Madaxweynaha Soomaaliya ma wuxuu u ololaynayaa in Badda Soomaaliya lagu soo
Koobo 12 mayl-badeed
Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2013
Warsaxaafadeed Maarso 15, 2013 uu shaciyey Xafiiska UN u qaabilsan
Soomaaliya oo muujinaya in dhaqaale Soomaaliya la siiyo uu ku xiran yahay inay
Soomaaliya ka tanaasusho xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
Wareegtadii Golahii Wasiiradii DFKMG October 11, 2011 ay Roadmapka kaga saareen EEZ oo
u muuqata inaysan
weli gaarin xafiiska Madaxweynaha DFS.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore waxa uu
magaalada London ka sheegay in dawladiisu ay diiwaan gelineyso waxa uu ugu
yeeray EEZ, isagoo aan soo hadal qaadin in Soomaaliya ay leedah sharci badeed oo
qeexaya Territorial Waters ama dhul-badeed gaaraya 200 mayl-badeed.
Cusmaan
Macallim Mukhtaar oo ah khabiir Soomaaliyeed ee Oil-ka ayaa madaxweynaha Dawladda
Federaalka Soomaaliya, Shiikh Xasan, oo bishii Febraayo 2013 ka qayb galay shir
lagu qabtay London, waxa uu weydiiyey su'aal la xiriirta badda Soomaaliyeed oo
la sheegay in Kenya Shidaal ka qodaynayso, waxana uu kaga jawaabey:
"Arrinta Oil-ka, annaga iyo Kenya waa run in beri dhaweyd ay dood badani ka dhacday. Haddaad
xasuusataan barnaamijkii Roadmap-ka ee lasameeyey waxaa ku jirtey in EEZ
(Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya) la xadeeyo. Dawladii Soomaaliya waxay
burburtay ayadoo processkii ugu jirta sidii ay u register-garayn lahayd ee ay u
sharciyayn lahayd EEZ (Exclusive Economic Zone-ka Soomaaliya), oo processkii
bilowday oo dhex marayo ayaa burburkii yimidey, intii ka damabseyna lagama
shaqaynin, annagu hadda markii aan nimid shaqadaas waa bilownay, nin khabiir ah
oo Soomaali ah ayaan dibadda ka keenay oo shaqadaas yaqaanno, softwares iyo
charts (shaxanno), iyo adduunyo wuxuu ubaahnaa ayaan samaynay, markaas dawladda
Soomaaliya mardhow waa register-garaynaysaa EEZ-ka. Kenya iyo anaga hadii uu
khilaaf naga dhexeeyeno caalamka sida uu ku kala baxo ayaan ku kala bixi doonaa.
Qawaaniin ayaa caalamku waxaas ka leeyahay. Qawaaniintaas ayaan isticmaali
doonaa."
Hadalkaas Madaxweynaha DFS Shiikh Xasan waa hadal ka khatarsan kii Dawladdii
hore ee bilowday xagal daacinta arrinta badda Soomaaliyeed. Waxana uu si cad uga
horo imanayaa qodobkii ay Roadmapka kaag saareen EEZ golahii wasiiradii hore,
isla markaasna waxa uu hordhac u noqon karaa in badda Soomaaliya lagu soo koobo
12 mayl badeed.
Hadalkii Shiikh Xasan ee ku saabsanaa Badda, ka daawo Video hoose, videoga uu
duubay TVga Universal, uuna sii faafiyey Saafifilsm. (FG: Linkigii hore waa ka
bedelay waxaana geliney link cusub)
Haddaba waxaa muhiim ah in madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) la
xasuusiyo arrimo dhawr ah:
1.
In madaxweynaha DFS loo sharraxo faraqa u dhexeeya EEZ iyo Territorial Waters
iyo raadka arrintaasi ay ku leedahay xornimada dhul iyo dhaqaale ee dalka. Waayo
wuxuu ku celceliyey EEZ isagoo aan marna xusin territorial Waters. Haddii
arrintaas afku ka boobay in uu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in Soomaaliya
leedahay sharci badeed oo lambarkiisu yahay Law No. 37 kuna saabsan Territorial
Waters (dhul-badeed). (Law No. 37 ee soo
baxay 1972)
2. In madaxweynaha DFS la xusuusiyo arrinta uu ka dhawaajiyey macnaheedu inay
tahay haddii uu sharciyeeyo EEZ oo ah 200 mayl-badeed in markaas dhulbadeedka
Soomaaliya (Territorial Waters) lagu soo koobayo 12 mayl-badeed. Taasna ay ku
dhumeyso xuquuqda 188 mayl-badeed oo badda Soomaaliyeed oo aan cidna loo raaci
doonin tacadiyadii iyo xad gudubkii laga geystey 21 sano ee xukun burburkii iyo dhaqaalo lunsigii
iyo suntii lagu duugey aan cidna loo raacdi doonin wixii ka shisheeye ama ka
durugsan 12 mayl ee xeebta.
