sida warku sheegay, codsiga ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah
waxay ku sheegtay " in labada waddan ay isku afgaran-waayeen halka ay mareyso
xuduudda badda ee u dhaxeysa, ayadoo labada waddanba ay sheeganayaan dhul-badeed
isku mid ah".
Warkaan culus ee saameynta ku yeelan doona aayaha dambe ee dhul-badeedka
Soomaaliya, ayaa wuxuu durbaba sababay dareen diidmo ah oo ay ka muujiyeen
waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed. Waxayna aqoonyahannadu aad uga
digeen halista ka imaan karta arrinkaan haddii aan shacabka Soomaaliyeed iyo
Baarlamaankoodu go'aan degdeg ah oo diidmo ah kala hor imaannin.
Sidoo kale waxaa Agoosto 28, 2014 website-ka maxkamadda adduunka ee Hague
lagu daabacay
warsaxaafadeed ay maxkamaddu ku cadaynayso in Soomaaliya ay dacwaddaas ku
saabsan badda u soo gudbisey.
Warsaxaafadeedka ay daabacday Maxkaamdda Hague
Bil ka hor ayay aheyd markii SomaliTalk faafisay qoraal ay cinwaan uga dhigtay,
Qoraalkii Norway: Khiyaano Qaran oo Qayaxan,
waxayna ka digtay halista uu qoraalkaasi xambaarsanaa .
Madaxweynaha
DFKM marar badan wuxuu ku celceliyay inuusan u war haynin wax muran dhul-badeed
ah oo Soomaaliya kala dhaxeeya waddamo kale. Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu
munaasabado badan ka sheegay in aysan Soomaaliya cidna dacwo u qabin, ciddii
dacwo qabtaana ay dacwooto!
Waxaa haddaba isweydiin leh, madaxweynuhu wax ma kala socdaa dacwaddan loo
gudbiyay maxakamadda caalamiga ah ee Hague?
Sida ku cad
wareysiyo ay bixisay wasiiraddii hore ee Arrimaha dibadda iyo iskaashiga
caalamiga Fowsiyo X. Aadan, kuna cad warqaddii wasiirka Arrimaha dibadda iyo
dhiirrigelinta maalgashiga Dr. C/Raxmaan Bayle
uu u gudbiyay QM, waxaa cad inuu madaxweynuhu wax kala socdo hamuunta
horornimada ee ay Kenya ku hunguriyeynayso dhul-badeedka Soomaaliyeed.
Waxayna dad badani is weydiinayaan waxa ay ku dambeyn doonaan haddalada marin
habaabinta ah ee maalmahaan dambe uu caadeystay madaxweyne Xasan Shiikh. Horay
madaxweynuhu wuxuu u sheegay in qoraalkii ku saabsanaa xadeynta badda Soomaaliya
ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo ajnabi leh, laguna diyaariyay hanti
Soomaaliyeed iyo canshuurtii dalka. Halka dowladda Norway ay
qoraalkaas dhexdiisa ku caddeysay in 100%
kharashaadka ku baxay howshaas ay bixisay dowladda Norway, ayna qoraalka
diyaariyeen khubaro ka socotay, wasaaradaheeda: Arrimaha Dibadda, tan Batroolka
iyo hay'adda u qaabilsan naqshadeynta.
Kenya waxay muddo ku taamaysey - oo dadaal xusul duub ah u gashay - in ay marka
hore muran geliso dhul-badeedka Soomaaliya, markaasna hesho madax Soomaaliyeed
oo la ogol in dhul-badeed-ka Soomaaliya muran ku jiro, kaddibna ay markaas
maxkamad isla tagaan.
Sida laga war hayo dawladda Kenya waxay arrintan u tabaabul shanaysey muddo
dheer ayadoo hanti iyo aqoon farbadan gelisey sidii ay qiil ugu heli lahayd kuna
xalaalaysan lahayd dhul-badeedkaas ay muranka gelisey oo batroolku ceegaago.
Halka dalwadda Soomaaliya aysan wax tabaabaulsho arrintan u gelin, arrinkooduna
u muuqdo cidna uma maqna ceelna uma qodna.
SomaliTalk waxay aad uga degiseysaa, shacabka Soomaaliyeedna ku baraarujinaysa,
in ay ka hor yimaadaan tallaabadan ay qaadan DF ee Soomaaliya oo soohdimaha
dhulka Soomaaliya ku yeelan doonta raad aan laga soo kabsan. Waayo go'aanka ka
soo baxa Maxkamadda Hague haddii Kenya loo xakumo dhul-badeedka ay muranka
gelisey wuxuu go'aankaasi noqonayaa kama dambays.
Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ummadda Soomaaliyeed iyo hoggaankooda
(culimaa'udiin, oday dhaqameed, waxgaradka, siyaasiyiinta iwm) ay si aad ah uga
hor yimaadaan hagar daamada lala damacsan yahay.
- Warsaxaafadeedka Maxkamadda Hague:
http://www.icj-cij.org/docket/files/162/18360.pdf -
Somalia
institutes proceedings against Kenya with regard to “a dispute concerning
maritime delimitation in the Indian Ocean”
- Qoraalka AP:
http://hosted.ap.org/dynamic/stories/E/ EU_WORLD_COURT_SOMALIA_KENYA?
SITE=AP&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT&CTIME=2014-08-28-13-56-18
- from Abdirahman Beileh to UN:
http://www.un.org/depts/los/ clcs_new/submissions_files/
ken35_09/som_re_ken_2014_02_04.pdf
- Waraysiga wasiiradda:
https://www.youtube.com/watch?v=ZU9kGOcI9d4#t=1698
- Madaxweyne Xasan ma waxa uu Garab siinayaa Mr Simon
Njuguna si Badda Soomaaliya Qayb loogu Gooyo Kenya, horraanta 2015
- SOMALIA:
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/SOM.htm
- KENYA:
http://www.un.org/depts/los/ LEGISLATIONANDTREATIES/STATEFILES/KEN.htm
Faafin: SomaliTalk.com | August 29, 2014
|