Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKMG:
Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Xafladda Shirweynaha Oday
Dhaqameedka Soomaaliyeed
Muqdisho 5ta May 2012 Mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaanada sharafta leh,
Oday-Dhaqameedka Soomaaliyeed
Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida
Kooxaha fanaaniinta soomaaliyeed
Kooxda Muusikada Baanbeyda
Bahda Saxaafadda
Iyo Dhammaan marti sharafta ka soo qeybgashay xafladan
Dhammaantiin A Salaamu Aleykum Warahmatullah, Maanta waa maalin taariikhi ah oo aan rabno inaan isbedel cusub oo rasmi ah uu
dalka ka dhaco. Waa markii ugu horreysey taariikhda oo aan Oday-Dhaqameedkii
Soomaaliyeed ee soo jireeenka ahaa ay isagu yimaadaan dalka gudihiisa iyagoo ka
wakiil ah bulshada. Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed waa kuwa kaliya ee leh
sharciyadda shacabka. Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad weyn oo la doonayo inay
soo xulaan Ergadii Soomaaliyeed ee Ansaxinta Dastuurka iyo soo xulidda
Xildhibaanada cusub. Odayaashu waxey maanta joogaan dalkoodii hooyo gaar ahaan
caasimadii dalka oo looga fadhiyo inay si soomaalinimo ah oo daacad ah ay u soo
xulaan dadkii u qalmay ee waddanka ka saari lahaa marxaladda adag ee uu marayo. Waxaan hadda joognaa marxalad aad iyo aad u fiican oo aan dalka gudihiisa ku
qabsan karno shirarka lagu go’aaminayo masiirka dalka. Dhammaan shacabka
Soomaaliyeed waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah ee la doonayo in Oday Dhaqameedka
Soomaaliyeed taageero iyo garab buuxa lagu siiyo howlaha muhiimka ah ee ay
maalmaha soo socda fulinayaan. September 6deedii bey aheyd markii madaxda Soomaaliyeed ay wada saxiixeen
Heshiiskii Roadmap ka. Waxeyna aheyd markii ugu horreysey ay Soomaali dalka
gudihiisa isagu timaado oo muddo kooban ay go’aanno dhaxal gal ah isla gaaraan.
Tani waxey aheyd bilowgii wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxey
aheyd arrin Soomaali isagu timid, Soomaali wax isku raacday oo hoggaan
Soomaalinimo la helay. Waxaa farxad weyn ah inaan maanta Muqdisho isagu nimid si aan u soo afjarno
xilliga kala guurka ah oo bisha August aan yeelano dastuur iyo baarlamaan tayo
leh si ay u soo doortaan Madaxdii Qaranka. Waxaan rabnaa Dowlad Rasmi ah oo
Soomaaliyeed inay halkaas ka dhalato. Muddo 21 sano ah Soomaaliya ma yeelan dowlad taam ah. 12kii sano ee ugu
danbeeyey waxaan ku jirnay KMG oo noo diiday inaan aayahayaga si dhameystiran
uga tashano oo aan heshiisyo toos ah (bi-lateral) ula galno dalalka aan
saaxiibada nahay. Si haddaba loo helo Dowlad Rasmi ah oo ay shacabku xaq u
leeyihiin waxaa muhiim ah inaan yeelano dastuur oo bedela Axdiga Qaranka. 8 sano
ka hor ayaa lagu heshiiyey in Axdiga uu sii jiro 2sano iyo bar oo la soo
dhameystiro dastuur. Baarlamaanku waxuu si joogta ah ula xisaabtamayey
Xukuumadihii hore oo uu dalbanayey in la soo dhameystiro dastuurka Sidaas ayuu
baarlamaanku marwalba u siinayey muhiimadda in laga baxo KMG oo la helo dowlad
rasmi ah. Waxaa nasiib wanaag ah in aan maanta mareyno marxalad ay noo muuqato
rajadii iyo ka dhabeyntii soo afjaridda xilliga KMG ah. Xukuumaddu waxey mudnaanta siisay sidii lagu heli lahaa dariiqad ama hab loo
dhameystiro howlaha muhiimka ah ee na wada sugayey, taas oo keentay in 6dii
September aan wada saxiixano Heshiiskii Roadmap-ka oo noo sahlay inaan ku
taagnaano dariiqada saxda ah innagoo isla xisaabtan, wadajir iyo midnimo la
imaanay oo noo suurtogelisay inaan maanta halkan isagu nimaadno si aan u
ansaxino dastuurka oo aan u soo xulano baarlamaan cusub. 8dii bilood ee u danbeysey waxaan ku guuleysanay arrimaha amniga, xiriirka
maamulada iyo dowladda dhexe, dhameystirka Qabyo Qoraalka iyo maamul wanaaga oo
ahaa qodobadii lagu heshiiyey Roadmap-ka. Waxaan mudnaan gaar ah siinay arrimaha
soo dhameystirka Qabyo-Qoraalka oo aan Guddiga Madaxa-bannaan ee Dastuurka aan
ku kaabnay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh arrimaha dastuurka