3. In madaxweynaha DFS la xasuusiyo intii ka dambeysey burburkii in arrinta
badda laga shaqeeyey, oo laga qabtay laba hawlood: mid ah in la isku dayey in
badda Soomaaliyeed la dhaxal wareejiyo ayadoo la adeegsanao heshiis loogu magac
daray Is-faham, taas oo ah hawl aan dhammaan, damacii Kenyana weli socdo oo ay
shirkado shisheeye heshiis kula gashay aagga la olloga ah jasiiradaha Lama
Shaaqa oo ah gudaha Soomaaliya. Shaqada labaad ee laga qabtay waxay ahayd in shacabka
Soomaaliyeed oo kaashanaya baarlamaankii KMG ahaa ay ka hor tageen arrintaas.
Waxaana shacabka Soomaaliyeed ku adkaysteen Law No. 37, kaas oo la loodin
waayey.
4. In madaxweyanah DFS la xasuusiyo in qodobka uu cuskanayo ee ah EEZ in laga
saaray Roadmapkii kaddib markii shacabka Soomaaliyeed ka hor yimaadeen. Waxaana
haboon in xafiiska ra'iisul wasaare Shirdoon uu xafiiska madaxweynaha gaarsiiyo
wareegtadii 11-kii October 2011 ay soo saareen Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii
Kumeel gaarka ahayd ay ku go'aamiyeen in arrimaha badda ee EEZ laga saaro
dhammaan dokumentiyada Roadmapka.
Warsaxaafadeedkii ay xilligaas soo saareen Golahii wasiirada oo uu shir
guddoominayey C/weli Gaas, ayaa waxay arrintaas ka tiri sidan "Wasiirka
Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga
dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha
Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan
dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo
Roadmapka."
5. In madaxweynaha DFS la xasuusiyo in shacabka Soomaaliyeed u arkayaan in
hadal-kiisii London uu arar u noqon karo sallaankii lagu baabi'in laaha sharciga
Law No 37 ee badda Soomaaliyeed. Waayo, bal akhri warsaxaafadeedkii shalay
(Maarso 15, 2013) uu Xafiiska Qarammada Midoobey u qaabislan ka soo sareen
magaalada Addis Ababa.
Warsaxaafadeed uu Maarso 15, 2013 faafiyey xafiiska Qaramadoobey u
qaabilsan Soomaaliya ee loosoo gaabiyey UNPOS, ayaa tibaaxay sidan: "Waxaan
u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya
arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii
sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982.Waxaana
garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran
iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha.
Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada
Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan."
Lama hubo cidda warkaas tiri waayo warsaxaafadeedku ma lahan cid
saxiixday, laakiin hordhaciisa waxaa ku xusan sidan "Xubno ka socdey Guddiga
la Xiriirka Arimaha Soomaaliyeed ee qaabilsan ka hortaga burcad badeedda
(waa geedi socodkii Kambaala) kana kooban Dowladda Federaalka
Soomaaliyeed, Puntland, Galmudug iyo Somaliland ayaa ku kulmay Addis
Ababa inta u dhaxeysay 12-14 Maarso 2013, si ay u soo saaraan Qabyo Qoraal
khuseeya habkii la isu kaashanayo. Shirka waxaa marti galyey UNPOS, UNODC,
IMO, FOA oo ay taageerayaa xafiiska lagu magacaabo (Oceans Beyond Piracy –
badaha ka shisheeya goobaha Burcad Badeedda)."
Waxaa cajiib ah warsaxaafaeedka marka laga soo tago muran gelinta xeerka badda
Soomaaliyeed, in la raaciyey hadal muujinaya in dhaqaale Soomaaliya la siiyo uu
ku xiran yahay inay ka tanaasulaan xeerka Law No. 37. bal u fiirso hadalkaas (Waxaana
garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo
kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha.)