iyo shareecada islaamka oo 8dii bilood u danbeeyey si wada jir ah uga wada
shaqeynayey soo dhameystirka arrimaha Dastuurka. Waxaan ku faraxsanahay in
labadan guddi ay na soo gaarsiiyey nuqulkii qabyo-qoraalka dastuurka 20kii April
2012 oo ahaa waqtigii loo qabtay inay ku soo dhameystiraan. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo maanta diyaar u
ah isbedel dhab ah in la sameeyo oo la helo dowlad Rasmi ah oo aayaheena
matasha. Qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo
Sunnada Nabigeena Muxamed (NNK). Soomaaliya waa dal Islaam ah diinta Dowladdana
waa Islaamka. Diin aan aheyn Diinta Islaamka laguma faafin karo dalka. Qabyo
qoraalka dastuurka weli waxaa fursado lagu sameyn karo waxii isbedel ah ee loo
arko. Waxaa kale oo xusid mudan in Ergeda Ansixinta Dastuurka ay si KMG ah u
ansaxin doonaan dastuurka si dowladda Rasmiga ah ay u sii isticmaasho inta
dowladdaas ay la tashiyo ballaaran la sameyn doonto shacabka isla markaana
dastuurka uu ku ansixi karo oo kaliya marka Afti dadweyne la qaado oo shaqsi
walba uu fursad u heli doono uu ku coddeeyo. 23kii May 1960kii 110 Ergo Soomaaliyeed ayaa ka dooday qabyo-qoraalkii dastuurka
isla markaana si KMG ah u ansaxiyey bishii June 1960. Ugu danbeyntiina afti loo
qaaday 1961kii. Maantana waxaan u xuli doonaa Ergo Soomaaliyeed oo ka kooban 825
si ay u ansixiyaan dastuurka. Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in maalmaha soo socda ay la
tashiyo baahsan la sameeyaan beelahooda oo ay gaaraan dhammaan shacabka
Soomaaliyeed si ay u soo xulaan shaqsiyaad buuxin kara dhammaan shuruudaha laga
rabo sida inuu yahay shaqsi sumcad ku dhex leh bulshada oo aan horey dambi uga
gelin shacabka, isla markaana uu yahay shaqsi matali kara Qaranka oo danta guud
ka horimarin kara tan gaarka ah. Waa mas’uuliyad culus oo shacabku ay isha
idinku wada hayaan. Kalsoonida shacabkana waxaan ku heli karnaa marka aad soo
xushaan shaqsiyaad Qaranka matali kara. Maanta waxaan heysanaa fursad qaali ah oo dahabi ah oo aan inta noo dhiman ku
dhameystiri karno si Soomaalinimo, waddaninimo iyo midnimo. Muddadii 10ka bilood ee aan soo dhaafnay waxaan ku guuleysanay inaan Muqdisho,
Beledweyn, Baydhabo, Hudur, Gedo, iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka iyo goboladda
dhexe aan ka saarno Al-Shabaab iyo Al-Qaeda. Dadaaladan waa kuwa ay noo keeneen
geesiyaasha ciidamada Soomaalida iyo kuwa aan wallaalaha nahay ee Afrikaanka ah.
Waxaan halkan rabaa inaan u mahadceliyo geesiyaasha ciidanka qalabka sida ee
Soomaaliyeed oo difaac adag iyo heegan joogta ah kujira oo maanta dagaal kula
jira kooxaha nabad diidka ah ee hortaagan shacabka soomaaliyeed inay aayahooda
ka tashadaan. Dowladda waxaa ka go’an in guulahaas la taaban karo la sii wado oo
shacabka ay helaan amni waara oo ay nolol maalmeedkooda ku raadsadaan. Waa in
dhammaan shacabka soomaaliyeed ay nagala qeybqaataan halgankan aan ku soo
ceshaneyno sharaftii, karaamadii iyo qaranimadii dalka. Ugu danbeyntii waxaan kula dar-daarmayaa Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed inay la
yimaadaan adkeysi, dulqaad, iyo samir oo ay maskaxda ku hayaan in shacabka
Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ay indhaha ku hayaan sida ay u soo xulaan
shaqsiyaad u qalma inay ka mid noqdaan Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo
Baarlamaanka cusub oo karti iyo hufnaan u leh inay dalka marxaladdan ka saaraan
oo ay ummadda ugu horseedaan nabad, barwaaqo iyo horumar. Waxaan beesha caalamka
ka codsaneynaa inay taageeradooda joogtada ah waqtigan xasaasiga ah sii
kordhiyaan si aan u dhameystirno inta yar ee noo wada hartay. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaashii xafladdan quruxda badan ee aan
ku dhigeyno caasimadii Muqdisho iyo dhammaan ka soo qeybgalayaasha oo ay ugu
horreeyaan Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed. Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaah Wabarakaatuh. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2012
|