6. Haddaba waxaa muhiim ah in madaxweynaha DFS laga codsado haddii uusan
awoodi karin in uu xoojiyo xeerkii badda Soomaaliy Law No. 37 ee 1972, ee
dhigayey in badda Soomaaliya Territorial Waters uu yahay 200 mayl-badeed, haddii
aan xukuumadiisu taas awoodin, in markaas uu caalamka u sheego in xeerkaas ka
hadalkiisu uu dib ugu dhigay madaxweynaha isaga xigi doona. Shacabka
Soomaaliyeedna uu sheego in meeshii ay dhaqaale helid ku bedel lahaayeen badda
oo la waayo in ay shacabku u jeestaan sidii ay isugu fillaan lahaayeen, gaar
ahaan khayraadka badda u adeegsan lahaayeen, ugana manaafacaadi lahaayeen
kalluunka iyo khayraadka kale ee Allah ku manaysay.
Dalka
Territorial Sea
Sharciga (Law)
Taariikhda
Peru
200 nm
Supreme Decree
Aug. 1, 1947
Somalia
200 nm
Law No. 37
Sept. 10, 1972
Dalka Peru si aan muran loo gelin dhul badeedkiisa, ama madaxda dawladdu ugu
gacan bannaanaan wax ka bedellida xad-badeedkaas, waxay cabbirka dhul
badeedkooda ku qoreen Dastuurka. Waxaana Axdiga Qaranka Peru ku cad in
Territorial Waters soo hoos geliya dhulkooda xorta ah uu yahay 200 mayl-badeed.
Qodobka Dastuurka Peru ee arrintaas qeexaya waa qodobka Article 54aad.
Qodobkaas oo dhul-badeedkooda (maritime dominion) ku xadaynaya meel xeebta ka
durugsan 200 mayl-badeed. (Tixraac
Dastuurka Peru).
Haddaba, maxaa Dawladda Soomaaliyeed, xukuumadeeda iyo baarlamaankeeda, sida
Peru, ka hor taagan in ay dastuurka dalka ku qoraan in dhulbadeedka Soomaaliya
1972 ilaa 2009 uu ahaa 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL WATERS. Wixii 2009 ka
dambeeyana ay doonayaan inay gaarsiiyaan 350 mayl-badeed (648 km).
Waayo maxaa loo kordhinayaa: Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha
waxa uu si qeexan u sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha
si loogu kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay
cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah.
Golaha baarlamaanka DFS waxaa la gudboon in ay arrintaas xeer qeexaya oo ku
qoran dastuurka ka soo saaraan.
Dawlad waxay ka tarjumtaa shacabkeeda. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku
baraarugeen jiritaanka xeerkii badda Soomaaliyeed ee
Law No. 37 ee soo
baxay 1972, waxayna ka soo horjeesteen in la baab'iyo, ayagoo taas ka diidey
Xukuumadii hore ee Kumeelgaarka ahaa. Waxaa muhiim ah Dawladda Cusub fahamto
cidda ay meteshaa in ay yihiin danaha Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed sidii looga bartay waxaa la gudboon in ay Xukuumadda
Shirdoon, baarlamaanka Jawaari iyo Dawadda Shiikh Xasan emailada hoose kala
xiriiraan xafiisyadooda ayagoo u muujinaya dareenkooda ku aadan Badda
Soomaaliyeed ee Sharciga Law No. 37.
Xafiis
Email
Telefoon
Xafiiska Madaxweynaha
media@presidency.gov.so
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
media@opm.gov.so
25265536608
+252 (0) 616 440 028
Xafiiska Baarlamaanka
Lagama hayo email
lagala xiriiro baarlamaanka
Lagama hayo telefoon
lagala xiriiro baarlamaanka
Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2012
Dawladdii Soomaaliya ayaa 10kii September 1972 Muqdisho ka soo saartay
sharciga Law No. 37, kaas oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya in uu yahay
Territorial Sea , kaas oo xoojinaya sharcigii Soomaaliya ay hore u soo
saartay 1967 oo Badda Soomaaliya ku xadaynayay 200 mayl-badeed oo ah
(TERRITORIAL SEA).
Sharcigaas halkan kaakhri